Muqdisho (Caasimada Online) Ku simaha raysal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa galabta soo si carro leh uga hadlay dilka xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo maanta duhurkii ku dhintay qarax loo galiyay gaarigiisa oo yaalay xafiiska madaxtooyada Villa Somalia.
Saacid ayaa shegeay in isaga iyo dhamaan xubnaha golaha Wasiirada, ay ka tacsiyeenayaan geerida naxdinta leh ee ku timid xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed (Feysal) isaga oo xusay in xidhibaan Feysal uu ahaa shaqsi aad ugu weyn ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana kaalin muhiim ah uga jiray howlaha Qaranka.
“Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed wuxuu ahaa xildhibaan karti leh, kuna dadaali jiray in ummadda Soomaliyeed ay ka soo kabato dhibaatooyinka kala duwan ee heysta” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.
Sidoo kale, ku simaha raysal wasaaruhu waxa uu si gaar ah tacsi ugu diray guddoonka Baarlamaanka, Mudanayaasha Baarlamaanka, Qoyskii iyo caruurtii, ehelada, qaraabada, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntiina, Saacid waxa uu ka dalbaday qeybaha Amniga inay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan cidii ka dambeysay falkan lagu dilay xildhibaanka.
“Xildhibaan Feysal waxaa dishay gacan ka xaq daran, waxaana Alle uga baryayaa inuu janadiisa ka waraabiyo, samir iyo iimaana naga wada siiyo” ayuu yiri ugu dambeyntiina Saacid.
Si kastaba, Marxuum Maxamed Warsame “Feysal” ayaa ahaa xildhibaankii sida weyn u diiddanaa mooshinkii Cabdi Faarax Saacid iyo xukuumadiisa laga keenay waliba sheegay in magaciisa si qalad ah loogu darsaday mooshinkaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho