26.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

R/W Kheyre oo la-yaab ku tilmaamay in hal arrin lagu dhaliilo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadiisu ay diyaar u tahay in tallo ay la wadaagto shacabka iyo dhinacyada kasoo horjeeda DFS.

Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay inaanu jirin cilad ay u arkaan in wax laga weydiiyo tabashooyinka laga qabo howlaha ay u hayaan Qaranka.

”Waxaan diyaar u nahay inaan ka jawaabno waxyaabaha tashwiishka dhalinkara, shacab iyo dhinacyada kasoo horjeeda DFS waxaa u furan inay na weydiiyan wixii jira”

Kheyre waxa uu sheegay inuu la socdo inay jiraan dhaliilo farabadan, waxa uuna tusaale usoo qaatay shaqaalaha dhowrka ah ee uu ka eryay shaqooyinka xarumaha DFS sababo la xiriira shaqo gudasho la’aan.

Waxa uu difaacay sababaha uu shaqada uga eryay, waxa uuna ballanqaaday inuu sii wadan doono wax waliba oo niyad furni u muujinkara dalka iyo dadka.

Kheyre waxa uu sheegay inuu aqbali doono wixii dhaliil ah ee loogu soo gudbiyo beejajka khaaska u ah, balse uusan aqbali doonin in dhinacyada mucaaradka ay ku dhaliilan howlaha uu u hayo Qaranka.

Haddalka Kheyre ayaa imaanaya xili boqolaal shacab iyo Siyaasiyiin ay aad u dhaliilsan yihiin howlaha uu kusoo biiriyay DFS, sida shaqo ka fadhiisin lagu sameeyo kuwa aan shaqooyinkooda gudan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Farmaajo oo maalmaha soo socda gali doona safarkiisa 9-aad

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu galo Safarkii 9-aad, kaa oo qaadan doona muddo Seddex cisho ah.

Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha dalka ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha uu safar ku gaari doono Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar.

Madaxweynaha ayaa casuumaad ka helay Amiirka dowladda Qatar, waxa ayna kawada hadli doonaan danaha labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kabixi doona magaalada Muqdisho, markii uu dib uga soo laabto Safarka Sacuudiga.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay safaro ugu tagay dalalka Urdun, Imaaraadka Carabta, Kenya, Sucuudiga , Turkiga , Itoobiya iyo UK.

Si kastaba ha ahaatee, Farmaajo ayaa sheegay in Safaradiisa batay ay ku jiraan dano Siyaasadeed oo lagu kobcinaayo Siyaasada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Yaa ka danbeeya dagaalada soo laalaabtay ee gobolka Hiiraan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa deegaano hoostaga Gobolka Hiiraan ka socda dagaalo u dhexeeya laba beel oo wada dega Gobolka Hiiraan kaa oo salka ku haya aanooyin khabiil.

Dagaalada ugu badan ayaa ka dhaca deegaan lagu magacaabo Baar oo qiyaastii 30KM u jira magaalada Beledweyn.

Nabadoon Maxamed Cali oo kamid ah Nabadoonada ku dhaqan Gobolka ayaa sheegay in dagaalka uu yahay mid uu waxbadan ka ogyahay maamulka.

Nabadoonka waxa uu tilmaamay inay jiraan ciidamo ka tirsan maamulka oo ka garab dagaalama mid kamid ah beelaha ay dirirtu u dhexeyso, waxa uuna cadeeyay in maamulka uu si cad uga gaabiyay hakinta dagaalada socda.

”Dagaalku maaha wax qarsoon waxaa kaalin weyn ka qaadanaaya Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan oo la kala safta labada beel ee dirirtu u dhexeyso”

”Waxaan xaqiijinayaa in dagaalka ay ku jiraan ciidamo ka tirsan maamulka oo dhar bedesha, waxaan dowlada ugu baaqayaa in xalinta dagaalka aysan ku haleyn maamulka Hiiraan”

Waxa uu intaa raaciyay in dhowr jeer ay maamulka kala hadleen dagaalka xalka loo waayay ee ka socda deegaanka lagu magacaabo Baar oo qiyaastii 30KM u jira magaalada Beledweyn, balse ay ku gacanseeren.

DFS ayuu Nabadoonka ugu baaqay in xalinta dagaalka ay usoo xil saarto xubno ka madaxbanaan maamulka Hiiraan waxa uuna cadeeyay inay jiraan halisyo badan oo u baahan in laga hortago.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay madaxweyne Trump

Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga kula kulmay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, sida ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska madaxweynaha ay u sheegeen Caasimada Online.

Kulanka labada mas’uul ayaa ahaa mid kooban, oo cidna aysan ku wehlin, wuxuuna ka dhinac dhacay shirka dalalka muslimiinta iyo Mareykanka ee Riyadh.

Sida laga soo xigtay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, waxaa kulanka intiisa badan xoogga lagu saaray arrimaha amniga Soomaaliya iyo la dagaalanka argagixisada.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhiggiisa Soomaaliya u ballan-qaaday in Mareykanka uu Soomaaliya ka caawin doono sidii ay uga adkaan lahayd kooxaha xagjirka ee carqaladda ka wada dalka Soomaliya.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale Farmaajo ka codsaday inay ku kulmaan Mareykanka, wuxuuna ballan-qaaday inuu casuumad rasmi ah usoo diri doono marka uu ku noqdo Washington.

 

Maxaa kala soctaa tirada xildhibaanadq mooshinka ka gudbiyey Gaas?

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Puntland ayaa diyaariyay mooshin ka dhan ah Hogaamiyaha maamulka C/wali Gaas.

