27.1 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Kheyre oo hub ka dhigis ku dhawaaqay iyo mas’uuliyiin laga qaaday hubka waa weyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa goordhow magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kaga dhawaaqay howlgal lagu uruurinayo Hubka waaweyn.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay maanta bilaabayaan Hub uruurinta, waxa uuna cadeeyay in Hubka la uruurinaayo ay yihiin kuwa waaweyn.

Ku dhawaaqida Kheyre kadib ayaa waxaa Hub ka dhigis lagu sameeyay mas’uuliyiin dhowr ah oo xilal kala duwan ka haya dowlada kuwaa oo isticmaalayay Hubka waaweyn.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la sheegay in ay wateen Gawaari ay saaran yihiin qoryo waaweyn ayaa lagu bilaabay Hub ka qaadista.

Mas’uuliyiinta Hub ka dhigista lagu sameeyay ayaa waxaa ku jira Taliyayaal ciidan oo xilal waaweyn ka haya DFS, sida uu sheegay Kheyre.

Howlgalada uruurinta Hubka waaweyn ayaa sidoo kale ka socda qeybo kala duwan oo ka tirsan Gobolka Banaadir, waxaana xusid mudan in maalin waliba hal Degmo lagu sameynaayo uruurinta Hubka.

Dhawaan ayay aheyd goortii Golaha Wasiirada ay shaaciyeen in magaalada Muqdisho laga mamnuucay Hubka ka waaweyn AK47.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sheekh Shariif oo Muqdisho soo gaaray isagoo aqbalay xil uu dhawaan u magacaabi rabo Farmaajo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho oo ka tagay dhawaan markaas oo uu ka qeyb galay doorashadii ka dhacay Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka qeyb galay doorashadii uu Farmaajo ku guuleystay ayaa la filayaa in dhawaan loo magacaabao xil aad u weyn.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo doonayo inuu dardargeliyo howlaha dib u heshiisiinta qaranka ayaa Sheekh Shariif ku qanciyey inuu qabto xilka Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee dib u heshiisiinta.

Sheekh Shariif ayaa si weyn usoo dhaweeyey xilka uu u gartay Farmaajo oo ay saaxiibo dhow yihiin, waxaana la filayaa in dhawaan xilkaas loo magacaabo isla markaasna ay ansixiyeen golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xilkaan ayaa waxaa horey u haayey Ismaaciil Macalin Muuse oo xilkaas loo dhiibay xilligii dowladdii Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana muuqato inuusan guddigaas shaqo gal aheyn.

Dowladda Farmaajo ayaa dooneyso inay guul weyn ka gaarto dib u heshiisiinta Soomaaliya, waxayna arrintaas jeclaatay inay u marto  madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo aqoon buuxda u leh qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

 

“Mareykanku waa yimaadeen aniga ayeyna ii socdaan, adiga kuma rabaan” Xaaska Bin Laden oo ka sheekeysay wixii dhacay habeenkii la dilay

(Caasimadda Online)- waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa warbixin ku saabsan xaaska Obama Bin ladon oo ka sheekeysay qaabkii odaygeeda loo dilay, waxaana soo turjunay warbixin dheer oo uu ka diyaariyey wargeyska Daily Mail ee laga leeyahay dalka Ingiriiska.

QODOBADA UGU MUHIIMSAN SHEEKADA

Maskaxdii Argagixisada Osama bin Laden ayaa wuxuu habeenkaas la joogay xaaskiisa ugu yar Amal bin Laden iyo caruurtooda, waxayna joogeen guri ku yaalla dalka Pakistan.

Bin Laden waxaa la dilay 2011kii, waxaana dilay Ciidanka Mareykanka ah ee SEAL, iyagoo ku dilay qol ay xaaskiisu kula jirtay.

Amal ayaa sharraxaad ka bixisay sida iyada iyo wiilkeeda yar Hussein ay u arkayeen seygeeda oo la dilayo.

Qoyska Osama bin Laden ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dilkii ay Millateriga USA u geysteen aasaasihii Uruka al-Qaeda, kaasoo sidoo kale ahaa maskaxdii ka dambeysay weeraradii 11kii September 2001dii, inta badan waxay ka sheekeeyeen waxa ay dareemeen markii ay arkeen iyadoo la tooganayo Osama bin Laden.

Amal bin Laden, oo aheyd xaaska afaraad ahna gabadha ugu yar ee dhaxday ninkaan ugu sarreeyey liiska dadka ay raadinayeen Sirdoonka Mareykanku muddo tobaneeyo sanno ah, ayaa waxay si gaar ah uga sheekeysay xusuusta ay ka heysato habeenkaas uu seygeedii ku dhintay gacmaha ciidanka SEAL Special Forces.

(From left) Fatima, Abdullah and Hamza, three of Osama bin Laden's grandchildren; and Hussein, Zainab and Ibrahim, three of the five children he had while on the run with Amal, his fourth and youngest wife. Hussein was in the room when his father was shot dead

Osama bin Laden, Amal bin Laden iyo lixdooda caruurta ah ayaa waxay ku noolaayeen guri amni ah, cidna aysan ka warqabin inay halkaas ku nool yihiin, oo ku yaalla magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan, markii la dilayey bin Ladin 2dii bishii May sanandkii 2011kii.

Gabadhaan lagu magacaabo Amal bin Laden ayaana wax walba oo dhacay habeenkaas uga sheekeysay buugga loogu magac daray The Exile: The Flight of Osama bin Laden, kaasoo ay qoreen Cathy Scott-Clarke iyo Adrian Levy isla markaana lagu daabaco majaladda Sunday Times UK.

Si la mid ah Amal bin Laden iyo caruurteeda, waxaa gurigaas kula noolaa xaaska labaad ee bin Laden gabadha lagu magacaabo Khairiah, xaaskiisa seddaxaad Seham iyo wiilkiisa 22 sanno jirka ah Khalid.

Xaaskiisii ugu horreeyey Najwa oo guursatay iyadoo dhallinyaro ah una dhashay 11 caruur ah, ayaa ka tagtay seygeeda ka hor inta uusan weerarkaani dhicin.

Saacaddu waxay ku beegneyd shan saac (11pm) oo habeennimo, casho iyo salad ka dib, bin Laden wuxuu u jiiftay si dhaqsi ah, xaaskiisa afaraad Amal bin Laden ayaana hareer jiiftay.

Bannaanka guriga ayaa mugdi ahaa, waxaana u sabab aheyd koronto la’aan, waana arrin caan ka ah magaalada Abbottabad, laakiin Amal waxay daaha ka qaaday inay habeenkaas walwal gaar ah dareentay mugdiga awgiis.

