25.7 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Burcad badeeda Somalia oo afduubtay markab ay leedahay Kuuriyada Woqooyi

Muqdisho (Caasimadda Online) – Burcad Badeedda Soomaaliya ayaa bilaabay inay markaan af duubtaan Markab laga leeyahay dalka Kuuriyada Woqooyi oo ah wadan Militari ahaan awood buuxda leh, iyadoo la ogyahay inay midaas saameyn ku yeelan karto burcad Badeeda.

Ciidamada Milatariga Kuuriyadda Waqooyi ayaa waxa ay xaqiijiyeen in Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ay kasoo Afduubteen Meel ka baxsan Biyaha Soomaaliya dooni Kalluumeysi oo laga leeyahay dalkaasi.

Wasaaradda Difaaca dalka Kuuriyadda Waqooyi ayaa sheegtay in doonidaasi ay saarnaayeen Shaqaalo u dhashay dalkaasi iyo sidoo kale shaqaale kale oo u dhashay Qaar ka mid ah dalalka Qaaradda Asia.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Badda dowladda kuuriyadda Waqooyi ayaa wadda dadaallo xooggan oo ay ku doonayaan in ay kusoo Furtaan doonidaasi ay soo Afduubteen Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.

Dowladda Kuuriyadda Waqooyi ayaa xustay in ay aaminsan tahay in doonidaasi lala soo aaday xeebaha Soomaaliya ,maadaama ay ka luntay qadkii lagula socday.

Kal hore Ayay aheed markii Markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Iiraan ay afduub ugeesteen kooxaha burcadbadeeda somalida ah Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa  xaqiijisay in uu gacanta u galay kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida

Afduubkaasi ayaa ka dhacay xeebaha degaanada maamulka Puntland, waxaana kooxaha burcadbadeeda Markabkaasi ay la aadeen dhanka degaanka Gardafuu ee gobolka Bari.

Sanadkaan oo keliya, burcadda waxaa ay afduubteen 3 markab oo kale, laakin dhammaan waa laga soo celiyay.

Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobey Bishii November ayaa lagu sheegay in Saddex sano lagu guuleystay in aysan Afduub geysan Kooxaha Burcadbadeeda.

Ilaa hadda Dowladda Soomaaliya kama aysan hadli afduubka cusub ee lagula kacay markabkaan laga leeyahay dalka Woqooyiga

 

Somaliland oo imaaraadka u fasaxday inay saldhigga Berbera ka sameyso arrin dhibaato weyn ku noqon doonto Somalia

Hargeysa (Caasimadda Online)- Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la rajeenayaa in diyaaradaheeda dagaalka ay sida ugu dhaqsiyaha uga howlgalaan saldhigga cusub oo ay ka sameysatay Berbera, waxaana amar kasoo baxay sarkaal sare oo Somaliland ka tirsan lagu sheegay inay Imaaraadka fasax u yihiin inay howgalkooda sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan.

Sacad Cali Shire oo ah wasiirka Arrimah Dibadda Somaliland ayaa ka hadlay arrinta ku aadan saldhigga Berbera iyo waqtiga ay tahay inay howgalkooda weerarada ah ka qaadaan.

Wuxuu tilmaamay Wasiirka in Imaaraadka Carabta ay saldhigga Berbera u isticmaali karaan qaab kasta oo ay doonayaan haddii ay ahaan laheyd howgalo Militari, Tababaro iyo ilaalinta Badda iyadoo ay xusid mudan tahay in Berbera ay 250 KM u jirta koofurta Yemen, halkaasoo isbaheysiga uu hoggaaminayo Sacuudiga oo ay ku jirto Imaaraadka Carabta dagaalo kula jiraan Jabhadda Xuutiyiinta.

Maraakiibta Dagaalka Imaaraadka Carabta ayaa aad igu soo dhawaaday biyaha Dakadda Berbera inkastoo saldhigga uu weli ku socdo dhismo, waxaana lagu wareejiyey shirkadda DP World oo laga leeyahay dalka isu tagga imaaraadka Carabta.

Wasiirka oo wareysi Xasaasi ah siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee VOA, ayaa si weyn u difaacay go’aanka Imaaraadka lagu siiyey Saldhigga Berbera, waxaana arrintaas kulan gacmaha la isugu tagay ku ansixiyey golaha Baarlamaanka Somaliland.

Mr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in uusan aaminsaneyn in saldhiga milateri ee Imaaraadka ka isticmaalayo Berbera uu khilaaf ka abuuri karo gobolka, waxaa uu tilmaamay in horay Imaaraadku saldhig milateri ugu lahaayeen Dekeda Casab ee dalka Eritrea, taasna aanay wax khilaaf ah ku keenin Gobolka.

Dadka Falanqeeyo Siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in go’aanka Saldhigga Berbera ee Imaaraadka uu keeni doono isku dhac iyo khilaaf ka bilowdo Soomaaliya, Xilli Xuutiyiinta Yeman ay ku hanjabeen inay weeraro ka geysan doonaan Soomaaliya haddii ay duqeyn kala kulmaan Saldhigga Berbera.

Axmed Madoobe oo weerar dadban ku qaaday DF (Muxuu yiri?)

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in DFS ay ka talaabeyso nidaamkii lagu balamay in dib loogu soo celsho hay’adaha dowlada.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in DFS looga baahan yahay inay ka fiirsato talaabooyinka ay dooneyso inay kusoo celiso Hay’adaha dowlada ee aan qaarkood wali loogu sameyn dib u shaqeysiinta.

