28.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

XAMAR: Amisom oo caawa la qarxiyay

Muqdisho (Caasimada Online)-War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarax uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qarraxa ayaa lala eegtay kolanyo ay la socdeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo marayay degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho.

Si dhab ah looma khasaaraha ka dhashay qarraxa lala eegtay kolanyadii ay la socdeen ciidamada AMISOM.

Waxaa goobta qaraxa isku gadaamay ciidamo AMISOM kuwaasoo xiray waddada oo dhan sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho.

Faah-Faahin kala soco Caasimada Online

Arag Sawirada: Madaxweyne Xasan Sh oo sheegay sababta uu u joogo Japan

Tokyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaaladda Tokyo ee dalka Japan iyadoo garoonka ay ku soo dhaweyeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Japan ee uu ka mid ahaa safaiirka Japan ee Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha oo muddo Afar maalmood ah ku sugnaan doona dalkan Japan ayaa waxaa ka mid ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta Saciid Cabdullaahi Maxamed iyo Wasiiradda Howlaha Guud Nadiifo Maxamed Cusmaan.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo kulan la qaadan doona Ra’iisul Wasaaraa dalka Japan Shinzo Abe ayaa kala hadlaya xoojinta xiriirka labadda dal iyo sidii Dowladda Japan taageero u siin lahayd Dowladda Soomaaliya sida Kalluumeysiga, Horumarinta Beeraha iyo sdii tababaro loo siin lahaa xirfadleyda Soomaaliyeed.

“Halkaan waxaan u joognaa sidii Dowladda Japan aynu uga wada-hadli lahayn caawinta iyo horumarinta dalka. Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Japan xiriir wanaagsan ayaa ka dhaxeeya, dadaal Dowladdu bixisay ayuuna dib ugu soo laabtay xiriirkii Labada Dal, haddana waxaannu rajeyneynaa in uu sii xoogeysto waana mida iminka aannu ka shaqeyneyno oo ah adkeynta xiiriirkaas”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kulan l qaadan doonaa Boqorka Dalkan Japan waxuuna booqan doonaa Madaxweynuhu Magaaladda Hiroshima.

Sawirrada socdaalka madaxweynaha

xasan japan (1)xasan japan (2)xasan japan (3)xasan japan (4)xasan japan (5)xasan japan (6)

Dhageyso: PUNTLAND oo Passaport-kii Soomaaliga ku xirtay shuruud beeleed

Garowe (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Garoowe ka taagan dhibaato xoogan oo qaadashada passport-ka Soomaliga kala soo daristya shacabka Soomaliyeed ee kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

Dadka kasoo safara magaalooyinka, Laascanod, Boorame, Hargeisa, Burco, Ceerigaabo, Buuhoodle & dhamaan deeganakada kale ee ku xeeran ayaa ku xaniban magaalada Garoowe.

Arimaha naxdinta badna ee halkaasi ka taagan ayaa waxaa kamid ah, in qofkasta lagu xidhayo inuu sheegto inuu udhashay Garoowe ama deeganada maamulka Puntland, ama beesha gobolka uu u dhashay, taasi oo hadana dhalisay isqab qabsi iyo dhibaato kale.

HAKAN dhegayso WARAYSIGA

cabdi kariim

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

TUBEEC oo ku geeriyooday Germany!!!

Munich (Caasimada Online) Magaalada Munich ee dalka Jarmalka waxaa saakay aroortii ku geeriyooday Allaha ha u naxariisto boqorkii codka Maxamed Saleymaan Tubeec.

Geerida fannaanka waxaa Caasimada Online u xaqiijiyay wiilkiisa Mustufa Maxamed Saleymaan oo ku sugan dalka Germalka oo sheegay in uu fannaanka ku geeriyooday Isbitaalka uu ku jiray kaddib markii dhawaan lagu sameeyay qaliin dhinaca sanbabaha.

Wuxuu sheegay aabihiis in labo jeer qaliin lagu sameeyay, isla markaana uu galay koomo wixii ka dambeeyay markii qaliinka lagu sameeyay.