Mooshinkaani ayaa la sheegay inay gudbiyeen Xildhibaano dhan 59 Xildhibaan, waxaana la sheegay in Mooshinka uu yahay mid looga soo horjeedo warqad uu qoray Hogaamiyaha maamulka C/wali Gaas.

Mid kamid ah Xildhibaanada Mooshinka gudbiyay ayaa sheegay inay aad uga soo horjeedan qorshaha kordhinta golaha wakiilada inuu yahay qorshe uu wato Madaxweyne Gaas.

Waxa uu sheegay in Mooshinkooda uu yahay mid ku saleysan warqad uu Gaas u gudbiyay Guddoonka baarlamaanka si tirro kordhin loogu sameeyo Xildhibaanada.

Waxa uu intaa raaciyay in Mooshinkooda ay u gudbiyeen Guddoonka baarlamaanka isla markaana qorshaha C/wali Gaas uu yahay mid uu waji uga raadsanayo beelaha Puntland qaarkood.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in ujeedka warqadaan loogu gudbiyey Guddoonka baarlamaanka uu yahay in lasii wado Barnaamijka Asxaabta isla markaana aan marnaba lagu laaban nidaamka qabyaaladeed.

Docda kale, Guddoonka baarlamaanka ayaa lagu wadaa inay ka jawaaban Mooshinka loo gacan galiyay ee looga soo horjeedo warqada tirro kordhinta Xildhibaanada baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Wasiir Xoosh Jabriil oo faallo cajiib ah qoray: Mucaarad mise MUCAARAD?

Mucaarad iyo MUCAARAD waa kala labo oo haddana kala akhris !!!

Waxaa baryahaan bilowday guux ay wadeen dhowr qof oo siyaasiyiin ah oo ka waday dalka dibaddiisa shir albaabada u xiran yihiin kuna dhawaaqeen in uu caddaad kooda ahaa 80 siyaasiyiin ah, kaa soo la diiday in la sawiro shirka. Goob jooge xildhabaan ah oo shirka u tagay inuu u kuur galo hadafka laga leeyahay ayaa aniga iyo dad kale oo badan noo sheegay in shirka ay xaadir ku ahaayeen 12 qof marka isaga lagu daro. Qoraalkaan kuma saabsana daba gal siyaassiyiinta, dadka ay matalaan, caddadooda iyo waxa hadafkoodu yahay. Maqaalkan wuxuu falanqeyn ka bixinayaa “ Mucaarad” waxa looga yaqaan caalamka iyo fikradda siyaasadeed ee ay xambaarsantahay oo si cad uga duwan MUCAARAD-ka habowsan oo Somalia ka dhex boodaya. Ka dibna waxaan eegeynaa MUCAARD-ka gurracan oo waddamada qaarkood ka jira sida Somaliya.

Caalamka waxaa “Mucaarad” looga yaqaan siyaasad isku duwan oo ka soo horjeedda xukuumadda dhisan ugana soo hor jeedda maba’adii qayaxan oo ku dhisan cilmi baaris qotto dheer. Aaraadaas “ Mucaaradku”-soo ban dhigo waa mid ummada oo dhan ay fahmi karto inaysan ku saleysneyn laab la kac, shakhsi naceyb, shakhsi jaceyl, iyo isku day xukun ka ridasho oo si garasho xumo ah loo hagayo. Waa inay ku salaysan tahay cabasho ku aaddan khaladdaad ay xukumadda iyo muxaafidka sameeyeen xaga dhaqaalaha, arrimaha bulshada, amniga, musuqmaasuqa, iyo ku xad gudubyo shuruucda waddanka iyo Dastuurka.

Haddii ay intaas ku salaysan tahay cabashada, “ Mucaarad”-ka waxaa u suurto galeyso inay shacabka soo jiitaan maxaa yeelay shacabka ayaa sideedaba horay u dareemo khaldaadka xukuumadaha sameeyaan. Kaas waa “ Mucaarad”-ka caalamka laga yaqaan, oo mid cilmiyeeysan ah, badanaana ka shaqeeya sixidda siyaasadda xukuumadda. Arintaas xukuumadda iyo shacabkuna uma arakaan dadka “ Mucaarad”-ka ah inay xun yihiin, balse waxeey u arkaan in “Mucaarad”-ku yahay tiir kale oo hagaya dowlad wanaagga iyo dimoqoraadiyadda. Inta badan waxaa la arkaa “Mucaarad”-kii oo hanta shicibka kuna guulaysta marka doorasho la gaaro, baddalana xukuumaddii ay mucaaradayeen. Xukuumadaas cusubna “Mucaarad” cusub baa ka ag-dhasha billaabana inuu karbuuno ku daaro siyaasadeeda.

Haddaba siyaasiyiinta Somaliyeed oo sheegtay inay dhaliilsan yihiin xukuumadda hadda jirta waxay ku sifoobeen inay yihiin MUCAARAD balse aysan ahayn “ Mucaarad”-ka caalamka laga yaqaan.

Marka aad dib u fiiriso xukuumadda hadda jirta oo ay hormuud u yihiin Madaxweeyne Mohamed Abdullahi (Farmaajo) iyo Raisulwasaare Xassan Ali Kheyre wax la taaban karo; laguna dhaliili karo oo ay MUCAARAD-ku soo ban dhigeen ma jirto, mana jiri karto sababaha soo socda awgood.

