28.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Daahir Badal: Kismaayo xasuuq baa ka socda, Axmed Madoobe-na waa…

Kismaayo (Caasimada Online)-Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka dowladda fedaraalka Soomaaliya oo ku sugan Kismaayo, ayaa ku eedeeyay maamulka KMG ah ee Axmed Madoobe in ay xasuuq ka wadaan magaaladaas.

Wuxuu sheegay in magaalada si bareer ah loogu laayo dadka rayidka ah, isagoonta intaas ku daray in maamulka KMG ah ee Jubba uu magaalada ka billaabay boob iyo barakicin uu ku hayo shacabka.

Isagoo u warramayay Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayuu tilmaamay in arrimahaas ay geesanayaan maleeshiyada Raaskambooni iyo kuwa ONLF oo laga keenaydalka Ethiopia sidda uu hadalka u dhigay.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Daahir Badal ayaa tilmaamay in maamulka KMG ah ee Jubba uu ka baxay heshiiskii dowladda Soomaaliya uu la galay sannadkii horre.

Wuxuu maaxda dowladda ugu baaqay in ay wax ka qabtaan xasuuga Axmed Madoobe iyo maamulkiisa ay ka wadaan gobalada Jubbooyinka gaar ahaan Kismaayo.

Wuxuu kaloo sheegay haddii aan waxbo laga qaban in Kismaayo ay ka billaaban doonaan dagaallo sokeeye sidda uu yiri.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka KMG ah ee Jubba oo ku aadan eedeenta ugu timid sarkaalkan ka tirsan ciidamada dowlada ee ku sugan Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

MAXAA maanta ka socda MUQDISHO?

Muqdisho (Caasimada Online)- Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda howgallo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Wariye ka tirsan Caasimada Online oo ku sugan goobaha ay howgallada ka socdaan ayaa soo sheegay in meelaha qaar ciidamada ay rasaas fureen ay ku dhaawacmeen dad rayid ah.

Goobaha ay howgallada ka socda ayaa ka mid ah xaafado ku yaalla degmada Deyniile iyo Waddada dheer ee Warshadaha, waxaana halkaas lagu arkayay ciidamo fara badan oo baaraya guryaha.

Dadka ku dhaqan goobaha ay howgallada ka socdaan ayaa sheegaya in ay walwal ka qabaan howgallada ka socda xaafadahooda.

Waxaa xiran goobaha ganacsiga iyo wax barashadda ee ku yaalla xaafadaha ay howgallada ka socdaan.

Waa maalintii labaad oo xiriir ah oo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay howgallo lagu xaqiijinaayo ammaanka ay ka wadaan caasimada Muqdisho oo maalmihii dambe xaaladeeda ammaan ay aad u sii xumaaneysay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Baarlamaanka Bariga Africa oo ku shiri doona Muqdisho & Africa…

Johannesburg (Caasimada Online) – Dalka Koonfur Afrika gaar ahaana magaalada Johannesburg,waxaa ka socda shir ay leeyihiin baarlamaanka waddamada Afrika kaaso arrimo badan looga hadlayo.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka qeyb-galay shirka baarlamaanka Afrika,waxaana qeyb ka ah xildhibaannada dowladda faderaalka ka socda ee kulanka ka qeyb-galaya xildhibaan Cabdi Samad Macallin Maxamuud oo ka mid ah mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Waxuu sheegay xildhibaan Cabdi Samad Macallin Maxamuud in arrimaha looga hadlayo shirka baarlamaanka Afrika inay ugu weyntahay sidii loo hali laha hal baasaboor oo mideeya qaaradda Afrika.

Arrinta kale ee uu xildhibaanku sheegay in Soomaaliya muhiimada uleh waxaa uu ku sheegay inay tahay sidii baarlamaannada waddamada Bariga Afrika ay kulan ugu yeelan lahaayeen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ammaanka Soomaaliya iyo howlgalka AMISOM ayaa qeyb ka ah sida uu sheegay xildhibaanku arrimaha ay ka doodayan baarlamaanka Afrika,isagoona inta raaciyey inay fursaddan uga faa’iidaysan doonaan sidii ay fikradahooda ula wadaagi lahaayeen xubnaha ka socda baarlamaannada waddamada kale ee qaaradda Afrika.

Halka hoose ka dhageyso xildhibaanka oo arrimaha ka hadlaya

Halkan-ka-dhageyso-hadalka-Xildhibaanka

Shirka ay leeyihiin baarlamaanka Afrika,waxaa uu ku soo aaday sannadkan xilli maalinta Sabtida ee soo socota ay u dabbaal-degi doono 10 guuradii ka soo wareegtay aas-aaskoodi .

Arag Sawirrada: Madaxweyne XASAN iyo boqorka Japan oo ku kulmay Tokyo

Tokyo (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya oo maalintii seddexaad ku sugan caasimada Japan ee Tokyo ayaa maanta oo Khamiis ah la kulmay boqorka dalkan Japan  Akihito.

War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in labada nin ay ka hadleen arrimo badan oo ay ka mid tahay xaalada Soomaaliya.