Wuxuu sheegay Aabe inta uu dhimman in uu ka dardaarmay halka lagu aasayo oo ah magaalada Laaleys oo ku taalla duleedka Berbera oo ah halka uu ku dhashay.

Marxuumka ayaa ku geeriyooday da’da 71-jir sidda uu sheegay wiilkiisa Mustaf Maxamed Saleymaan Tubeec.

Marxuum Maxamed Saleymaan ayaa fanka ku soo biiray sannadkii 1957-dii, isagoona fanka uga soo biiray gobalada Waqooyi ee Soomaaliya, wuxuu noqday fannaanka ugu codka macaan Soomaaliya oo dhan, siddaas ayaana loogu bixiyay Fannaanka boqorka codka.

Allaha u naxariisto Maxamed Suleymaan Tubeec ayaa waayihii dambe xanuunsanayay, waxaana lacag uu dadka Muqdisho ka codsaday u aruuriyay maamulkuu horre ee gobalka Banaadir iyo dadka ku dhaqan.

Wuxuu ka tirsanaa hobollada Waaberi ee hoggaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliya.

Wuxuu ifka uga tagay 7-carruur ah oo afar ay yihiin wiil iyo seddax gabdhood iyo xaasas uu qabay.

Haddaba bahda Caasimada Online, waxa ay lee yihiin Ilaahay Naxariistii Janno haka Waraabiyo Fannaankeenii Maxamed Saleebaan Tubeec, Ehelkii iyo Asxaabtii iyo Ummada Soomaaliyeed ee uu kuu baxayna Samir iyo Iimaan haka siiyo,Aamiin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

[email protected]

Video: Bilicda Hargeysa ee habeenkii

Muuqaal cajiib ah oo laga soo duubay Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland kaasoo ah Bilicda iyo Quruxda Maagalada Hargeysa & Xiliga Habeenkii.

Aqristoow isma dhaheysid halkaan ayaa ah Hargeysa hadii aa daawtao Muuqaalka Xiliga Habenkii iyo sida ay tahay Magaalada Hargsysa ee nala daawo Vudei-ga.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Sawiro: Askar Muqdisho lagu qisaasay

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa saakay lagu qisaasay seddax askari oo ka tirsan ciidanka xooga dalka.

Seddaxda askari oo lagu toogtay fagaaraha dugsiga tababarka ciidamada booliska ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa fuliyay kooxda toogashada u qaabilsan maxkamadda ciidanka qalabka.

Askartan ayaa horrey waxaa fal dil ah ugu xukuntay maxkamadda ciidanka qalabka sida kaddib markii ay lagu helay dambi ah in ay si bareer ah u direen askar ciidanka dowladda ka tirsan iyo wariye ah.

1

Dad badan ayaa daawaday toogashada oo ka dhacday fagaaraha dugsiga tababarka ciidamada booliska ee magaalada Muqdisho.

Ragga la toogtay ayaa labo ka mid ah waxay ka tirsanaayeen ciidamada milateriga ee dowladda, halka askariga saddexaad uu ka tirsanaa ciidanka dowladda hoose ee caasimadda.

Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida Col. Liibaan Cali Yarow oo goobta ka hadlay qisaasta kaddib ayaa fariin u diray ciidamada dowladda ee dadka shacaba dhiba, waxaana uu sheegay in askari kasta ee dadka dhiba in la marsiin doono waxa sharciga uu qabo.

Ma ahan markii ugu horreysay oo maxkamadda ciidanka qalabka sida ay dil toogasho ah ku rido askar lagu eedeeyay falal sida dil iyo kufsi.

3

DSC03447

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Ethiopia oo u yeertay madaxweynaha..

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegay in dowlada Ethiopia ay uyeedhay Madoobe Nuunow oo dad ku shiray magaalada Baydhabo ay u doorteen madaxweyne maamul goboleed ka kooban 6 gobol kaasi oo doorashadiisa Dhawaan ka dhacay Xarunta ADC ee Magaalada Baydhabo.

