28.4 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Falanqeyn ku saabsan Justin Marozzi oo ah La-taliyaha Madaxweyne Xasan

Madaxtooyada Soomaaliya waxaa shaqaalaheeda ka mid ah Justin Marozzi oo ah wariye iyo taariikhyahan u dhashay wadanka Ingiriiska, wuxuuna ku magacaaban yahay ‘la taliyaha saxaafadda caalamka’ ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sida ku cad kaarkiisa aqoonsiga (ID) ee madaxtooyada Soomaaliya.

Sawir guud markii aad ka qaadatid waxbarashada Justin Marozzi oo ah Taariikh iyo saxaafad iyo dadka Soomaaliya u baahan tahay in loo soo kireeyo si aqoontooda looga faa’iideysto waa kaaf iyo kal dheeri.
Saxaafadda Caalamka waxyaabaha muhiimka u ah markii ay dal shisheeye saxafiyiintoodu imaanayaan waxaa ugu muhiimsan 1. is diiwaan galiso, 2. turjubaan, 3. ‘Darawal’ iyo gaari iyo 4. Hage (qof dhulka iyo dadka kala tusa) 5. iyo liiska warbaahinta ugu fiican ee dalka laga aqriso ama ugu afka dheer.
Madaxtooyada waxay uga bahanyihiin
1. Ballan madaxweynaha in looga sameeyo si ay wareysi uga qaadaan
2 Ogaanshaha waqtiga ay dhacayaan shirarka jaraa’id iyo xafladahooda, iyo
3. Inay ka mid noqdaan liiska (mailing list) ee farriimaha madaxtooyada lagu gaarsiiyo qoraal ahaan.
Sadexdan arrimood waxaa fududeyn kara dhowr hey’adood oo ay ugu horeyso
1. Qeybta warfaafinta ee Madaxtooyada
 2.Wasaaradda Warfaafinta
3. Wakaaladda wararka dowladda ee SONNA
4. Ururka saxafiiyiinta Qaranka ee NUSOJ, 4. iyo hey’adaha kale ee madaxa bannaan sida SIMHA,  MM House iyo ururada kale ee la mid ka ah, iyagoo la kaashanaya kuwa dowliga ah ee kor ku xusan.
justinDowladdaha qani ah waxay u madax banaan yihiin inay kireystaan dad aqoonyanno ah oo cilmigooda laga faa’iido, hase ahaatee dadkiisi waxay ku shaqeeyaan caadiyan xaafiisyo gooni ah oo ka dheer siraha iyo warbixinada dowladda, waxaase ii muuqatain Justin uu jikada dhinac ka fadhiyo.
Waxaa kale oo jirta shuruudo lagu xiro dadka loo kireysanayo qeybta warbaahinta ee madaxtooyo dowladeed ama madaxweynaha,  maadaama ay isgaarsiintu muhiim u tahay dowladaha, waxaana ka mid ah:-
1. in qofka ajinabiga ah ee qeybtan ka howl galaya uu yaqaan luuqadda dalka,
2. inuu samen karo cilmi baaris
3. inuu horumarin karo qeybta uu ka howl galayo
4. inuu jeexi karo waddo shaqo oo waafaqsan mabaa’iida, diinta iyo dhaqanka ay aaminsan yihiin dadka loo shaqeynayo
5.  inuu koontorooli karo farriimaha madaxweynaha ee ku baxaya luuqadda dalka
6. Inuu ka jawaabi karo mararka qaar beenta saxaafadda caalamka ay ka faafiso  madaxweynihiisa
7. odoros ama saadaalin caqabadaha iyo qaladaadka ka dhici kara waaxda isgaarsiinta ee madaxweynaha
8. Inuu xallin karo is maandhaafka madaxweynaha iyo shaqaalihiisa ee ku aadan arrimaha is gaarsiinta
9. iyo La shaqeyn joogto ah hey’adaha warbaahinta ee dalka sida Raadiyaha, Tv-ga, wakaaladda, Websiteka iyo shabakadaha arrimaha bulshada.
Waxaa jirta daaqad kale oo arrintan laga eegi karo, taas oo ah dhinaca dhaqaalaha!!, dad badan ayaa aaminsanin Marozzi mushaarkiisa ay bixiso dowladda Soomaaliya, waxaana qiyaas ahaan mushaarkaas uu noqon karaa $6,000 (lix kun oo dollar) oo nadiif ah.
Laakiin aniga shaki ayaa iiga jira taas, waxaana aaminsanahay inaysan dowladdu  booskaas baashaalaka aysan ku bixin karin lacag intaas la’e, taa bedelkeedana in Justin Marozzi uu madaxtooyada ku joogo qaab ah “grant” oo ah  in dowladda Ingiriisku ay mushaarkiisa bixiso.
Waxaa kale oo dhici karta in ninkan uu dano kale u joogo Madaxtooyada, waxaana laga yaabaa inuu qorayo buug uu ku ceyn doono SOomaalida, maadaama uu qoraa yahay, todobaadkii horena uu soo bandhigay sheeko aheyd neynaasyada dadka Soomaaliyeed.
Waxaa muuqata in Xilligan Justin Marozzi oo kale aanu ku habooneyn inuu ka soo muuqdo madaxtooyada dalka, waayo dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin indheer-garad hantidoodu ay  tahay aqoon, kuwaas oo aan ka faa’iideysanno, waxaana dalku si ba’an ugu baahan yahay Dhaqaatiir na daaweysa, Injineerro jidadka noo dhisa, Macallimiin aqoon nagu shubta, Seynisyahanno caalamka naga daba geeya, ganacsato wadanka maal-gashata, si dhalinyaradu shaqo uga hesho iyo culimo ku taqasusay arrimaha badaha, beeraha iyo hawada.
W/Q: Farah Blue
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]. Mahadsanid