Amal bin Laden ayaa daaha ka qaaday inay maqashay shanqarta kobaha ciidanka, ka dibna ay eegtay daaqadda markaasoo ay dhaqdhaqaaqa dareentay.

Wixii intaas ka dambeeyey Bin Laden ayaa jiifka kasoo kacay, wuxuuna arkay Ciidanka SEAL Special Forces oo isku hareer kasta ka taagan guriga.

Bin Laden wuxuu yiri, sida laga soo xigtay xaaskiisa afaraad Amal bin Laden: “Ciidanka Mareykanka ayaa soo socda”. – Waxay aheyd baaq uu u dirayo qoyska oo dhan, ka dibna Ciidanka SEAL Special Forces ayaa dhankasta isaga yeertay iyadoo rasaas guriga lagu furay.

Markii ay rasaastu bilaabatay, labadooda ayaa gacanta isqabsaday waxayna raadsadeen meel ay ku gambadaan. Amal oo xusuusaneysa wixii markaas dhacay waxay tiri: “Wuxuu ahaa habeen gudcur ah, waxaana nagu adkaatay inaan wax aragno”.

Children from left to right: Fatima, Saad, Omar, Mohammed, Osman and Abdul Rahman

Laba diyaarad oo kuwa qumaatiga u duula ah iyo 24 askari oo si gaar ah u tababaran ayaa habeenkaas oo weeraray guriga Bin Laden. Sida ay sheegtay xaaskiisa labaadna waxaa biyaanada labaad ee gurigaan ku jiray Seham iyo Khalid kuwaasoo arki karay weerarka ay Ciidanka Mareykanku kusoo qaadeen Bin Laden.

Bin Laden ayaa u yeeray wiilkiisa si uu ugu yimaado, kaasoo xirnaa bijaano ama dharka lagu jiifto wuxuuna Khalid usoo qaaday aabihiis qori nuuca AK-47 ah, inkastoo ay Amal ka warqabtay in uusan wiilkaani xabad ridin tan iyo 13 sanno jirkiisii.

Amal iyo Seham ayaa ka dib aaday dhanka caruurtooda si ay u aamusiyaan maadaama ay barooranayeen. Waxayna waxayna xambaareen intii itaalka yareyd halka kuwa kale ay gacanta qabteen si ay meel badbaado ah guriga uga raadsadaan.

Markii ay maqleen sida ay Ciidanka USA ee sida gaarka ah u tababaran usoo jebiyeen albaabka guriga, ka dib waxaa xiggay qeylada bin Laden kaasoo ku yiri qoyskiisa: “Aniga ayey i doonayaan ma ahan adinka.” – Sababta uu baaqaas ugu dirayo ayaana aheyd inay hoos u degaan.

Laakiin gabdhihiisa waa weyn Miriam iyo Sumaiya ayaa saarnaa dabaqa sarre halka Seham iyo wiilkiisa Khalid ay hoos u degayeen. Amal waxay daaha ka qaaday inay aaminsan tahay inuu qof ka mid ah qoyskooda khiyaamay isla markaana uu wax walba kala soo shaqeeyey Ciidanka USA.

Mid ka mid ah Ciidanka SEAL Special Forces, oo ku hadla Afka Carabiga ayaa wuxuu toogtay Khalid Bin Laden, maadaama uu u fahmay sida shaqsi u yeeray oo kale, sida ay daaha ka qaaday Amal. Iyadoo gabadhaha Sumaiya iyo Miriam ayaa isku deyey inay goobta ka baxsadaan laakiin waxaa isku horgooyey isla ninkii ku hadlayey Afka Carabiga.

Robert O’Neill oo ahaa hogaamiyaha Ciidanka SEAL ayaa wuxuu aaday qolkii uu ku jiray Bin Laden, iyadoo Amal ay hor istaagtay si ay ninkeeda u difaacdo, laakiin shaqsi kale ayaa rasaas kusoo riday, iyadoo sidaas SEAL ay qolka ku galeen. Amal oo xaaladdaas xusuusaneysa ayaana sheegtay inay xanuun badan dareentay oo dhanka lugaha u badan ka hor inta aysan sariirta ku dhicin.

O’Neill oo ahaa shaqsigii toogtay Bin Laden, oo dhacdadaas ka hadlaya ayaana yiri: “Markii aan ku dhuftay xabadda hore ayaan dareemay inuu dhimanayo”.

Amal oo habeenkaas dhaawacantay ayaana tilmaantay inay niyadda gashatay inay dhiman doonto sidaas darteed ay indhaha xiratay iyadoo isku deyeysa in aysan neefsan si aysan ciidanka SEAL u dhammeystirin.

Markii hore gabadha Bin Laden ee Miriam ayaa magaca qaldan sheegtay, laakiin Sumaiya ayaa ku dhahday: “U sheeg runta, kuwaani ma ahan ciidan Pakistan ah”. Ka dibna Miriam ayaa ku qeylisay: “Kani waa aabaheey, waana Osama bin Laden”.

Hussein bin Laden oo ah wiilka ugu yar ee uu dhalay oo habeenkaas arkayey aabihiis oo la dilayo, ka dibna Meydkiisa ay qaadanayaan Ciidanka SEAL ayaa wacad inuu ka aarsan doono Mareykanka.

Farmaajo iyo Kheyre maka bad baadi doonaan halista ay maleegayaan xildhibaanada mucaaradka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya isku uruursanaaya Xildhibaanada Mucaaradka ee dhawaan ku dhawaaqay Madasha Horusocod.

Xildhibaanadaani ayaa u badan kuwa codka siiyay Madaxweyne Farmaajo 8 Feb, 2017 xiligaa oo uu ka guuleystay Madaxweynihii hore ee Somalia Md Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaanada mucaaradka Horusocod ayaa weli shirar joogta ah ku leh magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, shirarkaasi oo lagu dajinaayo qorshooyin hor leh oo looga soo horjeedo dowlada Madxaweyne Farmaajo ee uu Ra’isul wasaaraha ka yahay Xasan Kheyre.

Xildhibaanadaani oo horay u sheegay Mowqifkooda Siyaasadeed ayaa u muuqanaayo kuwo haliso qarsoon u maleegaya dowlada cudunka ah ee iminka dhameysatay 100ka maalin.

Xildhibaanada oo danaha Qaranka ka hormariyay kuwoo Siyaasadeed ayaa waxaa ku jira kuwo dhowr ah oo ballan ka bax kala kulmay Madxaweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre kadib markii shaqsiyaad ku heeb ah lagu buuxiyay kuraastii horay loogu ballanqaaday.