Sida laga soo xigtay Boga Twitter-ka ee wasiirka arimaha dibada Ethiopia madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Somaliya garabkiisa 6da Gobal ayaa Mar dhaw tagi doona Magaalada Adis-Ababa ee xarunta dalka Ethiopia oo uu kulamo kula soo qaadan doono Masuuliyiinta Dalka Ethiopia.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn ujeedka socdaalka Madoobe iyo nuunoow iyo waxyaabaha ay ka hadli doonaan labada dhinac ayuu hadana Dr tedros Adhanam wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia ku soo gaabiyay hadalkiisa in lagala hadli doono arimo ay kamidyihiin Caleema saarkiisa iyo sida Ethiopia ay aadka ugu daneyneyso in la dhaqan galiyo Heshiiskii Bishii Augost Adis-Ababa ku dhexmaray Ergooyin ka kala socotay Dowlada Federalka Somaliya iyo Maamulka Kmgka ee Juba.

Si dhab ah Lama oga waxa ay Ethiopia u sheegi doonto Madoobe Nuunow balse dadka siyaasada u dhuunduleela ayaa yeedhitaanka Madoobe Nuunow u arka mid Madoobe Nuunow xaqiiqada uu inkirsan yahay loogu sheegayo si dadkiisa uu dhinac uga raaco isla mar ahaantaasina uu joojiyo burburinta heshiiskii Adis-Ababa.

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay waxaa todobaad ka hor ka dhacay shir Malaaqyada Daga Gobalada Baay iyo Bakool ay Madaxweynaha Maamulka ka koobban 6 Gobal oo kala ah bay bakool gedo shabeelaha hoose iyo Jubooyinka ugu doorteen Mudane Madoobe nuunoow maxamed inkastoo arintaasi Beesha caalamka iyo dowladuba si isku mid ah uga soo horjeesteen kuna tilmaameen Maamulkaasi mid aan Maslaxad u eheyn Danaha dadka Daga Gobalada uu ka koobanyahay Maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

UHURRU oo qaaday tallaab yaab badan

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sii waday Isniintii (10-kii March) shaacinta in uu dhimi doono mushaaraadka mas’uuliyiinta sare taasoo ah dadaal lagu dhimayo xaddiga mushaaraadka dalka.

Jimcihii (7-dii March) ayay Kenyatta iyo Madaxweyne Ku-xigeen William Ruto waxa ay ku dhawaaqeen in ay iska dhimi doonaan 20% mushaarkooda, halka mushaarka wasiirradana la dhimi doono 10%. Mushaar jariddu waxay “dhaqan-gali doontaa markiiba” ayuu Kenyatta ku yiri hadal uu jeediyay Jimcihii, isaga oo intaa raaciyay in kharashaadka hadda sida ay ku socdaan aan lagu sii wadi karin.

Xukuumadda ayaa sidoo kale ku soo koobi doonta safarrada dibadda kuwooda ugu muhiimsan, sida uu sheegay Kenyatta. “Xukuumaddeeyda waxa ay si weyn hoos ugu dhigi doontaa lacagta bilaa macnaha ku baxda,” ayuu yiri.

“Waxan sannad walba ku bixinnaa bixinta mushaarrada 400 oo bilyan ($4.6 bilyan); taasoo noo soo reebta kaliya marka laga hadlayo waxa aan ka helno ilaheenna 200 oo bilyan oo shilin si aan ugu baddalno Kenya,” ayuu yiri Kenyatta. “Waa sababtaas taan u leennahay jaangooyadani maaha mid sii shaqeeyn karta… Waa in aan wax ka qabannaa dhibaatadan weyn haddii aan dooneeyno in aan horumarinno qarankan.”

Isniintii (10-kii March), ayuu ku amray madaxda hay’adaha dawladda in ay sida ugu dhakhsaha badan u dhaqan-galiyaan dhimidda khasabka 20%-ka ah.

“Iina oggolaada in aan idiin caddeeyo, haddii aad sidaa yeeli waydaan, waxa jira Kenyan badan oo diyaar u ah in ay ku qaataan shaqooyinkaas mushaaraadkaas hoose,” ayuu yiri Kenyatta sida ay sheegtay Capital FM-ta Kenya.

Kenyatta ayaa sidoo kale ku boorriyay xildhibaannada dalka in ay raacaan tusaalihiisa oo ay dhimaan mushaarkooda.