Dhageyso: Tarsan oo shaaciyey arrimo badan kadib markii uu xilka ka dagay

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyihii horre ee gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa laga wereystay arrimo badan oo ay ka mid tahay wax yaabaha u qabsoomay intii uu xilka hayay iyo sidda uu u arko ciidamada Ethiopia ee ka mid noqday howgalka Midowga Afrika gulfka dagaal ay ka wadaan Soomaaliya.

Tarsan oo marti u ahaa barnaamijka wicitaanka Dhageystaha ee ka baxa Idaacadda VOA-da, waxaa wax laga weydiiyay siddii uu nabadeeyay gobalka Banaadir iyo cidda ku caawiyay in uu Muqdisho muddo yer uu ka dhigo magaallo ka soo kabatay dhibkii dilooday 22-kii sanno ee la soo dhaafay.

Tarsan ayaa sheegay in markii uu la wareegayay xafiiska uu howsha ka billaabay meel eber ah, balse ay gacan siiyeen iskaashitada gaadidleyda gobalka Banaadir kuwaasoo gawaari siiyay si ay qashinka buuxay Muqdisho ay ka qaadaan iyo mulkiilayaasha leh shirkadaha korantada kuwaasoo nalal ku xardhay waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho.

Guddoomiyihii horre ee gobalka Banaadir, wuxuu qiray in dadka ku nool Muqdisho ay yihiin dad u helaan nabadda kaliye ay u baahan yihiin hoggaamiye daacad ah.

Wuxuu kaloo sheegay in wax yaabaha uu qabtay ay ka ahayd daacad, haddii aaney daacad ka ahaan lahayn in horrumarka ka muuqda Muqdisho aaney la gaari lahayn sidda uu yiri.

Halkan ka dhageyso Tarsan

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

CABDI WELI GAAS oo gaaray Jabuuti

Garoowe (Caasimada Online) Sidda uu goordhow soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee dalka Jabuuti, waxaa halkaas goordhow ka degtay diyaarad uu la socday madaxweynaha maamulka Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti, waxaana markii dambe loo galbiyay gudaha magaalada oo ay hadda ku sugan yihiin.

Wafdiga madaxweynaha Puntland ayaa saakay ka soo ambabaxay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Garoowe, ka hor inta uusan dhoofin, ayaa sheegay inay booqashadoodu la xiriirto casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen madaxda dalka

Waa markii labaad oo madaxweynaha Puntland uu safar dhinaca dibadda u ambabaxo tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha Puntland 8-dii bishii Janaayo ee sannadkan.