Waxa uu tilmaamay in DFS ay dooneyso in muddo kooban ay kusoo nooleyso dhammaan sharciyada ay ku shaqeyn jireen Hay’adaha dalka, waxa uuna talaabadaasi ku sheegay mid sii carqaladeyn doonta nidaamka bilowga ah ee loo maraayo dib usoo nooleynta Hay’adahaasi.

”Waxaa jira Hay’ado dhowr ah oo aan u dhisneyn DFS balse u dhisan maamul Goboleedka, haddii la yiraahdo waxaa si degdeg ah lagu soo celinayaa Hay’adahaasi waxaa ka dhalankara dhibaatooyin dhowr ah”

”Waxaan ku baaqayaa in DFS ay adeegsato maskax ka duwan tan ay hadda ku shaqeyneyso, waxaa wakhti badan qaadan kara in Hay’adahaasi ay sida KMG ah ugu shaqeeyan maamul Goboleedyada si dhaqsi ah loogu wareejiyo dowlada”

Axmed Madoobe waxa uu soo hadalqaaday talaabada ay DFS ku carqaladeyneyso heshiis dhawaan lagu gaara Jaziirada siishalis, kaa oo xal looga gaaray Kaluumeysiga.

Madoobe waxa uu sheegay inay jiraan cadeymo muujinaaya in shirkii ka dhacay Jaziirada siishalis xal looga gaaray barnaamijka Kaluumeysiga balse DFS ay beenisay Heshiiskaasi kuna tilmaantay mid fashilmay.

Waxa uu ka taliyay in DFS aysan hor istaagin heshiisyada ay goobjooga ka tahay, balse ay la gudboon tahay inay dalbato dib ugu laabashada Heshiiska ka hor inta aysan ka been sheegin xaqiiqda.

Tani ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya uu dafiray Heshiiska Jaziirada siishalis.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Diyaaradda Turkish Airline oo maalintii 3-aad Muqdisho kasoo dagi la’ (Sabab?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradda Turkish Airline ayaa lagu soo waramayaa inay maalintii seddexaad kasoo dagi la’dahay garoonka diyaaradaha Adan Cadde Airport ee magaalada Muqdisho.

Maalintii Khamiista ilaa maanta oo sabti ah ayay marar badan isku dayday inay kasoo degto garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, balse ma aysan suurogalin sida ilo xog ogaal ah Caasimada Online ay u sheegeen.

Diyaaradda ayaa la sheegayaa in sababo la xiriira hawada iyo dabeylo ay ugu dagi weysay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana ay dib ugu laabatay dalal kale oo ay sii aadi laheyd.

Khamiistii Diyaarada oo kusoo dagi weysay garoonka Muqdisho ayaa ku laabatay dalka Jabuuti, waxaana markii dambe ay dib ugu laabtay magaalada Istanbul maadaama rakaabka ay waday buux dhaafiyeen hoteelada magaalada Jabuuti.

Shalay oo jimco ahayd ayay rakaabkii lagu celiyay Istanbul loosoo kireeyay labo diyaaradood oo gaar ahaa, waxaana markii markale ay ku dagan waayeen garoonka rakaabka loo waday Mombasa iyo Jabuuti halkaasi oo la dajiyay.

Haddana saaka ayay labada diyaaradood ee Turkish Airline waxay kasoo duuleen Mombasa iyo Jabuuti, balse nasiib daro waxay kasoo dagi waayeen Muqdisho, waxayna dib ugu laabteen magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Labo diyaraadood oo kala ah Jubba iyo Daalo ayaa si caadi ah kaga soo dagay garoonka, balse Diyaaradda Turkish Air ayaa la sheegay inay shirci ahaan Mamnuu ka tahay inay ku dagto goob dabeylo ay ka jiraan, waxayna ku degtaa cabir u gaar ah oo dabeysha la xiriira.

Diyaaradaha ayaa inta badan soo dul mara badda, waxaana ay sababtay in shaqaalaha Turkish Air ay ka biyo diidaan inay Muqdisho soo dul maraan kadibna ay soo dagtaan, sababo amaan iyo amar hore oo aysan u qabin darteed, waxaana rakaabka saaran ay rafaadsan yihiin muddo seddex maalin ah.

Xog: Farmaajo oo xil muhiim ah la baadi goobaya Cabdikariin Guuleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu ku howlan yahay diyaarinta Safiiro dhowr ah oo lagu bedeli doono kuwii hore.

Madaxweynaha ayaa diirada saaraya dhowr Safaaradood oo muhiim u ah DFS, kuwaa oo loo magacaabi doono Siyaasiyiin hore iyo kuwo cusub.

Safiiradii hore oo ay magacawday dowladii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale weyn doona xilalka ay u hayaan Qaranka, kuwaa oo lagu jiheyn doono shaqooyin kale.

Ilo wareed ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha DFS ayaa xaqiijiyay in Farmaajo uu dhawaan Safiir u magacaabi doono Hogaamiyihii hore maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Gulleed.

Qorshaha Farmaajo ayaa ah in Guuleed uu u magacaabo Safiirka Somalia ee Turkiga, iyadoo la hirgalinaayo dalab kaga imaaday dhanka Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

C/kariin Guuleed ayaa ujeedka ugu weyn ee loo magacaabayo lagu sheegay in dalka Turkiga uu ku ilaashado caafimaadkiisa, maadama xiriir joogta ah uu la sameynaayo dhakhaatiirta wadnaha, waxa uuna sidaa kusii matali doonaa DFS.