“Waxan rajeeynayaa in waaxyaha kale ee dawladdu ay qaadaan tallaabadaa oo kale oo ay dib u eegaan mushaarkooda. [Xubnaha baarlamaanka] way maqleen wayna yaqaannaan waxa ay Kenyanku doonayaan,” ayuu yiri. Mushaarka Kenyatta ayaa noqon doona 990,000 oo shilin ($11,400) isaga oo ka soo dagaya 1.2 milyan shilin ($14,300), halka kan Ruto uu noqon doono 841,500 oo shilin ($9,700) isaga oo ka soo dhacaya 1.1 milyan shilin ($12,100), sida ay sheegtay Capital FM-ta Kenya.

Xildhibaannada ayaa si cagajiid ah sannadkii hore ku oggolaaday in mushaarkooda la dhimo, kaasoo mushaarkooda billaha ah hoos ugu soo dejiyay qiyaasaha 532,000 oo shilin ($6,100).

Mushaarka ugu hooseeya ee ay qaataan muruq-maalka Nairobi qiyaastii waa 8,500 oo shilin ($98) bishii. Wasiirrada xukuumadda ayaa hadda qaadan doona 633,600 oo shilin ($7,300) kaasoo hoos uga soo dhacaya 792,000 oo shilin ($9,100), halka xoghayayaasha joogtada ahi ay qaadan doonaan 524,700 ($6,000) kaas oo hoos uga soo dhacaya 655,875 shilin ($7,500).

Guddoomiyaha Komishanka Mushaaraadka iyo Abaal-marinnada Sarah Serem ayaa sheegtay in shaqaalaha dawladdana sidoo kale loogu baaqi doono in ay si iskood ah u dhimaan mushaarka, sida uu sheegay The Standard-ka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Howgallo saakay ka socda Muqdisho & walaac ay shacabka ka muujinayaan

Muqdisho (Caasimada Online)- Magaalada Muqdisho waxaa saakay ka socday howgallo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Howgallada oo ka socda xaafada Buula-Xubeey ee degmada Wadajir, waxaa la arkayaa dhallinyaro fara badan oo laga soo qabqabtay guryaha ku yaalla xaafadaas kuwaaso la saarayo baabuurta Shabaqlayaasha loo yaqaano.

Xog badan lagama hayo howgallada saakay ka socda Muqdisho wax yaabaha ay la xiriiraan balse waxaa sheegis mudan in habeebkii xaley qaybo ka mid magaalada in laga maqlay hoobiyaal iyo qaraxyo.

Ilaa hadda ma jirto khasaaro ka dhashay madaafiicda xaley laga maqlay degmooyinka Hodan iyo Waabari oo ka mid degmooyin ay si weyn u maamusho dowladda Soomaaliya.

Howgallada ayaa saameeyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadka, waxaa kaloo xiran goobaha ganacsiga iyo wax barashada ee ku yaalla xaafadaas.

Toddobaadkii horre ayey ahayd uun markii howgal siddan oo kale ah ay ciidamada dowladda ka sameeyeen xaafadan iyo xaafadaha kale ee ku teedsan degmada Wadajir.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Muqdisho: Mid kamid ah aasaseyashii fanka Banaadiriga oo geeriyooday

Muqdisho (Caasimada Online)- Magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday Xaaji Iikar Leeb oo ka mid ahaa aasaaseyaashii fanka Banaadiriga.

Marxuumka ayaa la shegeay in uu ku geeriyooday gurrigiisa oo ku yaalla degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Alle ha u naxariisto Xaaji Iikar Leeb wuxuu ka mid ahaa fannaaniintii loogu jeclaa fanka Banaadiriga, wuxuuna wax ka dhigay ruwaayadihii ugu horreeyay ee Banaadiri ah ee Golaha Muritada iyo Madaddaalada lagu soo bandhigay sanadkii 1967 sida ruwaayaddii Talo Xumo tol ma badiso.

Wuxuu la soo shaqeeyay abwaanno fanka Banaadiriga caan ku ah sida Dr. Raafi, Macow Aw Diinle, Muumin Yoo, Xabiib Maxamed Xabiib, Cabduqaadir Nuuraani, Axmadey Cabdi Gaashaan iyo kuwo kale oo badan.