Madaxweynaha inta uu joogo Jabuuti waxaa la filayaa in uu kulamo la qaato madaxda dalkaas iyo dipolomaasiyiin caalami ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Djibouti

[email protected]

Daawo: Hantida Qaranka SOOMAALIYA oo ku dayacan waddamo dariska ah

Caasimada Online: Muuqaal kooban oo ka hadlaya Hantida Qaranka Soomaaliyeed ee wadamada dibadda ah ku dayacan kadib markii aysan helin Dad soo raadsada oo sheegta in ay lee yihiin Hantidaasi Qaran.

Aqristoow waxaan hubaa in aad Ilmeyneyso marka aa daawato Muuqaalkani waxaadna dareemeysaa in Hanti badan oo Soomaali ay lee dahay dunida dacaladeeda ay ku dayacan tahay ee nala arag Muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Somali ku dhimatay xeebaha Yemen

Sana’a (Caasimada Online)-Warar ay qoreen Isniinta maanta ah Wakaalada wararka caalamiga ah, ayaa sheegaya in ugu yaraan 42-qof oo ah Afrikan ay ku dhinteen Xeebaha Koonfurta Yemen, sidaas waxaa shaaciyay wasiirka gaashandhigga dalka Yemen.

Dooni ay la socdeen dad aad u fara badan ayaa la sheegay in ay ku degtay meel ku dhow xeebta Beer Cali, oo ka tirsan Koonfurta Shabwah goor dambe oo Axadii ahayd, siddaas ayaa lagu sheegay war kooban oo uu shaaciyay wasiirka gaashandhigga Yemen kaasoo lagu daabacay Website-ka  26sep.net.

Ciidamada babadda ee Yemen ayaa soo badbaadiyay ugu yaraan 30 qof oo ah dadkii la socday doonta degtay, waxaana ay geeyeen xero qoxooti oo ku taalla magaalada Mayfaa.

Siddaas waxaa shaaciyay sarkaal ka tirsan ciidanka ammaanka oo la hadlay wakaalada wararka AFP, balse ma jirto xog laga hayo dadka la socday doonta iyo waddamad ay u dhasheen.

Inta badan waxaa isticmaala xeebaha Yemen Afrikan u badan Ethiopian iyo Soomaali kuwaasoo ka soo cararay dhibaatada waddamadooda yaalla ama in lagu rido xukunno kala duwan, waxaana ay doonyo ku soo gaaraan Koonfurta Yemen si ay u galaan dalka Saudi Arabia.

Ku dhawaad 84,000 oo qof oo ka yimid geeska Afrika ayaa gaaray dalka Yemen sannadkii 2012, waxaana ay dadkaas ay rajo ka qabaan in ay helaan shaqooyin ay ka helaan Saudi Arabia aiyo waddamada Khaliijka siddaas waxaa laga soo xigtay hey’adda socdaalka adduunka ee IOM.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

[email protected]

DEG DEG: Dhakhtar caan ah oo caawa lagu dilay magaalada Kismaayo

Kismaayo (Caasomada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Takhtar caan ah caawa lagu dilay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Wariyaha Caasimada Online ee Kismaayo, ayaa soo sheegay in caawa fiidkii magaalada lagu dilay Takhtar Xasan Diiriye oo caan ka ahaa magaalada Kismaayo.

Takhtarka ayaa la sheegay in ay dileen seddax nin oo ku hubeysan bastoolado kuwaasoo ku dilay meel ku dhow gurrigiisa oo ku yaalla bartmaha Kismaayo.

Takhtarka ayaa la toogtay xilli uu ka yimid goob caafimaad oo uu lee yahay meel aan siddaas uga fogeyn gurriigisa, kooxda dilka geesatana waxaa la sheegay in baxsadeen.

Ilaa hadda si dhab ah looma garanaayo cidda dishay takhtarka, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa maamulka KMG ah ee Jubba.

