28.4 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Maamulka Jubba oo diiday MADOOBE

Kismaayo (Caasimada Online) Magaalada Kismaayo waxaa maanta ku shiray golaha wasiirrada maamulka KMG ah ee Jubba, waxaana kulan kooda la sheegay in ay ku hadleen doorashadii ka dhacday toddobaadkan magaalada Baydhabo, taasoo madaxweyne loogu doortay maamulka lixda gobal ka kooban, Madoobe Nuunow Maxamed.

Markii uu soo dhammaaday kulankooda waxaa saxaafadda la hadlay afhayeenka maamulka KMG ah ee Jubba, Cabdinaasir Seeraar Maax, wuxuu sheegay golaha wasiirrada ay isku raaceen in laga soo horjeesto oo aan la taageerin doorashadii lagu doortay Madoobe Nuunuw Maxamed.

Wuxuu sheegay doorashaas inay ku dhacday si qaldan isagoonka carabka ku adkeeyay wax lix gobal la dhaho ma jirto.

Cabdinaasir Seeraar ayaa madaxda dowladda dhexe uga mahadliyay go’aanka ay qaadatay shirarka iska horjeeda ee ka socda magaalada Baydhabo.

Ugu dambeyn dadka deggan Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose wuxuu ku yiri dhista maamul gobaleed balse ha ku mashquulina goballo maamul ay u sameesan yihiin sidda uu hadalka dhigay.

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Murusade oo ku shiray Xamar iyo DFS oo ay go’aano ka dhan ah soo saareen

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa galabta kulan kale ku yeeshay Mid ka mid ah beelaha degga qaybo ka mid ah Soomaaliya.

Beesha Murusade oo dhawaan sheegtay in kal soonida kala laabatay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markale kulan weyne kale ku yeelatay Muqdisho.

Afhayeen u hadlay beesha ayaa warbaahinta u sheegay in beesha kulankeeda maanta uu ahaa kii labad oo ay yeeshaan, kaasoo ay uga soo horjeedaan hoggaanka dowladda sida madaxweynaha.

Wuxuu sheegay kulanka maanta in looga gun lahaa siddii beelaha kale iyo beesha caalamka loogu soo bandhiggi lahaa go’aanka ay dowladda ka gaareen sidda uu hadalka u dhigay.

“Kulanka maanta wuxuu daba socdaa kulankii horre, waxaana kan aan ku soo bandhigeynay wax yaabaha nagu kali fay in dowladda aan kalsoonida kala laabanay,beelaha Soomaaliyeed iyo beesha caalamka waxaan u sheegeynaa in madaxweynaha uu ku fashilmay wax yaabaha lagu sugaayay” ayuu yiri.

Wuxuu kaloo sheegay in beesha go’aanka ay gaartay shirkii horre aaney laga laaban, waxaana uu madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay in faquuqay beesha oo ah beel buu yiri.

“Madaxweynaha xukuumadii horre oo 1o-ka wasiir wuxuu na dhahay wasiir idiinma hayo, waan yaabnay laakin waan iska yeelnay, xukuumada hadda jirta wax wasiir ah kuma lihin iskaa daayee xil nala siiyo kuwa xilalka haya ayuu madaxweynaha ka qaadayaa xilalka ay hayaan” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu beelaha kale ugu baaqay in kal soonida kala laabtaan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, maadama ayuu yiri “Xil habeen madow ah xilka loo wareejiyay halka maalin cad uu ka badbaaday in la dilo”.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Beesha calamka oo taageertay go’aan-kii DF ay ka qadatay shirarka Baydhabo

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Khamiis ah kulan ku yeeshay madaxda dowladda Soomaaliya, beesha caalamka iyo hay’adaha taageera dowladda Soomaaliya.

Kulanka oo ay saxaafadda bannaanka ka joogtay ayaa la sheegay in lagu taageeray go’aankii ay dhowaan dowladda ka qaadatay shirarka ka socda magaalada Baydhabo ee la doonayo in maamul loogu sameeyo gobollada koonfur-galbeed Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Qaramada Midoobay, Urur-goboleedka IGAD, Midowga Yurub iyo howlgalka AMISOM.

Markii kulan uu soo dhammaday, waxaa shir saxaafadeed qabtay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdulaahi Goodax Barre iyo wakiilka gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey.