Waxyaabaha ka dhex guuxaaya maskaxda Madaxda Qaranka iyo shacabka ayaa ah in Xildhibaanada mucaaradka Madasha Horusocod ku kacaan talaabooyin qalqal amni galinkara dalka, iyagoo doorbidi doona inay ka weecdaan kalsoonidii ay ka heysteen shacabka.

MAXAA KA DHALANKARA KACDOONKA XILDHIBAANADA EE XUKUUMADA?

1-Xildhibaanada mucaaradka ayaa u hanqal taagaya inay qaadan talaabo lagu ridaayo Xukuumada Somalia ee uu iminka hogaamiyo Ra’isul wasaare Kheyre, iyadoo loo daliishanaayo itaal dari ka heysata dhanka hogaanka dalka, walow aanu taa daliil u noqon karin xaqiiqda taagan.

2-In Xildhibaanada mucaaradka ay isku dayaan inay iska horgeeyan Madaxda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed oo iminka la orankaro waxa ka dhexeeya xiriir bilow ah.

3-In Xukuumada loo daliishado qodobo lagu dhex qoray qol mugdi ah, sida inay shaqo gantay, inay ka gaabisay ballanqaadkii iyo inay ku guul dareysatay wax ka qabashada amni darida ka jirta dalka.

4-In banaanka lasoo dhigo daldaloolada Xukuumada oo aysan arag dadka shacabka.

SAAMEYNTA UU FARMAAJO KU YEELAN KARO KACDOONKA XILDHIBAANADA MUCAARADKA

Dhagaraha muuqda iyo kuwa qarsoon oo ay maleegayaan Xildhibaanada mucaaradka ee ku sugan magaalada Nairobi ayaa saameyn muuqda ku yeelan kara Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Saameynta ay dhagarahaasi ku yeelankarto Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa kamid ah:

1-In loo abuuro kacdoono iyo mucaarado dhanka Siyaasada iyo shacabka ah.

2-In Xildhibaanada ay qaabab kale u dhigaan Siyaasada cusub ee uu adeegsanaayo Madaxweynaha dalka.

3- In la baahiyo dhaliilo lagu muujinaayo in dowlada Farmaajo ay wax badan ka liidato dowladihii hore.

4-In shacabka laga jihooyo wanaaga ay u hayaan dowlada cusub, iyadoo loo jiheynaayo mid lid ku ah wanaaga ay iminka qabaan.

MAXAA LA GUDBOON FARMAAJO IYO KHEYRE

Madaxweynaha dalka iyo Ra’isul wasaare Xasan Kheyre oo iminka cagta dhigay dhabihii guusha ayaa waxaa la gudboon inay xal iyo waan-waan ku raadiyaan qaboojinta kacdoonka Siyaasadeed oo ay wadaan Xildhibaanada mucaaradka ee Madasha Horusocod.

1-In howlaha xalinta ay uga danbeeyan Nabadoonada soo saaray Xildhibaanada ee ku heebta ah.

2-In la sameeyo qorsho fog iyo mid dhow oo looga hortagi karo kacdoono hor leh oo ka imaada dhanka Xildhibaanada.

3-In dowlada 100 jirsatay ay ku xirnaato Nabadoonada iyo Odayaasha kale ee soo xulay Xildhibaanada si ay dhex dhexaad ugu noqdaan labada dhinac, sida looga bartay dowladihii hore.

4-In kacdoon waliba ay ka hortagto ka hor inta uusan gaarin shacabka isla markaana arrinku noqon mid dhabaqsama.
GABAGABO

Waxaa iminka soo ifbaxaaya warar sheegaya inuu socdo wadahadal lagu qaboojinaayo Kacdoonka ay wadaan Xildhibaanada mucaaradka, waxaana xalintaani garwadeen ka ah Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusman Jawaari iyo mas’uuliyiin kale oo ay wakiisheen Farmaajo iyo Kheyre.

W/Q: Cabdiraxiim Axmed Jimcaale

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

DF Somalia iyo wafti caalami oo billaabaya fulinta qodobadii shirka London

Ra’isal wasaare ku xigeenka dowladda federaalk ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Max’ed Guuleed ‘Khadar’ ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo wafdi culus oo ka socda beesha caalamka ay billaabayaan sidii loo fulin lahaa qodobadii muhiimka ahaa ee lagu soo saxiixay shirkii dhowaan soo idlaaday ee ka dhacay London.

Mahdi Max’ed Guuleed, oo u waramayey barnaamijka Tubta Nabadda ee ay soo saarto xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), ayaa sheegay in qodobka ugu muhiimsan ee la isla meel dhigayo uu yahay qaabka lagu fulinayo isla xisaabtanka dhaxmaraya dowladda federaalka iyo beesha caalamka

Ra’isal wasaare ku xigeenka waxa uu xusay in qorshe howleedka iyo qaabka loo fulin doono dhammaan heshiisyadii lagu soo saxiixay London ay dowladda dajisay.

Mar uu ka hadlaayey Qorshaha Horumarinta Qaranka, waxa uu tilmaamay in uu ka kooban yahay dhowr iyo toban cutub, oo dhamaantood ka hadlaaya wax ka qabashada horumarka bulshadeed, amniga, ismaamul wanaagga, dhaqan dhaqaale, waxbarashada, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalah iyo qodob kale oo muhiim ah.

Si aad faahfaahin badan u hesho halkaan ka dhageyso barnaamijka Tubta Nabadda oo dhameystiran.

Ciidamada DF oo Muqdisho ka billaabay isbaarooyin dadban

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ka bilaabay isbaarooyin dadban oo ay lacag uga qaadanayaan dadka wato gawaariga raaxada ee isticmaalo waddooyinka kala duwan ee Magaalada Muqdisho.

Waddooyinka ay sida joogta ah uga dhacaan waxaa ka mid ah wadada Makka Al-Mukrama oo si weyn loo isticmaalo iyo wadada wadnaha iyo 30-ka.

Ciidamada oo taagan Isgoysyada qaar ee Magaalada Muqdisho, ayaa dhaqanka cusub ee dadka ay ku baarteen waxa ay noqotay qofka inuu keeno aqoonsi dowladeed (ID Card), haddii kale uu wadada ka laabto ama uu bixiyoo lacag, kadibna loo fududeynayo inuu maro wadada, midaas oo noqotay isbaaro cusub oo lagu tilmaami karo mid dadban.

Qaar ka tirsan dadka ay arrintaan qabsatay ayaa ka dhawaajiyey inay askartaas dadka waydiinayaan ID Card dowladood, haddii uusan wadana laga rabo inuu tuuro Lacag EVC ah si loogu fududeeyo isticmaalka wadada.

Inta ugu badan hab dhaqankan waxaa lagu arkaa nawaaxiga Madaxtooyadda Somaliya. Madaxtooyada waxaa laga galaa saddex wado oo gaadiidka si caadiyan loogu ogol yahay inay maraan, kuwaasi oo kala ah wadada ka timaado Sayidka, wadada ka timaado dhanka tiyaatarka iyo wadada ka timaado Isgoyska Umbulutooriyada.

Saddexdaasi koontarool waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa Militariga Somaliya, waxayna ku weydiinayaan aqoonsi dowladeed, kadibna marka aad u sheegtid inaadan haysan aqoonsi dowladeed ama dowladda aadan u shaqayn, waxa ay kuugu jawaabayan wadada inay xiran tahay, haddii aad isku daydid inaad tustid aqoonsigaaga shaqada ee dowladda aanan aheyn, waxa ay kuu sheegayaan in aanan la mari karin wadada, balse haddii aad sameysid afgarasho suuragal ay tahay inaad martid wadada.

Dowladda Soomaaliya ayaa wado howlo iyo qorshooyin ay isbaarooyinka uga qaadeyso Shabeelada hoose, balse weli kuma baraarugsano isbaarooyinka dadban ee yaal Caasimadda Soomaaliya oo isticmaalkeeda muhiim u yahay dowladda iyo shacabka.

Saraakiisha Ciidamada ee Muqdisho ayaa looga fadhiyaa inay si deg deg ah arrintaan wax uga qabtaan, haddii kale waxay isku badali doonaan isbaarooyin toos ah oo lagu arko Waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muxuu wasiir Beyle kala hadlay maamulka dekadda Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle, ayaa maanta gaaray dekadda Muqdisho.

Beyle ayaa waxaa ku wehlinaayay booqashada Wasiir ku-xigeenka wasaaradda iyo qaar kamid ah howlwadeenada wasaarada.

Wasiir Beyle iyo mas’uuliyiinta kale ayaa u kuurgalayay sida ay u socoto shaqada dekadda gaar ahaan howlaha canshuuraha.

Waxa uu Wasiirka si gaar ah ula kulmay shaqaalaha dekadda oo uu ku dhiiro geliyey iney si hufan u ilaaliyaan ammaanada, sidoo kalena ay la yimaadaan shaqooyin dardar ah.

Wasiirka ayaa xog wareystay howlwadeenada wasaarada waxa ayna u gudbiyeen cabsho dhanka mushaarka ah.

Waxa ay howlwadeenada u sheegen wasiirka inaanu jirin mushaar toos ah oo ay helaan, xili shaqooyinkooda ay tahay mid joogto u badan.

Wasiir Bayle ayaa sheegay in dowladda ay xuquuqda Shaqaalaha ay joogteyn doonto, si gaarana loo qiimeyn doono dadka waqtiga dheeriga shaqeeya.

Beyle waxa uu howlwadeenada ku dhiiro galiyay in ay ku dulqaataan duruufaha dalka ka jira iyo Dakhliga dowlada oo yar.

Waxa uu sidoo kale howlwadeenada ku wargaliyay in loo sameynaayo xafiisyo waasac ah si ay u xoojiyaan howlaha ay u hayaan Qaranka.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa kulan looga hadlayo kor u qaadida tayada shaqo ee Wasaaradda layeeshay agaasimayaasha Waaxyaha wasaarada.

Waxa uu kala hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa dakhli kordhinta, iyo in dib u eegis lagu sameeyo canshuur dhaafka loo sameeyo Hay’adaha ka howlgala dalka.

Waxa uu sidoo kale wasiirku ku booriyey inay laba jibaaraan islamarkaana la sameeyo qayb shaqaalaha ka mid ah oo dekedda ka howl gala habeenkii xiliyadda ay jiraan shaqooyinka dajinta badeecooyinku.

Beelaha Murusade iyo Habar-gidir oo dhigay gogol lagu taageerayo dowladda

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Hotel ku yaal Magaalada Muqdisho ka socdo kulan xasaasi ah oo ku dhaxeeyo beelaha Murusade iyo Habargidir.

Beesha Murusude ayaa gogol u dhigatay Beesha Habargidir, waxayna ka wada hadli doonaan qodobo xasaasi ah oo ku saabsan xaaladda Siyaasadda Soomaaliya, maadaama labadaan beel dhawaanahaan mugdi soo kala galay.

Beesha Murusade ayaa Habargidir ka codsan doonto maanta inay taageeraan Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, isla markaasna ay si fiican ula shaqeeyaan Xukuumadda.

Beesha Habargidir ayaa dhawaanahaan mucaarad ku ahaa Ra’isulwasaare Kheyre maadaama ay ka caroodeen xil ka qaadis uu ku sameeyey shaqsiyaad dhowr ah oo kasoo jeedo Beesha Habargidir, waxayna ka dhawaajiyeen inaysan la shaqeyn doonin dowladda.

Sidoo kale Kulankaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay odayaal ka tirsan Beesha Hawiye, waxaana laga wada hadli doonaa taageeridda dowladda.

Waxaa la filayaa in shirkaas ay labada beel ku kala saxiixdaan qodobo dhowr, waana idinla wadaagi doonaan dhammaan wixii kasoo baxo Insha Allah.

QM oo difaacday go’aankii ay qaadatay ee ka dhanka ahaa maqaayadda Village

Muqdisho (Caasimadda Online) – Inta badan caasimada Soomaaliya waxaa dhacaan qaraxyo soo laab laabteen oo lala beegsado dowlada iyo ciidamada Afrika ee Muqdisho ku sugan.

Dhibaatada weerarada qaraxyo mararka qaar waxaa lala beegsadaa xarumaha qaramada midoobe taasi oo halis ku ah marwalbo in laga soo kabto sanado badan oo rabsho iyo bur bur Soomaaliya ku jirtay.

Sidaa darteed qaramada midoobe ayaa difaacday go’aankii ay shaqaalaheeda kaga mamnuuceen inay ka cunteeyaan maqaayad ku taalo Airport-ka.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay UN-ka looguna digaayo shaqaalaheeda inay maqaayada gudaha Airport-ka ku taalo ka cunteeyaan ayaa lagu sheegay in labo weerar qarax oo horey loogu qaaday maqaayada The Village oo dhaceen July 2016 iyo Janaayo 2016 ay dad badan ku wax yeeloobeen.