Kismaayo waxa ay noqotay magaalo dadka lagu dilo cidda dishana aan la ogeyn, maamulka magaalada gacanta ku haya waxa uu mar kasta lee yahay ammaanka waxbaab ka qaban doonaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DASTUURKA uu yeelanaayo maamulka Shabelle State oo galabta la ansixiyay

Afgooye (Caasimada Onine) Deeganka Calamada ee duleedka magaalada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose waxaa galabta lagu ansixiyay dastuurka uu yeelaanyo maamul cusub oo loo dhisaayo gobalada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo loo bixiyay maamulka Shabelle State.

Dastuurka waxaa ansixiyay in ka badan 400 oo ergo kuwaasoo ka kala socotay labada gobal sidda uu soo sheegay wariye ka tirsan Caasimada Online oo ka qaybgalay shirka maanta.

Guddiga shirka ayaa sheegay in maamulka loo dhisaayo labada gobal in uu soo socday muddo lix bil, markana la soo gaaray siddii loo shaacin lahaa maamulka loo sameenaayo labada gobal.

Daah furka shirka waxaa joogay xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda labada gobal, waxaana ay taageereen rabitaanka ku dhaqan labada gobal ee ah in ay sameestaan maamul gobaleed ay ku mideesan yihiin.

Waxaa kulanka ka hadlay odayaasha ku howlan maamul u sameynta labada gobal waxaana ay dowladda Soomaaliya ay ka codsadeen in ay taageerto maamulka ay dhisanayaaan.

Waxaa soo badanaya shirarka maamulka loogu dhisaayo gobalada dalka, waxaana gobalka Shabellaha Hoose uu noqday gobal la isku heesto maamulka uu ku biiraayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]  

Feysal C Waraabe: Booqashadii C/Weli Gaas ee Jig-Jiga waa durbaan qabiil

Nairobi (Caasimada Online) Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland UCID, Feysal Cali Waraabe oo ku sugan Nairobi, ayaa weerar ku qaaday madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo dhawaan booqasho ku tagay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida Ethiopia.

Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha Puntland in uu amni daro ka wada Puntland iyo Somaliland,isagoona ku si feeyay booqashadii uu ku tagay Jigjiga in ay la xiriirto durbaan qabiil oo uu doonayo in uu ka hirgaliyo laga billaabi Garoowe, Wardheer ilaa iyo Kismaayo.

“Ninkaa madaxweynaha ka ah Puntland waxaan is lahayn markii la doortay waxbuu ka badali lahaa balse wuxuu wataa durbaan qabiil oo uu doonaayo in uu ku tumo Garoowe, Laasacaanood, Kismaayo iyo ilaa kilanka shannaad” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Waxaa la weydiiyay wada xaajood in ay la sameeyeen Cabdiweli Gaas, wuxuu yiri “Siddee ayaan u wada xaajooneynaa”

Feysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay madaxweynaha Puntland in isbadal ku sameeyo dhaqanka uu la soo baxay ee ah in uu qabiilkiisa ku baahiyo deeganno ay ku jirto dhulka Ethiopia”Taasna waxa ay dhibaato ku noqon doontaa” ayuu yiri xukuumada Addis Ababa.

Wuxuu kaloo sheegay Feysal Cali Waraabe in Sool iyo Sanaag aaney cid gaar u leh, oo qabiil kasta ayaa deggan ayuu yiri.

Waxaa la weydiiyay in markale Soomaaliweyn loo mideen karo Wuxuu yiri “Muqdisho iyo Hargeysa waxa ay midoobeen sannadkii 1960-kii, waana ay wadashaqeyn karaan iyagoo kala madax banaan oo mala maarmaan” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe

Ugu dambeyn wuxuuu sheegay intii uu joogay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya in uu kulamo la qaatay diplomaasiyiin caalami ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

VIDEO: La yaabka ka jira MUQDISHO

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka soconaya Horumar dhan walba leh kaas oo si weyn ugu fidaya Magaalada Muqdisho waxaana dib u soo noqonaya Nidaamkii Dowliga ahaa.

Muuqaal la yaab leh oo ka hadlaya Sheeko ka jirta Muqdisho oo dadka ay aad u hadal hayaan ayaan jacelahay in aan idiin la wadaago ee ila daawada la yaabka ka jira MUQDISHO.

