Dhageyso: Baarlamaanka Bariga Africa oo ku shiri doona Muqdisho & Africa…

Johannesburg (Caasimada Online) – Dalka Koonfur Afrika gaar ahaana magaalada Johannesburg,waxaa ka socda shir ay leeyihiin baarlamaanka waddamada Afrika kaaso arrimo badan looga hadlayo.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka qeyb-galay shirka baarlamaanka Afrika,waxaana qeyb ka ah xildhibaannada dowladda faderaalka ka socda ee kulanka ka qeyb-galaya xildhibaan Cabdi Samad Macallin Maxamuud oo ka mid ah mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Waxuu sheegay xildhibaan Cabdi Samad Macallin Maxamuud in arrimaha looga hadlayo shirka baarlamaanka Afrika inay ugu weyntahay sidii loo hali laha hal baasaboor oo mideeya qaaradda Afrika.

Arrinta kale ee uu xildhibaanku sheegay in Soomaaliya muhiimada uleh waxaa uu ku sheegay inay tahay sidii baarlamaannada waddamada Bariga Afrika ay kulan ugu yeelan lahaayeen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ammaanka Soomaaliya iyo howlgalka AMISOM ayaa qeyb ka ah sida uu sheegay xildhibaanku arrimaha ay ka doodayan baarlamaanka Afrika,isagoona inta raaciyey inay fursaddan uga faa’iidaysan doonaan sidii ay fikradahooda ula wadaagi lahaayeen xubnaha ka socda baarlamaannada waddamada kale ee qaaradda Afrika.

Halka hoose ka dhageyso xildhibaanka oo arrimaha ka hadlaya

Halkan-ka-dhageyso-hadalka-Xildhibaanka

Shirka ay leeyihiin baarlamaanka Afrika,waxaa uu ku soo aaday sannadkan xilli maalinta Sabtida ee soo socota ay u dabbaal-degi doono 10 guuradii ka soo wareegtay aas-aaskoodi .