Boqorka Dalka Japan ayaa u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya  inuu aad uga walaacsan yahay xaaladda Soomaaliya isla-markaana ballan-qaaday in Dowladda Japan ay juhdi xoog leh gelin-doonto sidii Soomaaliya mar kale u noqon lahayd wadan xasilooni buuxda  ka jirto.

IMG_2974

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaaa marka hore uga mahad-celieyey boqorka Japan tageeradda Dowladda  Japan ay ku bixiso Soomaaliya iyo sida wanaagsan ee Madaxweynaha iyo wafdigiisa loogu soo dhaweeyey dalka Japan.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeyay dhibaatada duufaantii ku dhufatay gobolka fukushima oo ay shalay ku beegneyda sannad-guuradii Seddexaad ee musiibadii dhacday.

 

IMG_3015

IMG_29691

IMG_2977

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Tokyo

[email protected]

Mareykanka oo isku soo jeestay: CIA-da & congress-ka oo ay ka tafan tahay

Washington DC (Caasimada Online) – Madaxa guddiga golaha Senateka u qaabilsan arrimaha Sirdoonka ayaa shaaciyey in hay’ada sirdoonka Maraykanka CIA ay si qarsoodi ah u weerartay computerada guddiga Baarlamaanka iyagoo ka tir tiray qoraalo xasaasi ah iyo baaritaankii ay wadeen gudigaasi.

Dianne Feinstein oo ah madaxa Guddiga Senateka u qaabilsan Sirdoonka oo ah guddiga la xisaabtama hay’adaha sirdoonka ayaa sheegtay in warbixino xasaasi ah oo muujinayey khaladaadka CIA-da laga tir tiray computerada yaalay xarunta Baarlamaanka oo ay ku shaqeenayeen guddiga baaritaanka wada.

Warbixinada la tir tiray ayaa la sheegay inay kamid ahaayeen xog la xariirta jirdilka ay Sirdoonka Maraykanka CIA u geystaan dadka ay qabtaan, in sirdoonka Maraykanka ku fashilay inuu xog fiican ka helo maxaabiista ku xiran Guwantanamo Bay oo la jirdilo iyo in CIA-da ay xog been ah u gudbiyaan Golayaasha Baarlamaanka.

“…Arrintan ay ku kacday hay’ada Sirdoonka waxay si dhab ah u burburineysaa sharcigii kala qaadayey awoodaha dowlada sida ku xusan Dastuurka Maraykanka…” ayey tiri Dianne Feinstein oo sheegtay in sirdoonka uu faraha lasoo galay awoodii Baarlamaanka iyo sharci-dajinta Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa laga codsaday inuu fasaxo qaar kamid ah qoraalada sirta ah ee hay’ada Sirdoonka si loo ogaado heerka uu gaarsiisan danbiyada lagu heysto hay’ada sirdoonka. Balse Aqalka Cad ayaan weli arrintan jawaab ka bixin iyadoo la filayo in Obama uu ka gaabsan doono xiligan inuu fasaxo qoraaladaasi, maadaama laga yaabo in arrintaasi isaga xafiiskiisa wax u dhinto.

Caasimada Online

Xafiiska Washington DC

[email protected]

VIDEO: Wasiir MUQDISHO baabuur iyo baaskiil kula damaashaadaya (Daawo)

Muuqaal Cajiib ah oo laga diayariyaya Wasiirka Warfaafinta Dowlada Mustaf Dhuxuloow kaas oo ah Wasiirka oo MAgaalada ku damaashaadaya asagoo ka sheekeynaya Xaalada Amaan & Nolosha Muqdisho.

Hadaba Aqristoow Muuqaalkani waa mid ka hadlaya isbadalka Magaalada ka dhacay Balse Wasiirka ayaa waxuu sameynayaa waxyabao cajiib ah oo Bulshada ka yaabiyay ee nala daawo adaa ka heli doonee.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Dagaal ka dhex qarxay ciidamada DFS

Muqdisho (Caasimada Online)-Inta la ogyahay afar qof uu badan rayid ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmayn is-rasaaseyn caawa fiidkii ku dhex martay Suuqa Beerta ee degmada Hodan ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.

Sidda ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha labada ciidan ayaa murmay dabadeedna waxaa dhex maray is-rasaaseen xilligaas waxaa suuqa ku sugnaa dad aad u fara badan.

Iska hor imaadka markii uu dhacay waxaa dadkii suuqa ku sugnaa ay noqdeen kuwa kala carara iyo goobta jooga oo waayay meel ay u cararaan.

Xaalada ayaa noqotay mid khalkhal soo gashay, waxaana la xiray durba goobaha ganacsiga ee ku yaalla suuqa Beerta.

