Kamaal Guutaale oo ka soo huleelaya V/Somalia, loo magacaabayo agaasime

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar xog-ogaal ah oo aynu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in maalmaha soo socda si rasmi ahaan loogu dhawaaqo G/Xigeenka Gobalka Banaadir ee dhinaca Ammaanka.

Xog muhiim oo ay idaacadda Dalsan ee Muqdisho heshay, ayaa muujinaysa in mid ka mid ah Agaasime-waaxeedyadda Madaxtooyadda lagu wado inuu xilkaasi loo dhiibo.

Xafiiska Madaxtooyadda iyo kan Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa waxaa lagu ansixiyey in Agaasime-waaxeedka Madaxtooyadda ee dhinaca Siyaasadda, Kamaal Daahir Guutaale noqdo kU-xigeenka Jeneral Mungaab ee dhinaca Ammaanka.

Kamaal Daahir Guutaale oo hore u ahaan jirey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda, ka hor intaan xil-ka-dhimis lagu sameynin ayaa waxa uu galaangal dheer iyo Nidaam Awr-ku-kacsasho u galay sidii uu uga mid noqon lahaa Ku-xigeennadda cusub ee Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa magaalladda Muqdisho, Jeneral Xasan Maxamed Xuseen “Mungaab”.

Kamaal Daahir Guutaale oo Takhasusukiisa yahay dhinaca Maamulka iyo Maaraynta ayaan la ogeyn qaabka uu uga soo bixi karo xilka cusub ee uu nidaam beeleedka kula wareegayo xilkaasi oo uu hayey Warsame Joodax.

Aqoonyahanadda arrimaha Ammaanka ayaa rumeysan in magacaabistaasi lagu il-duufay, maadaama loo magacaabay Mas’uul aan kaadir u ahayn dhinaca Hawlaha Ammaanka iyo Nabadda.

Si kastaba ha ahaatee, Magacaabista G/xigeenka cusub ee Gobalka Banaadir ee dhinaca Amniga ayaa ku soo beegmayso iyadoo ay xaalladda ammaanka ee magaalladda Muqdisho beryahan calawsan tahay, isla markaana ay dhaceen qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Xigasho: Idaacadda Dalsan