Muungaab oo qabsaday waqtiga uu ku xasilin doono Muqdisho (Imisa bilood)

Muqdisho (Caasimada Online)- Guddoomiyaha cusub gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Gen Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa sheegay dhowrka bilood ee soo socda in isbadal xooggan laga sameyn doono magaalada Muqdisho.

Waraysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu kaga hadlay qorshihiisa ammaan ku soo celinta caasimada iyadoo dhawrkii bil ee ugu danbeeyay laga dayrinayay xaalada nabad galyo ee caasimadda.

Waxa uu shegay in qorshihisa ay ka mid yihiin in baaritaano bartilmaameed leh laga sameeyo meelaha laga shakiyo iyo inay dad khubaro ah ay ka qeyb galaan baaritaanada iyo howlgalada.

Mar uu ka hadlaayay qorshaha uu la imaan doono., wuxuu tilmaamay in howgallada ciidamada booliska iyo nabad-sugida ay ka fuliyaan Muqdisho in isbadal lagu sameyn doono oo howgal kasta uu noqon doono mid bartilmaameed leh oo la ogyahay cidda lagu beegsanaayo.

“Waa in howgalkasta uu lee yahay Target(Bartilmeemeed) oo meeshaas lagu ogyahay dadka la beegsanaayo, waa in mar kale la heesto xog” ayuu yiri Muun-gaab.

Wuxuu sheegay in seddaxda bil ee soo socda in uu maamulkiisa uu sameyn doono isbadal ballaaran oo la doonayo in lagu hagaajiyo dhinaca ammaanka.

Waxaa la weydiiyay sidda uu ugu jawaabayo dadka ku eedeenaya in uu doonayo xalka gobalka Banaadir in uu ka xalo qaab ciidan maadama ay takhasuskiisa uu yahay ciidan.

Wuxuu sheegay in shantii sanno ee la soo dhaafay uu ahaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidanka, isla markaana markii uu qabanayay shaqadaas Muqdisho la dhihi jiray meeqo qof ayaa lagu dilay balse maanta ay arrintaaa dhammaatay.

Guuddoomiye Muungaab ayaa carabka ku adkeeyay in uu la imaan doono qorshe cad oo uu ku maamuli doono gobalka Banaadir, isagoona intaas ku daray in uu dadka shacabka uu dhageysan doono taladooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com