Maamulka Shabelle State oo loo digay

Jowhar (Caasimada Online)-Afhayeen u hadlay maamulka Gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa ku hanjabay in tallaabo sharciga waa faqsan laga qaadi doono ciddii sheegata maamulka Shabeelle State oo timaada gobalka.

Daa’uud Xaaji Ciiro sheegay in uu yahay afhayeenka gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa ku goodiyay in ay xiri doonaan oo xabsiga dhigi doonaan qof kasta oo sheegta in uu ka tirsan yahay ama xubin yahay maamulka Shabeelle State oo dhawaan looga dhawaaqay deeganada Calamada ee duleedka Muqdisho.

Afhayeenka oo la hadlaayay mid ka mid ah Idaacadaha maxaliga ee ku yaalla Muqdisho, ayaa sheegay in gobalka uu lee yahay maamul hoos-taga dowladda Soomaaliya, siddaas darteed aaney ka shaqeyn karin maamul kale “Annaga maamulkaas ma aqoonsanin, halkan ma imaan karo maamul aaney dowladda aqoonsaneen ciddii aan aragno in ay ka tirsan tahay tallaabo ayaa laga qaadayaa” ayuu yiri Daa’uud Xaaji.

Maamulka uu madaxweynaha ka yahay Abuukar Cabdi Mardaadi ayaa la kulmaya mucaaradad xooggan waxaana aan la ogeyn maamulkaas oo la sheegay in ay ku mideesan yihiin labada Shabeelle halka uu ku shaqeyn doono.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com