Ugu horreyn wasiirka arrimaha gudaha, Cabdulaahi Goodax Barre, ayaa sheegay in wafdiga ka socda Midowga Yurub iyo IGAD ay kala hadleen arrimihii ugu dambeeyay dalka gaar ahaan maamul u sameynta gobalada dalka iyo sidda loo dhaqan galin karo nidaamka fedaraalka.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa si cad ah u sheegay in Midowga Yurub iyo IGAD ay kala hadleen siddii loo taageeri lahaa shirka maamul u sameynta gobalada seddaxda ah ee ku yaalla Koonfur Galbeed.

Danjire Afeey oo isna saxaafadda la hadlay ayaa xusay in IGAD iyo Midowga Yurub ay taageersan yihiin rabitaanka iyo cidda ay taageerto dowladda Soomaaliya.

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowaan shaacisay in ay mowqif cad ka taagan tahay habka loo marayo sameynta maamul goboleedyada, kaddib markii shirar is khilaafsan ay ka furmeen Baydhabo.

Si kastaba, waxa ay hadda uu muuqata in beesha caalamka ay taageersan tahay qorshaha dowladda ay damacsan tahay oo ah in maamul loo sameeyo seddax gobal oo kala Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Turkey-ga oo mashaariic waa weyn ka hirgalinaya PUNTLAND

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe waxaa maanta oo Khamiis ah gaaray wafdi ka socda dowladda Turkiga.

Wafdiga waxaa hoggaaminaayay danjiraha Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Mr. Cemalettin Kani Torun, waxaana markii ay gaareen Garoowe halkaas ku soo dhaweyay madax ka tirsan maamulka Puntland.

Wafdiga waxa ay kulamo la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland,oo uu ku jirro madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali  Gaas.

Kulankooda oo saxaafadda ay bannaanka ka joogtay ayaa markii uu soo dhammaaday waxa saxaafadda si wadajir ah u la hadlay madaxweyne Cabdiweli Gaas iyo danjire Kani Torun.

IMG_00791

Madaxweyne Gaas ayaa ugu horreyn sheegay in uu ku faraxsan yahay wafdiga ka socda dowladda Turkiga, wuxuuna sheegay in ay ka hadleen siddii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeya Puntland iyo Turkiga.

Wuxuu kaloo sheegay in Turkiga dhawaan ay ka furan doonaan Garoowe xafiiska horrumarinta kaasoo lagala socon doono howlaha gargaarka ay ka wadaan Soomaaliya.

Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Kani Torun ayaa isna sheegay in Turkiga uu mashaariic horrumarineed uu ka hirgalin doono deegannada Puntland.

Wuxuu sheegay oo kale in uu ku faraxsan yahay in markii labaad ay tahay oo uu soo booqdo deegannada Puntland.

Wafdiga ka hor inta aaney madaxweyne Gaas la kulmin waxa ay soo kormeeren goobo ku yaalla magaalada sidda Jaamacada Puntland, iyagoona dhegax dhigay Iskuulo lagu barto farsamada gacanta.

Markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha Garoowe, waxaa halkaas ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, kaddibna waxaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada ee Garoowe, halkaas ay kulamo kula qaateen madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali iyo qaar ka mid xubnaha maamulkiisa.

Turkiga ayaa hadda xoojinaya xiriirka uu la lee yahay maamulka Puntland, kaddib markii dhowr jeer ay Puntland ay ku eedeesay dowladda Soomaaliya in ay isku koobtay mashaariicda Turkiga uu ugu talagalay Soomaaliya.

2

1

9

IMG_0089

5

7Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Daawi Video: Awoddii ciidamada dalka Soomaaliya oo dib u soo laabaneysa

Tan iyo burburkii Dowladii Dhexe ee Somalia 1991 waxii ka dambeeyay waxaa burburay Awoodii ciidan ee dalkeena Somalia waxaa la waayay awoodii looga baqi jiray Ciidankii Dalkeena.

Aqristoow maanta waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa Awood ku tusineysa in Ciidankii dalkeena uu dib u soo laabtay ee nala daawo Ciidamada qalabka sida ee kala duwan ee dalka haatan ka shaqeeya iyo awoodahooda.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Warbixin: Qorshaha ciidamo jarmal ah ay ku imanayaan Muqdisho oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo ay Dowladda iyo Xisbiyadda Mucaaradka ee dalka Jarmalka mabda’ ahaan isku khilaafsan yihiin in Ciiddamo loo soo diro dalka Somalia, ayaa waxaa haddana soo baxayo qorshe kale oo Ciiddamadda Jarmalka loogu soo diri doono magaalladda Muqdisho.