Si dhab ah looma oga labada ciidan ee iska hor imaadka uu caawa dhex maray iyo waxybaaha ay isku qoomeen, balse ma ahan arrin cusub in ciidamada dowladda ay ku dagaallamaan goobaha dadka rayidka ay ku badan yihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Xasan Sh. oo booqday goobo muhiim ah oo ku yaalla dalka Japan

Tokyo (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalntii labaad booqasho rasmi ah ku jooga dalka Japan ayaa maanta oo Arbaca ah booqday goobo muhiim ah oo ku yaalla dalkaas.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa goobaha ay booqdeen waxaa ka mid ah dekadda Yokohama iyo xarunta ciidamadda ilaalada xeebaha dalka Japan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa warbixin ku aadan qaabka loo tababbarro ciidamada iyo sidda u howlgasho xarunta ka dhageestay saraakiisha ciidamada ilaalada xeebaha dalka Japan.

1977007_718620244825293_806749314_n

Sidoo kale madaxweynaha iyo wafdigiisa waxa ay booqdeen xarunta Hey’ada Japan u qaabilsan Badaha ( Nippon Foundation) isla-markaana kulan la qaatay Madaxda Hey’ada.

Madaxweynaha oo markii uu soo dhammeestayu saxaafadda la hadlay ayaa yiri “Waxaan hordhignay Japan Qorshe Guud oo faahfaahsan ee dib-u-dhiska Somalia. Soomaalia waxay leedahay xeebta ugu dheer Qaaradda Afrika waa ineynu baranaa sidii aanu uga faa’iideysan lahayn iyo sidii aanu u difaacan lahayn”.

Ugu dambeyntii, madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa caawa loo sameeyey casho sharaf ay ka qeyb galeen, wakiilka dowladda Japan u qaabilsan wadamadda Afrika, xildhibaanno ka socday dalka Japan iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Japan.

12479_718620201491964_338291354_n

1512477_718620358158615_1763954936_n

1926907_718620178158633_597566029_n

1911860_718620588158592_1261788951_n

1111

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Tokyo

[email protected]

Arag sawir laga soo qaaday garoonka Muqdisho oo noqday mid caalami ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa ka muuqda isbadal xagga horrumarka, waxaana magaalada laga dhisay goobo ganacsi iyo dhismooyin kale oo aad u waaweyn.

Haddaba meelaha uu isbadal xagga horrumarka ka muuqdo waxaa ka mid ah garoonka caalamiga ee diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan ee magaalada Muqdisho.

Garoonka ayaa noqday mid caalami ah, oo waxaa saxmada ka muuqda ay gaartay in hal mar ay garoonka isla soo fadhiistaan diraarado badan oo qaar kood ka yimid Yurub iyo waddamada caalamka.

Sidda ay lee yihiin mas’uuliyiinta garoonka waxaa maaliba maalinta xigta garoonka soo fadhiisanaya diyaarado badan oo qaar kood ka yimid waddamada Maraykanka iyo Yurub.

Garoonka waxaa ka socda howgallo lagu ballaarinaayo waxaana gacanta ku heysa shirkadda Favori ee laga lee yahay dalka Turkiga.

Akhriste bal sawirkan nala daawo soona qor aragtidaada ku aadan isbadalka ka muuqdo garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo in uu soo ceshtay sharraftii iyo wanaagii uu lahaa garoonka isagoona hadda waxbo aan ka duwaneen garoomada kale ee ku yaalla gobalka.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay fadhiyaan diyaarado caalami ah
Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay fadhiyaan diyaarado caalami ah

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Muuqaalka maanta & Muqdisho

Magaalo Madaxda Muqdisho waxaa si xowli ah uga soconaya Horumarka ay sameynayaan Degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Banaadir ee 16-ka degmo.

Shacabka ku nool Muqdisho waxeey muujinayaan in ay u baahan yihiin Nabadd & Nidaam Dowli ah oo ka hana qaada Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ee nala daawo Video.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Madaxweynaha oo soo dhammeestiray maamulka G.Banaadir (Yaa ku jirra?)

Muqdisho (Caasimada Online)-Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, ayaa xilalka loo qaaday xubno horrey uga tirsanaa maamulkii gobalka Banaadir ee uu hoggaaminayay Tarsan.

Xubnaha xilalka laga qaaday ayaa kala ahaa guddoomiye ku xigeenada gobalka iyo xoghayihii guud.

Madaxweynaha ayaa magacaabay xubno cusub waxaana ka mid ah ragga la magacaabay agaasimihii xafiiska madaxweynaha Kamaal Daahir Xasan Guutaale.

Mr, Kamaal ayaa loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka gobalka Banaadir ee dhinaca siyaasada iyo dimuquraadiyada, wuxuuna xilkan kala wareegay Cali Axmed Guure oo horrey u ahaa kuxigeenkii dhinaca siyaasada iyo Arimaha Bulshada.

Sidoo kale wareegtada waxa lagu magacaabay kuxigeenka gudoomiyaha gobolka dhinaca maamulka iyo Maaliyada Mudane Ismaaciil macalin Cabdi Guure isagoo badalaya Iimaan Nuur Iikar oo xilkaasi hore gobolka Banaadir ugu magacaabnaa.

Wareegtada Madaxweynaha waxaa kale oo lagu magacaabay Iimaan Nuur Iikar inuu noqdo kuxigeenka guddoomiyaha gobolka dhinaca arimaha bulshada.