Waxaana looga digay shaqaalaha UN-ka inaysan The Village ka cunteynin ayadoo laga cabsi qabo in qaraxyo kale maqaayadan lala beegsado.

Cassandra Nelson oo ah Af-hayeenka qaramada Midoobe ee Soomaaliya ayadoo la hadleesay Alleastafrica waxay tiri “UN-ka wuxuu si joogto ah kaga taxadiraa halista ku imaan karto shaqaalaheeda guud, waxaana wax walbo ugu muhiimsan nabad galyada iyo amaanka shaqaalaha si shaqaalaheeda u bad baadaan xili walbo”

Cassandra Nelson sidoo kale waxay beenisay hadalka kasoo yeeray saxaafada gudaha Soomaaliya oo sheegeen in qaramada midoobe ay The Village shaqaalaheeda ugu diiday inay ka cunteeyaan ayadoo garab siineyso maqaayado kale oo loolanka dhinac kaga jiraan.

Cassandra Nelson waxay tiri “Wax aqoon ah uma lihi ganacsiga laga hadlaayo, waxaan idiin xaqiijin karaa in digniinta qaramada midoobe shaqaalaheeda siisay aysan arimo ganacsi ku lug laheyn”

Laakiin Ahmed Jama oo iska leh maqaayada The Village oo la hadlay Alleastafrica wuxuu yiri “Arinkaan oo dhan wuxuu salka ku hayaa loolan ganacsi, waxaana dhab ahaantii digniintan ka dhanka ah maqaayadeyda loogu xaglinaa ganacsiga Talyaaniga iyo reer Yurub ka wadaan Muqdisho kuwaas oo ka xun maqaayadeyda sare u kaca ganacsi ay sameeneyso”

Balse Af-hayeenka Ms. Cassandra eedeynta Ahmed Jama wey ku gacan seertay waxayna tiri “Marar kala duwan ayaan maamulka maqaayada kala hadalnay halista soo wajihi karto, madaama aan helnay xogo ku aadan halista amni daro ee goobta ka jirto welina wey taagan tahay halistii aan shalay maamulka kala hadalnay”

“Kaliya gudiga la talinta amaanka qaramada midoobe waxay shaqaalahooda kaga digiin halista ku imaan karto balse anaga ma dhihin gabi ahaanba ganacsiga goobta ka jiro hala xiro”

Laakiin Ahmed Jama hadalka Af-hayeenka qaramada midoobe kuma qancin wuxuuna yiri “Waxay isku da’yayaan inay ganacsigeyga bur buriyaan ayagoo mar marsiyo ka dhiganayaan arimo nabad galyo, halkaan waxaan u imid inaan dalkeyga dib u maal galiyo, waxaana kasoo tagay dhamaan ganacsigii aan UK ku lahaa”

Soomaalida oo dhan kuwa gudaha ku sugan ama kuwa daafaha caalamka joogaan dhamaan si careysan ayay kaga jawaab caliyeen digniinta ka dhanka ah ee qaramada midoobe kasoo jeedisay adeeegsiga shaqaalaheeda maqaayada The Village waxayna u arkaan arin ganacsiga Soomaalida lagu ragaadinaayo.

Xog dheeri ah: Sidee ayuu u dhacay weerarkii ciyaartoyda lagu qaaday?

Muqdisho (Caasimada online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaabkii uu u dhacay weerar lagu dilay laguna dhaawacay ciyaaryahano ka tirsan kooxaha ka dhisan dalka Soomaaliya.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Calamada oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho, waxaana ciyaartoyda oo wadatay gaari raaxo ah lagu furay rasaas, sida ay inoo sheegeen xubno ka tirsan kooxaha dalka ka dhisan.

Cumar Muumin Cumar iyo Cabdulaahi Mayow oo ka tirsan kooxda Elman oo shalay uun la siiyay fasax ay reerahooda kusoo booqan lahaayeen ayaa ku dhaawacmay rasaas lagu furay gaariga ay wateen.

Waxaa isla goobta ku dhintay tababare ku xigeenkii kooxda Bariga dhexe oo ka dhisan magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaasi oo u dhintay dhaawacii soo gaaray.

Xoghayaha kooxda Elman  Cumar Maxamed Foha ayaa sheegay in ciyaartoyda ay ku jiraan xaalad Komo ah, uuna daran mid kamid ah oo dhaawaca isha uu kasoo gaaray.

“Labo wiil oo naga mid ah ayaa dhaawacan, mid kamid ah Isha ayay ka dhacday xabada, isbitaalka ayay ku jiraan labadooda, tababare ku xigeenka  bariga dhexe wuu dhintay alle ha u naxariisto, gaari raaxo ayagoo saran ayaa Calamada Agtooda lagu rasaaseeyay”ayuu yiri.

Ma jiro ilaa iyo hadda faahfaahin ku aadan sababta ka dambeysay arintaan.

Puntland oo shir muhiim ah ka fashilisay DF iyo DF oo war kulul soo saartay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Kalluumeysiga dowladda Federaalka Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xaashi, ayaa ku eedeeyay Puntland inay fashlisay shir Caalami ah oo looga hadli lahaa Kalluumeysiga.

Wasiirka ayaa sheegay in shirka ay Puntland fashilisay uu ahaa mid maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe uga hadli lahaayeen qeybsiga Dhakhliga Kalluumaysiga TUNA, kaasi oo lagu qabtey magalaada Muqdishu.

Sababta fashilka keentay ayaa waxay ahayd in Puntland ay u dhaqantay sida dal Madaxbanaan, kadib markii ay dalbatay Saamiga la eg mid dowladda dhexe, ay ka helayso lacagta laga qaado Shirkadaha ka Kalluumaysanaya Biyaha Somalia.

Cabdiraxmaan Maxamed Xaashi, ayaa intaasi ku daray in Mamaul Goboleedyada kale ee dalka, ay ogolaadeen inay qaateen Saamiga loo qoondeeyay, balse Puntland ay diidey, sidaasina Shirka ku fashilmay.

Midowga Yurub, Bangiga Adduunka, Hay’adda USAID ayaa soo qaban-qaabiyay Shirka u dhaxeeya maamullada Federaalka iyo dowladda dhexe, si ay u gaaraan heshiis dhanka qeybsiga Kheyraadka Badda.

Shirka oo Wajigiisa hore ka dhacay Muqdishu bishii April, waxaana la qorsheynayay in lagu dhameystiro 7-da bishan dalka Seychelles, balse lagu soo kala tagey markii Puntland ay shuruudo adag keentay.