Ruwaayadihii kale ee uu wax ka dhigay waxay ahaayeen Dhagarroow lagu arag, Ku waano qaado waqtiga, Wiil iyo Waalid kala war la’, Socdaal iyo Sir Jaceyl, Luul iyo Leyla iyo u samir ama ka samir.

Marxuumka lagu wadaa in lagu aaso maagalada Muqdisho.

Bahda Caasimada Online waxa ay tacsi u dirayaan qoyska iyo dhammaan dadkii uu ka baxay marxuum Xaaji Leeb.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Madaxweynaha maamulka SHABEELLE State oo ka hadlay qorshihiisa cusub

Afgooye (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Shabeelle State, Abuur Cabdi Mardaadi ayaa ka hadlay wax yaabaha uu mudnaanta siin doono.

Isagoo ka hadlaayay xafladda lagu doortay ayuu sheegay in maamulkiisa uu mudnaanta koowaad siin doono arrimaha ammaanka iyo siddii dib loogu soo noo leyn lahaa ilaha dhaqaalaha ee labadaas gobal ay lee yihiin.

Madaxweynaha maamulka Shabeelle State
Madaxweynaha maamulka Shabeelle State

Abuukar Mardaadi ayaa xusay in labada gobal loo sameeyn doono ciidamo ammaanka suga si looga fogaado dagaallada qabiilka ku saleesan ee labadaas gobal ka dhacay mararka qaar.

Wuxuu xusay in la sameyn doono ciidamo ammaanka suga, isagoona intaas ku daray in ay dhammaadeen dagaalladii gobalka ka dhici jiray ee abaabulnaa qaabka qabiilka sidda uu yiri.

Mardaadi oo ka soo jeeda gobalka Shabeellaha Hoose, ayaa dhinaca kale tilmaamay in uu suuq geyn uu sameyn doono wax yabaaha ka soo go’a beeraha labada gobal.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay siddii looga faa’ideesan lahaa ilaha dhaqaale ee gobalka uu caanka ku yahay, isagoona hoosta ka xariiqay in dib loo soo nooleyn doono warshadihii Sonkorta ee Jowhar iyo dharka ee Balcad.

“Muuska, liinta iyo sisinta ayaa suuq geyn u sameyn doonaa oo waxaa laga iibin doonaa ganacsatada Yurub” ayuu yiri

Maamulka Shabeelle State ayaa ka mid noqday maamulo fara badan oo laga dhisay qaybo ka mid ah dalka, kuwaasoo hadda u muuqda in ay soo badanayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Barnaamij murugo & oohin leh oo laga sameyay Soomaalida S/Afrika

Wariye Soomaaliyeed oo ku nool Wadanka Koofur afrika ayaa Barnaamij Muuqaal ah uu ka diyaariyay Dhibaarada arxan darada leh ee lagu hayo Soomalida ku nool wadanka Koofur Afrika.

Muuqaalkani oo ah mid leh Qiiro Murugo badan leh & silaca ku heysta Soomaalida Wadanka South Afrika ku nool ee nala daawo kadibna nala wadaag Fikirkaada.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Ganacsade Soomaali oo caan ahaa oo lagu dilay dalka Kenya (Warbixin)

Mombasa (Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa ku dulay magaalada Mombasa ee dalka Kenya ganacsade caan ah oo si weyn looga yaqaano Soomaaliya.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Xuseen Kasoow, waxaa lagu dhex dilay dukaan dahab lagu iibiyo oo uu ku lee yahay magaalada Mombasa, waxaana la sheegay in kooxda dilka geestay in ay rabeen in ay dhacaan dukaanka siddaas waxaa VOA u xaqiijiyay wiil u dhalay oo lagu magacaabo Yuusuf Xuseen Kasow.

Wuxuu sheegay in waxbo aaney ka dhicin dukaanka ragga dilay aabihiis.

Markii uu dilka dhacay, waxaa goobta soo gaaray ciidamo boolis ah kuwaasoo kabillaabay goobta baaritaan.