Iimaan waa shakhsiga kaliye ee soo laabtay kana mid ahaa maamulkii horre ee Tarsan , waxaa kaloo xilkiisa haya afhayeenka maamulka Maxamed Yuusuf Cismaan.

Waxaa xilkii guddoomiye kuxigeenkii gobolka Banaadir ee dhinaca Amniga laga qaaday Warsame Maxamed Xasan (Warsame Joodax) waxaana xilkaasi loogu daray inuu qabto guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab).

Ugu dambeyn wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu magacaabay Maxamed Shiikh Cilmi Maxamuud (Amiin) kaasi oo noqonaya xoghayaha guud ee gobolka Banaadir waxaana xilkii xoghayaha guud ee gobolka Banaadir laga qaaday Mudane Cabdikaafi Hilowle Cusmaan.

Lama yaqaano isbadalkan cusub ee meesha looga saaray xubnihii horre ee gobalka Banaadir, iyadoo qaar badan oo ah ragga cusub ee maamulka gobalka Banaadir ay yihiin kuwa ku cusub siyaasadda.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu wareegtadan uu soo saaray 10-kii bishan balse maanta oo Arbaca ayaa si rasmi ah loo soo gaarsiiyay Saxaafadda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Waddooyinka muhiimka ee Muqdisho oo DF Somalia ay uxiran yihiin, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa gabi ahaan xiran qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Waddooyinka xiran waxaa ka mid ah Makah Al-Mukaramah iyo waddada hor marta madaxtooyada Villa Somalia.

Waxaa halkaas lagu arkayaa ciidamo fara badan oo ku sugan kuwaasoo gaadidka iyo dadweynaha u diidday in ay adeegsadaan.

Si dhab ah looma oga wax yaabaha loo xiray waddooyinkan oo ah kuwa ugu muhiimsan magaalada isla markaana ay adeegsadaan gaadidka dad weynaha.;

Wariye ka tirsan Caasimada Online oo soo maray waddooyinka xiran ayaa sheegay in uu soo arkay dad fara badan oo isugu jirra arday iyo dad da’ ah oo lugeenaya kuwaasoo maraya waddooyinka xiran.

Ma ahan wax ku cusub arrintan magaalada Muqdisho, waxaana waddooyinka la xiraa marka ay wafdi soo dagayaan ama ay ka dhoofayaan dalka, in kastoo dhibaato xoog leh ay ku yeelayo waddooyinka xiran shacabka isticmaala.

Baabuurta dadweynaha ayaa la arkayay iyagoo isticmaalaya waddooyin qarbo jeex ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Muungaab oo qabsaday waqtiga uu ku xasilin doono Muqdisho (Imisa bilood)

Muqdisho (Caasimada Online)- Guddoomiyaha cusub gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Gen Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa sheegay dhowrka bilood ee soo socda in isbadal xooggan laga sameyn doono magaalada Muqdisho.

Waraysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu kaga hadlay qorshihiisa ammaan ku soo celinta caasimada iyadoo dhawrkii bil ee ugu danbeeyay laga dayrinayay xaalada nabad galyo ee caasimadda.

Waxa uu shegay in qorshihisa ay ka mid yihiin in baaritaano bartilmaameed leh laga sameeyo meelaha laga shakiyo iyo inay dad khubaro ah ay ka qeyb galaan baaritaanada iyo howlgalada.

Mar uu ka hadlaayay qorshaha uu la imaan doono., wuxuu tilmaamay in howgallada ciidamada booliska iyo nabad-sugida ay ka fuliyaan Muqdisho in isbadal lagu sameyn doono oo howgal kasta uu noqon doono mid bartilmaameed leh oo la ogyahay cidda lagu beegsanaayo.

“Waa in howgalkasta uu lee yahay Target(Bartilmeemeed) oo meeshaas lagu ogyahay dadka la beegsanaayo, waa in mar kale la heesto xog” ayuu yiri Muun-gaab.

Wuxuu sheegay in seddaxda bil ee soo socda in uu maamulkiisa uu sameyn doono isbadal ballaaran oo la doonayo in lagu hagaajiyo dhinaca ammaanka.

Waxaa la weydiiyay sidda uu ugu jawaabayo dadka ku eedeenaya in uu doonayo xalka gobalka Banaadir in uu ka xalo qaab ciidan maadama ay takhasuskiisa uu yahay ciidan.

Wuxuu sheegay in shantii sanno ee la soo dhaafay uu ahaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidanka, isla markaana markii uu qabanayay shaqadaas Muqdisho la dhihi jiray meeqo qof ayaa lagu dilay balse maanta ay arrintaaa dhammaatay.

Guuddoomiye Muungaab ayaa carabka ku adkeeyay in uu la imaan doono qorshe cad oo uu ku maamuli doono gobalka Banaadir, isagoona intaas ku daray in uu dadka shacabka uu dhageysan doono taladooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Kamaal Guutaale oo ka soo huleelaya V/Somalia, loo magacaabayo agaasime

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar xog-ogaal ah oo aynu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in maalmaha soo socda si rasmi ahaan loogu dhawaaqo G/Xigeenka Gobalka Banaadir ee dhinaca Ammaanka.