Sheekadan ayaa waxa ay ku saabsan tahay taksiyada iyo mootooyinka bajaajka loo yaqaan ee laga hir-geliyey Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO:

 

SAWIRRO: IIDA oo xustay 8-da March

Munaasadan lagu weyneynayay maalinta haweenka adduunka 8-da Maarso oo ay soo qaban qaabisay Ururka horumarinta Haweenka (IIDA) ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday ururka haweenka qaranka, ururro u dhaq dhaqaaqa xaquuqda haweenka iyo haween ganacsato ah, taasi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
1516123467891011121314

Qaar ka mid ah haweenkii ka qeybgalay munaasabada oo hadalo ka jeediyay ayaa tilmaamay ahmiyadda maanta oo kale ay u leedahay haweenka adduunka, gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed, iyadoo munaasabadan hal ku dhig looga dhigay, “Nabadda ayaa dadka wada deeqda sidaa darteed umadda Soomaaliyeed yar iyo weyn waa inay ka shaqeeyaan nabadda”

Duniyo Maxamed oo ka mid ah howlwadeenada ururka horumarinta haweenka (IIDA) oo munaasabada xuska maalinta haweenka adduunka hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed looga fadhiyo sidii ay dowladdu gacan ugu siin lahaayeen ka shaqeynta howlaha lagu sugayo amniga iyo horumarinta dalka.

Sahro Cumar Maalin oo ka mid ah haweenkii kulanka ka qeyb galay ayaa ka sheekeysey qiimaha manta oo kale dunida ay ka leedahey, gaar ahaan haweenka ay u leedahay, ayadoo tilmaamtay in dumarka Soomaaliyeed looga fadhiyo in ay dowladda kala shaqeeyaan sugidda amniga dalka.

Canab Xasan Cilmi guddoomiye ku-xigeenka ururka haweenka qaranka ayaa tilmaamtay in haweenku ay 23-kii sano ee la soo dhaafay ay ka qeyb qaateen ka shaqeynta iyo horimainta dalka.

Maanta oo ku began 8da Maarso ayaa ah maalinta haweenweynaha adduunka laga xuso, iyadoo munaasabado kuwan la mid ah laga xusayo caasimada iyo gobollada dalka.

Xog: Wasiir kamid ah Xukuumadda R/W Cabdi Wali oo baangado lagu bursaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxey sheegayaan in xiisad ka dhex taagan tahay Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumada Somaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Ururada haweenka qranka Somaliya.

Xiisada waxay ka dhalatay kadib markii Wasiir Khadiijo ay soo saartay warqad ay shaqada uga joojineysay dhamaan hay’adaha iyo ururada kale ee ku shaqeeya Guriga Hooyooyinka taasi oo warqadeeda la dhaqan gelin waayey.

Waxay sidoo kale Amar kusoo saartay warqad kale Wasiir Khadiijo in dhamaanba laga fujiyo Boorarka ku dhagan guriga Hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho hadana waa laga dhago adeegay amarkaasi waxaase ay taasi keentay in khilaaf xoogan uu soo kala dhex galo Ururka Haweenka Qaranka iyo Shaqaalaha Wasaarada Haweenka.

Ilo wareedka aan la hadalnay ayaa inoo xaqiijiyey in xitaa arintu ay gaartay baangado la isku qaatay markii haweenka la isku fahmi waayey munaasabad ka dhacda guriga Hooyooyinka xilli shalay loo dabaal dagayo maalinta Haweenka Adduunka 8-Maarso, oo wasiirka baangado lagu bursaday

Wasiir Khadiijo ayaa waxay arintaan sheegtay in Xukuumada madaxdeeda kala hadli doonto maadama ay sheegtay in lagu tix gelin waayey amarkeeda oo la kala ogaan doono cida maamulka iska leh guriga Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ibrow: Axmed Madoobe wuxuu ku yimi talo Kenya, laakiin Nuunow doorasho

Baydhabab (Caasimada Online) – Malaaq Ibrow Cali oo ka mid ah malaaqyada beelaha Digil & Mirifle ee taageersan doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Madoobe Nuunow, ayaa naqdiyey hadal ka soo yeeray hogaamiyaha maamulka Jubbooyinka Axmed Madoobe, oo sheegashada Nuunow ee madaxtinnimada 6-da Gobol ku tilmaamay mid riyo ah.