Wasiiradda Kalluumeysiga Galmudug, HirShabelle, Southwest, Jubbaland, Puntland iyo dowladda dhexe ayaa ka qeybgalay Shirka qeybihiisa hore, waxaana la sameeyay Gudi isku dhaf ah, oo ka shaqeeya heshiiska lala galayo Shirkadah shisheeye.

Puntland Shirka Seychelles waxay u dirtey oo uga qeybalay Wasiiru Dowlaha Kalluumaysiga Kulmiye Cabdiraxmaan Jamaac, halka dowladda Federaalka u joogay Wasiir ku xigeenka Kalluumeysiga Cabdullaahi Cumar Abshir iyo Wasiir Ku-xigeenka Maaliyada Cabdullaahi Sheekh Cali.

Dhinacyada Gudi ay sameysteen ayaa isku raacay in laga kalluumaysan karo aaga loo yaqaano (Exclusive Economic Zone EEZ 50 200 nautical mile), qaybtaas oo ah dhul badeedka u gaarka ah wadan kasta uu leeyahay, oo uu ka kalluumaysan karo.

Lacagta laga qaado Shirkaddaha iyo dowladdaha doonaya inay ka kalluumaystaan Badda Somalia waxaa lagu heshiiyay inay Ruqsadda (License) ay siiso dowladda dhexe, lagactana lagu shubo Bangiga dhexe.

Dhaqaalaha sida loo qeybsanayo waxaa go’aan ka gaaraya Madaxweyniyaasha maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe, waxaana Bangiga Dhexe Somalia laga abuurayaa Akoon lagu magacaabo “Dhaqaalaha Kalluumeysiga TUNA.”

Bangiga Dhexe wuxuu afartii biloodba mar u dirayaa maamul goboleedyada Warqadda cadaynaysa lacagta kusoo dhacday, iyo saamiga ay ku leeyihiin, si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa maaliyadeed.

Daawo: Muxuu Faarax Macalin ka yiri xildhibaanada mucaaradka ee Nairobi?

Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya Faarax Macalin, ayaa si adag uga hadlay Xildhibaanada mucaaradka ee ku sugan magaalada Nairobi.

Faarax Macalin ayaa sheegay in Xildhibaanada Madasha Horusocod ay yihiin kuwa si dhow ula shaqeynaaya shisheeyaha waxa uuna tilmaamay inay fulinayaan danaha shisheeyaha ee Somalia.

Faarax ayaa tilmaamay in Somalia aysan u baahneyn in dib loogu celsho halkii ay kasoo gudubtay waxa uuna cod dheer ku sheegay in Xildhibaanada mucaaradka ay garab ka helayaan dowlado shisheeye haba ugu badnaaden reer galbeedka iyo carabta.

Faarax Macalin waxa uu sheegay in Xildhibaan waliba oo ka tirsan mucaaradka ku sugan Nairobi uu doonaayo in danihiisa gaarka ah uu ka dhex arko xukuumada cusub.

Waxa uu farta ku goday in Xildhibaanada qaar ay yihiin kuwii codka siiyay Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna nasiib darro ku sheegay in awoodooda ay ugu adeegan shisheeyaha.

Faarax waxa uu cadeeyay inay jiraan dowlado dhowr ah oo ka dhex macaasha dhibta Somalia, waxa uuna ku baaqay in Xildhibaanada ay dib u garwaaqsadaan in waxa ay xilka u hayaan uu yahay dalkooda iyo dadkooda oo kasoo kabanaaya dhibtii horay u gaartay.

Xog: Maxaa ka jira in garoonka Xamar lacag baad ah lagu qaato?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno ilo wareedyo ka tirsan howlwadeenada Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay sii kordhayaan lacagaha baada ah ee laga qaado dadka Safarka ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in dadka Safarka ah laga qaado lacago sharci daro ah oo ay fududeynayaan howlwadeenada ka howlgala qeybta safarada Africa iyo Aasia.

Howlwadeenadani oo si gaara uga macaasha dadka baxaaya Safarada koowaad, ayaa waxaa la xaqiijinayaa in xujo uga dhigaan inaysan baxeynin haddii aysan bixin lacago cadadkeeda lagu sheegay ilaa 30$.

Waxaa la xaqiijiyay inay ugu hanjabaan inay ka reebayaan duulimaadyada isla markaana laga qaadi doono dhammaan Dukumiintiyada Safarka, iyadoo loo sameynaayo sababo macquul ah.

Mid kamid ah musaafuriinta lagu xujeeyay dhaqaalahaasi oo lagu magacaabo Xusein Maxamed ayaa sheegay in Garoonka Aadan Cadde uu ka dhoofay muddo laba jeer ah, isla markaana laga qaaday lacago baad ah oo uu ku sheegay 20$ iyo 30$ oo aan sharci aheyn.

”Waxaa leyga qaaday boorsada waxaa la ii geeyay mid kamid ah howlwadeenada Garoonka waxa uu i weydiiyay lacago dhan 50$ oo leyguugu fududeynaayo howsha Safarka markii aan ka dhaga adeegay ayuu igu wareejiyay labo dhalinyaro waxaa leygu xiray qol”

”Waxaa la ii imaaday muddo 10 daqiiqo kadib waxaa leygu yiri imisa ayaad awoodaa waxaan ku dhahay lacag dheeri ah mawato maadaama Safarkeyga uu yahay mid ku wajahan Ugandha waxaa leyguugu hanjabay in leyga reebayo diyaarada, anigoo ka walwalsan sida ay wax u socdaan ayaan ku iri waxaan bixinaa lacag dhan 20$ kabadana ma heysto”

”Waxaa leyga qaaday lacagtii waxaana dib leyguugu celshay hoolka Safar sugayaasha”

Waxa uu sheegay in lacagahaasi ay yihiin kuwo aysan ka warqabin dowlada balse si hoose looga qaado dadka Safarka ah, waxa uuna intaa raaciyay in qof waliba oo shacab ah laga qaado lacago sharci daro ah.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay inay jiraan dhalinyaro ka howlgala Hoolalka Safarka oo ka dhex shaqeeya dhinacyada ka macaasha dhaqaalaha sharci darada iyo dadka Safarka ah, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa wali dalka ka jira Musuq-maasuq hoose oo aysan kawarqabin Madaxda ugu sareysa dalka, waxa ayna talaabooyinkaasi shaki iyo walaacba galineysaa shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Baarlamanka Puntland oo gaaray go’aan dhabar jab ku ah Gaas

Garowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada Barlamanka Puntland ayaa qoraal uu saxiixey gudoomiyaha aqalka wakiilada Puntland u direy Madaxweyne Gaas kasoo ay ku tilmaameen in kordhin lagu sameeyo golaha shacabka uu yahay mid sharci daro ah.