Wakaalladda Wararka Jarmalka ee DPA ayaa qortay inuu Jarmalka ku soo biirayo Ciiddamadda Midowga Europe ee tababarka siinaya Ciiddamadda Dowladda Federaklka Somalia.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaraddaha Gaashaandhiga ee dowladaha ku bahoobay Ururka EU-da ayaa shalay Kulan Khaas ah ku yeeshay Casaimadda dalka Belgium ee Burusseles, kaasi oo looga wada hadlay Arrimaha Milliteriga iyo Hawlgalka Midowga Europe ee lagu tababarayo Ciiddamadda Dowladda Somalia.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca ee dalka Jarmalka ayaa tilmaamay in ilaa 20 Saraakiil Milliteri lagu wado in loo soo diro magaalladda Muqdisho, si ay ugu biiraan Tababarayaasha Milliteri ee Midowga Europe ee Ciidamada Dowladda ku tababarayo Xeradda Jaziira ee magaalladda Muqdisho.

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray in la qorsheynayo in bisha soo socoto ee April in Ciiddamadaasi loo soo diro magaalladda Muqdisho.

Dowladda Jarmalka waxay bishii December ee sannadkii hore la soo noqotay Saraakiishii qeybta ka ahaa Tababarkii Ciiddamadda Dowladda Federalka lagu siin jirey dalka Uganda, waxaana soo celintooda xilligaas lagu micneeyey sababo dhinaca ammaanka, maadaama Hawlgalkii Tababarka loo soo wareejiyey magaalladda Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Baydhabo: Doorashada maamulka 3-da gobal oo dib u dhacday

Baydhabo (Caasimada Online) Warar ay heshay Shabakadda Caasimada Online, ayaa muujinaya in dib loo dhigay doorashada maamulka loo dhisaayo seddaxda gobalka ee ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Ilo Xog-Ogaal ayaa noo sheegay in doorashada dib loo dhigay, kaddib markii shaley magaalada ay ka dhacday shaqaaqo uu ku dhintay saraakiil ciidan oo uu kujirro taliyihii ciidamada booliska ee magaalada Baydhabo.

Magaalada waxaa shaley ka dhacay iska hor imaad u dhexeya ciidamado kawada tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana ay geesteen khasaaro dhimmasho iyo dhaawac.

Iska hor imaadka ayaa la sheegay in uu ka dhacay markii ciidamo ,millitari ah oo la socday baabuur u kireesan hey’addaha gargaarka ay isku dayeen in xoog ay ku maraan goobo bar koontrool ah.

Xaalada magaalada ayaa saakay deggan, waxaana caaddi ku soo noqday isku socodka dadka iyo gaadidka.

Dhinaca kale,waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in xarunta ADC-da ay ka dhacdo caleema saarka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa maamulka loo dhisay lixda gobal ee ku yaalla Koonfur galbeed ee dalka.

Wariye ka tirsan Caasimada Online, ayaa soo sheegay in magaalada laga dareeemayo xafladda caleema saarka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamada AMISOM ee Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Horumarka iyo dib u dhiska ka soconaya magaalada Muqdisho

Horumarka Iyo Bilicda Magaalada Muqdisho oo si weyn uga soconeysa Magaalada ayaa waxeey ku fideysaa Guud ahaan 16 degmo ee Gobolka Banaadir uu ka kooban yahay.

Degmooyinka qaar ee Gobolka banaadir ayaa aad isku xil qaamey waxeeyna sameynayaa wax yaabo badan oo dib u soo celin karo Bilicdii Muqdisho ee Bariisamaadkii ay la haan jirtay ee nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Wararkii ugu dambeeyey dagaallo ka dhacay magaalada Baydhaba

Waxaa kacsan xaalada Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, ka gadaal markii uu iska horimaad dhex maray Ciidanka Booliska ee Dowladda iyo Ciidan kaloo ka amar qaata Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe”.

Iska horimaadkaan, ayaa ka dambeeyay markii Ciidanka Booliska ee ku sugan Saldhiga Bari ee Magaalada Baydhabo, ay lacago weydiisteen gaadiid xamuul ahaa oo Kuntuneero siday, isla-markaana uu ka biyo diiday in uu wax lacago ah bixiyo, ninkii xamuulka loo siday.