Xukuumadda waxay jirtaa wax ka yar laba bilood, shicibka iyo caqliga fiyow wuu la yabayaa mucaaradnimo bilaabata wakhtigaan oo kale, maxaa yeelay waxaa loo arkaa laab lakacnimo iyo qaswadanimo oo lagu soo daalay shantii sano ee la soo dhaafay, taasoo sababtay isqabqabsi siyaasadeed oo keentay in la marin habaabo, laguna fashilmo barnaamijyadii dowladda u degsanaa.
Intaas waxaa dheer hayadaha dowladda, sida madaxtooyada, labada aqal ee baarlamaanka iyo hayada fulinta, shacabka iyo caalamaka u arkaan in ay ka dhex muuqato xasilooni siyaasadeed iyo wax qabad xawli ku socda oo ay ka mid yihiin:

1. In dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ay si fiican isula jaanqaadeen oo uusan khilaaf ka dhex jirin, waxaana daliil u ah saxiixii iyo heshiiskii amniga oo ay bishi April wada saxiixdeen iyo tala wadaagii ay ka wada yeesheen shirkii London ee 11kii May.
2. In Wasaaradda Arrimaha Gudaha xal siyaasadeed ay ka dhalisay xaaladii siyaasaaddii Galmudug oo ku aadanay doorashadii Madaxweeyne Axmed Ducaale (Xaaf) oo ku siyaasad ah dowladda Farmaajo iyo Kheyre.
3. In la dareemaayo in hoggaan tayo leh loo helay hayadaha amniga isla markaasna uu amnigu soo fiicnaanayo.
4. In qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP) uu si habsami leh u bilowday kaa soo hirgelintiisana lagu saleeyn doono howlaha dowladda qorshe Somali leedahay ayna hormuud ka tahay.
5. In xiriirka caalamiga ah ay dowladdu si wacan u wajahday lana xoojiyey xiriirka waddamada dariska ah.
6. In wasaaradda Waxbarashada, Warfaafinta, Dhaliyarada iyo Isboortiga, Haweenka iyo Xuquul Insaanka in ay wada hadalo la wada bulshada iyo mamul goboleedyada si loo soo saaro siyaasad ku aaddan howlahooda.
7. In loo magacaabay Gobolka Banadir dhallinyaro aad wax u baratay, aragti siyaasadeed oo Somalinimo ku dheehantay leh, rajada dhalinyarad Somaliyeedna kor u qaaday. Waa Guddoomiye Taabit, ku-xigeennadiisa Mohamed Salah, Maluka Abdukadir, Xaaji iyo Xoghaya Guud Subeyda M. Mukhtaar, waana markii ugu horesay oo ay Guddoon ama xil sare oo ay dumar ka qabtaan gobolka Banadir iyo Gobolada kale oo dhan.
8. In Dastuurkii ku meel gaarka ahaa oo dhibta badan laga soo maray shanti sano oo la soo dhaafay haatan aragti siyaasadeed ay ka wada yeesheen Hayadaha Fulinta iyo Sharci Dajinta, la iskuna raacay qorhse laba sanadood loogu tala galay in lagu soo afjarayo dib-u-eegista Dastuurka.
9. In intaas oo shaqo ah iyadoo la wado ayaa haddana Xukuumadda waxay ku howlanayd walina ku howlantahay u gurmadka shacabka abaaruhu ku habsadeen iyo sidii loo heli lahaa qorshe siyaasadeed oo ku aaddan maaraynta masiibooyinka iyo sidii looga hortagi lahaa

Gunaanad

Waxaa iga talo ah in ay siyaasiinta wax tabanaayo, ha ahaato arrin shakhsi ama siyaasad ay bal dib u neefsadaan ayna isla miisaanaan wadciga aan ku jrno oo ah wadci xukuumadda 2 bilood wali gaarin, wadci abaaro ku habsadeen waddanka intiisa badan, wadci lagu jiro la dagaalanka nabad diidka, iyo wadci lagu howlan yahay udub u taaggii dowladnimo hanato astaamaha lagu yaqaan dowladnimo.

Haddii ay siyaasiyiinta iyo Ururada Bulshada rabaan inay ka qayb galaan siyaasadda waddanka, Dastuurka ayaa u fasaxayo, loomana diidin. Laakin ha billoobaan ina ay la xaajoodan Xukkuumadda, una soo ban dhigaan sidii wax loo sixi laha. Laakin waa laga fiican yahayin xal loo arko in lala xiriiro dowlado Ajnabi ah.

Tan ugu dambeeysa, haddii ay siyaasiintaan hayaan waxyaalo la taaban karo oo ay rabaan in ay xukkuumadda saxdo, hasoo ban dhigaan haddii talooyinkaas ka soo if baxeen kadib cilmi baaris qotto dheer leh, umaddana ku wada qanci karto si wadar-oggoleed ah.

Aan wado hadalno waa aan heshiinno!!!!

W/Q: Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil
Wasiirka Dastuurka Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

Diyaarad laga leeyahay Turkiga oo ka degi weyday Aadan Cadde (Kadib maxaa dhacay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka degi waayay Diyaaradda Caalamiga ah ee Turkish Airlines xili ay rakaab ka qaadi laheyd Garoonka.

Diyaaradaani ayaa la sheegay in dhowr daqiiqo ay dul heehaabeysay Garoonka si ay u hesho Jawi ay ku degi karto, hayeeshee uma suuragalin inay soo caga dhigato.

Diyaaradaani ayaa la xaqiijiyay inay u bixi weyday lugaha kadib markii ay lasoo deristay cilad degdeg ah oo aan horay u heyn.

Sargaal ka tirsan Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ayaa sheegay in sababta ugu weyn oo ay la dagi weyday dayaaradu ay aheyd hawada oo xumeyd.

