General JAAMAC Maxamed QAALIB oo arrimo xasaasi ah caawa kashifay

Muqdisho (Caasimada Online) General Jaamac Maxamed Qaalib, oo ah siyaasi caan ka ah Soomaaliya marna soo noqday Taliyihii Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Xiligii Xukuumaddii Dhexe ee Milateriga, ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ee dhawaan ka mid noqdtay AMISOM aaney waxbo ka badali doonin xaalada ammaan ee dalka.

Wuxuu sheegay in uusan Kheyr u arkin in la dhaho Ethiopia ayaa ammaanka Soomaaliya door ka qaadaneysa.

Isagoo la hadlaayay Idaacad Maxali ah oo ku taalla Muqdisho, ayuu sheegay Ethiopia in ay mar kasta ka shaqeyso siddii ay Soomaaliya ku degi lahayn.

“Ethiopia waxa ay markasta ku dedaaleysa siddii Soomaaliya aaney ku deggi lahayn, waana arrin la ogyahay, oo ay xittaa dowladda hadda jirta ogtahay” ayuu yiri siyaasiga Jaamac Maxmed Qaalib.

Waxaa uu sheegay in uusan u arkin Ethiopia in ka shaqeeneyso Soomaaliya in ay degto, isagoo sheegay dastuurka Soomaaliya ay lee dahay in ay soo dejisay Xabshi, waxaa uu ku tilmaamay nidaamka fedaraalka mid ay dan weyn ugu jirto dowladda Ethiopia.

Mar Idaacadda Goobjoog wax ka waydiisay waxa uu ku caddeenaayo, wuxuu sheegay inuu darsay dastuurka KMG ah ee dalka u yaalla in afar qoddobo mooyee inta kale ay soo sameesay dowladda Ethiopia.

Mar uu ka hadlaayay qoddobada dowladda Soomaaliya ay ku lee dahay, wuxuu sheegay in ay yihiin afar qoddob oo kala ah, Arrimaha dibedda, gaashandhigga, baasaboorada iyo maaliyada.

Ugu dambayntiina General Jaamac Qaalib ayaa sheegay inta Ethiopia loo ordaayo in waligeed aaney Soomaali dhibka ka bixi doonin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com