Jawaab ku socota qoraalkii “Haddan Hiiraan loo kala sii qaybin karin labo gobol, maxaa talo ah?” ee uu qoray Abdulkadir Abiikar Hussein

By Mohamed Isse Mudey

Marka hore waxa aan jawaab toos ah siinayaa qoraaga Abdulkadir Abiikar, aniga oo uga jawaabaya suaashiisii ku saabsanayd in aan Hiiraan loo kala qeybin Karin laba gobol, kadibna uga  jawaabi doono qodobadiisii uu soo bandhigay aniga oo qodob kasta mid mid uga jawaabi doono.

Haddii aan ku hormaro oraahda dhahaysa “haddii aan Hiiraan loo kala qeybin Karin labo gobol”-   Hadalkaan waa hadal aanan laga fiirsanin oo la iska yiri ,oo aanan ku saleysneyn wax xaqiiq ah, qoraaguna wuxuu soo bandhigay waxa isaga uu jecelyahay iyo sida uu u arko gobolka Hiiraan, laakiin uu qoraagu illaawey in mar hore Madaxweyne Soomaaliyeed oo baarlamaan soomaaliyeed doorteen- Madaxweyne Shariif Skeikh Ahmed- uu dikreeto ku soo saaray kala qeybinta gobolka Hiiraan isaga oo u kala qeybiyey laba gobol oo kala ah ; gobolka Hiiraan iyo gobolka Shabeelada Sare. Waxa kaliya oo ay shacabka gobolku sugaayeenna ay tahay in baarlamaanka Soomaaliya uu bedelo qodobka 49 ee dastuurka ku meel gaarka ah oo qeexaya in laba gobol iyo wixii ka badan oo ka tirsan 18kii gobol ee dowladdii hore ka tagtay ay midoobi karaan,samaysan karaana maamul goboleed.

Haddii aan u soo laabto qodobada uu qoraagu ku saleeyey doodiisa ah in aanay Hiiraan laba gobol noqon Karin, isaga oo isticmaalay dariiqad kasta oo uu ku marin habaabin karo aqristaha. Marka ugu horreysa ee ardayga la baraayo sida loogu been abuurto tirokoob (Statistics) ayaa qodobada ardayga loo sheego waxa ka mid ah inuu ka fogaado ;

A. Addition:  in uusan waxba ku darin (xog-ururin) Data ama macluumaadka uu darsaayo.

B. Subtraction: in uusan waxba ka gooynin ( xog-ururin)Data ama macluumaadka uu darsaayo.

C. Exaggeration: in uusan buun buunin ama ka badbadin ama siinin muhiimad aysan lahayn (xog-ururin) Data ama macluumaadka uu darsaayo.

D. Omission: In uusan qarinin qeyb ka mid ah (xog-ururin) Data ama macluumaadka uu darsaayo.

Qoraagu qodabadaas aan kor ku soo sheegay oo dhan ayuu isticmaalay si uu u qaldo aqristaha isagoo ku doodaaya in Hiiraan aysan gooni u istaagnaan karin. Qodabadii doodiisu ku salaysnayd aan fiirino;

1.” Bedka” ;

Qoraagu waxa uu ku dooday in Hiiraan bedkeedu aad u yaryahay (34,000 km²) laakiin aan barbar dhigno waddanka walaaleheen ah ee reer Djibouti oo tirada dadkoodu yahay (774,389) halka bedka ama baaxadda dalkuna yahay (23,000 km²).  http://www.infoplease.com/country/djibouti.html

2. “Hiiraan kama weyna gobollada cusub ee sammaysmay ka dib sideeddii gobol marka la qeybiyay”:

 Halkaan qoraagu waxa uu sameeyey qodob ka mid ah qodobada aan kor ku soo sheegay oo ah (omission) waxa uu shaxdii uu soo gudbiyey ka saaray goballada ka baaxadda yar Hiiraan oo ay Hiiraan ku laba laabanto bed ahaan, kana tirsan gobolladii cusbaa ee samaysmay kadib markii la qeybiyey siddeedddii gobol ee hore, waxaana ka mid ah gobolladaas;

