KEEROOW 50 (Konton) sano ha-gaaro

(Let keeroow be 50 years old)

Dadka Somaaliyeed meel-walboo ay joogaan  waxay is wey diiyaan Su’aasha ah goormee ayuu  Dalkeenu   uu Nabad  noqonayaa???

Jawaabo kala duwan ayaa laga bixiyay Su’aashaasi, waa Qofba garashadiisa iyo aqoontiisa inta ay la egtahay.

Qolooyin baa qabo in ay nabadu ay soo dhaw dahay, waxayna hadalkooda daliil  uga dhigayaan arimahan hoose.

Koow  in ay Dadku fahmeen micnaha Qabiilka,iyo ujoodooyinkiisa gurracan.

Labo  in  siyaasada Dalka ay ugudubtay qaab Axsaabaysi ah, ayna  ka gudubtay qaabkii Qabiilka ku dhisnaa, xaaladuna  ay meel wanaagsan  ay marayso.Qolooyinka fikirkaa aaminsan waxaa loo yaqaanaa YAKUN KHEYR( kheyr bay ahaanaysaa)

Qolooyin kale baa iyagana qaba in xaalku uu joogo meel hoose, laakiin  haddii arrimaha  qaar la saxo, ay rajo wanaagsan  ay  iman-karto.  Qolooyinka Fikirka noocaani ahi qaba iyagana waxaa loo yaqaanaa Not Too Bad (ma wada xuma)

Qolooyin kale ayaa iyagana qaba fikir ah  in Somaaliya ay ubaahan tahay ugu yaraan 10 Sano  oo kale si ay caalamka  ula jaan qaado.Qolooyinkaan waxaa loo yaqaanaa (Nothing stays the same) (wax waligooda sidooda ahaanayo majiraan)

Qolooyin kale ayaa qabo in marka lagaaro Codeeyn xor ah Nin & codkiisa (One man & one vote)  in  Somaaliya  ay noqonayso waddan  israaco   oo  wanaagsan   Sanadku markuu noqdo  2020.Qolooyinkaan waxaa loo yaqaanaa Good news (Aqbaar wanaagsan)

Qolooyin fikir kaa ka duwan qabo ayaa jira, iyagoo hadalkooda cuskinaya arrimo muhiim ah,si gaar ahna farta ugu fiiqayo waxa jira hadda iyo wixii lasoo dhaafay, xaalka Somaaliya in uusan dhaweyn  uuna yahay mid  Ceel dheer ku dhacay, Qolooyinkan waxaa loo yaqaanaa Group of Truth (kooxda Runta) waxayna daliil ka dhiganayaan qodobadan hoose.

1- Somaliya kooxaha isaga soo horjeedo waa Dulmi  Vs  Dulmi, Dagaalada iyo is riix-riixa mudada dheer socdayna waxa uu u dhaxeeyaa kooxo si qalad ah isaga soo wada  horjeeday oo kaliya, majirto Qolo xaq  leh oo xaqqeeda raadsanayso waa Qolooyin si dulmi ah isaga soo wada horjeeday.

2- Weli waxaa lagu jiraa Dhul boobkii iyo isbarakicintii lagu hayay umadda looma ooyaanka deegaanadooda,  Qaybo kamid ah dhulkooda Qalin ayaa lagu boobay, Qaarna Qori ayaa lagu boobay, Qaarna farsamooyin kale ayaa lagu boobay oo yaab leh, sida Guur farsamo ah  oo ay guursadaan Gab-dhaha Degan Gobolada Barwaaqada ah, Qolooyinkan Dhul-boobka  ah waxay Dadkooda   usoo jeediyeen talo ah in laguursado Gab-dhahaasi barwaaqaysan si ay ugu milmaan  una dhaxlaan deegaanadan barwaaqada ah.

Gab-dhaha lagu balammay in laguursado Magacyadooda waa sidan Maano, Hadiijooy, Ruqiyoow, Batuulaay, Faadnaay, Fanaay kuuso, iisho, Caashoow, Kheerto, Binti, Nimcooy, Shariifo, Gaabo, Soonto, Xaaweey, IWM.

Haddii uu wiil udhashana in loo bixiyo magacyadan midkood  Keeroow, Eenoow, Aliyoow, Abdoow, Mustafoow, Xuseenoow, Abroone, Munye, Buube, Ibraahinoow, sababtuna waa qiyaanooyin kale ee la doonayo in lagu dhaco deegaanada Dadka masaakiinta ah ee u dhaxeeyo labada Webi.

Ula jeedku waa in wiilka laga dhalay Hadiijoow  ee loo  bixiyay Keeroow in uu sheegto Deegaanadaasi in uu leeyahay, cid walbo way ogtahay Jiin Dhoobeey weli Taariikhda laguma hayo Nin jileec ah ee deganaa ka hor 1954. Dadka dhul-boobka ah  waxay ku soo duuleen Dhulka labada Webi  laga soo bilaabo 1954 ilaa iyo maanta, Waxayna ku  yimaadeen Farsamooyin kala duwan  sida  Qalin, Qori, Qabiil , Shaati Diin, Shaati Dowlad-nimo waxa la boobayo waa Dad masaakiin ah Deegaanadooda.

