Xasan Sheikh iyo C/Weli oo lala taliyey

Tan iyo markii ay dowladda Federaalku ka baxday ku meelgaarkii sidoo kalena la doortay Madaxda hadda jirta gaar ahaan Madaxweyn Xasan Sheekh,waxa ay dadka Soomaaliyeed filayeen in ay wax badan iska badali doonaan xaaladda Wadanka gaar ahaan Amaanka,Siyaasadda iyo waliba dowlad wanaagga laakiin waxa ay noqotay kadaroo dibi dhal.

Maadaama la doortay Madax cusub oo la sheegay in ay Aqoonyahano yihiin waxa looga fadhiyey in ay wax ka qabtaan dhibaatada ka jirta Wadanka,gaar ahaan in ay isbadal ballaaran ku sameeyaan Dowaladdan magac u yaalka ah iyo hay’adaheeda kala duwan si loo helo dowlad leh haykal iyo haybad dowladnimo.

Maadaama ay dowladdu ka baxday ku-meelgaarkii, Sidoo kalena ay haysato Sharciyad siineyso in ay Iyadu maamusho talada dalka,waxa ay ahayd in ay qaadato Masuuliyadda hogaaminta dalka haday noqon lahayd dhinacayada Siyaasadda,Amniga iyo Dhaqaalaha si looga baxa isbarbaryaaca ka jira dalka.

Maadaama ay tahay dowladdu tahay dowlad rasmi ah,Waxaa ay ahayd in ay la timaaddo Siyaasad ka duwan Siyaasadihii ay ku dhaqmi jireen Dowladdihii ku-meelgaarka ahaa ee dalka soo maray,Waxa ayna ahayd in ay Iyadu kaliya ka qeyb gasho dhamaan Shirarka Caalamiga iyo kuwa Goboleedyada sida ayba sameeyaan dowladaha Caalamka xatta kuwa aan deganeyn sidanYemen,Ciraaq,Afganistaan.

Sida aan soo sheegay dalalka Yemen,Ciraaq iyo Afganistaan ma’ahan dalal degan, Waxaana maamula Gobolodooda qaar kooxo Mucaarad ku ah Dowladda Dhexe sida Yemen oo kale hadana ma arkaysid Labo Wafti oo Yemen ah oo ka qeyb galaya Shirar,Dhinaca Ciraaq Gobolada qaar waxaa Maamulo Kurdiyiinta hadana Dowladda Dhexe oo kaliya ayaa ka qeyb gasha Shirarka. Ma’ahan meeshan jaantaa roganta oo kale ah.

Waxaa dowladda looga fadhiyey markii la doortay ka dib in ay dib u habeyn ku sameyso Dastuurka,Sidoo kalena ay sameyso Sharcigii hagaayey nidaamka Federaalka ee na lagu qasbay si loogu kala qeyb qeybiyo dalka ilaa la waayo labo degmo oo dab kala qaata.

Waxa laga rabay dowladdu in ay la timaaddo Siyaasaddii lagu dhisi lahaa Ciidan Qaran oo xoogan kuwaas oo la wareega amaanka dalka si meesha looga saaro joogista Ciidamada Shisheeye gaar ahaan kuwa ka socda Dowladaha Dariska ee qatarta ku ah Madaxbanaanida dalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Dowladda looga fadhiyey in ay dhamaan Gobolada dalka marka laga reebo Somaliland iyo Puntland u dhisto Maamulo ku-meelgaar ah inta laga soo dhameystirayo Sharciga Federaalismka ee kala qeexayo awoodaha Dowladda Dhexe iyo midda Maamul Goboleedyada.

Labo Sano oo ay meesha fadhiyeen Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ma aysan qaban waxyaabihii looga baahnaa,Waxaana wali halkii ka sii socodo isbarbaryaacii caadada u ahaa Maamul Goboleedyada, Waxaana ugu danbeeyey Safaradii C/wali Gaas iyo Axmed Madoobe ay ku tageen Adis Ababa.Maxaa kii la doortaba uu Adis uga ordaa ma Xuduntoodaa ku duugan.