Wararka aan ka heleyno qaar ka tirsan golaha wakiilada oo diidey in magacyadooda aan xusno ayaa sheegaya in qoraalkaan loo direy Mudane  Gaas uu yimid kadib markii xildhibaano gaaraya 59  warqad ay ku diidan yihiin kordhinta xubnaha Batlamanaka Puntland u gudbiyeen gudoonka aqalka wakiilada.

Warqada gudoomiyaha Barlamanka u direy Madaxweynaha Puntland ayaa sida aan xogta ku hayno waxaa ku xusan qodobo ku qoran Dastuurka Puntland kuwasoo loogu sheegey inuu jabiyey.

Xogaha ku hareereysan in kororsiimada lagu sameeyo tirada Xildhibaanada Puntland ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas u hadlayey sidii in golaha xukumada go’aankaan wax ka og-yihiin.

“Madaxweynaha Puntland oo cuskanaya qodobka 139 ee dastuurka ayaa isagoo ka dhigaya in golaha xukuumada go’aankaan wax ka og-yahay waxaa uu codsi uu soo qorey gudoonka Barlamanka.” Sidaas waxaa sheegey Xildhibaan diidey in magaciisa xusno.

Qodobka 139 ee Dastuurka Puntland ayaa sheegaya in dood laga furo Dastuurka Puntland ay codsan karaan oo kaliyah golaha xukuumada, 1/5 ka tirsan xubnaha Barlamanka iyo 5000 qof oo ka tirsan dadweynaha Puntland.

Dhinaca kale wararka laga helayo qoraalka loo gudbiyey Madaxweyne Gaas ayaa lagu sheegey qodobka 60 aad ee Dastuurka Puntland kaasoo sheegaya in 66 xildhibaan ee Barlamanka Puntland aan wax laga badali karin ilaa la helo tirakoobka rasmiga ah ee shacabka dagan maaamulkaas.

Codsiga kordhinta xubnaha Barlamanka Puntland ee ayaa dadka wada-daga maamulkas ku abuurey xiisad siyaasadeed iyadoo dadka la socda arimaha gobolka ku fasireen in ay tahay talaabo dadka lagaga jeedinayo wax-qabad la’aanta xukuumada  iyo safarada is-daba jooga ah ee Madaxweynaha Puntland kuwasoo yimid xilli ay jireen abaaro ba’an.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Feysal Cali Waraabe oo fashiliyay qorshaha xildhibaanada Nairobi

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Maamulka Somailand, Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay talaabooyinka Xildhibaanada baarlamaanka ee isku uruursanaaya magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.

Feysal Waraabe, ayaa sheegay inuu horay ula sii socday in Xildhibaanada baarlamaanka ay dib ugu soo laaban doonaan Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo ay doorteen.

Waxa uu Feysal Waraabe sheegay in dhammaan Xildhibaanada Soomaalida ay yihiin kuwo dheef u raadsaday kamid noqoshada baarlamaanka waxa uuna cadeeyay in Xildhibaan waliba uu doonaayo inuu ka hantiyo xubinimadiisa baarlamaanka.

Waxa uu sheegay in wax lala yaabo ay tahay in dowlad hadda u dhisantay Somalia hadana laga soo horjeesto iyadoo aan gaarin xiligii ay waxqaban laheyd.

”Soomaalida wey isku mashquulsan tahay talaabada Xildhibaanada ku sugan Nairobi waan filaayay waayo waxaa ii muuqatay in dowlada qudheeda aan lagu dhisin raali ahaanshiyaha Umada Soomaaliyeed”

”Baarlamaanka Somalia waxaa ku weyn qabyaalada iyo is naceynka Xildhibaan ay beeshiisa soo dooratay awood uma laha inuu hagaajiyo dowladii ay dhisatay Soomaalida waxaan oran lahaa yaan la kala dirin dowladii aad dhisateen dharaar cad”

”Dowlad isku mashquulsan Somaliland kama fileyso inay ku darsoonto, waxaan mar kale leeyahay Xildhibaanada ha toosiyaan dhaqankooda”

Feysal Waraabe, ayaa sheegay in Somalia aysan gaari doonin horumar inta ay jiraan Xildhibaano lagu soo doortay Musuq iyo nin jecleysi waxa uuna ku taliyay inaan Caalamka la tusin dhaliisha ka dhex jirta Madaxda iyo Xildhibaanada.

”Dhaliisha ceynkaani ah waxa ay Beesha Caalamka u tahay macluumaad waxa ay ogaanayaan waxa ay Somaliland ku diideyso inay ku biirto Somalia, waxaan oran lahaa ceebtiina qarsada oo ha tusina adduunka”

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Xildhibaan waliba uu doonaayo inuu ka dhex muuqdo Xukuumada, waxa uuna arrinkaasi ku sheegay mid dano gaara laga leeyahay aasaaska is baheysiga cusub.

Si kastaba ha ahaatee, Feysal Waraabe ayaa ku baaqay in fursado lasiiyo dowlada Somalia si buu yiri loogu helo qodobo cadcad oo lagu mucaaradi karo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kheyre oo sheegay caqabada kaliya ee hortaagan dhaqaalaha iyo horumarka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada online) – Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa u sheegay ciidamada howlgalada gaarka ah ka sameynaya magaalada Muqdisho in looga baahan yahay inay si wanaagsan ula macaalimaan shacabka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaarahe Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in caqabada kaliya ee heysata Shacabka Soomaaliyeed inay tahay amaanka, isagoo cadeeyay haddii aan la helin in wax horumar ah aan laga gaari karin dalka Soomaaliya.

Ciidamada la doonayo inay howlgalka gaarka ah ka sameeyaan magaalada Muqdisho ayuu kula dardaarmay si amaankaasi loo heli marka hore inay abuurtaan kalsoonida shacabka oo ay isla wada shaqeeyaan.

“Dadka Soomaaliyeed ee aad u tageysaan waa inaan ixtiraamnaa, waan idiin amaaneynaa wax walbaa oo aad xaq u leedihiinna waad heleysaan, laakiin waa inaad shacabka si wanaagsan ula macaamishaan”ayuu yiri Mr Kheyre.

Dhinaca kale wuxuu si cad u sheegay in caqabada Soomaalida heysata inay tahay amni haddii la helana horumar kastaa la gaari karo.

