Wasiir ku hanjabay is-casilaad, xilli uu jahwareer hareeyey isku-shandheynta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga Somalia ayaa ka biyo diiday qorshe la rabay in loogu magacaabo Wasaaradda Amniga Qaranka kadib markii la qorsheeyey isku shaandheeyn cusub oo lagu sameyn doono Xukumadda Ra’isul wasaare Cabdi Weli.

Wasiirka Amniga Qaranka Somalia Cabdi Kariim Xuseen Guuleed ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh u gudbiyay fariin ku saabsan inuu xilka Wasiirka Amniga iska casili doono hadaan loo wareejin Wasaarad kale.

Waxaa jira qorshe la doonayo in Jeneralka heeysta Wasaaradda Caafimaadka loo weareejiyo Wasaaradda Gaashaandhiga, halka Wasiirka Gaashaandhigana laga dhigaa Wasiirka Amniga,Wasiirka Amnigana loo wareejinaa Wasiirka Caafimaadka.

Ra’isul Wasaare Cabdi Weli ayaa Wasiirka Gaashaandhiga u gudbiyay macluumaadkaas shalay, hase yeeshee wuxuu si deg dega ugu sheegay inuu xilka iska casili doono hadii sidaas loo sameeyo isku shaandheeynta.

Wasiir Maxamed Sheekh wuxuu sheegay inuu aqbali karo Wasaaradda Amniga hadii la hoos keeno Boliiska iyo Laanta socdaalka.
Si kastaba ha ahaatee, tani waa khilaaf curdun ah oo wajahay xukuumadda iyo loolan u dhaxeeya taas oo wiiqi karta xukuumadda iyo waxqabadkeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com