Guuleed ayaa horay ugu soo fashilmay xilal kala duwan oo ahmiyad gaara u lahaa DFS, waxaana iminka mar kale lagu tijaabinayaa xilka Safiirnimo.

Ma cadda baahida Madaxweynaha ku dhalisay in xiligaani xil sidaa u weyn uu u magacaabo mas’uulkaani ka tirsan garabka Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sheekh Shariif oo ka hadlay arrimo muhiim ah oo ku dhaqankeeda laga doonaayo DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay bilashada Bisha ramadaan.

Sheekh Shariif ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bisha Barakeysan ee Ramadaan ee maanta kowda ah.

Sheekh Shariif waxa uu tilmaamay in Umadda Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ku heshiiyan bisha barakeysan waxa uuna cadeeyay inay mudan tahay in alle laga dalbado inuu ka dulqaado fidnada iyo amni darada ragaadisay dalka.

”Waxaa la doonayaa inaan la noqon qof iska soomay oo kaliya, waxaa la rabaa in qof waliba xiliyada afurka uu alle weydiisto in dalkiisa iyo dadkiisa uu ka dulqaado dhibta heysata”

”Waxaa muhiim ah in mudada lagu guda jiro bisha ramadaan alle la weydiisto wixii wanaag ah si uu uga reebo waxyaabaha aan wanaagsaneyn”

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa Shacabka Somaaliyeed ugu baaqay in ay Nabada ka Shaqeeyaan isla markaana dowladdooda taageeraan.

Dhinaca kale, Sheekh Shariif ayaa madaxda dalka ku booriyay in qudhooda ay alle ka cabsadaan isla markaana u diirnaxaan dadka iyo dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muxuu madaxweyne Farmaajo kala soo kulmay safarkiisii magaalada DOXA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo gabagabeeyay booqashadii uu ku joogay dalka Qatar, intii uu halkaasi joogay waxaa uu la kulmay  Amiirka Dalka Qatar  Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, ninka dambe  ayaa ballan qaaday inay Dowladdiisu ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada dhaqaalaha, dib u dhiska iyo howlaha horumarinta Waddanka.

Inta uu Qatar joogay madaxweynaha waxaa uu wareysi siiyay wargeyska Alsharq-awsat oo ah wargeys Sacuudiyaan ah oo fadhigiisu yahay London, Farmaajo waxaa uu ka hadlay awoodda dowladdiisa la dagaalka waxa uu ugu yeeray argigixisada, waxaa kale uu dowladda Sacuudiga ku amaanay doorka ay ka qaadaneyso arrimaha Soomaaliya, isaga sheegay in ay ka wada hadleen ladagaalanka argagixisada, dib u dhiska Ciidamada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo kabida Miisaaniyada Dowladda

Madaxweynaha waxaa uu la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qatar iyada oo halkaas la iskaga dhageystay qorshaha dowladda, waxaa kale ee madaxweynaha uu booqday masjidka Sheekh Cabdirashid Sheekh Cali Suufi halkaas uu Sheekha umadda u duceeyay.

Dhinaca kale, wafdiga Wasiirrada ah ee la socday madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la kulmay dhiggooda Dalka Qatar, waxayna ka wada hadleen sidii iskaashi buuxa ay u yeelan lahaayeen Wasaaradaha ay kala matalaan ee Labada Waddan.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/rashiid Maxamed C/laahi ayaa la kulmay dhiggiisa Dalka Qatar Khalid bin Mohammad Al Attiyah.

Mudane C/rashiid Maxamed ayaa ka sheekeeyay baahida ay u qabto Soomaaliya dib u dhiska Ciidanka, qalabka iyo xagga tababarrada intuba.

Wuxuuna dhigiisa Dalka Qatar Mr; Al-Attiyah ballan qaaday inay kasoo dhalaali doonaan doorka kaga aaddan caawinta iyo taageerada guud ee ay u fidinayaan walaalahooda Soomaaliya.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa isagana la kulmay dhigiisa Dalka Qatar Dr; Saleh Al-Nabi.

Waxanay isla meel dhigeen wasiirradu sidii laysaga kaashan lahaa dhinacyada dhaqaalaha iyo maal gashiga, si ay loo kobciyo wax soo saarka ay Soomaaliya qaniga ku tahay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar ayaa isna kulan kaas la mid ah la qaatay dhiggiisa Qatar Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani.

Waxanay sidoo kale ka wada hadleen sidii loo dardar gelin lahaa howlaha horumarinta Dalka Soomaaliya iyo fulinta mashaariic uu ballan qaaday Amiirka Dalkaasi.

Wafdiga Madaxweynaha oo booqasho Laba Cisho ah ku joogay Waddanka Qatar ayaa la filayaa iney Dalka dib ugu soo laabtaan Maanta oo jimco ah.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa waxaa ay Qatar ka soo tageen galabtii jimcaha, waxaana garoonka Hamad International Airport  ku soo sagootiyay wasiirka qorsheynta dalka Qatar Dr Saleh Mohamed Salem al-Nabit iyo safiirka Soomaalida ee  Qatar, Omar Sheikh Ali Idris.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Turkiga oo boqolaal ciidan usoo diraya Somalia iyo qorshe cusub oo jira

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda turkiga ayaa shaacisay in  300 askari oo ka tirsan millateriga oo isugu jira tababarayaal iyo ciidamo si gaar ah u tababaran ay u soo dirayaan magaaladda Muqdisho bisha August ee sanadkan

Safiirka dowladda Turkiga u  fadhiya Magaaladda Muqdisho Olgan Bekar oo waraysi siiyay Jariida Daily sabax ee ka soo baxda Turkiga, ayaa sheegay in bisha september si rasmi ah loo furi saldhiga milateriga ee ay ka hirgaliyeen duleedka caasimadda Muqdisho, islamarkaana la bilaabi doono tababarada la siinay ciidamadda Soomaalida ah.