“Haddii aan amni jirin, adduunyada nalama dhaqmi karto, haddii aan amni jirin dhaqaalo lama helayo, haddii aan amni jirin horumar lama gaarayo, balse waxaan idinka codsanayaa inaad soo celishaan sharafta iyo karaamada dalkaan uu lahaa”ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha dalka.

Xog cusub oo ku soo korartay maleeshiyadii Puntland iyo Galmudug ee is-horfadhiyey

Waxgaradka gobolka Mudug ayaa sheegay iney ku guuleysteen iney kala qaadaan maleeshiyaad kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug oo dhowaan ku dagaallamay duleedka magaalada Gaalkacyo.

Suldaan C/naasir Jaamac Seed oo kamid ah waxgaradkaasi ayaa sheegay, in dedaal ay sameeyeen kadib ay kala qaadeen Maleeshiyadan, ayna kala geeyeen meelihii ay horey uga kala yimaadeen.

“Waxaan ku guuleysannay inaan kala qaadno Maleeshiyaadkii ku dagaallamay duleedka Gaalkacyo, waxaana kala geynay meelihii ay ka kala yimaadeen, taasina waa guul ay waxgaradku gaareen” ayuu yiri Suldaan Seed.

Dhanka kale Suldaanka ayaa sheegay in hadda ay bilaabeen in waxgaradka Puntland iyo Galmudug ay ka wada hadlaan sidii loo dhameyn lahaa dad ay iska kala dileen Labada dhinac iyo sidoo kale Geel la kala dhacay.

“Hadda waxaa inoo haray in dhibkii dhacay la xalliyo, la gaaro go’aanno adag oo dib dambe looga baaqsan karo iney wax dhacaan” ayuu suldaanka yiri.

Maleeshiyaad kasoo kala jeeda maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa dhowaan ku dagaallamay duleedka magaalada Gaalkacyo, wuxuuna dagaalkaasi ku bilowday sida la sheegay Geel la dhacay.

Mas’uul ka qeyliyay heerka uu gaarsiisan yahay musuqa ka jira Galmudug

Cadaado (Caasimada Online) – Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in la gacan bidixeeyay lacagihii loogu tallo galay abaaraha ka jira deegaanada Galmudug.

Xildhibaan Caseer Axmed Yuusuf oo kamid ah mudanayaasha maamulka Galmudug, ayaa sheegay inaanu jirin lacago sax ah oo gaaray dadka ay saameeyen abaaraha ee ku sugan deegaanada Galmudug.

Caseer ayaa sheegay in Guddiga gurmadka abaaraha Galmudug ay ku kaceen musuq-maasuq kii ugu cuslaa waxa uuna cadeeyay in dhammaan lacagihii loogu tallo galay abaaraha ay ku dhaceen jeebka shaqsiyaad gaara.

Xildhibaan Caseer ayaa sheegay in xiligaani dadka ku nool 16 tuulo oo hoostaga deegaanka ay ku noolyihiin dhibaato weyn, waxa uuna sheegay in lacagihii loogu tallo galay ay gashay jeebka shaqsiyaad gaara.

Dowlada federaalka iyo maamulka Galmudug ayuu ugu baaqay inay xabsi dhigaan shaqsiyaadka uu ku fooraaro Musuqa, waxa uuna ku taliyay inaan laga aamusin ficilada gurcan oo ay ku kacayaan Guddiyada Abaaraha.

Talaabadaani ayaa imaaneysa xili deegaanada ay ka jiraan abaaraha ay weli yihiin kuwo aan la gaarsiin raashiin iyo lacagba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Qarax lagu la’day oo ruxay magaalada Manchester ee UK

Manchester (Caasimada Online) – 19 qof ayaa illaa iyo hadda la xaqiijiyey in lagu dilay, islamarkaana 50 kale lagu dhaawacay qarax ka dhacay xarunta Manchester Arena ee magaalada Manchester ee dalka UK, sida ay sheegeen booliska.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay inay maqleen laba qarax oo waa weyn, xilli xarunta ay ka heeseysay gabadha Mareykanka ah ee Ariana Grande oo bandhig halkaas ku qabatay.

Booliiska Greater Manchester ayaa xaqiijiyey in dhimasho badan ay jirto, dhaawucuna badan yahay.

Illaa iyo hadda lama yaqaan waxa sababay qaraxyada, hase yeeshee cutubka ka hortagga argagixisada ee North West Counter Terrorism ayaa sheegay inay u badinayaan in weerarkan uu yahay fal argagixiso.

Waxa ay sidoo kale sheegeen inay baarayaan suurta-galnimada ah in weerarka uu fuliyey qof is-miidaamiyey.

Xarunta Manchester Arena waa xarunta ugu weyn ee xafladaha lagu qabsado ee magaalada Manchester, waxayna qaadaa 18,000 o qof.

Ariana Grande waa gabar 23 jir Mareykan ah oo heesta, waxaana aad u jecel dhallinyarada.

 

Weerar lagu dilay macallin iyo laba cayaaryahan oo ka tirsanaa kooxda Elman

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in la weeraray gaari nooca raaxada ah oo uu watay Macalin ku-xigeenka Kooxda Bariga Dhexe iyo Laba Cayaartoy oo ka tirsan Kooxda Elman.

Gaariga uu watay macalinka iyo labada Cayaartooy ayaa lagu weeraray xili ay marayeen wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo Afgooye.

Weerarka ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay macalin ku-xigeenka Kooxda Bariga Dhexe oo ka dhisan Degmada Afgooye.

Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Ciyaaryahanka Kooxda Elman u wata Lambarka 24aad oo lagu magacaabo C/laahi Mayow iyo Cumar Muumin Cumar oo kooxda Elman u wata Lambarka 7-aad.

Macalin ku xigeenka Kooxda ayay rasaasta ka haleeshay qeybaha sare ee jirka, halka labada ciyaartoow uu soo gaaray dhaawac fudud.

Maxamed Cumar Moha oo ah Xoghayaha kooxda Elman ayaa xaqiijiyay geerida Macalin ku-xigeenka Kooxda iyo dhaawaca laba ciyaartooy ee la soctay.

Waxa uu sheegay in dhaawaca labada ciyaartooy la dhigay Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho.

Waxa uu intaa raaciyay in maalinta beri ah la aasi doono Meydka macalin ku-xigeenka Kooxda, waxa uuna ballanqaaday inaysan ka jiifan doonin daweynta labada ciyaartooy ee dhaawaca ah.

Hay’adaha amaanka ayaan ka hadal weerarka lagu qaaday Kooxdaani, waxaana jira warar sheegaya inuu socdo baaritaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]