Xog muhiim oo ay idaacadda Dalsan ee Muqdisho heshay, ayaa muujinaysa in mid ka mid ah Agaasime-waaxeedyadda Madaxtooyadda lagu wado inuu xilkaasi loo dhiibo.

Xafiiska Madaxtooyadda iyo kan Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa waxaa lagu ansixiyey in Agaasime-waaxeedka Madaxtooyadda ee dhinaca Siyaasadda, Kamaal Daahir Guutaale noqdo kU-xigeenka Jeneral Mungaab ee dhinaca Ammaanka.

Kamaal Daahir Guutaale oo hore u ahaan jirey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda, ka hor intaan xil-ka-dhimis lagu sameynin ayaa waxa uu galaangal dheer iyo Nidaam Awr-ku-kacsasho u galay sidii uu uga mid noqon lahaa Ku-xigeennadda cusub ee Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa magaalladda Muqdisho, Jeneral Xasan Maxamed Xuseen “Mungaab”.

Kamaal Daahir Guutaale oo Takhasusukiisa yahay dhinaca Maamulka iyo Maaraynta ayaan la ogeyn qaabka uu uga soo bixi karo xilka cusub ee uu nidaam beeleedka kula wareegayo xilkaasi oo uu hayey Warsame Joodax.

Aqoonyahanadda arrimaha Ammaanka ayaa rumeysan in magacaabistaasi lagu il-duufay, maadaama loo magacaabay Mas’uul aan kaadir u ahayn dhinaca Hawlaha Ammaanka iyo Nabadda.

Si kastaba ha ahaatee, Magacaabista G/xigeenka cusub ee Gobalka Banaadir ee dhinaca Amniga ayaa ku soo beegmayso iyadoo ay xaalladda ammaanka ee magaalladda Muqdisho beryahan calawsan tahay, isla markaana ay dhaceen qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Xigasho: Idaacadda Dalsan

KISMAAYO oo laga qaxayo A/Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Gobollada Jubbooyinka, gaar ahaan Magaalada Kismaayo ayaa ka Qaxay Magaalada, kadib markii Maleeshiyada Axmed Madoobe ay beegsi ku billaabeen.

Nabadoon Max’ed Axmed Max’ed (Sanweyne) oo ka mid ah Odayaasha Magaalada Kismaayo oo la hadlay warbaahinta, kadib markii uu gaaraay Muqdisho ayaa sheegay in Maleeshiyada Raas kambooni ay xasuuq iyo dhac ku hayaan dadka magaalada, sida uu hadalka u dhigay.

Sida uu sheegay nabaddoonka, Xaafadaha ugu daran ee Maleeshiyada Axmed Madoobe ay dadka ku dhacaan ayaa waxaa ka mid ah Xaafadaha Guulwade iyo Jaamacada, kuwaas oo Habeen iyo Maalin la dhaco Dadka Ganacsatadaa.

Max’ed Axmed ayaa sheegay in Odayaashii iyo Dadkii Bulshada Muhiimka u ahaa ay Magaalada ka Qaxeen islamarkaana ay Degmooyinka kale ku Dhuuntaan, si ay Naftooda u badbaadiyaan.

“Warbaahinta Kismaayo lama hadli karno, oo Cabashadeena Ma gudbin karno, Dadka waxaa loo dilaa si aan kala sooc laheeyn” Ayuu yiri Sanweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xasan Sheikh iyo C/Weli oo lala taliyey

Tan iyo markii ay dowladda Federaalku ka baxday ku meelgaarkii sidoo kalena la doortay Madaxda hadda jirta gaar ahaan Madaxweyn Xasan Sheekh,waxa ay dadka Soomaaliyeed filayeen in ay wax badan iska badali doonaan xaaladda Wadanka gaar ahaan Amaanka,Siyaasadda iyo waliba dowlad wanaagga laakiin waxa ay noqotay kadaroo dibi dhal.

Maadaama la doortay Madax cusub oo la sheegay in ay Aqoonyahano yihiin waxa looga fadhiyey in ay wax ka qabtaan dhibaatada ka jirta Wadanka,gaar ahaan in ay isbadal ballaaran ku sameeyaan Dowaladdan magac u yaalka ah iyo hay’adaheeda kala duwan si loo helo dowlad leh haykal iyo haybad dowladnimo.

Maadaama ay dowladdu ka baxday ku-meelgaarkii, Sidoo kalena ay haysato Sharciyad siineyso in ay Iyadu maamusho talada dalka,waxa ay ahayd in ay qaadato Masuuliyadda hogaaminta dalka haday noqon lahayd dhinacayada Siyaasadda,Amniga iyo Dhaqaalaha si looga baxa isbarbaryaaca ka jira dalka.

