Daahir Badal: Kismaayo xasuuq baa ka socda, Axmed Madoobe-na waa…

Kismaayo (Caasimada Online)-Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka dowladda fedaraalka Soomaaliya oo ku sugan Kismaayo, ayaa ku eedeeyay maamulka KMG ah ee Axmed Madoobe in ay xasuuq ka wadaan magaaladaas.

Wuxuu sheegay in magaalada si bareer ah loogu laayo dadka rayidka ah, isagoonta intaas ku daray in maamulka KMG ah ee Jubba uu magaalada ka billaabay boob iyo barakicin uu ku hayo shacabka.

Isagoo u warramayay Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayuu tilmaamay in arrimahaas ay geesanayaan maleeshiyada Raaskambooni iyo kuwa ONLF oo laga keenaydalka Ethiopia sidda uu hadalka u dhigay.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Daahir Badal ayaa tilmaamay in maamulka KMG ah ee Jubba uu ka baxay heshiiskii dowladda Soomaaliya uu la galay sannadkii horre.

Wuxuu maaxda dowladda ugu baaqay in ay wax ka qabtaan xasuuga Axmed Madoobe iyo maamulkiisa ay ka wadaan gobalada Jubbooyinka gaar ahaan Kismaayo.

Wuxuu kaloo sheegay haddii aan waxbo laga qaban in Kismaayo ay ka billaaban doonaan dagaallo sokeeye sidda uu yiri.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka KMG ah ee Jubba oo ku aadan eedeenta ugu timid sarkaalkan ka tirsan ciidamada dowlada ee ku sugan Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com