KISMAAYO oo laga qaxayo A/Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Gobollada Jubbooyinka, gaar ahaan Magaalada Kismaayo ayaa ka Qaxay Magaalada, kadib markii Maleeshiyada Axmed Madoobe ay beegsi ku billaabeen.

Nabadoon Max’ed Axmed Max’ed (Sanweyne) oo ka mid ah Odayaasha Magaalada Kismaayo oo la hadlay warbaahinta, kadib markii uu gaaraay Muqdisho ayaa sheegay in Maleeshiyada Raas kambooni ay xasuuq iyo dhac ku hayaan dadka magaalada, sida uu hadalka u dhigay.

Sida uu sheegay nabaddoonka, Xaafadaha ugu daran ee Maleeshiyada Axmed Madoobe ay dadka ku dhacaan ayaa waxaa ka mid ah Xaafadaha Guulwade iyo Jaamacada, kuwaas oo Habeen iyo Maalin la dhaco Dadka Ganacsatadaa.

Max’ed Axmed ayaa sheegay in Odayaashii iyo Dadkii Bulshada Muhiimka u ahaa ay Magaalada ka Qaxeen islamarkaana ay Degmooyinka kale ku Dhuuntaan, si ay Naftooda u badbaadiyaan.

“Warbaahinta Kismaayo lama hadli karno, oo Cabashadeena Ma gudbin karno, Dadka waxaa loo dilaa si aan kala sooc laheeyn” Ayuu yiri Sanweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com