Maadaama ay tahay dowladdu tahay dowlad rasmi ah,Waxaa ay ahayd in ay la timaaddo Siyaasad ka duwan Siyaasadihii ay ku dhaqmi jireen Dowladdihii ku-meelgaarka ahaa ee dalka soo maray,Waxa ayna ahayd in ay Iyadu kaliya ka qeyb gasho dhamaan Shirarka Caalamiga iyo kuwa Goboleedyada sida ayba sameeyaan dowladaha Caalamka xatta kuwa aan deganeyn sidanYemen,Ciraaq,Afganistaan.

Sida aan soo sheegay dalalka Yemen,Ciraaq iyo Afganistaan ma’ahan dalal degan, Waxaana maamula Gobolodooda qaar kooxo Mucaarad ku ah Dowladda Dhexe sida Yemen oo kale hadana ma arkaysid Labo Wafti oo Yemen ah oo ka qeyb galaya Shirar,Dhinaca Ciraaq Gobolada qaar waxaa Maamulo Kurdiyiinta hadana Dowladda Dhexe oo kaliya ayaa ka qeyb gasha Shirarka. Ma’ahan meeshan jaantaa roganta oo kale ah.

Waxaa dowladda looga fadhiyey markii la doortay ka dib in ay dib u habeyn ku sameyso Dastuurka,Sidoo kalena ay sameyso Sharcigii hagaayey nidaamka Federaalka ee na lagu qasbay si loogu kala qeyb qeybiyo dalka ilaa la waayo labo degmo oo dab kala qaata.

Waxa laga rabay dowladdu in ay la timaaddo Siyaasaddii lagu dhisi lahaa Ciidan Qaran oo xoogan kuwaas oo la wareega amaanka dalka si meesha looga saaro joogista Ciidamada Shisheeye gaar ahaan kuwa ka socda Dowladaha Dariska ee qatarta ku ah Madaxbanaanida dalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Dowladda looga fadhiyey in ay dhamaan Gobolada dalka marka laga reebo Somaliland iyo Puntland u dhisto Maamulo ku-meelgaar ah inta laga soo dhameystirayo Sharciga Federaalismka ee kala qeexayo awoodaha Dowladda Dhexe iyo midda Maamul Goboleedyada.

Labo Sano oo ay meesha fadhiyeen Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ma aysan qaban waxyaabihii looga baahnaa,Waxaana wali halkii ka sii socodo isbarbaryaacii caadada u ahaa Maamul Goboleedyada, Waxaana ugu danbeeyey Safaradii C/wali Gaas iyo Axmed Madoobe ay ku tageen Adis Ababa.Maxaa kii la doortaba uu Adis uga ordaa ma Xuduntoodaa ku duugan.

Laba Sano ka dib lama hayo Ciidan Qaran oo dhisan oo kaligii howl gali kara haba tiro yaraadaaye,Waxaana wali halkii ka sii socda Maleeshiyooyinkii Beelaha oo lagu sheegayo Ciidanka Qalabka Sida halka wali Maleeshiyooyinka Suufiyada ay garabsocdaan Ciidankii Dowladda.May ku biiraan Ciidanka ama ay guryahooda Joogaan.!!

Labo Sano ka dib ma jirto Siyaasad cad oo ay ku socoto Dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh,Taasoo ku wajahan dhismaha Maamul Goboleedyada iyo Shirarka iska soo horjeedo,Waxa ayna isha ka daawaneysaa khilaafaadka Beelaha iyo dhismaha Maamul Goboleedyada iska soo daba dhacayo ee aad mooddo Tusbax go’ay.Dowladi sow ma’ahayn middi dadka towjiihin oo Iyada laga danbeyn jiray ?

Waxba lagama qaban fargelintii Dowladaha Dariska bal waaba ka sii dartay intii uu meesha yimid Xasan Sheekh,Waxaana daliil u ah buffer Zone-kii ay Kenya ka dhistay Gobolada Jubooyinka,Siduu qiraba Aadan Barre Ducaale oo ka tirsan Baarlamaanka Kenya Xubin sarana ka ah Xisbiga u taliyo Dowladda Kenya.

Hadaan warka soo aruuriyo ma jirto wax la taaban karo oo ay qabatay Dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh bal waaba uga dartay xaaladda dalka, Waxaana tusaale u ah sidii ay u maamushay arintii Jubooyinka,Waxa Iyadana ilaa iyo hadda lagu wareerasan yahay Siyaasadda ay ka leedahay Maamul Goboleedyadan dhismayo. Mar waxa ay leedahay dadku waa ay ka tashan karaan aayahooda marna waxa ay leedahay Shirarkan socda ma waafaqsana Sharica.intee loo raacaa dadkan.

Waxaan dhib ku qabnay Siyaasad xumidooda iyo go’aan jileecooda hadda waaba ka dareen oo waxa ay ogolaadeen in ay Ciidamada Itoobiya mar kale soo galaan dalka Iyagoo og wixii ay Itoobiya ka geysatay dalkan haday aah lahayd dil,barakicin iyo burburin hanti dadweyne,waxa ay Sidoo kalena Xasan Sheekh iyo dowladdisa iska indho tireen Xasaasiyadda ay ka qabaan Shacabka Soomaaliyeed Ciidamada Itoobiya.