A. Awdal oo baaxaddiisu tahay (16,135 km²).

B. Shabeellada Dhexe oo baaxaddiisu tahay (18,515 km²).

C. Jubbada Dhexe oo baaxaddiisu tahay (18,724 km²).

Waxa kale oo uu qoraagu sameeyey (Addition) taas oo uu kordhiyey ama wax ku daray baaxadda ama bedka gobolka shabeellada dhexe. Sida aad kor ku aragtaan baaxadda gobolku waa ( 18 515 km²), isagana waxa uu ka dhigey ( 22,000 km²). Sidoo kale waxa uu kordhiyey baaxadda gobolka jubbada hoose oo uu ka dhigay (61,000 km²), halka bedka saxda ah ee gobolka jubbada hoose uu yahay (47,632 km²). Gobolku waxa uu ka kooban yahay afar degmo oo kala ah ;

A. Afmadow bedkeeduna yahay (26,737 km²)

B. Badhaadhe bedkeeduna yahay (9,583 km²)

C. Kismaayo bedkeeduna yahay (9,165 km²)

D. Jamaame bedkeeduna yahay (2,147 km²)

Sidoo kale gobollo badan oo uu bedkooda si khalad ah u soo gudbiyey ayaa jiro ,laakiin waqti uma haayo marka qodobka kale ayaan u sii gudbaayaa.

3. “Bad ayay u baahan tahay Hiiraan”:

Hiiraan bad la’aan ma hayso oo waxa ay ka tirsan tahay waddan la yiraahdo Soomaaliya haystana xeebta labaad ee Afrika ugu dheer taasina waa fikir khaldan oo ku salaysan siyaasadda shisheeyuhu gadaal ka riixayaan oo ah in waddanka dhawr gobol oo qabiil ku salaysan laga dhigo. Illaa iyo waqtigii dagaalka sokeeye billowday ganacsatada reer Hiiraan waxa ay alaabadooda kala soo degaayeen ugu yaraan 70% dekedda Boosaaso, iyaga oo gaadiidka alaabtaas soo qaadaayana ay gobollada Puntland geeyaan khudaar noocyadeeda kala duwan tahey sida mooska, babayka, basasha, canbaha, qaraha iwm. Hadaba hadii ay ganacsatada reer Hiiraan alaabadooda kala soo degaayeen 20kii sano ee ugu dambeysay dekedda Boosaaso oo u jirto masaafo lagu qiyaaso 1,500 km iyaga oo aan ka tirsaneyn maamulka Puntland, maxaa ku qasbaaya in ay la midoobaan shabeelada dhexe si ay wax ugala soo degaan dekedda ciga iyo Mareeg oo qiyaastii u jira Hiiraan 80 km. Iyaga oo aanan la midoobin ayey ganacsi la samayn karaan walaalohooda Shabeelada dhexe sida ay ganacsi ula sameeyaan walaalohooda reer Puntland. Ogow Itoobiya oo aan bad laheynba waa nool yihiin. Marka doodaan waa dood aad u jilicsan.

4. “Maxaa Hiiraan kaligeed u istaagi karin haddii labo gobol laga dhigo”?

Qoraagu waxa uu ku dooday qodobbo kala duwan waxa diidaya in aysan Hiiraan kaligeed istaagi Karin , isaga oo halkaanna sameeyey qodob ka mid ah qodobadii aan kor idiinku soo sheegay oo ah (exaggeration) ama buun buunin, marka aan mid mid u qaadanno;

4a.” Dastuurka ayaa diidaya in hal gobol kaligiis istaago”.

Waqtigii ay odoyaasha Soomaaliyeed ansixinaayeen dastuurka federaalka ,qodobada la isku mari waayey waxa ugu horreeyey arrinta Hiiraan. Odayaashii reer Hiiraan waxa ay soo istaageen illaa iyo inta laga bixinaayo qodobka sheegaaya laba gobol iyo in ka badan oo ka tirsanaa 18 kii gobol ayaa maamul samaysan kara in aysan aqbali doonin dastuurkaan, cid ku qasbi kartana aysan jirin. Si loo ansixiyo dastuurka waxa lifaaq lagu sameeyey dastuurka oo oronaya in arrinta Hiiraan  lagu xalliyo baarlamaanka. Marka qoraagu wax uu kala socdo ma jirto arrinta Hiiraan iyo dastuurka.