Laba Sano ka dib lama hayo Ciidan Qaran oo dhisan oo kaligii howl gali kara haba tiro yaraadaaye,Waxaana wali halkii ka sii socda Maleeshiyooyinkii Beelaha oo lagu sheegayo Ciidanka Qalabka Sida halka wali Maleeshiyooyinka Suufiyada ay garabsocdaan Ciidankii Dowladda.May ku biiraan Ciidanka ama ay guryahooda Joogaan.!!

Labo Sano ka dib ma jirto Siyaasad cad oo ay ku socoto Dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh,Taasoo ku wajahan dhismaha Maamul Goboleedyada iyo Shirarka iska soo horjeedo,Waxa ayna isha ka daawaneysaa khilaafaadka Beelaha iyo dhismaha Maamul Goboleedyada iska soo daba dhacayo ee aad mooddo Tusbax go’ay.Dowladi sow ma’ahayn middi dadka towjiihin oo Iyada laga danbeyn jiray ?

Waxba lagama qaban fargelintii Dowladaha Dariska bal waaba ka sii dartay intii uu meesha yimid Xasan Sheekh,Waxaana daliil u ah buffer Zone-kii ay Kenya ka dhistay Gobolada Jubooyinka,Siduu qiraba Aadan Barre Ducaale oo ka tirsan Baarlamaanka Kenya Xubin sarana ka ah Xisbiga u taliyo Dowladda Kenya.

Hadaan warka soo aruuriyo ma jirto wax la taaban karo oo ay qabatay Dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh bal waaba uga dartay xaaladda dalka, Waxaana tusaale u ah sidii ay u maamushay arintii Jubooyinka,Waxa Iyadana ilaa iyo hadda lagu wareerasan yahay Siyaasadda ay ka leedahay Maamul Goboleedyadan dhismayo. Mar waxa ay leedahay dadku waa ay ka tashan karaan aayahooda marna waxa ay leedahay Shirarkan socda ma waafaqsana Sharica.intee loo raacaa dadkan.

Waxaan dhib ku qabnay Siyaasad xumidooda iyo go’aan jileecooda hadda waaba ka dareen oo waxa ay ogolaadeen in ay Ciidamada Itoobiya mar kale soo galaan dalka Iyagoo og wixii ay Itoobiya ka geysatay dalkan haday aah lahayd dil,barakicin iyo burburin hanti dadweyne,waxa ay Sidoo kalena Xasan Sheekh iyo dowladdisa iska indho tireen Xasaasiyadda ay ka qabaan Shacabka Soomaaliyeed Ciidamada Itoobiya.

Xaaladda dalku waa ay sii dareysaa waxaana halis loogu jiraa in ay qarxaan mar kale dagaalo sokeeyo oo ku salaysan Maamul Goboleedyo hadaanan Maanta laga hortagin,hadaba maxaa xal ah ?

Xalku waa cad yahay waxaana leeyahay Xasan Sheekh iyo Madaxda kale sida Gudoomiyaha Baarlamaanka, Sida aad wax u waddaan waxba kuma soconayaan sidaanna dal laguma hogaamiyo waayo hogaamin daleed waxa ay u baahan tahay Aragti fog,Qorshe dhameystiran iyo Istaraatiyad Sax ah.

Hadaba labo arimood mid sameeya Nimanyahow si loo badbaadiyo dalkan qarka u saran inuu u kala gogo’ gobolo yar yar oo ay maamulaan dowladaha dariska ah.

1- In aad la timaadaan aragti Siyaasadeed oo cad taaso dal lagu hogaamin karo
2- Ama aad meesha isaga tagtaan si aydan dadka Waqti uga limin

Waxaan ka codsanayaa inaan qalad la ii fahmin, Waxaan oo dhan waxa ay iga tahay in wax la saxo si dhibaatada looga baxo dadkeenana ay dalka dib ugu soo noqdaan. Wixii dhaliil ah oo aan leeyahay ha la ii sheego si aan isu saxo.

W/Q:Abdullahi Ibrahim Cumar
Abdull2006@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com. Mahadsanid