Wuxuu sheegay in turkigu doonayo in caawiyo dowladda Soomaaliyeed si ay dib ugu soo celiso awoodii dowladnimo iyo kala dambayntii iyo isxukunkii.

” 300 boqol oo askari ayaa imaanaya bisha August oo isugu jira 100 tababare iyo 200 askari oo ilaalin doono saldhiga milateri ee muqdisho oo haatan gabo-gabo ku dhow” ayuu yiri , wuxuu kaloo sheegay in ay tababari doonaan Saraakiisha Ciidamadda Soomaalida ee milateriga iyo sidoo kale ciidamada gaarka ah.

Gabagabadii, Dowladda Turkigu waxay magaaladda muqdisho ka dhistay saldhigi ugu weyn ee milateri oo meel ka baxsan wadankeeda ka dhisto, waxaana la filayaa in lagu tababaro ilaa 3000 askari oo Soomaali ah , kuwasoo ka kala imaanay dhammaan goboladda Dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Video: Intee la eg tahay kalsoonida uu Farmaajo ku qabo Kheyre

Doxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayey  ayaa Kulan balaadhan la qaatay Jaaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qadar   isaga oo uga warbixiyay xaaladaha uu dalku marayo  Iyo Waxyaabaha diirada lagu saaray Kulamadii dhex maray Dawladda Qadar.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Qadar  Cumar Idiris iyo Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed Cali Askar,  ayaa  Madaxwaynaha uga waramay Xaaladaha kala duwan ee Soomaalida ku dhaqan dalka Qadar.

Aqoonyahano iyo Ururda  Dhalinyarada  ayaa Madasha kusoo bandhigay  Waxyaabaha ay Bulshada Soomaaliyeed  u Qabteen,  iyadoona ay  Tallooyin kala duwan  Dawladda Soomaaliya u soo Jeediyeen,  Wuxuuna madaxwaynahu Balan qaaday in la Furi doono Xarun qaabilsan Xidhiidhka Jaaliyadaha.

Madaxwayne Farmaajo ayaa dhinaca kale ka hadlay sida uu ugu kalsoon yahay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo howsha uu shacabka u hayo.

Dhinaca kale Madaxwaynaha ayaa ka dhawaajiyey inuu soo magacaabay Raysalwasaare Howlkar ah, Wuxuuna sheegay in isaga Doorkiisu yahay inuu soo Bandhigo halka socdo, Islamarkaana Raysal wasaaraha iyo Xukuumadiisa looga Fadhiyo Siday halkaasi u gaadhi lahaayeen, aadna uu ugu kalsoon yahay.

Dil naxdin oo ka dhacay gobolka Mudug iyo shacabka oo hadal haya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dil ay ka naxeen shacabka Mudug uu gobolkaasi ka dhacay kadib markii hal mar la dilay labo wiil oo walaalo ahaa.

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Caliwaan ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay ku dileen deegaankaasi labo wiil oo walaalo ahaa, taasi oo naxdin ku noqotay shacabka deegaankaasi.

Dilka wiilashaan oo dhalinyaro ahaa ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo aanooyin qabiil, maadaama deegaanaasi maalmahaan ay ka dhacayeen dilal qorsheysan oo dadka deegaanka isku geysanayaan.

Maleeshiyaadkii dilka geystay ayaa la sheegay in ay baxsadeen , waxaana hadda xiisad ay ka jirta Bariga gobolka Mudug.

Dilka ayaa waxaa geystay Maleeshiyaad xoolo dhaqato ah oo ku sugan Bariga Mudug.

Degaanka Caliwaan ayaa ka mid ah degaanada hoos yimaada degaanka Balibusle ayaa maalmihii lasoo dhaafay  waxaa  ku dagaalamaayay Maleeshiyaad kasoo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug.

Odayaasha labada dhinac ay waday dadaallo kala duwan oo arintaasi lagu xalinaayo inkastoo aysan hirgalin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Shaqaale ka tirsan DF oo ka cabanaya mushaar la’aan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli soo baxaaya cabashooyin kasoo yeeraya shaqaalaha dowlada federaalka ah ee Somalia kuwaa oo aan helin xuquuq rasmi ah.

Shaqaalaha ay cabashada badan kasoo yeereyso ayaa waxaa ku biiray Suxufiyiin dhowr ah oo ka howlgala Idaacada Codka Ciidamada ee Magaalada Muqdisho.

Suxufiyiintaani oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay inaan mushaar lasiin muddo 9 bilood oo xiriir ah.

Waxa ay Suxufiyiintu sheegen inaan la aqoon cida sida gaark ah u cuntay mushaaraadkood, balse waxa ay DFS ka dalbadeen inay ka talo bixiyaan dhibaatada heysata xili ay jiraan dhowr Suxufi oo xaaslayaal ah.

Waxa ay tilmaamen in mushaarka uu hadda kasii maqan yahay bisha 10aad oo iminka u gashay, balse waxa ay ku baaqen in loo cadeeyo sababta ka danbeysay in lagu fiirsado dhibta heysata xili ay naftooda ku jirto halis muuqata.