Xaaladda dalku waa ay sii dareysaa waxaana halis loogu jiraa in ay qarxaan mar kale dagaalo sokeeyo oo ku salaysan Maamul Goboleedyo hadaanan Maanta laga hortagin,hadaba maxaa xal ah ?

Xalku waa cad yahay waxaana leeyahay Xasan Sheekh iyo Madaxda kale sida Gudoomiyaha Baarlamaanka, Sida aad wax u waddaan waxba kuma soconayaan sidaanna dal laguma hogaamiyo waayo hogaamin daleed waxa ay u baahan tahay Aragti fog,Qorshe dhameystiran iyo Istaraatiyad Sax ah.

Hadaba labo arimood mid sameeya Nimanyahow si loo badbaadiyo dalkan qarka u saran inuu u kala gogo’ gobolo yar yar oo ay maamulaan dowladaha dariska ah.

1- In aad la timaadaan aragti Siyaasadeed oo cad taaso dal lagu hogaamin karo
2- Ama aad meesha isaga tagtaan si aydan dadka Waqti uga limin

Waxaan ka codsanayaa inaan qalad la ii fahmin, Waxaan oo dhan waxa ay iga tahay in wax la saxo si dhibaatada looga baxo dadkeenana ay dalka dib ugu soo noqdaan. Wixii dhaliil ah oo aan leeyahay ha la ii sheego si aan isu saxo.

W/Q:Abdullahi Ibrahim Cumar
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]. Mahadsanid

Maamulka Shabelle State oo loo digay

Jowhar (Caasimada Online)-Afhayeen u hadlay maamulka Gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa ku hanjabay in tallaabo sharciga waa faqsan laga qaadi doono ciddii sheegata maamulka Shabeelle State oo timaada gobalka.

Daa’uud Xaaji Ciiro sheegay in uu yahay afhayeenka gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa ku goodiyay in ay xiri doonaan oo xabsiga dhigi doonaan qof kasta oo sheegta in uu ka tirsan yahay ama xubin yahay maamulka Shabeelle State oo dhawaan looga dhawaaqay deeganada Calamada ee duleedka Muqdisho.

Afhayeenka oo la hadlaayay mid ka mid ah Idaacadaha maxaliga ee ku yaalla Muqdisho, ayaa sheegay in gobalka uu lee yahay maamul hoos-taga dowladda Soomaaliya, siddaas darteed aaney ka shaqeyn karin maamul kale “Annaga maamulkaas ma aqoonsanin, halkan ma imaan karo maamul aaney dowladda aqoonsaneen ciddii aan aragno in ay ka tirsan tahay tallaabo ayaa laga qaadayaa” ayuu yiri Daa’uud Xaaji.

Maamulka uu madaxweynaha ka yahay Abuukar Cabdi Mardaadi ayaa la kulmaya mucaaradad xooggan waxaana aan la ogeyn maamulkaas oo la sheegay in ay ku mideesan yihiin labada Shabeelle halka uu ku shaqeyn doono.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

DAAWO: Hindi ka yaabiyey CAALAMKA

Nin u dhashay Wadanka Hindiya ayaa Calaamka ka yaabiyay kadib markii uu sameeyay fal aan nuuciisa horay loo arkin asagoo weliba ku sameynaya Xaaskiisa arin cajiib ah.

Wuxuu sameynayaa waxyaabo u eg indho sarcaad, isaga oo seef, masaar iyo waxyaabo kale oo halis ah ku gooynaya qunbe  iyo waxyaabo kale, oo madaxeeda uu dul saarayo

Aqristoow hadii aad maqli jirtay Sixir ama indho sarcaad kii ugu darnaa waxaa sameynaya Ninkani waxuuna ku sameynayaa Xaaskiisa ee nala daawo Muuqaalkani waa hubaal in aad ka heleyso muuqaalkani cajiibka ah.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Xog: Somaliland oo la hoos geeyey DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa isku khilaafsan lacag horumarin ah oo Bangiga Horumarinta Afrika (African Development Bank) uu soo marsiiyey dawlada Soomaaliya taasoo loogu talagalay gobollada dalka oo ay ku jirto Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa ku gacan seyray in gebi ahaanba aysan qaadaneyn wax lacag ah oo soo maray Dawlada Federaalka Soomaaliya, balse ay doonayaan in lacagta iyaga toos loo siiyo, halka Bangiga Horumarinta Afrika uu ku adkeystay in lacgta ay mari doonto wasaaradda maaliyada iyo lacagta ee dawlada Somalia.

Xog laga helay saraakiil ku sugan Muqdisho ayaa sheegeysa in dawlada Federaalka Soomaaliya ay xiriir la sameysay maamulka Somaliland si ay lacagtan u qaataan, uguna adeegsadaan mashaariicda loo qoondeeyay oo isugu jira kuwo dhinaca horumarinta ah iyo kuwo la xiriira doorashooyinka maamulka kadhacaya.

