MAXAA maanta ka socda MUQDISHO?

Muqdisho (Caasimada Online)- Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda howgallo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Wariye ka tirsan Caasimada Online oo ku sugan goobaha ay howgallada ka socdaan ayaa soo sheegay in meelaha qaar ciidamada ay rasaas fureen ay ku dhaawacmeen dad rayid ah.

Goobaha ay howgallada ka socda ayaa ka mid ah xaafado ku yaalla degmada Deyniile iyo Waddada dheer ee Warshadaha, waxaana halkaas lagu arkayay ciidamo fara badan oo baaraya guryaha.

Dadka ku dhaqan goobaha ay howgallada ka socdaan ayaa sheegaya in ay walwal ka qabaan howgallada ka socda xaafadahooda.

Waxaa xiran goobaha ganacsiga iyo wax barashadda ee ku yaalla xaafadaha ay howgallada ka socdaan.

Waa maalintii labaad oo xiriir ah oo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay howgallo lagu xaqiijinaayo ammaanka ay ka wadaan caasimada Muqdisho oo maalmihii dambe xaaladeeda ammaan ay aad u sii xumaaneysay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com