Dadka duulaanka ku ah dadka masaakiinta ee marba shaar usoo xirto, xalaaleeystayna deegaanadooda waad aragtaan sida  loo xalaalaystay Jubooyinka, Dadkii asalka ulahaana looga boobay, waad aragtaan sida Shabeelaha Hoose xaalkiisa uu yahay.

Group of Truth (kooxda Runta) waxay kaloo ay sheegeen oo ay yiraahdeen  Qolooyinka dhul-boobka mid kamid ah wuxuu orad ugu jiraa inuu helo uuna gacanta ku soo dhigo Gobolada Jubbada Hoose, Jubbada dhexe iyo Gedo. oo ay degaan ka dhigtaan, dadkii lahaana sidaasi looga fara-maroojiyo ama looga boobo iyagoo ka faaiidaysanaayo  xaaladihii hore ee loo soomaray & xaalada hadda jirto.

Qolada Labaadna  waxay  orad ugu jirtaa in ay hesho laga soo bilaabo Gaalkacyo ilaa iyo Jammaame oo ay dagaan ka dhigtaan, dadkii masaakiinta ee lahaana sidaasi looga boobo oo afka ciida loogu daro.

Caalamku waa wada ogyahay Labadaa Qolo ee Dhulboobka ah in ay ahaayeen Xoolo dhaqato oo aysan ahayn Beeralay ama Kaluumaysato, xirfadooduna waa xoolo dhaqato, deegaanadooduna way ka fogaayeen Juqoraafi ahaan Aga-gaaraha labada  Webi.

Dib ufiiri Taariikhdooda ama Gabayadooda kuma jiraan wax ay uga had-layaan Webi iyo Beero qodasho ama kaluumaysi waxaa kujira oo kaliya waa GEEL, DAGAAL, QABIIL, Gab-dho lakala boobo IWM,

Dadka looma ooyaanka dhibka soo gaaray lama soo koobi karo, ee ka soo gaaray Dadka dhul boobka ah ee ku  soo duulay Dhul-kooda, Dadka looma ooyaanka waxaa gudaha Dalka Somaaliya looga ooday xerooyin  Magaalooyinka waa weyn sida Muqdisho, Gaalkacyo, Boosaaso, Garoowe.Xerooyinkaasi waxaa loo bixiyay xerooyinka Barakacayaasha.

Dadka looma ooyaanka ee deeganadooda laga boobay dhibka soo gaaray intaa kuma eko waxaa jiro qaar usoo cararay Wadamada aynu deriska nahay sida Keenya & Ethoopia  iyadoo laga faa’iidaysanayo dhibka haysto ayaa Diintoodii laga saaray , dhibaatadaasi soo gaartay waxaa masuuliyadeeda leh dadka soo barakiciyay ee dhulkooda ka boobay.

Dadka looma ooyaan iyagoo barwaaqo iyo bash-bash kujira ayaa qolooyinkaan Dhul boobka ah ay  ka dhigeen qaxooti una bixiyey magaca Barakacayaasha,  waa runtooda way soo barakiciyeen.

Group of Truth (kooxda Runta)  waxay kaloo sheegeen hadii aysan waxba iska badelin sida xaaladu hada ay tahay ay sii ahaato  waxay noqonaysaa  in la sugo inta uu KEEROOW  uu konton sano ka gaarayo, Keeroow  waa wiilkii laga dhalay Hadiijoow. Dadka looma ooyaanka Rajaduudu waxay  noqonaysaa in ay sugaan inta uu Keeroow 50 sano ka gaarayo

Waxaa  laga yaabaa in Keeroow uu xaqqa fahmo uuna  soo celiyo wixii waalidkiisa ay dhaceen, uuna kulaabto meeshii ay ka yimaadeen waalidkiisa,  xaalku waa  Keeroow 50 SANO hagaaro markaas ayaa nabad lahelayaa waana 50 sano kadib, xaalku waa yaa dhintay yaa nool,.taas oo aan weli lahubin  waa hadii Keeroow uu xaqqa famo, hadii uusan Keeroow uusan xaqqa fahmin uuna sidii waalidkiisa oo kele uu noqdo iyadana waa arin kale oo dhici karta  oo khatarteeda leh, siina dheerayn karta rajada Dadka looma ooyaanka ay ka qabaan in ay helaan dhulkii laga boobay. Xaalku waa Keeroow konton sano hagaaro,

Keroow wuxuu konton sano gaarayaa marka lagaaro 2040 xaalku waa KEEROOW KONTON SANO HAGAARO  (Let keeroow be 50 years old).

W/Q: Maxamed Adkeeste

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com. Mahadsanid