Diyaarada Turkish Airlines ayaa la sheegay inay ka degatay magaalada Jabuuti, halkaasoo ay dhigtay rakaabkii ay u soo waday Muqdisho.

Sidoo kale, waxaa hakat ku imaaday safarka rakaabkii ay ka qaadi laheyd magaalada Muqdisho, kuwaa oo dib ugu dhacay maalinta beri ah.

Tani ayaa waxa ay kusoo beegmeysaa xili gudaha Asbuucaani ay sidoo kale Garoonka Muqdisho dib uga laabatay diyaarad kale oo awoodi weyday inay degto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Document: Wasiirka Shaqada DF oo ku dhex jiro fadeexado lacago lagu lunsanayo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Fadeexadaha sida is daba jooga u hareeyay wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada ee dowladda federaalka ayaa si weyn usoo ifbaxaya iyadaoo wasiirka wasaarada Saalax Axmed Jaamac la sheegayo in uu amray gacanyarahiisa cusub ee wasaarada oo lagu magacaabo C/risaaq Max’ed Max’ud si u keeno lacago uu ku safro wasiirka iyo wafdi uu hogaaminayo.

Wasiir Saalax Axmed Jaamac ayaa doonaya in uu ka qeyb galo shirka caalamiga ah ee hay’adda shaqada adduunka ILO ee dhawaan ka dhacaya magaalada Geneva asaga oo weydiistay haayada World Bank in ay ka bixiso sahayda safarkiisa iyo wafdi la socdo.

Arrintaan ayaa ah arrin si weyn uga hor imaaneyso nidaamka caalamiga ah ee u degsan hay’adda shaqada adduunka kaasoo tilmaamaya in dowladda ay iska bixiso dhamaan qaraashkeeda iyo wafdiga dalka sida ku qeexan sharciga u degsan ILO.

Sida ku cad qoraal ay Caasmadda heshay kaasoo uu qoray gacan yaraha cusub ee wasiirka kaasoo lagu magacaabo C/risaaq Max’ed Max’ud lana ogeysiiyay Wasiir Saalax Axmed Jaamac ayaa tusinaya in Wasiirka iyo wafdiga la socdo laga bixiyo qarashka ticketyada, hoteelka ay dagayaan iyo lacag ay ku noolaadaan inta ay joogaan Geneva.

Mashruuca World Bank ee loo yaqaano Capacity Injection Project -CIP ayaa u muuqda in ay rabaan in Wasiir Saalax iyo 3 qof ee la socota ay ka dhiibaan qarashaadka ay ku tagayaan magaalada Geneva, sida ku cad qoraalo ay is weydaarsadeen gacan yaraha wasiir Saalax iyo Xasan Ciise oo u shaqeeya mashruuca CIP ee World Bank.

Sida ku cad qoraalka rasmiga ee looga codsaday World Bank in ay ka taageeraan Wasiir Saalax Axmed Jaamac safarka Geneva ayaa waxaa uu Wasiir Saalax doonayaa in uu ku safro dayuuradaha British airways, Lufthansa iyo Emirates waa marka uu tagayo magaalada Geneva. Arrintan ayaa ah mid ka baxsan nidaamka wanaagsan iyagoo dooranaya dayuurada xitaa ay ku safrayaan.

Wasiir Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale ku jiro dadaal uu kaga raadsanaayo dowladda in ay siiso lacag sahay safar ah oo la siiyo Wasiirada marka ay safar shaqo aadayaan iyadoo uu horay u waydiistay mashruuca Bank aduunka.

Dalabyada lacagaha la isku dul dalbayo ee hadana ku aadan hal shir ayaa ah arrin u muuqato in lagu lunsado dhaqaale, sida ay sheegeen shaqaala ka shaqeeya wasaarada oo ka baqaya haddii la sheego in uu Saalax Axmed Jaamac ka ceyriyo shaqada.

Maamul xumada ka jirta wasaarada ayaa sidoo kale tilmaameysa in Wasiir Saalax Axmed uu hormuud ka yahay in la jabiyo shuruucda caalamiga ah, isla markaana World Bank lagu cadaadiyo in ay lacago ku bixiyaan si maamul xumo ah.

Musuq maasuqa iyo maamul xumada ka socda wasaarada shaqada ayaa ah kuwa si toos ah uga hor imaanaya balaanqaadkii uu sameeyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ee ahaa in dowladiisu ku shaqeyneyso maamul wanaag, ayna dagaal ba’an la galeyso musuq maasuqa iyo lunsashada hantida dowladda.

Daawo: Trump oo ku dhex wareeray ciyaar dhaqmeed cajiib ah oo loogu sameeyey Sacuudiga

Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo booqasho ku jooga magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga ayaa waxaa jahwareer ka qabsaday ciyaar dhaqmeedka dalkaasi.

Donald Trump, ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay ciyaar dhaqmeed uusan horay u arag iyadoo jahwareerka ugu badan uu qabsaday goortii uu kala garan waayay dhalinyarada dheeleysay ciyaarta.

Kaamirada ayaa qabatay Donald Trump oo dhex wareersan goobta ay dhalinyarada ku cayaarayen, waxaana Trump ka muuqday aqoon yari ka heysatay dhanka cayaarta.

Donald Trump ayaa markii uu la qabsan waayay ciyaar-carbeedka ku tuurtay tii uu yiqiin ee reer galbeedka.

Sawiro: Farmaaj oo soo dhaweyn weyn loogu sameeyey dalka Sacuudiga

Wafdiga madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya shir madaxeedka dowladaha Carabta iyo Islaamka iyo Mareykanka.