Malaaq Ibrow wuxuu sheegay in Madoobe Nuunow lagu doortay shir ay ka soo qeybgaleen waxgaradka beelaha degan lixdaasi gobol, halka uu sheegay in uu yahay nin ay Kenyaanku wataan, ayna u isticmaalayaan siyaasadooda qarbudaada & dhul balaarsiga ah ee ay ka leeyihiin Soomaaliya.

“Madoobe Nuunow wuxu ku yimid shir beelaha 6-da gobol ay isugu yimaadeen, oo ay si fiican u lafa gureen mustaqbalka goboladaasi, aakhirkiina goáan ku gaaray dhismaha maamulkan, marka qofka riyada ku yimid waa isaga“ ayuu yiri Malaaq Ibrow.

“Axmed Madoobe waxaan leeyahay haddii adiga oo Qabri-dahare baadiyaheeda ka yimid aad madax ka noqotay Kismaayo, weliba adigoo ay Kenyaan ilaalo ka hayaan, maxaa u diidaysaa Madoobe Nuunow inuu madax ka noqdo goboladaasi 6-da ah” ayuu yiri Malaaq Ibrow.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
[email protected]

Daawo Video: Turkiga oo Muqdisho ka her geliyay mashruucyo haweenka…!

Dowlada Walaalaha ee Turkiga oo si dhab ah u garab taagan Walaalaheeda Soomaaliyeed ayadoo Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ka wada howlo badan oo mashaariic ah oo isugu jira Dhismooyin & Deeqo wax barasho.

Arintani ka farxisay Haweenka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ee uu Turkiga ka her galiyay magaalada ayaa ah mid ay aad u hadal hayeeyn Haweenka ku nool Gobolka Banaadir ee nala daawo Muuqaalkani farxadeed.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Muungaab oo la kulmay g/miyaasha

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Sareeyo guud Gen Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta oo Axad ah kulan la qaatay dhammaan guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir.

Kulanka oo ay saxaafadda bannaanka ka joogtay, ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay afhayeenka maamulka gobalka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan.

Wuxuu sheegay in kulanka looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay adkeynta ammaanka caasimada iyo in la dardar galiyo howlaha nadaafada.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay oo kale afhayeenka in guddoomiyaha gobalka Banaadir uu codsaday in dadka loo fududeeyo qaadashada warqadda aqoonsiga, isagoona intaas ku daray in dhawaan degmooyinka gobalka Banaadir laga sameyn doono xarumo laga qaato Warqadda ID Card-ka.

Waa kulankii ugu horreeyay ee guddoomiyaha gobalka Banaadir uu la qaato guddoomiyaasha gobalka Banaadir tan iyo markii xilkaas loo magacaabay 23-kii bishii horre ee Febraayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maamul loo dhisaayo Shabeelooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Afgooye waxaa maanta oo Axad ah ka furmaya shirweyne maamul loogu dhisaayo gobalada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Guddoomiyaha qaban qaabada shirka, Muxyidiin Xasan Afrax oo la hadlay warbaahinta Muqdisho, ayaa sheegay in shirka maanta ka furmaya magaalada Afgooye uu daba socdo shirar u soo socday muddo lix bil beelaha ka soo jeeda labada gobal la iskuna raacay in la sameeyo maamul gobaleed ay ku mideesan yihiin labada gobal ee dariska ah.

Wuxuu sheegay oo kale in shirka maanta ka furmaaya Afgooye ay ka soo qaybgali doonaan 800 oo ergo ah kuwaasoo ka socda labada gobal, mas’uuliyiin ka socda dowladda, QM iyo diplomaasiyiin caalami ah.

Mar la weydiyay in maamul dhawaan lagu dhisay Beydhabo oo lix gabal ah, wuxuu sheegay in maamulkaas aanu matali karin gobalka Shabeellaha Hoose, isagoona tilmaamay in labada gobal ay ku heeshiiyeen odayaashooda iyo mas’uuliyiintooda in ay sameestaan maamul ay ku mideesan yihiin.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in maalmaha soo socda ay sameyn doonaan dastuurka u yaalla maamulka loo dhisaayo labada gobal.