Cabashada Suxufiyiinta ayaa si toosa ugu socta Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo, Ra’isul wasaaraha Xasan Kheyre iyo Wasiirka Maaliyada Beyle.

Sacuudiga oo qaadaya talaabo saameyn ku yeelan doonta in ka badan 16 dal

Riyadh(Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday inay yareyneyso dhammaan shidaalka ay u dhoofineyso caalamka intiisa kale.

Khaalid Al-faliix oo ah Wasiirka tammarta dalka boqortooyadda Sacuudiga ayaa hadalkaani sheegay xili uu Saxaafada kula hadlaayay magaalada Riyadh ee xarunta dalka Sacuudiga.

Khaalid Al-faliix ayaa sheegay inuu socdo qorshaha lagu yareynaayo Shidaal dhoofinta waxa uuna carab dhabay inay sii kordhayaan dowladaha dalabka shidaal usoo dirsanaaya Sacuudiga.

Khaalid Al-faliix, ayaa tilmaamay inay doorbidayaan in shidaalka laga qododo dalka lagu isticmaalo gudaha Sacuudiga si loo dhameystiro baahiyaha ku xeeran shidaalka.

Wasiirkaan u hadlay dawlada Sacuudiga waxaa uu sheegay in qorshahaan xataa ay hor dhigayaan dawladaha aan ku jirin ururka OPEC ee dibbadda shidaalka u dhoofiya sida Rushka.

Dowlada Sacuudiga ayaa ah dowlada ugu badan ee shidaalka u dhoofisa caalamka waxaana xusid mudan in yareynta shidaalka uu saameyn doono inkabadan 16 dal.

Caasimada Online
Xafiiska Riyadh
[email protected]

Khasaaro intee la’eg ayaa ka dhashay dagaalkii maanta ka dhacay Sh/Hoose

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Muuri oo qiyaastii 10 km u jira degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo wada degta deegaanka Muuri.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Maleeshiyaad ku sugan deegaankaasi Muuri ay weerar ku qaaden Maleeshiyaad kale.

Dagaalka ayaa maanta dhacay muddo laba jeer waxaana la xaqiijiyay inuu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay inkabadan 7 ruux oo ka kala tirsan labada dhinac, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ilaa Sagaal ruux oo isugu jira labada dhinac iyo dad shacab ah.

Dagaalka ayaa kusoo beegmaaya xili dhawaan dowlada Federaalka ay ku baaqday in la joojiyo dagaalka ka socda Gobolka Shabellaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DFS oo ku dhawaaqday bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaaradda Owqaafta iyo Diinta Xukuumada Somalia ayaa shaacisay in maalinta beri ah ay tahay maalinta 1aad ee bisha Ramadaan.

Maxamed Kheyroow Aadan oo ah Agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa sheegay in dhalashada bisha Ramadaan caawa la arkay.

Maxamed Kheyroow oo ka hadlay dhalashada bisha ramadaan ayaa yiri ”Umadda Soomaaliyeed Hambalyo ayaan leeyahay, wasaaraddu waxaa ay xaqiijisay dhalashada bisha barakeysan ee Ramadaan”

”Mashaa’iq waaweyn iyo dad lagu kalsoonyahay oo wasaaradda la soo xiriiray ayaa noo sheegay in ay indhahooda ku arkeen bisha, sidaas darteedna caawa Ramadaan uu koow yahay”

Maxamed Kheyroow, oo sii wata hadalkiisa ayaa Umadda Soomaaliyeed ku booriyay inay is cafiyaan ayna caawiyaan dadka tabarta daran ee duruufaha adag ee xagga nolosha ku sugan.

Dhinaca kale, Maxamed Kheyrow Aadan ayaa sheegay in dalka oo dhan laga arkay bisha Ramadaan, isla markaana guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uu ugu bishaareynayo in caawa ay tahay kowda bisha Ramadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaa iska bedelay xiliyada loo shaqo tagaayay Xarumaha Dowlada FS (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Wasaarada Shaqada & Arrimaha Bulshada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa Bisha Barakeysan ee Ramadaanka in shaqaalaha Dowladda waqtigooda shaqo loo bedelay 9ka subixii ilaa iyo 3da galabnimo.

Dowlada Federaalka iyadoo tixgelineysa muhiimada bisha barakeysan ee Ramadaanka oo ah bil cibaado isla markaasna ahmiyad gaar ah la siinayo wadajirka qoyska ee xilliga afurka iyo suxuurta ayey Dowladdu u garatay in waqtiga shaqo wax laga bedelo mudada bisha Ramadaanka.

DHAMMAAD

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxkamadda sare ee Somalia oo laashay sideed ka mid ah kuraasta BF, iyo doorasho dib loogu laabanayo

Dacwo socotay in ka badan 5 bilood ayay Maxkamadda Sare ee Dalka waxay 16 May 2017 baabi’isay go’aankii Madasha Qaranka iyo Guddigii Doorashada Federaalka ee lagu fasaxay 8 kursi oo ka mid ahaa 11 kursi ee Guddiga Xalinta Khilaafadka horey u laaleen.

Maxkamada waxay taageertay go’aankii Guddiga Xalinta Khilaafaad ee ahaa in kuraastaas la laalo, doorasho xalaal ah lagu celiyo. Maxkamada waxay amraysaa in dib loogu tartamo kuraastaa.