Lacagtan ayaa la sheegayaa in qeyb ka tahay $3.8 Milyan doolar (saddex milyan iyo siddeed boqol kun doolar) oo ah hanti Bangiga Horumarinta Afrika u yaboohay Soomaaliya bishii May 2013, taasoo loogu talagalay in la wada gaarsiiyo goboolada  dalka oo ay kujiraan maamulada Somaliland, Puntland, Koonfurta, gobollada Dhexe iyo Muqdisho.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasiirka Qorshaynta maamulka Somaliland Sacad Cali Shire shalay oo ahayd 10/03/2014 ayy ku sheegay inay qaadeceen kana soo hojeedaan lacag iyo mashaariic uu Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) ku caawinayey maamulka Somaliland taas oo uu Bangiga uu soo mariyey Soomaaliya, wasiirka ayaa warkaasi uu soo saaray ku sheegay in Somaliland ay qaadan karto oo kali ah lacagtaasi haddii Bagiga Horumarinta Afrika uu si toos ah usiiyo maamulka Somaliland.

“Fahamkayagu wuxuu ahaa in Bangigu lacagta mashruuca ku baxaysa gacanta ku haynaayo, oo aanay gacan kale geleyn, khabiirada loo baahan yahayna kawada hawl-geleyno sidaa owgeed Waanu soo dhoweynaynaa taageerada Bangiga laakiin taageradaasi waa in aysan gacan wadan kale soo marin ee gacantiisa ka soo baxdo.” ayaa ka mid ahaa hadalada lagu xusay war saxaafadeedka ka soo baxay maamulka Somaliland.

Dhinaca kale, Wasaaradda Maaliyada iyo Lacagta Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Dhexe ee dalka ayaan weli ka hadlin arrinkan, waxaana meeshiisa taagan go’aanka Bangiga Horumarinta Afrika oo ah inuu lacagta toos ugu dhiibayo dawlada Soomaaliya maadaama heshiiska ay la saxiixdeen Dawlada Federaalka Soomaaliya xilligii xukuumadii hore ee Raysal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Maamulka Somaliland iyo dawlada Federaalka Soomaaliyeed waxaa u socday wadahadalo dhowr jeer ay ku yeesheen wadamo dibadda ah, kuwaasoo looga hadlayey arrimo kala duwan, waxaana dawladan oo aan ahayn Ku-meelgaar ay xilligan heleysaa dhaqaale ka imaanaya caalamka oo ku socda dhammaan gobollada dalka Soomaaliya.

Waxaase dadka odorosa arrimaha gudaha ee siyaasadda ay sheegayaan in diidmada Somaliland ee lacagtan ay sii adkeyneyso helitaanka kaalmooyinka caalamka ee ay heli lahaayeen dadka ku dhaqan deegaanada Somaliland, maadaama ay isbedeleen qorshayaashii adduunka ku bixin jiray taageerada Soomaaliya.

Isha: RBC

Mucaaradka Ax’ed Madobe oo kulmay iyo isbahaysi cusub oo ay sameesteen

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta shir ku yeeshay qaar kamid mucaaradka hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Madoobe.

Kulankan oo ka dhacay mid ka mid ah hotelada ku yaalla Muqdisho ayaa looga dhawaaqay urur la sheegay in ay ka shaqeyn doonaan nabadeynta gobalada Jubbooyinka.

Daah furka ururka looga dhawaaqay waxaa ka qaybgalay xildhibaanno, siyaasiyiin iyo odayaal ka soo jeeda gobalada Jubbooyinka.

Waxaa goobta looga dhawaaqayu Ururka Midnimada iyo Nabadeynta ee Gobolada Jubbooyinka, waxaana hoggaamiye loogu doortay Col. Barre Aadan Shire “Barre Hiiraale”, oo ka tirsan Siyaasiyiinta Jubbooyinka, ee sida weyn leh uga soo horjeeda Maamulka Jubba.

Sidoo kale waxaa ku xigeenka koowaad ee ururka loo magacaabay Col. Cabaas Maxamuud Cadow, waxaa kaloo ku-xigeenka labaad ururka loo magacaabay Cumar Buraale Axmed oo horrey u sheegtay in uu yahay madaxweynaha maamulka Jubba ee ka soo horjeestay Axmed Madoobe.

Waxaa goobta laga sheegay in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo tagi doono gobalada Jubbooyinka kaddin loo dhisi doono maamul loo dhan yahay, waxaa kaloo ay cambaareeyeen xasuuq ay sheegeen in lagu hayo dadka rayidka ee ku dhaqan Kismaayo, waxana arrintaas ay ku eedeeyeen maamulka Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn waxa ay baaq u direen dhinacyada ku shiray Muqdisho dowladda Soomaaliya oo heshiis 28kii bishii August sannadkii horre heshiis ku kala saxiiday maamulka KMG ah ee Jubba, heshiiskaas oo ka mid ahaa in la qabto shirar lagu nabadeenaayo dadka ku dhaqan gobalada Jubbooyinka balse ma dhicin ayey yiraahdeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]