Si kastaba, maamulkan ayaa imaanaya iyadoo shirar iska soo horjeedo oo maamul loogu dhisaayo lix gobal iyo seddax gobal oo uu ku jirro Shabeellaha Hoose uu ka socda Beydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maamul goboleed loo sameynayo 2-da Shabeelle ee la wada sheeganayo

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa galabta saxaafadda kula hadlay odayaasha iyo guddiga qaban qaabada shirweyne looga hadlaayo maamul loo dhisaayo gobalada deriska ah ee Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Waxaa shirka joogay siyaasiyiin iyo xildhibaanno ka soo jeeda labada gobal.

Waxaa goobta lagu sheegay in maalinta berri ah in uu shirweyne looga hadlaayo maamul gobaleed loo sameeyo labada gobal uu halkaas ka furmi doono.

Guddiga qaban qaabada shirka ayaa sheegay in maalinta berri ah la dooran doono ergooyinka u matalaya labaada gobal shir iyo in la sameeyo dastuurka uu yeelan doono maamul gobaleedka cusub.

Mid ka mid ah odayaasha ka qaybgalay kulanka ayaa baaq u diray beelaha ka soo jeeda Baay iyo Bakool, wuxuuna yiri “ Miriflow Baay iyo Bakool ha idinku filnaado, maamulka idinba deeqo”.

Waxaa kaloo kulanka joogay guddoomiyaasha gobalada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Dhinaca kale, wararka naga soo gaaraya degmada Janaale, ayaa sheegaya in halkaas maanta uu ka dhacay dagaal u dhexeya labo beelood oo wada degga Gobolka Shabeellaha Hoose.

Inkastoo aan laga warqabin waxa uu salka ku haayo dagaalka labada beelood, ayaa waxaa hadana la soo sheegayaa in mid ka mid ah lagu soo weeraray deegaanka Buulo Busleey, oo ku taala duleedka degmada Janaale.

Dagaalka oo billowday barqanimadii maanta, ayaa xilligii duhurka ku fiday deegaano kale oo ku galbalka ku yaalla, wuxuuna daba socodaa dagaallo soo noq noqday oo gobalka la haray.

Caasamada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

General JAAMAC Maxamed QAALIB oo arrimo xasaasi ah caawa kashifay

Muqdisho (Caasimada Online) General Jaamac Maxamed Qaalib, oo ah siyaasi caan ka ah Soomaaliya marna soo noqday Taliyihii Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Xiligii Xukuumaddii Dhexe ee Milateriga, ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ee dhawaan ka mid noqdtay AMISOM aaney waxbo ka badali doonin xaalada ammaan ee dalka.

Wuxuu sheegay in uusan Kheyr u arkin in la dhaho Ethiopia ayaa ammaanka Soomaaliya door ka qaadaneysa.

Isagoo la hadlaayay Idaacad Maxali ah oo ku taalla Muqdisho, ayuu sheegay Ethiopia in ay mar kasta ka shaqeyso siddii ay Soomaaliya ku degi lahayn.

“Ethiopia waxa ay markasta ku dedaaleysa siddii Soomaaliya aaney ku deggi lahayn, waana arrin la ogyahay, oo ay xittaa dowladda hadda jirta ogtahay” ayuu yiri siyaasiga Jaamac Maxmed Qaalib.

Waxaa uu sheegay in uusan u arkin Ethiopia in ka shaqeeneyso Soomaaliya in ay degto, isagoo sheegay dastuurka Soomaaliya ay lee dahay in ay soo dejisay Xabshi, waxaa uu ku tilmaamay nidaamka fedaraalka mid ay dan weyn ugu jirto dowladda Ethiopia.

Mar Idaacadda Goobjoog wax ka waydiisay waxa uu ku caddeenaayo, wuxuu sheegay inuu darsay dastuurka KMG ah ee dalka u yaalla in afar qoddobo mooyee inta kale ay soo sameesay dowladda Ethiopia.

Mar uu ka hadlaayay qoddobada dowladda Soomaaliya ay ku lee dahay, wuxuu sheegay in ay yihiin afar qoddob oo kala ah, Arrimaha dibedda, gaashandhigga, baasaboorada iyo maaliyada.