Waxaa garoonka diyaaradaha ciidamada cirka ee Boqor Salmaan ku soo dhoweeyay ku xigeenka Amiirka Gobolka Riyaad Amiir Maxamed Ibnu C/raxmaan Bin C/casiis iyo saraakiil kale.

Madaxweynaha Soomaaliya oo casuumaad rasmi ah ka helay boqorka Sacuudiga ayaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku sugan Sacuudiga.

Xog: Farmaajo oo laalay qorsho ay Ethiopia hub ugu daabuli laheyd Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya In Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu kala dhantaalay qorsho ay dowlada Ethiopia Hub kusiin laheyd maamulka Puntland.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa qorshahaasi ka warhelay kadib markii ay dowlada Ethiopia Fasax Hub bixin ah weydiisatay Madaxweyne Farmaajo.

Hubkaani ayaa la sheegay inuu ka koobnaa noocyo badan waxa uuna Madaxweynuhu Ethiopia ka dalbaday in wixii caawinaad Hub ah lasoo mariyo DFS.

Warar hoose ayaa sheegaya in Hubkaani la doonaayay in Puntland la gaarsiiyo dabayaaqadii sanatka tagay, haseyeeshee uu hakat ku imaanay iyadoo qorshaha Ethiopia uu ahaa in Hubka si toosa looga dajiyo magaalada Garoowe, inkastoo qorshahaani idin qaadashada ah uu soo baxay wixii ka danbeeyay Heshiiska labada dal ku dhexmaray magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia.

Heshiiska labada dal ayaa dhigaaya in dowlada Ethiopi aysan xiriir toosa la sameynkarin Hogaamiyayaasha maamulada Somalia, iyadoo wixii caawinaad ahna ay goobjoog ka noqoneyso DFS.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa horay u sheegay inaanu aqbali doonin in la garabmaro sharciga u degsan DFS.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Ethiopia ayaa si xad dhaaf ah u Hubeyn jirtay Maamulada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Ahlusuuna.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

10 xildhibaan oo jawaab la yaab leh kala kulmay Farmaajo markii ay dhaqaale waydiisteen!

Muqdisho (Caasimadda online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa jawaab la yaab leh siiyey 10 Xildhibaan oo shaxaad usoo raadiyey, waxayna sheekadaas noqotay in   maalmihii ugu danbeeyay ka taagneyd gudaha xildhibaanada.

Madaxweynaha dowladda ayaa kulan gaar ah la qaatay 10 Xildhibaan oo kasoo wada jeeday hal beel oo aanan halkaan kusoo bandhigi karin magaceeda sababo jiro awgeed, waxayna madaxweynaha ka dalbadeen lacag shaxaad ah oo sheegeen inay ku taageerayaan xalinta dhibaato ka jiro deegaanka ay kasoo jeedaan oo ay isku dagaalayaan beelo colaad ka dhaxeyso.

Wadahadal iyo is wareysi kadib ayay madaxweyne Farmaajo weydiisteen inuu howshaasi ku garab galo, taasoo keentay in madaxweynuhu ku bogaadiyo tallaabadaasi, isagoo u sheegay in dagaal beeleed aanu dhammaanin, siiba degaanada ay xildhibaanadaasi kasoo jeedaan.

Waxay ku adkeysteen oo ay ku cadaadiyeen Madaxweyne Farmaajo inuu dhaqaalahaas bixiyo, midaasna ay tahay arrin ay aad u jeclaan lahaayeen.

Haddaba Madaxweyne Farmaajo ayaa siiyey jawaab ay la yaabeen, waxayna ku noqotay jawaab lama filaan ah markii uu waydiiyey inaysan qaadan mushaarkoodii.

Xildhibaanadii ayaa waayey jawaab aan aheyn “HAA”, markaas ayuu madaxweyne Farmaaji ku yiri hadalkaan yaabka badan oo weliba lagu tilmaami karo mid uu ku saxan yahay:

“Waxaan ku dadaalnay in mushaarkiina aad heshaan bil waliba, marka shaxaad….”

Markuu Madaxweynaha halkaas yiri waxaa meesha si kadis ah isaga dareemay tobankii Xildhibaan ee shaxaad doonka ahaa, maadaama ay soo idlaatay hamigii ay madaxweynaha ka lahaayeen.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

Dhageyso: Puntland oo lasoo baxday awood ka baxsan federalismka iyo dowladda oo jawaab kulul ka bixisay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maamulka Puntland ku eedeysay inay raadineyso awood la mid ah midda dowladda dhexe, taasoo lgu tilmaamay inay sharci darro ku timid nidaamka Federaalka Soomaaliya.

C/raxmaan Maxamed Xaashi  oo ah Wasiirka Kalluumeyisga dowladda Federaalka ayaa Maamulka Puntland ku eedeeyey inay ku dhaqaaqday  tallaabo ay kula tartameyso dowladda Federaalka dhinaca shirarka caalamiga ah.

Wasiirka ayaa Maamul Goboleedka Puntland ku eedeeyey inay sabab u aheyd fashilkii ku yimid shir caalami ah oo looga hadli lahaa Kalluumeysiga Soomaaliya oo la filayay in lagu qabto Jasiiiradda Seychelles asbuucyadii lasoo dhaafay.