Ninkaan oo ku heyb ah Xildhibaan Aadan Madoobe, ayaa wuxuu soo kaxeystay qaar ka mid ah Ciidanka Ilaalada ee Aadan Madoobe, wuxuuna iska horimaad dhex maray Ciidankii Booliska ee Saldhiga Bari.

Iska horimaadkaan, ayaa sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, iyadoo ay dhinteen ilaa shan ruux inta laga warqabo, tiro kalana oo aan si sax ah loo sheegin, iyana way ku dhaawacantay.

Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in dadka dhintay uu ku jiro Taliye Ku Xigeenkii Booliska ee Gobolka Baay ee Dowladda Nishoow Aadan Kurtun, waxaana lala dilay mid ka mid ah Ilaaladiisii.

Sidoo kale dadka kale ee dhintay, ayaa waxaa ku jira mid ka mid ah wadayaasha gaadiidka dagaalka ee Aadan Madoobe, kaasoo magaciisa lagu soo koobay Ooyaaye.

Dhanka kale dhinacyada wada dagaalamay, ayaa waxaa soo kala dhex galay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom, isla-markaana waxaan la aqoon waxa amuurtaan xiggi doono.

Saraakiisha Dowladda ee Gobolka Baay iyo Xildhibaan Aadan Madoobe, ayaan weli ka kala hadlin dhacdadaan.

DFS: “Deg deg ayaan ula wareegaynaa dekedda iyo garoonka KISMAAYO”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, C/laahi Goodax Bare ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay Heshiiskii Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Maamulka KMG ah ee Jubba.

C/llaahi Goodax ayaa sheegay in uu jiro Dib u dhaca ku yimid Heshiiskii Magaalada Addis Ababa lagu gaaray oo ahaa in Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo Maamulkeeda lagu Wareejiyo Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Bare ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Dhawaan la wareegi doonto Maamulka Garoonka iyo Dekedda Kismaayo.

Inkastoo Siyaasiinta iyo Bulshada Qeybaheeda kala duwan, ay sheegeen in Dowladda Soomaaliya ay Hilmaantay Heshiiskii Addis Ababa ayaa waxaan muuqan Qorshe Dowladda ay kula wareegi karto Goroonka iyo Dekedda Kismaayo.

Dhanka kale ninka Axmed Madoobe ugu Magacaaban Wasiirka Warfaafinta Ibraahin Baajuuni ayaa hore u sheegay in Heshiiskaas ay Dowladda Soomaaliya uga baxeen, hadii aysan Maleeshiyada Raas kambooni aan la Qarameen oo aan Qalab Ciidan la siin sida uu sheegay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Beelaha Hawiye “Ma aqbaleyno in dad ay iska sheegtaan Shabeelaha Hoose”

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Xasan Xaad oo ah afhayeenka Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, ayaa ka codsaday Dowladda Federaalka Soomaaliya inay tixgeliso rabitaanka dadka Gobalka Shabeelaha hoose.

Wuxuu sheegay in dadka reer Shabeelaha hoose iyo Shabeelaha dhexe aysan aqbali doonin go’aan waliba oo ah mid kor looga keenay balse ay u baahan yihiin tixgelinta rabitaankooda.

“Waxaan rabnaa in la tixgeliyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed dadka siyaasiyiinta ah ee damaca waalan leh oo awalba rabitaankooda ku shaqeynaye inaysan marin habaabin qaanuunka wadanka”Ayuu yiri Xaad.

“Ma aqbaleyno in la sheegto Shabeelaha Hoose ama Shabeelaha Dhexe, oo dad ay isaga darsadaan maamullo” ayuu yiri.

Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay inaysan aqbalayn wax waliba oo ka baxsan Dastuurka Soomaaliya u yaalo, dadka Shabeelooyinkana ay ku heshiiyeen inay dhistaan Maamul Goboleed si sharciga waafaqsana ay ku dhisanayaan.

Hadalkaan ayaa Maxamed Xasan Xaad oo Odayaasha dhaqanka kamid ah wuxuu ka jeediyay shir ka dhacay Muqdisho oo looga soo horjeeday in Gobalka Shabeelaha hoose lagu daro Baay iyo Bakool oo Baydhabo looga arimiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Video: Muuqalka Muqdishada maanta

Magaalo Madaxda Muqdisho oo aad moodo in muddo Sanado ah kadib in ay dib ugu noqoneyso sidii ay ahaan jirtay Waagii Bariisamaadka ee aan heysanay Dowlad dhan walba ka dhisan oo lagu faano.

Muqdisho hadii aad tagtay ama aad joogtid waxaa dareemeyaa in dib loo helay Qaran burburay 23 sano ka hor waxaana taas ku cadeeynayo adigoo daawada Muuqaalkani kaa ilmeysiin Doono.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Gaari isku dayey inuu Villa Somalia ku galo xoog iyo warar sheegaya in….!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Ilaalada ee Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, ayaa waxay xalay fashiliyeen gaari loo fishay in uu ku sii jeeday gudaha Madaxtooyada, markii ay Ciidanka rasaas ku furayn.

Gaarigaan oo ahaa caasi/hoomeey, ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu xowli ku soconaayay, isla-markaana uu Madaxtooyada doonaayay in uu ka galo albaabka ku beegan dhinaca Iskuuka 15 May ee Degmada Wardhiigleey.

Ciidanka Ilaalada ee Madaxtooyada oo dareen ka muujiyay gaarigaasi, ayaa waxay u adeegsadeen rasaasta nool nool, iyadoo wadihii gaariga uu durbaba bilaabay in uu dib u gurto.

Ciidamada Madaxtooyada, ayaa rasaas ku ridaayay gaarigaasi ilaa uu ka kala wareego Barxaddii Degmada Wardhiigley, waxaase wax layaab leh lagu tilmaamay sida ay Ciidanku ugu fashilmayn in ay gacanta ku soo dhigaan gaarigaasi.

Rasaastii ay ridayeen Ciidanka Dowladda, ayaa waxaa ku dhaawacmay nin dukaan ganacsi ku heystay agagaaraha Barxadda Wardhiigley, kaasoo dhaawaciisa goor dhow la gaarsiiyay Isbitaalka Daaru Shifaa, ee Wadada Maka Al-mukarama.

Dadka ku dhaqan aaggaasi oo isugu soo baxay dhacdadaasi, ayaa si weyn u hadalhaaya gaariga xalay ka baxsaday gacanta Ciidanka Ilaalada ee Madaxtooyada Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dadka, ayaa isla dhex maraaya in gaariga uu la socday hal nin oo kaliya, inkastoo aynaan kala cadayn in kurasaasta laga soo dejiyay iyo in kale, ayna dhex fadhiyeen rag diyaarsanaa.

Si kastaba ha-ahaatee Ciidanka Ilaalada ee Madaxtooyada oo rasaas xoog leh u adeegsaday gaarigaasi caasiga ah, ayaa waxay xitaa ku guul dareystaan in ay ka toogtaan taayeerada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

XOG: Khilaaf ka dhex jirra SAFAARADA SOMALIA ee Nairobi + Gacan ka hadal

Nairobi (Caasimada Online) Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa caawa wareysatay haweeney sheegtay in ay madaxa baratakoolka ka tahay safaarada Soomaalida ee Nairobi.

Seynab Cali Cismaan, waa Hooyo heesata afar carruur oo agoon ah uuna ka dhintay safiirkii horre ee Soomaaliya Jabuuti.

Waxa ay sheegtay in uu dhib xoog leh ku hayo qunsulka safaarada Soomaalida ee Kenya, Siyaad Maxamed Shirre, kaasoo isagoo isticmaalaya awood xad dhaaf u diidday inay ka shaqeyso safaarada..

Qunsulka Safaarada Soomaalida ee Kenya Siyaad Maxamed Shirre
Qunsulka Safaarada Soomaalida ee Kenya Siyaad Maxamed Shirre oo la eedeeyay

“Anniga waxaan ka mid ahay shaqaalaha ka shaqeya safaarada waa la i yaqaanaa oo meesha si sharci ah ayaan ku imid, waxaa iga dhintay nin sharraf weyn ku leh dowladda iyo shacabka, saas oo ay tahay waxaan ka shaqeesan la’ahay qunsulka safaarada jooga, wuxuu shaqadeeda ku badlay Cabdisataar oo ah nin dowladda Kenya u xiran” ayeyy tiri.

Mar la weydiiyay cidda shaqaaleysiiyay, waxa ay tiri anniga xilligii xukuumadii Farmaajo ayaa meesha la i keenay waxaana i shaqaaleysiiyay wasiirkii arrimaha dibedda xilligaas Maxamed Cabdulaahi Omaar, waxaan heestaa warqadda shaqada la igu siiyay.

“Maanta wuu i gacan qaaday, waxaana arrintaas la socday safiirka, marka waa in wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ay wax ka qabato dhibaatada la igu hayo, maadama in muddo ah aan ka soo shaqeenayay safaarada” ayey tiri Seynab.

Safaarada Soomaalida ee Kenya waxaa maalmahan ka taagnaa is-qabqabi aad u ballaaran taasoo galaafatay wasiirkii horre ee arrimaha dibedda Soomaaliya, Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Maxamuud Sayid Aadan: DF Somaliya waa ay taageersan tahay doorashada

Baydhabo (Caasimada Online) Maxamuud Sayid Aadan oo loo doortay madaxweyne ku xigeenka maamul ka kooban lix gobal ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay taageersan tahay doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Wuxuu sheegay doorashada ka dhacday Baydhabo in ay waa faaqsan tahay dastuurka u yaalla dalka, maadama uu dhigaayo in maamul gobaleed ay sameesan karaan labo gobal ama wax ka badan oo isku tagay.

Wuxuu sheegay oo kale in dhammaan beelaha ka soo jeeda gobalada maamulka loo sameeyay ay u dhan yihiin maamulka cusub, rabitaankoodana lagu saleyay sidda uu hadalka u dhigay.

Maxamuud Sayid Aadan oo mar soo noqday xubin baarlamaanka ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay taageersan tahay shirarka ka socday Beydhabo ee maamulka loogu dhisay lixda gobal, maadama markii la furaayay shirkar uu joogay guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari sidda uu yiri.

“Shirka markii la furaayay waxaa nagala soo qaybgalay mas’uuliyiin ka socota dowladda oo uu ka mid yahay afhayeenka baarlamaanka, ilaa doorashada ay ka dhaceysana waxaa nala joogay mas’uuliyiin dowladda ka tirsan oo xildhibaanno ay ku jiraan” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Ugu dambeyn wuxuu ku celceliyay in maamulka cusub la hoos keeno maamulka KMG ah ee Jubba ee ka dhisan Kismaayo, maadama waxa maamulka loo sameeyay ay ku jiraan ayuu yiri Jubbooyinka.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa si cad ah u sheegtay in ay aaney taageeri doonin doorashadii ka dhacday Isniintii magaalada Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho 

[email protected]

Video: Goob caan ah oo Muqdisho ku taallo oo la howl gelinayo (Daawo)

Caasimada Online: Mid ka mid ah Goobaha caanka ah ee ku yaalo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga wadaa dayac tir si loo howl geliyo kadib bur bur xoogan oo ka soo gaaray dagaaladii dalka ka dhacay.

Goobtani oo dad badani marka ay maqleyn ay aad ugu farxeyn in dib lo howl geliyo kadib sanaddo badan oo aysan shaqeynin waxaana si weyn u soo dhaweeyay arinkani shacabka reer Muqdisho ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Dhageyso: Tarsan “Cabdi Karin Xusen Guuleed qaranka ayuu wax ka dhacay”

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyihii horre ee gobalka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa caddeeyay in Cabdikariin Xuseen Guuleed oo hadda ah wasiirka amniga xukuumada uu qaatay lix gaari oo Ambalas ah kuwaasoo aan karin xabada.

Tarsan ayaa sheegay in Cabdikariin Xuseen baabuurtaas uu qaatay xilligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha xukuumadii Saacid.

“Nasiib darada jirta waxa waaye in lix baabuur oo Ambalaas ah oo ah ku aaney xabadda karin oo ay nagu sadaqaysay hey’ad Kheyri ah in ay wasaaradii ammaanka  xukuumadii Saacid ay nagala wareegtay,markii aan wareejinaayay waxaan dhahay baabuurtan waxa ay ku dambeyn doonaan in meel la iska dhigo oo lugaha ay ka ban jaraan, ilaa hadda meel ay ku dambeeyeen ma naqaano” ayuu yiri Tarsan.

Wuu sii hadlay “Waxaan ku iri wasiirka waxaa gaagiidkan la arki doonaa iyagoo meel ku dugoobay oo cagaha ka banjareen ama intii Oksijiinka iyo qalabkii saarnaa in laga furto oo magaalada lagu dhex wato.”

Tarsan ayaa hadalkan ka sheegay xaflad maanta uu xilka ku wareejinayay guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir Gen Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) taasoo ka dhacday magaalada Muqdisho.

Halkan ka dhageyso Tarsan

Tarsan-oo-eed-jeediyay

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]  

ETHIOPIA oo hadal uusan ku farxin ku war-gelisay Axmed Madoobe maanta

Addis Ababa (Caasimada Online) Magaalada Addis Ababa e xarunta dalka Ethiopia waxaa maanta oo Talaado ah kulan ku yeeshay hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe iyo wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Dr.Tedros Adhanom.

Kulanka labada nin, ayaa la sheegay in runta la isugu sheegay, gaar ahaan dowladda Ethiopia ayaa Axmed Madoobe u sheegtay in uu wareejiyo garoonka diyaaradaha iyo dekedda Kismaayo maadama heshiiskii dowladda iyo maamulkiisa ay ku galeen Adddis Ababa oo ay garwadeenka ka ahayd dowladda Ethiopia uu siddaas dhigayay.

Si kastaba, ma cadda jawaabta uu bixiyay Axmed Madoobe ee ku aadan go’aanka ka soo baxay dowladda Ethiopia.

201434635295171369589292Tedros iyo Madobe

Wasiirka warfaafinta maamulka KMG ah ee Jubba Ibraahim Baajuuni ayaa labo cisho ka hor sheegay in maamulkooda aaney wareejin doonin gegida diyaaradaha iyo dekedda Kismaayo, wuxuuna ku sababeeyay dowladda Soomaaliya in ay dhinaceeda ka soo bixi weysay heshiiska ay lix bilood kala saxiixdeen labada dhinac.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Caasimada online, ayaa sheegay in uu Axmed Madoobe lagu doono madaxda IGAD, Midowga Afrika iyo diplomaasiyiin reer galbeed ah oo galaangal u leh arrimaha Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Addis Ababa

[email protected]

MUUNGAAB oo hey’addaha ammaanka DFS si aan gabasho lahayn ula hadlay

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay haddii maamulkiisa aaney la shaqeyn hey’addaha ammaanka dowladda in ay adkaan doonto magaalada Muqdisho in ammaankeeda wax laga qabto.

Wuxuu sheegay in hey’addaha nabad-sugida iyo booliska looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan maamulkiisa haddii la rabo in ammaanka caasimada wax laga qabto sidda uu hadalka yiri.

Xafladda ay xilal ku kala wareegayaan Tarsan iyo Muunaag
Xafladda ay xilal ku kala wareegayaan Tarsan iyo Muunaag

Muungaab ayaa sheegay haddii aan maamulkiisa la hoos keenin hey’addaha ammaanka sidda booliska iyo nabad sugida aaney nabad noqon doonin magaalada Muqdisho.

“Ammaan waxaa sugi kara mas’uulka heesta ciidamo boolis ah iyo nabad-sugid, haddii aan la I hoos keenin ha dhow haddii aan ka dagaayo xilka la ima dhihi karo Aree Mungaab saan muu ahaa, oo Suuratul Maa’ido ayuu ku fiicnaa, haddii la I dhahaayo ammaan sug waa in aan heestaa awood” ayuu yiri guddoomiye Muun-Gaab.

Mar uu ka hadlaayay wax yaabaha uu mudnaanta siin doono maamulkiisa, wuxuu xusay in ay wax ka qaban doonaan ammaan darida ka jirta caasimada, in ay soo celiyaan adeegyada bulshadda iyo siddii loo loo hormarin lahaa bilicda caasimada iyadoo lala kaa shanaayo shacabka iyo dowladda.

Wuxuu sheegay in uu wax badan ka qaban doono ammaanka magaalada Muqdisho, maadama ay tahay meesha ugu muhiisan dalka.

Muun-Gaab ayaa caddeeyay in uu xafiiska la wareegayo iyadoo meel eber ah aan waxbo laga billaabeynin balse wax yaabaha la qabtay iyo kuwa harsan waxaa dhimman ayuu yiri kuwa weli harsan.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya oo dhawaan xilkaas u magacaabay Muun-Gaab, ayaa hey’addaha ammaanka ku amray in ay hoos-tagi doonaan maamulka gobalka Banaadir.

Waxa la sugaaba waa in uu Muun-Gaab wax ka qabto xaalada ammaan ee sii xumaaneysa ee ka jirta caasimada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]