Waddooyinka muhiimka ee Muqdisho oo DF Somalia ay uxiran yihiin, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa gabi ahaan xiran qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Waddooyinka xiran waxaa ka mid ah Makah Al-Mukaramah iyo waddada hor marta madaxtooyada Villa Somalia.

Waxaa halkaas lagu arkayaa ciidamo fara badan oo ku sugan kuwaasoo gaadidka iyo dadweynaha u diidday in ay adeegsadaan.

Si dhab ah looma oga wax yaabaha loo xiray waddooyinkan oo ah kuwa ugu muhiimsan magaalada isla markaana ay adeegsadaan gaadidka dad weynaha.;

Wariye ka tirsan Caasimada Online oo soo maray waddooyinka xiran ayaa sheegay in uu soo arkay dad fara badan oo isugu jirra arday iyo dad da’ ah oo lugeenaya kuwaasoo maraya waddooyinka xiran.

Ma ahan wax ku cusub arrintan magaalada Muqdisho, waxaana waddooyinka la xiraa marka ay wafdi soo dagayaan ama ay ka dhoofayaan dalka, in kastoo dhibaato xoog leh ay ku yeelayo waddooyinka xiran shacabka isticmaala.

Baabuurta dadweynaha ayaa la arkayay iyagoo isticmaalaya waddooyin qarbo jeex ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com