Wasiirka ayaa caddeeyay in shir hordhac u ahaa shirkaaasi oo Muqdisho ay ku yeesheen wasiirada Kalluumeysiga Maamul Goboleedyadda ay Puntland goobta la timid inay la mid tahay dowladda federaalka oo saamiga dowlada Federaalka mid la mida la siiyo, taasoo la isku mari waayey isla markaasna keentay inuu baaqdo kulankii  Jasiiiradda Seychelles.

Cabdiraxmaan Maxamed Xaashi ayaa nasiib xumo ku tilmaamay in Maamulka Puntland uu isku dayo inuu isla simo dowladda dhexe taasoo ah wax ay la yaabeen dhammaan maamul Goboleedyada dalka ka jiro.

Markii ay Puntland sidaas ku adkeysatay, Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa amar ku bixiyey in shirka la baajiyo inta ay Puntland ka ogolaaneyso inay tahay Maamul Goboleed hoos yimaado dowladda dhexe isla markaasna ku qanco qoondada la siiyo maamul Goboleedyada kale.

Sida uu wasiirka ka dhawaajiyey dhammaan maamul Goboleedyada dalka way ogolaadeen saamiga dowladda dhexe, kaliya waxaa arrintaas ka hor yimaaday maamulka Puntland oo isku arka inuu yahay mid ka duwan maamulada kale.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka wasiirka

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

Go’aankii amniga Muqdisho ee golaha wasiirada oo aan weli la dhaqan galin (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaan wali magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ka hirgalin amarkii 11/05/2017 bishaan kasoo baxay Golaha Wasiirada kaa oo ahaa inaan gudaha magaalada lagu arki karin Gaadiid dagaal iyo Hubka ay isticmaalan madaxda qaar oo uu kamid yahay qoriga loo yaqaan dabajeexa.

Golaha wasiirada ayaa amarkaasi dhaqan galintiisa faray Madaxda Hay’adaha amaanka dowlada ee ku shaqada leh wax ka qabashada waxyaabaha qalqal galinkara amniga sida Hubka waaweyn.

Amarkaani aan wali ka dhaqan galin magaalada Muqdisho, ayaa waxaa la sheegay in cidii u hogaansami weydo la marin doono waxa uu sharciga qabo ee amar diido ah.

NUQULADA QORAALKA AMARKA
Caasimadda Waxaa laga mamnucay ciidamada hubaysan iyo gaadiidka dagaalka ee aan ku jirin:-

1-Howlgallada lagu xasilinayo Caasimadda.

2-Aan wadanin warqad fasax dhaq-dhaqaaq ah.

3-Caasimada waxaa laga mamnuucay wadashada dharka ciidanka XDS iyadoon loo heysan sharciyad iyo aqoonsi.

4-Laga bilaabo 11/May/2017 waxaa mas’uuliyiinta Dowladda ee haysta Hubka, Gaadiidka iyo Ciidanka XDS, laga doonayaa inay ku celiyaan Taliska Ciidanka XDS.

5-Waxaa laga mamnuucay dhammaan qof kasta oo ay ku jiraan Mas’uuliyiinta Dowladda in Magaalada Muqdisho ay ku dhex wataan ilaalo ka badan 4 askari gaari kasto iyo ugu badnaan 2 gaari, Mana qaadan karaan qori ka wayn AK47.

Ciddii ku xadgudubta awaamiirtan, waxay mutaysan doonaan in Sharciga lala tiigsado.

Magaalada Muqdisho waxaa weli dhex socda Gaadiidka dagaalka oo ay wataan Ciidamada dowlada kuwaa oo aan ku jirin howlgal ama talaabooyin lagu xaqiijinaayo Amniga.

Gaadiidka qaar oo ay wataan mas’uuliyiinta dowlada sida Wasiirada, Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ayaa waxaa dusha sare ka saaran qoryaha nooca loogu tallo galay furumaha dagaalka sida Dabajeexa iyo Sabanada, waxa ayna talaabadaasi muujineysaa inaanu waxba ka jirin Go’aanka kasoo baxay Golaha Wasiirada ee lagu sugaayo amniga.

Waddooyinka magaalada ayaa waxaa sidoo kale heehaabaya ciidamo ka tirsan dowlada oo ku hubeysan qoryaha fudud isla markaana ku labisan dareeska ciidamada XD, waxa ayna talaabadaasi wiiqeysaa qodobka 3aad ee kor ku xusan kaa oo lagu mamnuucaayo in waddooyinka magaalada lagu dhex wato dareeska ciidamada XD.

Ciidamada dowlada qaarkood ayaan laheyn aqoonsiyo dhanka Hay’adaha ay ka tirsan yihiin, waxaana xusid mudan in ciidamada qaar ay waddooyinka kula laafyoonayaan dareeska iyagoo aan wada wax sharciyo ah.

Si kastaba ha ahaatee, Go’aanka 11/May/2017 kasoo baxay Golaha Wasiirada ee lagu xaqiijinayo amniga Muqdisho ayaa u muuqda mid uu ka socon la’ yahay Madaxda dalka oo qudhooda wata Hubka laga mamnuucay.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

Dr Baadiyow oo Jaamacadda London ku soo bandhigay buug cusub oo uu qoray

Dr Cabdiraxmaan Macallin Baadiyow oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa caawa buug cusub oo uu dhawaan qoray oo ka hadlaya taariikhdii hore ee Soomaalida ku soo bandhigay hool ku yaalla Mac-hadka Daraasaadka Arrimaha Afrika iyo Bariga ee SOAS, Jaamacadda London.

Marka koowaad waxaa kulanka lagu furay oo falanqeyn iyo faaqidaad ku saabsan buugga halkaas ka soo jeediyey Maxamed Xaaji Ingiriis oo ka warramay nuxurka ku dhex jira buugga Baadiyow iyo cutubyadiisa, qaasatan meelaha uu ka xooggan yahay iyo meelaha uu ka liito.

