Maamul goboleed loo sameynayo 2-da Shabeelle ee la wada sheeganayo

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa galabta saxaafadda kula hadlay odayaasha iyo guddiga qaban qaabada shirweyne looga hadlaayo maamul loo dhisaayo gobalada deriska ah ee Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Waxaa shirka joogay siyaasiyiin iyo xildhibaanno ka soo jeeda labada gobal.

Waxaa goobta lagu sheegay in maalinta berri ah in uu shirweyne looga hadlaayo maamul gobaleed loo sameeyo labada gobal uu halkaas ka furmi doono.

Guddiga qaban qaabada shirka ayaa sheegay in maalinta berri ah la dooran doono ergooyinka u matalaya labaada gobal shir iyo in la sameeyo dastuurka uu yeelan doono maamul gobaleedka cusub.

Mid ka mid ah odayaasha ka qaybgalay kulanka ayaa baaq u diray beelaha ka soo jeeda Baay iyo Bakool, wuxuuna yiri “ Miriflow Baay iyo Bakool ha idinku filnaado, maamulka idinba deeqo”.

Waxaa kaloo kulanka joogay guddoomiyaasha gobalada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Dhinaca kale, wararka naga soo gaaraya degmada Janaale, ayaa sheegaya in halkaas maanta uu ka dhacay dagaal u dhexeya labo beelood oo wada degga Gobolka Shabeellaha Hoose.

Inkastoo aan laga warqabin waxa uu salka ku haayo dagaalka labada beelood, ayaa waxaa hadana la soo sheegayaa in mid ka mid ah lagu soo weeraray deegaanka Buulo Busleey, oo ku taala duleedka degmada Janaale.

Dagaalka oo billowday barqanimadii maanta, ayaa xilligii duhurka ku fiday deegaano kale oo ku galbalka ku yaalla, wuxuuna daba socodaa dagaallo soo noq noqday oo gobalka la haray.

Caasamada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com