Ugu dambayntiina General Jaamac Qaalib ayaa sheegay inta Ethiopia loo ordaayo in waligeed aaney Soomaali dhibka ka bixi doonin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Wasiir ku hanjabay is-casilaad, xilli uu jahwareer hareeyey isku-shandheynta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga Somalia ayaa ka biyo diiday qorshe la rabay in loogu magacaabo Wasaaradda Amniga Qaranka kadib markii la qorsheeyey isku shaandheeyn cusub oo lagu sameyn doono Xukumadda Ra’isul wasaare Cabdi Weli.

Wasiirka Amniga Qaranka Somalia Cabdi Kariim Xuseen Guuleed ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh u gudbiyay fariin ku saabsan inuu xilka Wasiirka Amniga iska casili doono hadaan loo wareejin Wasaarad kale.

Waxaa jira qorshe la doonayo in Jeneralka heeysta Wasaaradda Caafimaadka loo weareejiyo Wasaaradda Gaashaandhiga, halka Wasiirka Gaashaandhigana laga dhigaa Wasiirka Amniga,Wasiirka Amnigana loo wareejinaa Wasiirka Caafimaadka.

Ra’isul Wasaare Cabdi Weli ayaa Wasiirka Gaashaandhiga u gudbiyay macluumaadkaas shalay, hase yeeshee wuxuu si deg dega ugu sheegay inuu xilka iska casili doono hadii sidaas loo sameeyo isku shaandheeynta.

Wasiir Maxamed Sheekh wuxuu sheegay inuu aqbali karo Wasaaradda Amniga hadii la hoos keeno Boliiska iyo Laanta socdaalka.
Si kastaba ha ahaatee, tani waa khilaaf curdun ah oo wajahay xukuumadda iyo loolan u dhaxeeya taas oo wiiqi karta xukuumadda iyo waxqabadkeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Video: Hooyo qurbaha ka tagtay oo ku dhaqaqday tallabo lagu farxay

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka waxaa six owli ah ugu laabanaya Qurba Joogta Soomaaliyeed ee dalka dibadda uga maqnaa oo dalkooda dib ugu soo guuraya.

Mid ka mid ah Hooyooyinka Soomaaliyeed ee qurbaha ka tagay ee dalka dib ugu noqday ayaa waxeey muqdisho ka sameysay talaabo aad loogu farxo reer Muqdishana ay hadal hayaa ee adna nala daawo oo arkay.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Israel oo ku qabatay xeebaha Somalia markab hub u siday ururka Xamaas

Nairobi (Caasimada Online) Sidda uu qoray Sabtida maanta ah, wargeys ka soo baxa Israel, markab hub u u siday ururka Xamaas ee ka dhisan dhulka Falastiiniyiinta ayaa lagu qabtay xeebaha Soomaaliya.

Markabkan ayaa la sheegay in ay qabteen ciidamo si gaar ah u tababbarran, oo Israel ah, waxaana lagu qabtay meel 100 mail u jirta xeebaha Soomaaliya.

Sidda uu baahiyay wargeyska warkan qoray, Markabkan ayaa hubkan ka keenay dalka Iran, waxaana la rabay in uu sii maro dalka Sudan si uu halkaas uga galo magaalada Gaza oo ay gacanta ku heyso kooxda Xamaas.

Markabka hubka sidda ayaa la sheegay in uu soo maray dalka Syria ka hor inta aan lagu qaban xeebaha Soomaaliya, waxaana la lee yahay wuxuu kaloo wadaa qalab dhismo iyo agab kale.

Ma jirto ilaa hadda wax war ah ka soo baxay Xamaas oo ku aadan in markab hub u siday in lagu qabtay xeebaha Soomaaliya.

Xeebaha Soomaaliya ayaa noqday meel wax kasta la marsiiyo maadama aaney cid ilaalisa, iska daa markab hub sidda waxaaba maraakiibka ay ku daadiyeen sunta iyo haraadiga hubka nukleerka.

Israel ayaa dhibaato joogta ah ku heysa falastiiniyiinta ku xayiran magaalada Gaza oo ay maamusho kooxda Xamaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]