8 kuraas ee la’laay waxaa hadda ku fadhiya:

  1. Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir
  2. Maxamed Saciid Cabdullahi
  3. Maxamed Axmed Abdtidoon
  4. Nadif Aadan Isaaq
  5. Muna Khalif Sheekh Abu
  6. Cabdicasis Salax Carmaan
  7. Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale
  8. Samra Ibrahim Cumar

Dhibanayaasha dacwada loo xugmay waxay kala yihiin:

  1. Muumino Sheekh Cumar
  2. Aadan Maxamed Cali
  3. Khaalid Cumar Cali
  4. Maxamed Mukhtar Ibrahim
  5. Boqor Cabdullahi Axmed Cali
  6. Malaaq Sidow Maadow
  7. Ibrahim Saalax Dayfullah
  8. Caasho Xaaji Cilmi

Halkaan hoose ka akhriso go’aanada kasoo baxay Maxkamadda Sare

Yuusuf Garaad oo qormo uu qoray ku sharxay sababta safarada madaxweyne Farmajao iyo qarashka ku baxa

Socdaalka Madaxweynaha

Intii aan xilka Wasiirnimo hayay waxaan u dhoofay safarro shaqo oo dhowr ah. Marka laga reebo shir ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Afrika ay isugu yimaadeen oo aan uga qeyb galay magaalada Kigali ee dalka Rwanda, waxay safarradeydu ahaayeen qaar aan Madaxweynaha u raacay safarro shaqo iyo Booqasho Qaran oo uu ku tegey dalal dhowr ah.

Waxaan tagnay Abu Dhabi, Ankara iyo Antalya oo ah dalka Turkiga, Addis Ababa, London, Riyadh, Djibouti iyo Dooxa.

Waxaa ka horreeyay safar uu Madaxweynuhu ku tegey Nairobi ka hor inta aan la ansixin Xukuumadda.

Waxaan qormadan ku soo bandhigayaa faahfaahin ku saabsan ujeeddada safaraddaas, sababta keentay in uu Madaxweynuhu baxo intii ay Wasiirro bixi lahaayeen, waxa hadda ku soo beegay iyo kharashka ku baxay inta uu le’eg yahay.

Maxaa kallifay Safarradan?

Laga billaabo markii lagu dhawaaqay natiijada doorashadii 8-da Febraayo, Dadweynaha Soomaaliyeed waxaa ay kalsooni weyn u muujiyeen Hoggaanka dalka. Sidoo kale waxaa aad loo soo dhoweeyay magacaabidda Ra’iisal Wasaaraha iyo dhismaha Xukuumadda. Waxayna dadweynaha Soomaaliyeed ka dhowrayaan waxqabad la taaban karo. Kaas oo u baahan dadaal iyo xiriir wanaagsa oo lala yeesho dalalka u heelan Soomaaliya.

Haddana marka ay Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Golaha Wasiirradu xilka ay la wareegeen laguma wareejin maaliyad ay ku shaqeeyaan. Meelaha qaar waxaaba lagu wareejiyay deymo iyo qaansheegad.

Dhinaca kale, Taageerada dadweynaha waxay iyaduna dhiirri gelin u noqotay dowladaha aan saaaxiibka nahay oo waxay gelisay yididdiilo hor leh in ay Soomaaliya horumar ku tallaabsan karto maaddaama ay dhalatay Dowlad haysata shacbiyad xoog leh.

Markaas waxaa khasab noqotay in Hoggaanka Sare ee dalku uu booqdo dalalkaas si Madaxdooda loogu fasiro isbeddelka dalka ka dhacay, siyaasadda dowladda iyo fursadda ay Dowladdu u haysato in ay nabadgelyada sugto, shaqo u abuurto dhallinyarada, korna u qaaddo dhaqaalaha dalka.

Maxaa Madaxweynuhu u safrayaa miyaan Wasiirradu qaban karin howsha?

Booqashada Madaxweyne waxay leedahay maqaam iyo muhiimad ka sarreysa midda Wasiirrada. Madaxweyne waxaa qaabbila oo uu wadahadal la yeeshaa hadba mas’uulka ugu sarreeya dalka uu booqanayo.

Marka ay booqashada Madaxweynuhu irdaha u furto iskaashi iyo wax wadaqabsi oo ay labada Hoggaamiye ay is fahmaan ayay Wasiirradu halkaas ka sii amba qaadaan meelmarinta iyo ka miro dhalinta mashaariicda la isla meeldhigay.

Mida kale, mar kasta oo uu safrayo Madaxweynuhu waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirro wadahadal faahfaahsan la yeesha dhiggooda hadba dalka la booqanayo.

Intaa ka dib wixii hirgelin iyo dib u eegid qodobada lagu heshiiyay ah waxaa meelmariya Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Qorsheynta iyo hadba Wasaaradda ay si gooni ah u khuseeyo heshiisku.

Maxaa noo qabsoomay?

Kenya

Waxaa la isku afgartay la sahlo isu socodka iyo ganacsiga ka dhexeeya labada dal. Waxaa la isla gartay in la joojiyo dhaqankii ahaa in dullimaadyada ka yimaada Soomaaliya loo weeciyo Wajeer, taas oo hirgashay noqotayna mid si weyn u sahashay isu socodka.   Waxaa kale oo la isla gaaray in baasabboorrada diblomaasiyiinta, madaxda iyo shaqaalaha Dowladdu ay fiisada ka qaataan marka ay yimaadaan Nairobi.

Waxay Kenya ballanqaadday in ay deeqa waxbarasho iyo tababbarro ay u fidiso 200 oo Macallin, 200 oo Kalkaaliyayaal caafimaad ah iyo 100 shaqaalaha Dowladda ah.