Waxaa kaddib halkaas ka hadashay Seynab A. J. Daahir oo soo jeedisay in qof kasta oo doonaya inuu wax ka ogaado taariikhdii qadiimka ahayd ee Soomaalida inuu akhriyo buugga Baadiyow. Waxay sheegtay inay wax badan ka baratay cutubyadii buugga ee ay akhrisay.

Waxaa kaddib halkaas ka hadlay Martin Orwin oo macallin ka ah Jaamacadda London, wuxuuna kula taliyey dadka Soomaaliyeed inay taariikhdooda qoraan oo ay ku dadaalaan inay kaydiyaan.

Waxaa kaddib hadalka lagu soo dhoweeyey Cabdulqaadir Jengeli oo ka sheekeeyey aqoonta fog ee uu u leeyahay Baadiyow, wuxuuna ku gaabsaday inuusan wax hadal ah ku soo talagelin ee uu yahay marti.

Dr Baadiyow oo markaas kaddib halkaas ka hadlay ayaa ka warbixiyey fekradda buuggu uu xambaarsan yahay, waxaana halkaas lagu weydiiyey su’aalo isagoo ka bixiyey jawaabo. Waqtiga oo koobnaa ma suuragelin in dhammaan dadkii ka soo qaybgalay ay su’aalo weydiiyaan.

Maxaa kala socotaa 2-da qodob ee uu Farmaajo kala hadli doono Trump?

Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlada Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa shir kaga qeybgali doona magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.

Madaxweynaha Somalia ayaa sida aan horay u sheegnay magaalada Riyadh uga qeybgali doona Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Mareykanka.

Magaalada Riyadh ayaa waxaa ku sugan dhammaan Madaxda lagu martigaliyay shirka oo uu ku jiro Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Madaxda dalalka Islaamka.

Trump ayaa ka qeyb geli doona sadex kulan oo ka dhacaya Sacuudiga, shir u dhaxeeya Sacuudiga iyo Maraykanka, Shirka dalalka Khaliijka iyo Maraykanka iyo shirka dalalka Carabta iyo Islaamka.

Hogaamiyaasha dalalka Khaliijka ayaa doonaya inay ka dhaadhiciyaan Trump inuu soo xoojiyo cadaadiska lagu hayo dalka IRAN oo ay jaarka yihiin. Waxaana la filayaa inay si gaar ah uga wadahadlaan dagaalada ka socda Siiriya iyo Yemen.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa inta lagu guda jiro shirka dhigiisa Mareykanka ka dalban doona 2 qodob oo kala ah:-

1-In Somalia laga qaado cunaqabateynta Hubka ee saaran.

2-In laga saaro Liiska dalalka laga mamnuucay inay u safraan Mareykanka.

Madaxweynaha Somalia ayaa shirka marka uu dhamaado kulan Khaas ah la qaadan doona Madaxweynaha Mareykanka, waxa uuna mar kale si gaara uga codsan doonaa inuu wax ka qabto labada qodob ee saameynta weyn ku yeeshay dalkiisa.

Dowlada Somalia ayaa fursad weyn u aragta kulanka dhexmari doona Madaxweynaha Qaranka Maxamed C/llahi Farmaajo iyo dhigiisa dalka Mareykanka Donald Trump.

Dhinaca kale, Donald Trump qudhiisa ayey fursad u tahay in Hogaamiyayaal farabadan uu mar qura si wada jira ula kulmo, waxaana xusid mudan in Safarka Donald Trump ee Sacuudiga uu noqonaayo kii ugu horeeyay oo uu ku tago dal muslim ah.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

CADDEYN: Taliye ku xigeenkii sirdoonka Soomaaliyeed oo iscasilay (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii Hay’adda sirdoonka Soomaaliyeed ee NISA ayaa u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya warqadiisa iscasilaada.

Cabdisalaan Yuusuf Guuleed, oo ah taliye ku xigeenka Dhinaca Howlgalada ciidamada NISA ayaa sheegay inuu iska casilay xilkaasi, islamarkaana uu warqadiisa u gudbiyay madaxweyne Farmaajo.

Ma uusan sheegin Cabdisalaan sababta keentay inuu iska casilo xilka uu ka hayay NISA.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

7 qodob oo Farmaajo ay tahay in uu kala hadlo Donald Trump (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Villa Somalia, waxaa lagu wadaa in Riyadh ku kulmaan madaxweyneyaasha Mareykanka Donald Trump  iyo Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Kulanka labada nin, waxaa uu dhacayaa iyada oo halkaasi Trump kula hadli doono madaxda Islaamka, ujeedadiisuna ay tahay la dagaalanka argigixisada iyo dhismaha isbaheysi sunni ah.

