Maamul loo dhisaayo Shabeelooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Afgooye waxaa maanta oo Axad ah ka furmaya shirweyne maamul loogu dhisaayo gobalada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Guddoomiyaha qaban qaabada shirka, Muxyidiin Xasan Afrax oo la hadlay warbaahinta Muqdisho, ayaa sheegay in shirka maanta ka furmaya magaalada Afgooye uu daba socdo shirar u soo socday muddo lix bil beelaha ka soo jeeda labada gobal la iskuna raacay in la sameeyo maamul gobaleed ay ku mideesan yihiin labada gobal ee dariska ah.

Wuxuu sheegay oo kale in shirka maanta ka furmaaya Afgooye ay ka soo qaybgali doonaan 800 oo ergo ah kuwaasoo ka socda labada gobal, mas’uuliyiin ka socda dowladda, QM iyo diplomaasiyiin caalami ah.

Mar la weydiyay in maamul dhawaan lagu dhisay Beydhabo oo lix gabal ah, wuxuu sheegay in maamulkaas aanu matali karin gobalka Shabeellaha Hoose, isagoona tilmaamay in labada gobal ay ku heeshiiyeen odayaashooda iyo mas’uuliyiintooda in ay sameestaan maamul ay ku mideesan yihiin.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in maalmaha soo socda ay sameyn doonaan dastuurka u yaalla maamulka loo dhisaayo labada gobal.

Si kastaba, maamulkan ayaa imaanaya iyadoo shirar iska soo horjeedo oo maamul loogu dhisaayo lix gobal iyo seddax gobal oo uu ku jirro Shabeellaha Hoose uu ka socda Beydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com