Ethiopia

Dowladda Ethiopia waxaan u wadahadalnay si saraaxi ah oo saaxiibtinnimo dhow ah. Waxaan Ethiopia isku afgarannay in aan iska kaashanno danaha labada dal annaga oo ku shaqeyneyna is-ixtiraam iyo is-qaddarim siman.

Waxaa lagu heshiiyay wadashaqeyn dhow oo xagga amniga, socdaalka, ganacsiga xuduudaha isaga gudba iyo dhinacyo kale.

Waxaa la isku afgartay in guddi farsamo loo saaro biyaha webiga Shabeelle iyo in la dhiso gudiga xuduudaha labada dal ay wadaagaan si looga baaqsado dhibaatooyin xagga amniga ah oo ka dhaca degaannada la teedsan soohdinta iyo si loo unko rugo hor leh oo soohdinta ku yaalla oo dal-ku-gal laga qaadan karo si marka loo baahdo looga tallaabi karo soohdinta si sharci ah.

Ethiopia waxay ku deeqday deeq Waxbarasho oo 500 oo arday oo Soomaali ah ay u fidineyso waxbarasho Jaamacadeed oo isugu jirta heerarka kala duwan ee Jaamacadda oo ay ka mid tahay shahaaddada ugu sarreysa ee Jaamacad laga qaato.

Waxaa la isku af gartay in la dhiso Guddi heer Wasiir ah oo ka shaqeeya iskaashiga labada dal.

Labada dowladood waxay ka wada hadleen dardar gelinta heshiiska suuqa ganacsiga geeska Afrika.

Midowga Afrika

Madaxweynuhu intii uu joogay Addis Ababa wuxuu booqday xarunta Midowga Afrika halkaas oo uu wadhadal kula yeeshay Guddoomiyaha oo ay AMISOM hoos tagto.

Madaxweynuhu arrimaha uu la soo qaaday AMISOM waxaa ka mid ah in Xilalka sarsare ee Midowga Afrika loo tixgeliyo murashixiin Soomaaliyeed maaddaama qoondada ay Soomaaliya leedahay aan la buuxin.

Djibouti

Waxaa lagu heshiiyay in la iska kaashado arrimaha amniga badaha labada dal iyo sii wadidda tababarada kala duwan ee la siiyo booliska Soomaaliyeed gaar ahaan dembi baarista iyo nidaamka casriga ah ee booliska dunida u shaqeeyo.

Intii aan joognay Djibouti waxaan ka qeyb galnay xafladda furitaanka Dekedda Doraleh ee Jamhuriyadda Djibouti.  Waxaa xusuus mudan in dekedda oo ay wadajir u dhagaxdhigeen Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisal Wasaare Saacid Shirdoon markii uu xilka hayay ay hadda wadajir u fureen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle.

Turkey

Labada dal waxaa ka dhexeeya xiriir dhow iyo iskaashi xagga mashaariicda horumarinta ah. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay in xiirri ganacsi uu dhex maro iyo in Soomaaliya loo ogolaado waxyaabaha dalka laga soo saaro in ay u dhoofiso dalka Turkiga. Waxaa kale oo laga wada hadlay arrimaha waxbarshada gaar ahaan ardayda waxbarata dalka Turkiga iyo aqoonsiga Jaamadaha Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa balan qaaday inay samanayso goob ganacsi xor ah si ganacsatada Turkigu u maalgashadaan Soomaaliya.

Turkigu wuxuu ballanqaaday mashaariic ah xagga Beeraha, ka hortagga fatahaadda webiyada, dhismaha kannaallo cusub, waraabka beeraha iyo cilmi baaris abaaraha soo noqnoqda iyo sidii looga gaashaaman lahaa.

Qadar

Dowladda Qadar waxay ballanqaadday in ay gacan kabto miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya.  Waxay ku deeqday in ay gacan naga siiso barnaamijyo xagga caafimaadka iyo waxbarashadu ay ka mid yihiin.

Doha oo aan saaka ka soo ambaxnay intii aan joogay wuxuu Madaxweynuhu xalay kula hadlay, su’aalahoodana uga jawaabay, talooyinna uu ka dhegeystay dhowr boqol oo Soomaali ah oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaalida ee Qadar.

Sucuudiga

Wuxuuna soo dhoweeyay mabda’ ahaan in uu gacan ka geysto mashaariic horumarineed oo ay ku jiraan dhismaha kaabayaal dhaqaale iyo in uu maalgeliyo mashaariic shaqo u abuurta kumanyaal Soomaali ah.

Sidoo kale waxaan Sucuudiga isku afgarannay iskaashi xagga amniga, xag tababbar iyo qalabeyn ciidanka ah.

Mashaariicda ay Boqortooyada Sucuudigu ballanqaadday waxaa ka mid ah dauactirka Waddooyin, dhismaha Airport cusub iyo dib-dhiska dhismayaasha dhowladda mashaariic kale oo ay ka wadahadli doonaan guddi labada dhinac ah.

Dhowaan waxaa socdaal ugu bixi doona dalka Sucuudiga wafdi ka kooban Wasiirro iyo xirfadlayaal si ay isula gorfeeyaan mashaariicda uu Sucuudigu maalgelinayo, goobaha ay noqonayaan iyo goorta ay billaabanayaan mashaariicdu.

Amniga xagga tababbarada iyo qalabeynta ciidanka.