Hadaba, Maxay Tahay In Farmaajo Uu Kala Hadlo Trump:

  1. Fiisaha:Donald Trump waxaa uu weli ku adkeysanayaa in dalal ay ku jirto Soomaaliya muwaadiniintooda laga mamnuuco dalka Mareykanka arrintaas oo ka hor imaaneysa xuquuqda aadanaha, madaxweyne Farmaajo waxaa laga doonayaa in uu u hadlo shacabka Soomaaliyeed ee laga xayiray albaabada Mareykanka ama ku dhib qaba sidii ay ugu safri lahaayeen dalkaasi.
  2. Qaadista Cuna-qabateynta Hubka:Mareykanka waa dalka ugu weyn dunida, ugu xoogga badan, hadalkiisa waxaa uu ka soconayaa kooxda ku dheggan Soomaaliya ee golaha ammaanka, haddii Mareykanka kala hadlo golaha ammaanka in la qaado ama la qafiifiyo cuna-qabateynta hubka waa arrin anfaceysa Soomaaliya…arrintaas waxaa horay u sameeyay Obama 2014-kii.
  3. Dhismaha Ciidamada Xoogga Dalka:Mareykanka waxaa uu ka mid yahay dalalka u xamaasadeysan dhismaha ciidamada xoogga dalka gaar ahaan 22 kun ee lagu heshiisyay London 11-kii May, laakin waxaa muhiim ah in ciidanka u baahan yahay tababar iyo qalabeyn, Mareykanka waxaa uu aad u taageri karaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
  4. Taageero Dhaqaale:Mareykanka waa dalka ugu badan ee lacag ku bixiya Soomaaliya, waxaa uu lacagta u soo mariyaa hey’adaha qaramada midoobey, taageeradaas waxaa loo isticmaalaa hey’adaha dowladda iyo arrimo la xiriira banii’aadnimada, hadda waxaa la joogaa xilligii dowladda Mareykanka ay taageero rasmi ah oo toos ah siin laheyd Soomaaliya si loo dhiso hey’adaha dowliga ah.
  5. Joojinta Dib U Soo Celinta Qaxootiga:Mareykanka waxaa uu ka mid tahay dalalka diidanaa in Kenya ay soo celiso qaxootiga, isaga oo ku mar-marsiyoonaya in Soomaaliya aaney nabad aheyd, haddii arrintaas ay dhab ka tahay muxuu u soo celinayaa qaxootiga Soomaaliyeed ee Mareykanka, boqolaal Soomaali ah ayuu Trump dalkiisa ka soo tarxiilay bilihii ugu dambeeyay, arrintaas oo ka hor imaaneysa sharciyada qaxootiga caalamka.
  6. In Uu La Hadlo IMF-ta Iyo World Bank:Soomaaliya waxaa laga codsaday in ay xiriirka ay u wanaajiso hey’adaha lacagta sida IMF-ta Iyo World Bank, sidaa darteed Mareykanka waxaa uu gacan ka geysan karaa wanaajinta xiriirka labada dhinac.
  7. La Dagaalanka Argigixisada:Mareykanka waxaa uu sida uu rabo ka yeeshaa dhulka Soomaaliyeed, waxaa uu Soomaaliya ka weeraraa goobta uu rabo iyo xilliga uu rabo, waxaa uu dad rayid ah ku dilay gobollada koofurta Soomaaliya, waxaa Farmaajo la gudboon in madaxweynaha dalka ay dhalasho wadaagga yihiin u sheego in uu nabad-geliyo dhulka Soomaaliyeed.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

Muxuu Gaas ka yiri wararka sheegaya in uu ku tagri falo mushaarka ciidamada?

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa ka hadlay wararka sheegaya in ciidamada maamulka aan lasiin Mushaaradkii ay ku lahaayen maamulka.

C/wali Gaas, ayaa sheegay inay been abuur tahay wararka la xiriira mushaar la’aanta waxa uuna sheegay in isaga wax laga weydiin doono bixinta Mushaaraadka ciidanka.

Ciidamada ka tirsan maamulka ayuu sheegay in gabi ahaantooda ay yihiin kuwa si toosa u qaata Mushaaradka, balse ay jiraan shaqsiyaad ka beensheega xaqiiqda.

”Addeer ma jiraan wax la yiraahdo mushaar la’aan heysata ciidamada maamulka waxaa suuragal ah inay kasoo daahdo ee wey qaatan xuquuqdooda”

”Waxaa jira warar aan laga fiirsan oo laga faafiyay ciidamada, waxaanse anigu qirayaa in ciidamadu ay qaatan mushaar”

Gaas waxa uu sidoo kale sheegay in maamulka iyo Saraakiisha ay si weyn uga fekeraan Mushaarka iyo ciidamada daryeelkooda.

Ciidamada Puntland ayaa inta badan cabasho xooggan waxaa ay ka muujiyaan Mushaar la’aan ay kala kulmaan maamulka uu hoggaamiyo Cabdiwali Gaas.

Dhinaca kale, Seddexdii bil ee ugu danbeysay waxa ay ciidamo gadoodsan la wareegayeen Bangiyada iyo xarumaha maamulka kuwaa oo ka cabanaayay mushaar la’aan dhowr bil ah.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

Cali Khaliif Galeyr oo Hargeysa gaaray iyo qorshaha safarkiisa oo la ogaaday

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in magaaladaasi uu gaaray madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galeyr oo lagus oo dhaweeyay magaalada.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya socdaalka magaalada Hargeysa uu ku tagay markii labaad madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr oo sanadkii hore tagay magaalada Hargeysa.

Cali Khaliif Galeyr ayaa magaalada Hargeysa kulamo kala duwan kula yeeshay madaxda maamulka Somaliland oo uu kala hadlayo arimo dhowr ah, sida masuuliyiinta Hargeysa ay sheegeen.

Wararka ayaa sheegaya in Cali Khaliif Galeyr uu halkaasi kaga sii dhoofayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isaga oo Kenya kula kulmayo masuuliyiin kala duwan.

Madaxweynaha KHaatumo ayaa dhawaan sheegay inaysan sii socon karin wadahadalka u dhaxeeyo Somaliland iyo Khaatumo, mana la oga sida ay arintaasiku dhaqan geli karto.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET