28.4 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Wafdi Turkish ah oo tagay Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) Wafdi ka socda dowladda Turkiga ayaa maanta barqadii gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Wafdiga oo uu hoggaaminaayo danjire ku xigeenka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.

Danjire ku-xigeenka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in safarkooda uu la xiriiro siddii ay sahmin lahaayeen xaalada magaalada Beledweyne isla markaana loo caawin lahaa dadka ku dhibaateesan magaalada.

Wxuuu sheegay in wafdiga la socda ay ku jiraan saraakiil ka socota hey’adda bisha case ee dalka Turkiga iyo saraakiil kale oo ka socda hey’addaha gargaarka dalkaas, kuwaasoo raba in ay mashaariic ka hirgaliyaan gobalka Hiiraan.

Maamulka gobalka Hiiraan ayaa soo dhaweeyay wafdiga ka socda dowladda Turkiga.

Waa markii ugu horreysay oo wafdi ka socda Turkiga ay tagaan magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Turkiga ayaa raba in uu ballaariyo mashaariicda ay ka hirgalinayaan guud ahaan dalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Beledweyne

[email protected]

SHEEKH SHIBLI oo qoray qormo cajiib ah: Dabin MUSLIM mise Dar MUSLIM

Nairobi:-Waa maqaalkaan kooban oo uu qoray Sheeh Maxamuud Maxamed Shibli wuxuuna maqaalku xanbaarsan yahay faa’iido badan isagoo taabanaya dhinacyo kale duwan , Qoraalkaan ayaa Sheekh. Maxamuud Maxamed Shibli waxaa uu ugu magacdaray Dabin Muslim Mise Dar Muslim hoos ka akhriso Maqaalka oo dhamaystiran

Dabin Muslim Mise Dar Muslim

Allaah ayaa mahad dhamaanteed iska leh, N.N. ha ahaato Nabeeganna scw korkiisa, Intaas ka dib. Dadku waa laba qeybood marka laga eego daacadnimada iyo dibindaabada, waxayna kala yihiin:-

1) Dabin Muslim Iyo:

2) Dar Muslim.

Dabin Muslim: Waa qof ka shaqeeya shirqoolka & lugooyada muslimka asaga oo adeegsanaya xeelado kala duwan oo hadba waji cusub leh, sida badanna aan dadku si fudu ku garan karin.

Dar Muslim: Waa qof waxa uu samaynayo daacad ka ah, qaladkii ka dhacana aan dhibaato Muslim ula jeedin sida badan, waana laba nooc dadkaasi

1. Dhug qabe: Waa qof fiira leh, waxa dhacayana dhugan kara hadba heer ay noqotaba, qofka noocaas ah ma badna in waqti dheer la siro, ama lagu fuliyo mardabo wayn oo uusan garanayn, Muslimka sidaas ahna waa midka aan god laba jeer laga wada qaniinin.

2. Damane: Waa qof daacad ah laakiin damiin ka ah dagitaanka, mana qaado dareen dhow ilaa uu gaadho meel fog, waxaa dhici karta in la adeegsado dadkana lagu dago hadii uu sidaas u damanyahay.

Xasuus Taariikheed:-

Waxaa soo maray taariikhdii hore ee Muslimiinta rag samayn jiray axaadiis been abuur ah oo lahaa dano kala duwan, kuwaas oo ahaa Dabin Muslim, waxaana kamid ahaa dadkii loo adeegsaday fidinta iyo gudbinta axaadiistaas dad Dar Muslim ah oo loogu soo gabaday diinta fidinteeda kana damanaa dibindaabadaas.

Waxay ahaayeen dad cibaado badan oo dadka Muslimka ah u hayaan kalsooni, ayaguna maanay filaynin in qof Muslim ah been sheegayo, iskaba dhaaf in uu ka been sheego Nabi Muxammed scw.

Waxay Culimadii Muslimku garteen dhagarta ay sameeyeen kooxda Dabin Muslim, waxayna si aad ah uga digeen in lagu kadsoomo dadkaas daacadda ah oo laga dhagaysto axaadiista ay sheegayaan, maadaama ay ka daman yihiin xeeladaha kooxda Dabin Muslim, Waxaadna ka helaysaa qeyb kamid ah waxii ay culimadu ka dhaheen dadkaas hordhaca Saxiixu Muslim.

Imaamu Abu Al-Zinaad ayaa yidhi:” Waxaan Madiina Ku soo gaadhau boqol dhamaantood dintooda lagu aamino, hase yeeshee aan xadiis laga qaadanin, waxaa la yidhi: dadkiisii ma ahan “.” أَدْرَكْتُ بِالْمَدِينَةِ مِائَةً، كُلُّهُمْ مَأْمُونٌ، مَا يُؤْخَذُ عَنْهُمُ الْحَدِيثُ، يُقَالُ: لَيْسَ مِنْ أَهْلِهِ ” مقدمة صحيح مسلم.

– Waxaa kale oo taariikhdii hore ee Muslimiinta soo maray Mukhtaar Bin Abii Cubayd Al-Thaqafi oo astaan dagaal ka dhigtay in loo aargudo Imaam Xuseen Bin Cali Bin Abii Daalib, oo ay si dulmi ah ku dileen dawladii reer Banii Umaya.

Waxaa raacay dad badan oo ka cadhaysnaa dilka Imaamkaas wayn, waxayna moodeen in Mukhtaar yahay Dar Muslim, laakiin ku hongoobay markii danbe oo ogaaday in uu yahay Dabin Muslim, oo aan diin wadin ee dhagar qabe ah.

Waxaa kamid ahayd xeeladihii uu isticmaalay in uu adeegsaday damane khayr doon ah ( Dar Muslim ), dadkana ku maamulay si wanaagsan markii hore, laakiin wuxuu dib kala soo baxay wax aan la filayn. Waxaa dib ka soo baxday in uu sheegtay Mukhtaar Al-Thaqafi in uu yahay Mahdi-gii Nabigu scw ku bishaareeyay, waxayna arrintaas dhacday markii uu is yidhi waxaad haysataa dad ku aaminsan oo kaa dhagaysanaya.

Waxaa xigtay waqti kadib in uu sheegtay Nabinimo oo yidhi waxaa igu soo daga waxyi, taas oo ahayd halkii uu u socday laakiin wuxuu u soo maray dariiq dheer. Waxaad halkaas ka garatay in dadku ay saarnaayeen gaadiid aanay aqoon darawalka kaxaynaya iyo meesha dhabta ah ee loo socday, oo ay ka sacbinayeen ama takbiirta ka qaadayeen daaqadaha ayaga oo dagan, dan aanay aqoonna u durbaan tumayeen.

Waxaan garwaaqsanay:

Waxaan ku soo gunaanadayaa qoraalkan kooban in ay jiraan dhacdooyin badan oo sidaas oo kale ah, waxaana dhihi lahaa aqristaha qormadan, waa in aad garwaaqsataa:-

1. Dadku ma wada gartaan dhagar qabaha is qarinaya ( Dabin Muslim ) ee dad kooban ayaa inta ay dhuuxaan nuxurkiisa, taariikhdana dheehdaan kas oo dhalaaliya waxa uu yahay dhib wadaha cusub.

2. Aqoonta taariikhda iyo dhuuxitaanka waayaha dadku ma wada gaadhaan, ee inba Allaah ugu deeqaa, ayagaana Allaah wax ku badbaadiyaa marar badan.

3. Dhagar qabaha ( Dabin Muslim ) doonaya in uu dadka dago wuxuu adeegsan karaa damane daacad ah ( Dar Muslim), wuxuuna ku suuq geeyaa badeecad aan gadanteen.

4. Muslimka laba jeer god lagama qaniino, ninkii shalay dagay ee diin, dal, duunyo iyo dadba halaagay ma fiicna in aad damiin inta noqoto, maalinba midab kuu yeesho.

5. Dadka waxaa ugu daran marka lagu dago magac diineed, waxayna keentaa in laga dido diinta iyo inta daacada ka ah ee aan Dabin Muslim ahayn.

6. Dhagar qabaha u socda danaha gaarka ah ( Dabin Muslim ) isma muujiyo marka hore ee wuxuu dadka u sheegaa waxa ay rabaan, wuxuuna u dhaqmaa sida ay doonayaan, inta uu ka gaadhayo heerkii uu rabay.

Intaan qorma kale ku kulmi doono, waxaan idiin rajaynayaa khayr iyo liibaan labada daaroodba ah.

W/Q: Sh. Maxamuud maxamed Shibli

Caddeymo muujinaya qataraha habka federaalka oo soo if-baxaya (Warbixin)

Waxaa sii kacaya xiisadaha ka dhex taagan saamileyda kala duwan ee ku sugan Baydhaba oo ku aaddan samaynta gobol cusub oo federaal ah, taas oo mar kale su’aal ka dhalisay inay Soomaaliya awood u leedahay in ay dhaqangeliso federaalnimada.

March 3-deedii, ayaa Madoobe Nuunow Maxamed loo doortay in uu yahay madaxweynaha maamul-goboleed cusub oo la yidhaahdo Gobolka Koonfurta-galbeed oo ka kooban gobollada Bay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe. Hase ahaatee, saddex ka mida gobolladaas — Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose — ayaa horay ugu midoobay in ay sameeyaan Maamulka Ku-meel-gaadhka ah ee Jubba sanadkii 2013-kii.

Maxamed ayaa wax aan jirin ka soo qaaday dhaleecaynta ah in doorashadiisu aysan nidaamka waafaqsaneeyn, isaga oo sheegay in 850 wufuud ah, oo ay ku jiraan siyaasiyiin iyo oday dhaqameedyo matalaya gobollada la isku hayo, ay ugu codeeyeen inuu jagada helo.

Isagoo ka jawaabaya edeeymaha ah in doorashadiisu ay hoosaasinayso IJA, ayuu ku dooday in IJA ay sharci ahaan lahayd lix bilood oo kaliya, taas oo ka dhigaysa maamulka Kismaayo ka dhisan mid “sharci-darro ah” oo aan wax ka soo qaad lahayn.

“Sidaas darteed, iskuma mashquulinayno maamulkaas,” ayuu yiri Maxamed. “Waxaa na hor yaala howlo kale oo waawayn, kuwaas oo ah inaan dhammaystirno waxa ka hadhay [samaynta] maamulkeenna.”

Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Cali, oo ah ergay 41-jir ah oo ka qeyb galay shir-goboleedkii Gobolka Koonfurta-galbeed, ayaa sheegay in codka wufuudda uu ka turjumayo rabitaanka dadka ku nool gobolladaas.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in uu soo dhowaynayo shacabka ka so horjeeda maamulka cusub ee la dhisay oo wadahadalka diyaar u ah.

“Waxaan rabnaa inaan go’aan ka gaadhno mustaqbalka gobolladeenna waxaana uu dastuurka dalku xaq noo siinayaa [inaan sidaas yeelno],” Cali ayaa sidaas sheegay. “Waxaan taageersannahay xukuumaddeenna federaalka ah waxaana aan sidoo kale jeclaan lahayn in xukuumaddu ay aqoonsato rabitaanka dadweynaha, gobol kasta oo ay ku sugan yihiin.”

Shir-goboleed ka soo soo horjeeda ayaa sii socda

Laakiin Cabdullaahi Yaxye, oo ah oday dhaqameed ka soo jeeda Jubbada Hoose oo qeyb ka ahaa sameeynta IJA, ayaa sheegay in shacabka gobollada Jubbooyinka aan laga qeyb galin samaynta dawlad-goboleedka cusub ee Baydhabo laga dhisay.

Gobolka Koonfurta-galbeed “wax shaqo ah kuma ay laha shacabka Jubbooyinka”, ayuu yidhi.

“Cidina nagalama tashan maamulka laga dhisayo Baydhabo,” ayuu yiri. “Waxaan kula talin lahaa walaalaheen [ku sugan Baydhabo] in ay ka gaabsadaan in ay sheegtaan gobollo ay ka dhisan yihiin maamullo la aqoonsan yahay.”

Dhanka kale, shir-goboleed lid ku ah ayaa wali ka socda Baydhabo, iyada oo wufuudda halkaas jooga ay taageerayaan samaynta maamul federaal ah oo ka kooban saddexda gobol ee Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Siid Cali Maxamed, oo ka mida 650-ka wafdi ee ka qeyb qaadanaya shirka, ayaa sheegay in wufuuddu ay dhammaystireen dastuur goboleed, isku raaceen calan goboleed magacaabeenna xubnaha baarlamaan goboleedka cusub oo dooran doona madaxweynaha. Taariikh wali looma qaban doorashada, ayuu yidhi.

Maxamed ayaa wax aan jirin ka soo qaaday sharci ahaanshaha madaxweynanimada Madoobe Nuunow Maxamed isaga oo sheegay in dadka gobolka ku nool ay intooda badan rabaan maamul saddex gobol ah.

“Waxaan haysannaa taageerada shacabka ku nool Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose. Xukuumaddeenna [federaalka ah] waxay taageersan tahay sameeynta maamulka saddexda gobol walaacna naguma hayso kooxda samaysatay maamulka lixda gobol ah, laakiin haddii ay diyaar u yihiin wadahadal, waan soo dhoweeynaynaa,” ayuu yidhi Maxamed.

Dhisidda maamul goboleedyo haysta taageero dhinaca shacabka ah

Muranka ku salaysan sida dhulka loo qeybin lahaa oo loo dhisi lahaa maamul goboleed hoos yimaada dawladda federaalka Soomaaliya ayaa muddo dheer ka soo dhex jiray qeybo ka mida shacabka ku nool lixda gobol taniyo markii la sameeyay IJA sannadkii hore, iyada oo ay dadka qaar u soo baxeen waddooyinka si ay uga mudaaharaadaan heshiisyada dib-u-heshiisiinta ah iyo aqoonsiga rasmiga ah ee IJA.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (FGS) ayaa mar kale ku dhawaaqday taageeradeeda maamulka saddexda gobol, iyada oo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre uu ugu baaqay saamileeyda inay “iska ilaaliyaan khilaaf aan loo baahnayn oo laga yaabo inuu marin habaabiyo dadaalka aan ugu jirno dib-u-dhiska dalkan”.

“Marka la eego heshiiskii u dhexeeyay FGS iyo Maamulka Ku-meel-gaadhka Jubba oo kal hore August ka dhacay Addis Ababa, Itoobiya, waxay dawladda federaalka Soomaliya ayidaysaa wixii ka soo baxay heshiiskaas,” Barre ayaa wariyeyaasha ugu sheegay Muqdisho 3-dii March.

“FGS waxay diyaar u tahay in ay hoggaamiso hannaanka federaalnimada, siiba dhismaha maamul-goboleed federaal ah oo laga sameeyo gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose,” ayuu yidhi Barre.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, oo Wasiirka Arrimaha Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta ka soo ahaa Xukuumaddii Federaalka Ku-meel-gaadhka ahayd ee Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa sheegay in dhibaatada ka jirta Baydhabo ay ka timid in ay xukuumadda federaalka ka boodday dhowr tallaabo oo laga rabay in la qaado inta aan maamul-goboleedyada la sameeyn ka hor.

Intaan la isku dayin in la sameeyo maamul goboleed federaal ah ka hor, waa in la sameeyo guddi ka shaqeeya xudduudaha gobollada, oo ay ku xigto in la sameeyo dawlado hoose ee ka soo bilaabanaya heer tuulo iyo degmo.

Xukuumadda federaalka waxay sidoo kale ku fashilantay in ay dhaqan-geliso sharciyo ay ansixiyeen baarlamaanka oo ku aaddan sida loo sameeyo maamul-goboleedyada, kuwaas oo gacan ka geysan karay khilaafka Baydhabo iyo kuwo kale in aysan muddo ka dibba soo noqon, ayuu yidhi.

Isha: Sabahi Online

GUULEED OO U JAWAABAY TARSAN !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga qaranka ee dowladda Soomaaliya Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa iska fogeeyay eedeyn dhowaan uga timid guddoomiyihii hore gobalka Banaadir ahaana duqii magaalada Muqdisho mudane Tarzan.

Waxa uu sheegay in baabuur uusan dhicin isla markaana baabuurtaasi oo ahaa nuuca aan xabadda karin xukuumaddu ay amartay in amniga lagu sugo oo hay’adaha ammaanka dalka lagu wareejiyo.

“Tarzan waa uu i nabayaa aniga ma qaadan baabuur uu lahaa gobalka ee toddobo baabuur waxa ay ahaayeen kuwa amniga lagu xaqiijinayay” sidaas waxaa sheegay Wasiir Guuleed.

Dhowaan ayaa Maxamuud Axmed Nuur Tarzan uu shaaciyay in wasiir Cabdikariin Xuseen Guuleed uu la wareegay sanadkii la soo dhaafay gawaari loogu tala-galay in maamulka gobalka Banaadir uu ugu adeego shacabka.

Wuxuu caddeeyay baaburtaas in ay hadda gacanta ku hayaan hey’addaha ammaanka, maadama ay yihiin kuwa aan xabada karin ay uga cabsadeen in ammaanka lagu khalkhal galiyo ayuu yiri.

“Amarka baabuurtaas looga wareejiyay maamulka gobalka Banaadir waxaa soo saaray golaha wasiirrada ee horrey annagana waan fulinay uun” ayuu yiri.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Daawo Video: Hooyo Soomaaliyeed oo ay qabsatay dhacdo lala ilmeeyey

Hooyadaan ayaa waxaa lagu magacabaa Sadiya waxayna iyadoo uur leh aaday dalka Mareykanka iyadoo 7 caruur ah oo ay dhashay uga tagtay wadanka Somalia, balse 7 sano kadib ayeyse arin qiiro badan oo dad badan ka ilmeysiisay la kulantay.

Muuqaalkani laga duubay dhacdadani qabtaya Sacdiyo ayaa waxaad ka arki kartaa qaabka cajiibka ah ee dhacada iyo dadka oow ada ilmeynaya ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Xasan oo hambalyo u diray haweenka

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa oo ka hadlayey munaasabadda maalinta Haweenka Caalamka ayaa yiri “ Waxaan marka hore u dirayaa hambalyo dhammaan haweenka Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibedda ku kala nool, waxaana leeyahay sii xoojiya doorkiina muhiimka u ah shacabka Soomaaliyeed. Haweenku waa hormuudka iyo laf-dhabarka bulshada Soomaaliyeed. Doorkii 23kii sano ee la soo dhaafayna waa mid muuqda oo ay ahaayeen hal-bowlaha carruurta iyo qoyskaba oo ay mas’uuliyada qoyska dhanka shaqada iyo dhaqaalahaba hayeen.”
“Diinteenna Suuban iyo dhaqankeena wanaagsan ayaa tilmaamaya muhiimada Haweenka, shacabkana waxaan uga mahadcelinayaa sida ay marwalba u karaameeyaan, u sharfaan una dhowraan xuquuqda dumarka Soomaaliyeed. Dumarka Soomaaliyeed kuwooda gudaha joogana waxey mar-walba ka shaqeynayeen sidii dagaalada iyo collaadaha loogu bedeli lahaa nabad iyo horumar. Kuwooda ka mid noqday Qurbo-joogta Soomaaliyeedna waxey hormuud ka ahaayeen sidii qoysaskooda iyo Soomaalida kaleba ay ugu soo diri lahaayeen biilkooda. Qoysaska gabdhaha qurbaha ka aadayna waxey noqdeen kuwo aan illoobin qoyskooda iyo deriskaba.”

Sidoo kale gabdhaha Soomaaliyeed ee Qurba joogta waxey fursad u heleen waxbarasho oo maanta ay muuqato kaalinta ay waxbarashada gabadhaha soomaaliyeed uga jiraan, waxeyna noo tahay ammaan, dhiirigelin iyo wax lagu faano.

“Ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa meel walba oo ay joogaan inay sii xoojiyaan taageerada gabdhaha iyo haweenka Soomaaliyeed oo lagu dhiiri geliyo waxbarashada, shaqada, si ay ula tartamaan haweenka adduunka. Haweenka Soomaaliyeed waa inay danta guud ku midoobaan oo aragtiyaha kala duwan looga gudbaa si midnimo iyo wadajir ah. Ummad walbana horumarkeedu waxuu ku xiran yahay sida loo sharfo oo loo qiimeeyo dumarkooda.”

“Dowladda waxaa ka go’an inay sii xoojiso dadaalkeeda ku wajahan sidii dumarka Soomaaliyeed ay u heli lahaa xuquuqahooda oo ay bulshada uga dhex muuqan lahaayeen. Waana inaan ku dhiiri gelinaa dumarka inay siyaasadda, waxbarashada iyo ganacsiga ka qeybqaataan.”

DAAWO sawirradii ugu dambeeyay ee garoonka diyaaradaha Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) Gaoonka diyaaradaha Kismaayo oo uu ka muuqdo dib u casriyeen aad u ballaan, ayaa sawirro cusub laga soo qaaday.

Garoonka oo dib u billaabay shaqadiisa tan iyo markii ciidanka Kenya ay qabsadeen magaalada Kismaayo labo sanno ka hor, ayaa hadda waxaa ka muuqda isbadal xooggan, waxaana maalin kasta ku soo dagga diyaarado fara badan.

Diyaaradaha qaar ee garoonka soo fadhiista waa ku ay la socdaan rakaab ka yimid Muqdisho iyo meelo kale oo gobalka, waxaa kaloo jirra dad kald oo ka yimaada waddamada caalamka kuwaasoo in muddo ah imaan Kismaayo.

Waxaa kaloo garoonka isticmaalka diyaaradaha u kireesan hey’addaha gargaarka iyo kuwa ciidanka AMISOM.

Haddaba akhristayaasha ku xiran Shabakadda Caasimada Online, waxaan u soo gudbineynaa sawirro ka turjumaay isbadalka garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Halkan hoose ka daawo
5
2
1
4
6
3

Kismaayo: Meydka qof rayid ah oo uu dilay maamulka A/Madoobe oo la helay

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas lagu arkay meydka qof rayid ah, kaasoo la shegeegay in ay dileen ciidamada ammaanka maamulka KMG ah ee Jubba.

Ninkan ayaa laga helay xeebta magaalada Kismaayo, waxaana jirkiisa ku yaallay rasaas aad u fara badan.
Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha maamulka KMG ah ee Jubba, Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay in uu soo dhammaaday howgallo lagu si feenayay dadka falalka ammaan darida ka waday magaalada.

Wuxuu sheegay ninka meydkiisa laga helay xeebta uu ka mid ah rag in muddo ay baadi goobayeen kana mid ah dadka falalka ammaan darida ka waday magaalada Kismaayo sidda uu yiri.

Wuxuu shegeay in dhammaan kooxahii falalka ammaan darida ka waday Kismaayo laga dhigay wax la dilay iyo wax la soo qabtay.

Wasiir Darwiish ayaa xusay in xaalada ammaanka magaalada Kismaayo in hadda la isku haleen karo sidda uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Axmed Madobe: Wareejinta dekedda & garoonka waa laga horeeya + Reer Baydhaba waa riyoonayanaan

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Maxamed Islaam oo hadda ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa ka hadlay sida ay u arkaan doorashadii lagu doortay Madoobe Nuunow Maxamed , oo madaxweyne u noqonaya maamul lix gobal oo ay ku jiraan Jubbooyinka. wuxuu ka gaabsaday balse wuxuuu yiri “Aragtideenu waa tan beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya, mana diiddanin in maamul ay dhistaan beelaha deggan gobaladaas base ma ahan lagu mashquulo maamul dhisan”

Waxaa wax laga weydiiyay sababta ay uga caga diidayaan in ay wareejiyaan gegida diyaaradaha iyo dekedda Kismaayo, wuxuu tilmaamay in arrintaas ay u baahan tahay farsamo iyo in loo dabakho sidda uu yahay dastuurka, wax yaabo badan ayaa ka horeeya ayuu yiri Axmed Madoobe.

Halkan ka dhageyso wareysi Axmed Madoobe uu siiyeey BBC-da

madoobe cusub

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

M. S. Aadan: “Annigoo wata maamulka 6-da gobal ayaan tagayaa KISMAAYO”

Baydhabo (Caasimada Online) Maxamuud Sayid Aadan oo ah ku-xigeenka madaxweynaha maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed ee dalka,ayaa sheegay in maamulkaas dhawaan la geyn doono magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Baay.

Isagoo ka qaybgalaayay barnaamijka Jimcaha ee BBC-da ayuu shegeay in maamulka KMG ah ee Jubba oo lagu soo dhisay Addis Ababa uu meesha ka baxau sidda uu hadalka u dhigay.

“Maamulka KMG ah ee Jubba waxa uun ku hesiiyay Faarax Sheekh Cabduqaadir oo ahaa wasiiru dowlihii madaxtooyada, marka maamulkaas wuxuu ka socon waayay xitaa magaalada Kismaayo, waxaan dhihi lahayn dadka taageera maamulka lixda gobal oo ay ku dhan yihiin dadka ku dhaqan gobalada loo dhisay” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Wuxuu kaloo sheegay in isagoo wata maamulka lixda gobal in uu tagi doono magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Si kastaba, hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Madoobe ayaa isna sheegay in maamulkooda ay aqoonsan yihiin dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo Video: Muqdisho oo dib ugu noqoneysa Wagii Bariisamadkii oo….!

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo gabi ahaanba isku badashay Muqdishadii Bariisamadka ee laheyd Adeegyada nuucaani ah ee aan dalka dib loogua rag waxii ka dambeeyay 1991.

Muuqaalka Maanta waxuu ku xasuusinayaa Muqdishadii Bariisamadka & sida shacabka u nool yihiin ee nala daawo Muuqaalkani waxaan hubaa in aad qiiro la ilmeyn doonto.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Warkii ugu farxadda badnaa abid oo u soo yeeray beeraleyda Soomaaliyeed

Nairobi (Caasimada Online) Markii ugu horreysay ayaa beeraleyda Soomaaliyeed waxa ay suuq fiican u heli doonaan dallaga ka soo go’a beerahooda.

Arrintan ayaa daba socota kaddib markii Midowga Yurub,dowladda Austria iyo hey’adda beeraha iyo cuntada ee QM isku raaceen in ay taageeraan beeraleyda Soomaaliyeed.

Beeraleyda Soomaaliyeed ayaa laga caawin doonaa sidda ay u heli lahaayeen qalab tayo leh oo ka caawiya wax soo saarka beerahooda, taasoo muujineysa in dadka Soomaaliyeed ay helaan raashin xilli dhow la soo gooyay, halkii ka horre ay ahayd in dalka la keeno raashi xillo horre la soo saaray.

Hey’adda cuntada iyo beeraha ee Qaramada Midoobay FAO iyo Barnaamijka cunta adduunka ee WFP ayaa go’aan ku gaaray in ay dhiiri galiyaan beeraleyda Soomaaliyeed, kuwaasoo horrey ugu eedeeyay labada hey’addood in ay raashiin keenaan marka ay soo go’ayaan dallagooda, taasoo dhibaato ku ah wax soo saarkooda.

Midowga Yurub iyo dowladda Austria ayaa iyana ballan qaaday in ay beeraleyda Soomaaliyeed ka caawin doonaan siddii ay u soo saari lahaayeen dallag fiican.

Wakiilka WFP u qaabilsan Soomaliya, Stefano Porretti ayaa ku qeexay barnaamijkan cusub mid wax badan ka caawin doonaan beeraleyda Soomaaliyeed in soo saaraan dallag fiican waa guul buu yiri.

“WFP waxaa ka go’an in ay caawiso dadka xoolaha leh iyo kuwa beeraha ku howlan,” ayuu yiri Porretti.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Isku-shaandheynta wasiirada oo ay ku jirto kordhinta tirada wasiirada “Xog”

Hargeysa (Caasimada Online) Iyadoo dhawaan soo baxeen warar sheegaya in golaha wasiirrada Soomaaliya lagu sameyn doono isku shaandheyn, ayaa la sheegay wasaaraddaha ay saameyn doonto isku shaandheynta ay ku jirto wasaaradda arrimaha dibedda iyo is-kaashiga caalamiga.

Waxaa qorshe uu yahay in wasaaradda iskaa-shiga caalamiga ah laga dhigo mid iskeed u taagan, sidaasna darteedna loo magacaabi doono wasiir cusub, taasi oo sii kodhineysa tirada wasiirada.

Suldaan Ceyduur  Suldaan Saalax Suldaan Ibraahim, oo ka mid ah salaadiinta ka soo jeeda Somaliland, ayaa madaxda dowladda ka codsaday in ay joojiyaan in ay kala qaadaan wasaaradda arrimaha dibedda.

Suldaalka oo caawa la hadlaayay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in uu maqlay dowladda wasaaradaha ay kala qaadeyso in ay ku jirr wasaarrada arrimaha dibedda.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha ay aad u xiriiraan dhowr jeerna uu taallo siiyay, balse wuxuu yiri lama rabo in waxa ay noqoto beelo la qanciyo waa dowlad meeshu”ayuu yiri Suldaanka.

Mar la weydiiyay waxa ay ku diiddan yihiin in la kala qaado wasaaradda arrimaha dibedda, wuxuu tilmaamay in waligeed wasaaradda arrimaha dibedda iyo is-kaashiga caalamiga ay ahayd hal wasaarad.

Hadalka Suldaanka ayaa ku soo beegmay iyadoo maalmahan suuqa la isla dhex maraayay in ra’iisal wasaaraha xukuumada Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed uu damacsan yahay in uu isku shaandheyn ku sameeyo xubnaha wasiiradiisa maadama ay soo baxeyn beelo dhaliilsan dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Mudullood oo 4 arrin ka dalbaday DFS

Warsaxaafadeed

Waxaan marna la ogoleen in dalka uu ku soo noqdo burbur iyo barakac balse waxaa loo baahan yahay in Madaxweeyne Xassan uu siiyo awooda gudoomiyaha Duqa cusub ee loo magacaabay gobolka Banaadir,awood oo ah in uu u madaxbanaado awooda howlgelinta

Boliska gobolka Banaadir iyo hogaan-kooda .

Nabadsugida gobolka Banaadir iyo madaxdooda.

Dhisida golaha degaanka gobolka Banaadir.

Shaqaalaha Cashuur ururinta gobolka Banaadir .

Daqliga gobolka Banaadir waxaa quman in dib loogu noqdo sabbabta oo ah 15% oo dowlada dhexe gobolka ka qaataa kuma fila gobolka nabadgelyadiisa iyo baahida u qidmeeynta shacabka ku dhaqan gobolka iyda oo la ogyahay in daqliga dowlada ugu weeyn uu yahay midka Dekeda iyo Madaarka Muqdisho uu leeyahay,daqliga canshuuraha iyo kuwa laga qaado dadweeynaha gobolka Banaadir waa in uu gobolka dib ugu soo noqdaa.

Gobolka Banaadir iyo dowlada dhexe ee federaalka waa in uu u dhaxeeya xuduud uusan midba midka kale ku xadgudbi karin ,wasiirka gudaha iyo xildhibaanada ku wareegaha gobolka waxaa quman in gobolada aay u dhasheen soo abaabulaan kana soo dhaadhiciyaan in dowlada federaalka tahay dowlad dhexe oo la wada wadaago,sida oo kale taliyaha Boliska waa in uu gobolada dalka ka soo dhisaa ciidan Boliis maaha in uu booqdo degmooyinka gobolka Banaadir,Duqa & Gudoomiyaha gobolka Bannadir waa in yeesha awooda iyo go”aanka waxwalba oo gobolka ka horyimaada sida soocelibta nabada iyo wadanoolaanshaha shacabka degen gobolka,gudoomiyaasha degmooyinka gobolka waa in la la xisaabtamaa cidii wax ka qaban weeyda degmada aay xukunto waa in talaabo laga qaadaa,degmo walbaa waa in loo dhameeystiraa waxii aay ku shaqo geli laheeyd,awooda dowlada waa in shacabka gaartaa.

Gobolka Banadir waa in loo qeeybiyaa 4 degmo deris wanaag sida degmo xeebeedyada

1.D.Shangaani,

2.D.Xamar jab jab.

3.D.Waaberi

4.D.Cabdulcasiis

Intaa degmo waa degmooyinka dhexe

1.D Hodon

2.D.Hawlwadaag

3.D.Warta nabada

5.D.Boondheere

Waa degmooyinka koonfureed halka oo mudan in aay noqdaan degodiriseed

1.D.Madiina

2.D.Dharkinleey

3.D.Dayniile

4.D.Kaxda

Degmooyinka waqooyi sida

1.Dkaaraan

2.Yaaqshiid

3.D Heliwaa

4 D.Shibis.

Degmooyinkaa waa in aay ka muuqdaan kanna howlgalaan saldhigii boliiska iyo xarumihii degmada iyo maxkamadihii madaniga ee 4tii dego ee walba,awooda dowladnimo waa tan shacabka waxaa quman in shacabka awooda la siiyo dowladana damiin ka noqoto amiga iyo fududeeynta howlmaalmeedka degmada iyo gobolka.

Haddii aanan la xasilin gobolada shabeelada Dhexe iyo midka shabeelada hoose Muqdisho nabadeeda waa mid marwalba qalqal gali kara,sidaasi darteet waxaan leenahay labada shabeele waa in culeeyska la saaraa si amiga Muqdisho loo kobciyo waxna looga qabto,waa in uu jiraa xiriir gudoomiyayaasha goboladaa xaga isweeydaarsida wararka iyo isku gudbinta xogta al.shabbab.

Muungaab oo ka digay in laalush lagu bixiyo warqadaha aqoonsiga (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Sareeyo guud, Xasan Maxamed Xuseen Muun-gaab ayaa sheegay in loo fududeeyo dadka qaadanaya warqadda aqoonsiga muwaadinimada.

Muun-gaab oo in dhihiisa ku soo arkay dhibaatada ka jirta xarunta laga qaato warqaddaha, ayaa sheegay in aan loo dul qaadan doonin in dadka lagu dhibo warqadda ama laga qaato lacago laaluush sidda uu yiri.

Wuxuu tilmaamay ciddii lagu qabto iyagoo shacabka laaluush ka qaadaysa in tallaabo sharciga waa faqsan laga qaadi doono.

Hadalka Muun-gaab ayaa imaanaya iyadoo dhibaatooyin waaweyn ay ku qabaan muwaadiniinta Soomaaliyeed helitaanka warqadda aqoonsiga.

Wariye ka tirsan caasimada Online, oo tagay xarunta laga qaato warqadda muwaadinnimada ayaa soo arkay in dadka ay dhib ku qabaan heli taaganka warqaddahaas, waxaana uu sheegay in marka qaar qofka ay ku qaado bil ama wax ka abdan in uu helo warqaddaas.

Si kastaba, Guddoomiye Muun-gaab ayaa looga fadhiyaa in uu wax ka badalo dhaliilaha loo jeedinaayo dowladda Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Soomaalida Mareykanka & sharci cusub

Minneapolis (Caasimada Online) Soomaalida ku nool gobolka Seattle ee dalka Maraykanka ayaa soo dhaweeyay go’aan uu dhawaan soo saaray maamulka gobalkaas kaasoo loogu ogoolaanayo muslimiinta dalkaas in ay fasax helaan maalmaha ciidaha Islaamka.

Imaamka masjidka Abuubakar Sadiiq ee magaalada Seattle, Sheekh Axmed Nuur Macallin oo u warramay VOA ayaa sheegay in dedaal badan kaddib ay ku guuleysteen inay maamulka ka dhaadhiciyaan soo saarista sharcigan.

Sheekha ayaa xusay inuu sharcigu yahay guul u soo hoyatay muslimiinta ku nool Washington.

Golaha Senate-ka iyo kan hoose ee gobolka ayaa ansixiyay sharciga, wuxuuna dhaqan-geli doonaa marka uu saxiixo guddoomiyaha gobolka oo la sheegay in loo gudbin doono dhowaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

[email protected]

Madoobe oo la caleema saari doono

Baydhabo (Caasimada Online) Sidda uu goordhow ku soo warramaya wariyaha Caasimada Online ee magaalada Baydhab, waxaa xarunta ADC-da ka socota xaflad ballaaran oo lagu caleema saarayo Madoobe Nuunow Maxamed oo loo doortay madaxweynaha maamulka lixda gobal ee loo dhisaayo koonfur galbeed iyo ku-xigeenkiisa.

Xafladda oo ay ka qaybgalayaan xildhibaanno, siyaasyiin iyo dadweyna fara badan ayaa hadda waxa ay ka socota xaruntii horre ee baarlamaanka dowladii KMG ah ee AUN Cabdulaahi Yuusuf Maxamed.

Waxaa lagu wadaa in uu goobta ka hadlay Madoobe Nuunow iyo siyaasiyiin kale oo taageersan maamulka cusub ee loo dhisaayo lixda gobal ee kala ah, Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Jubbooyinka iyo Gedo.

Dowladda iyo beesha caalamka ayaa shaley si cad ah u sheegay in aanu taageersaneen doorashada la doortay Madoobe Nuunow.

Warar dheeraad ah kala soco Caasimada Online in shaa Allah

 

Video: Qaxooti ku dhawaaqayo Allaahu Akbar oo xoog ku soo galay SPAIN

Jasiirada Melilla ee dalka Spain waxaa si xoog ah ku soo galay Qaxooti qaarada Africa ka yimid oo aad u fara badan kuwaas oo in mudo ah ku dhibaateeysanaa gudaha dalka Marooko balse iminka qaxootigaan ayaa intooda badan jasiirad ku taala dalka Spain xoog ku soo galay.

Qaxootigaan qaarada Africa ka socda ayaa si toos ah u soo qardo jeexay biro shabaqyo ah oo Koronto maaso ah loogu rakibi jiray waxeeyna qaarkood ku dhawaqayeen Allahu Akbar markii ay soo gaareen jasiirada Melilla oo inta badan lagu qaabilo Qaxootigii si nabad ah ku soo gaara ciida ama xeebaha dalka Spain.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Muqdisho oo lagu qabtay kulan lagu taageerayo MADOOBE NUUNOW

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, waxaa maanta oo Jimco ah ka dhacay kulan ballaaran oo lagu taageerayo doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gabalka, laguna doortay Madoobe Nuunow Maxamed oo madaxweyne u noqonaya maamulka lixda gobal ka kooban.

Kulanka oo ay joogeen odayaal iyo wax garad ka soo jeeda gobalada maamulka loo sameenaayo, ayaa waxaa ka hadlay odayaal iyo salaadiin taageersan Madoobe Nuunow.

Garaad Aadan Garaad Axmed oo ka mid ah odayaasha goobta ka hadlay ayaa ugu horeyn ammaanay qaabka ay u dhacday doorashada isagoona dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay taageerto maamulka lixda gobal.

Sidoo kale wuxuu sheegay in loo dhan yahay maamulka loo dhisaayo lixda gobal ee uu madaxweynaha ka yahay Madoobe Nuunow Maxamed oo maanta lagu caleema saaray magaalada Baydhabo.

Si kastaba, waxaa soo baxaya walaac laga muujinayo shirarka iska horjeed ee ka socda Baydhabo, waxaana laga cabsi qabaa in halkaas ay ka dhacaan dagaallo dhiig badan ay ku daataan.

Dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa ka soo horjeestay doorashadii toddobaadkan ka dhacday Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]