Allaha ha u naxariisto marxuum Xuseen Kasow ayaa horrey dukaamo lagu iibiyo ku lahaa magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Xamarweyne.

Waar markii labaad oo la soo weerarro dukaanka marxuumka afar sanno ka hor ayaa siddan oo kale loo soo weerarray in kastoo uu xilligaas uu ka maqnaa dukaanka sidda uu sheegay wiilkiisa.

Mombasa waxaa ku nool Soomaali badan kuwasoo halkaas ku leh ganacsiyo waaweyn.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Maamulka Shabeelle State oo yeeshay madaxweyne cusub iyo ku xigeenkiisa

Afgooye (Caasimada Online)-Deeganka Calamada oo ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose, waxaa galabta ka dhacday doorashada maamul gobaleed loo dhisaayo gobalada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Maamulka Shabeelle State ayaa waxaa madaxweynaha loo doortay Abuukar Cabdi Mardaadi oo horrey xil uga soo qabtay dowladihii KMG ah ee soo maray dalka, sidoo kale waxaa madaxweynaha ku xigeenka maamulka Shabeelle State loo doortay Muxyidiin Xasan Afrax, oo ka mid ahaa qaban qaabiyaasha shirka maamulkan lagu dhisay.

Labada nin ayaa la sheegay in ay ka soo kala jeedaa labada gobal sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online oo ku sugan goobta lagu doortay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Shabeelle State.

Munaasabada lagu dooranayay madaxweynaha cusub ee maamulka Shabeelle State waxaa ku sugnaa xildhibaanno, siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed ka soo kala jeeda labada gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Haweeneydii ahayd xisaabiyaha guud ee DF Somalia oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa maanta duhurkii waxa ay degmada Wadajir ee magaalada Muqidsho ku toogteen gabar xisaabiyo guud ka ahayd mid ka mid ah hey’addaha dowladda.

Sidda ay lee yihiin dad goobjoogayaal gabadha ayaa lagu dilay meel aan ka fogayn gurrigooda oo ku yaala Degmada Wadajir, waxaana la dilay xilli ay ku sii jeeday goob ay ka shaqeeneysay..

Gabadha la dilay oo lagu magacaabi jiray Xafsa Cabdinuur Maxamed, waxaana toogtay rag ku hubeysnaa bastoolado, waxaana markii ay dileen ay ka baxsadeen goobta.

Si dhab ah loomaga ogga cidda dishay gabadhan oo siddoo kale dhigan jirtay mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho ku yaalla, sidda u sheegay aabaheed Cabdinuur Maxamed.

Ma ahan markii ugu horreysay oo caasimada Muqdisho lagu dilo haween u shaqeeya dowladda,mana jirto cid loo soo qabto dadka dila howlwadeenada Dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Arrin mucjiso ah magaalo qofkii tagaabo uu mataano ku dhalaayo

Muuqaalka maanta aan idiin soo gudbinaya waa mid Arin Mucjiso cajiib ah wata ee nala daawo kaasoo ah Magaalo qofkii tagaa uu dhalayo Mataano.

Qof walboo aduunka jooga waxuu arkayaaa wax ka yaabiya maantana waxaan anigu arkay Muuqaal iga yaabiyay oo ka hadlaya Magaalo qofkii tagaa uu dhalayo Mataano ee nala arag Muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

Xasan Sheekh oo u ambabaxay Japan

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho iyagoona ku sii jeeda magaalada Tokyo ee dalka Japan.

Afhayeenka madaxweynaha Cabdiraxmaan Yariisow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha uu casuumaad rasmi ah uu ka helay  ra’iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Japan in ay ka wada hadli doonaan sii xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo fulin lahaa ballanqaadyadii shirkii Yakohama ee sanadkii hore.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la sheegay in ay wadaan qorshihii dib u dhiska dalka iyo mashaariicda muhiimka u ah dalka si dowladda Japan ay u hirgeliso mashaariicdaas.

Japan waxa ay ka mid tahay waddamada taageera dowladda Soomaaliya, waxaana dhowr jeer ay booliska Soomaaliya ay ku deeqeyn gaadid iyo hub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]