Imaaraadka Carabta

Waxaa la isla gartay in ay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay tahay lama taabtaan, mas’uulna ay ka tahay Dawladda Federaalka Soomaliya oo arrin kasta oo dalka ku saabsan lagala xaajoonayo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxay Dowladda Federaalku ay qirtay in ay dooneyso welibana ay dhiirri gelineyso horumarinta Gobollada iyo Degmooyinka uu dalku ka kooban yahay.

Imaaradka Carabtu wuxuu ballanqaaday in uu gacan ka geysto miisaaniyadda Dowladda iyo in la iska kaashado tababbarka iyo qalabeynta ciidanka Soomaaliyeed.

Muxuu le’eg yahay kharashka ku baxay Safarradan?

Marka laga reebo safaradii Nairobi iyo Addis Ababa oo ay Soomaaliya la baxday kharashka dayaaradda oo keli ah, intaas oo safar ee aan galnay iyo intaas oo howl u qabsoontay Qaranka Soomaaliyeed haddana ma jiraan wax kharash ah oo ka baxay khasnadda Dowladda Soomaaliya.

Safarradaas hal dollar ugama bixin Dowladda.

Safarrada aan xusay dhammaantood waxay ahaayeen kuwo dayaarad, hotel, raashin iyo socodka gaadiidka dhulka intaba ay ku deeqeen dalalka aan booqannay.

Safarrada Madaxweynaha iyo wafdigiisu waxay ahaayeen kuwo horseed u noqday iskaashi, isqaddarin iyo wax wada qabsi si-siaman oo uu shacabka Soomaaliyeed u aayi doono.

W/Q: Yuusuf Garaad Cumar
Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya

Puntland oo si adag ugu hanjabtay dowlada Federaalka ah ee Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa si caro leh uga hadlay haddal dhawaan kasoo yeeray Xukuumada Somalia, kaa oo ahaa in Puntland ay fashilisay shir ka dhici lahaa Jasiiradda Siishalis.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maamulka Puntland, C/nuur Cilmi Nuur ”Biindhe”, ayaa sheegay in Puntland ay go’aan cad ka qaadan doonto Xukuumada Somalia.

Biindhe, waxa uu ku goodiyay inay jarayaan xiriirka kala dhexeeya Wasaarada Kalluumeysiga XFS, waxa uuna cadeeyay in dowladu ay ka gudubtay xadkii loogu tallo galay.

”Waxaan xaqiijinayaa in ficilka Wasaarada Kalluumeysiga ay sabab u noqon doonto inaan dib ugu laabano go’aanadii nalooga bartay ee gooni isku sooc”

Waxa uu sheegay in Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya uu ka been sheegay Puntland kuna sheegay in ay fashilisay shirkii ka dhacay Jaziirada siishalis.

Sidoo kale, waxa uu Biindhe hadalkiisa intaas raaciyay in Puntland ay tahay mid jecel dadka Somaaliyeed taas oo cadeyneysa in dhamaan dadka kala duwan ee Soomaaliyeed ay ku nool yihiin degaanadeeda.

Haddalka kasoo yeeray Puntland ayaa imaanaya xili dhawaan Wasiirka Kalluumeysiga XFS uu shaaciyay in Puntland ay si kutalo gal ah u fashilisay shirka ka qabsoomay Jaziirada siishalis.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dowladda oo ka hadashay waddooyinka muhiimka ah ee weli go’doonsan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Somalia ayaa ka hadashay waddooyinka xiran ee Gobolada dalka, kadib markii ay sii korortay dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha.

Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Xukuumada Somalia Drs Maryan Qaasim Axmed ayaa sheegtay inay furayaan dhamaan waddooyinka xiran.

Wasiirada waxa ay sheegtay inay la socdaan in Xaalad adag ay ka jirto degmada Waajid ee Gobolka Bakool, loona baahan yahay in lala gaaro gargaar degdeg ah.

Wasiirada ayaa sheegtay in wadooyinka soo gala degmada Waajid dhamaantood ay weli yihiin kuwa go’doonsan, isla markaan ay Xukuumadu wado qorsho cusub oo lagu furaayo waddooyinka.

Wasiir Drs Maryan waxa ay sheegtay in ay waxyaabo badan oo murugo leh ay ku soo aragtay degmada Waajid ee Gobolka Bakool isla markaana xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka jiraan.

DFS ayaa dhawaan Taliska ciidamada AMISOM ku amartay inay isku furaan dhammaan waddooyinka go’doonsan ee ku yaalla deegaanada Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Farmaajo oo booqasho lama filaan ah ugu tagay Sheekh C/rashiid Cali Suufi

Doha (Caasimada Online)-Madaxwaynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa booqasho ugu tagay Sheekh Cabdurashiid Cali Suufi.

Madaxweynaha ayaa booqday Masaajidka uu iimaamka ka yahay Cabdurashiid Cali Suufi oo ku yaala magaalada Doha ee dalka Qadar.

Madaxweynaha, Wafdigiisa iyo Sheekh Cabdurashiid Cali Suufi ayaa si wada jira ugu dukaday masjidka Salaadda Makhrib.

Salaada kadib ayaa waxaa si wada jira loogu duceeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed si uu alle uga dulqaado dhibta heysata.

Sheekh Cabdirashiid ayaa Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay Qabsadaan Xariga Alle.

Sheekh Cabdirashiid, ayaa sidoo kale Madaxweynaha ugu baaqay inuu u dulqaato xaalada ka jirta dalka waxa uuna cadeeyay in waxa ka jira dalka uu yahay imtixaan.