Shirqoolkii Dahabshiil ee Al-Barakaat, 13 sano kaddib maxaa xigi doona?

Sedex iyo toban sano kadib ayey Cadaaladii guuleeysatay,waxaa mira dhalay daacadnimadii Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale oo Shirkadiisii Al-Barakaat xaqdarro loo xiray,sidoo kalena xoriyadiisii safarada loo xanibay.

Qaraar ka soo baxay golaha amaanka ayaa lagu shaaciyay in Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale xor yahay, sidoo kalena waxaa la fasaxay hantidii Shirkadiisa Al-Barakaat.

Ganacsade Axmed Nuur Jimcaale oo sedex iyo toban sano ahaa DHIBANE u nugul hanjabaada iyo gardarooyinka lagula kaco, wuxuu laacay guul taariikhi ah, oo bulshada ka baran karaan in SAMIRKU yahay guusha Geesiga.

Waan hubaa in Axmed Nuur Cali Jimcaale marna ku lug yeelan arrimo argagixiso, balse waxaa dhibaatada ugu weyn ee cadawgiisa uga faa-iideeysteen ay tahay lugtii uu ku lahaa iyo gacantii uu siiyay Urur diimeedka Al-Itixaad.

Shirkadda Dahabshiil oo weerarkii 9/11 u aragtay fursad qaaliya, ayaa xanibaadii la saaray Al-Barakaat abaabushay sida la xaqiijiyay, hasse yeeshee waxaan Calaamatu su-aal saarayaa waxa xigi doono sedex iyo toban sano kadib?

Shirkadda Dahabshiil ma wajahi doontaa jidkii Al-Barakaat oo bulshada Caalamkana maka marqaati noqon doontaa Al-Barakaat oo dib loo furay iyo Dahabshiil oo la xiray?

Ila wareedyo muhiima waxay sheegeen in macluumaadka la helay sidaas xaaladu u badan, hasse yeeshee waxaa aad loo wada sugayaa Warbixinta gudigga dabagalka Qaramadda Midoobay ee Eretria iyo Somalia soo saari doonaan 28 March 2014.

Dhinaca kale, waxaa su-aal ka taagan tahay Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale ma rumeeysan doonaa in dagaalka lagula jiro yahay mid qabiil ? mise wuxuu moodayaa mid ku saleeysan arrimo diimeed?

Fikirka uu qabo wax badan lagama oga, maxaa yeelay waa nin afgaaban, hasse yeeshee danta waxay ugu jirtaa inuu ka fogaado ku lug lahaansho arrimo urur diimeed nuuc kastaba? maxaa yeelay waa jidka qura ee xoolahiisa lagu xalaaleeysan karo, cadawgiisa guul ka raadin karaan .

W/Q: Cabdirisaaq Axmed Jimcaale
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com. Mahadsanid