4b. Hiiraan waa “ waa baital cankabuut” oo bedkeeda ayaa yar (34,000 km²);

Qoraagu isaga ayaa is beeniyey, Tusaale ahaan haddii aan u soo qaato oo aan ku raaco isaga qiyaasta dadka uu ku sheegay in ay Hiiraan ku nool yihiin oo ah (351,700) oo qof, ka dibna loo qeybiyo bedka gobolka oo ah (34,000 km²) si aan u helno waxa la yiraahdo (population Density) waxa ku soo aadaya dadka reer Hiiraan 10kii qofba        (1 km²), halka Soomaaliya lagu qiyaasay sanadkii 2011 in 16kii qof oo Soomaali ahba ay ku soo aadday (1 km²). United Kingdom 259kii qofba (1 km²). Eithopia 89kii qofba (1 km²).

http://data.worldbank.org/indicator/EN.POP.DNST?order=wbapi_data_value_2010+wbapi_data_value&sort=asc

Marka oraahda ah haddii Hiiraan laba gobol loo qeybiyo bedkeeda ayaa yar waa hadal aan waxba ka jirin. Tusaalayaal kale haddii aan soo qaato oo beeninaaya oraahdaas qoraaga waxa ugu horreeya, haddii Hiiraan laba loo qeybiyo ( Hiiraan iyo Shabeelada Sare) gobolkiiba waxa ku soo aadaya dhul baaxaddiisu dhan yahay ( 17,000 km²) , gobol kasta oo ka mid ah gobolladan cusub ee Hiiraan iyo shabeellada sare wuxuu ka weyn yahay ama le egyahay qiyaastii dhul ahaan gobol ka mid ah saddexda gobol oo aan kor ku soo sheegay oo kala ah Awdal, shabeellada dhexe iyo Jubbada dhexe. Akhristoow xusuusnow dastuurka uu qoraagu ka hadlay waxa uu oggol yahay in baaxad ahaan ay Awdal iyo shabeellada dhexe midoobi karaan ama shabeelada dhexe iyo Jubbada dhexe middobi karaan haddii ay deris ahaan lahaayeen.

Qoraagu waxa uu aad u buun buuniyey muhiimadda uu bedku ama baaxadda gobol ama waddan uu leeyahay, bal aan tusaale kale u soo qaadanno waddanka Canada oo ah waddan Federal ah; Nunavut bedkeedu waa (1,877,787,62 km²) , dadka ku nool gobolkaasna waa 31,906 qofood, halka Ontario oo shacabkeedu yahay 12,851,821 ay ku fadhiso dhul bedkiisu yahay ( 908,607 km²) . Sidoo kale waxa dastuurka Canada u oggol yahay gobolka la yiraahdo Prince Edward Island (PEI) oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 140,000 oo qofood kuna fadhiya dhul baaxaddiisu tahay ( 5,685 km²) in ay gooni u taagnaato ahaatana (Province) ama maamul goboleed ka tirsan federalka Canada , waxna la qeybsato labadaas gobol oo kale oo aan sheegay ee Nunavut iyo Ontario, oo dad ahaan iyo dhul ahaanba aan isku dhaweyn.

http://en.wikipedia.org/wiki/List_of_Canadian_provinces_and_territories_by_population

Qoraaga waxa ka muuqata aqoon darro ku aadan mawduucaan uu falanqeeyey. Tusaale haddii aan soo qaato marka la rabo in xuduud la sameeyo ha noqoto mid maamul (administrative boundary) ama mid doorasho (electoral boundary) waa in tixgelin la siiyaa taariikhda dhulka , danaha ummadda meesha deggan (community interest) iyo xoogagga ummadda isku heyn kara ama kala daadin kara ( centrifugal forces and centripetal forces). Marka tixgelintii magaca gobolka iyo muhiimadda dadka ku nool gobolkaba wuu iska indha tirey.

Marka caga jugleyntaan la isku qasbaayo meel raac ama “koobka dacarta waa lama huraan” ma garanaayo meesha ay ka timid iyo cidda reer Hiiraan ku qasbaysa ama Mudug iyo Galguduud raac ama Shabeellada dhexe raac. Mustaqbalka gobolka waxa go’aan ka gaari karo dadka reer Hiiraan.

Gabagabadii, gobolka Hiiraan waa gobol isaga iyo dadkiisuba taariiq dheer ku dhex leh bulsho weynta Soomaaliyeed, waxa uu ku yaallaa meel muhiim ah, ilaahey waxa uu ku maneystey kheyraad isugu jira xoolo, beero, macaadiin iyo dad leh karti iyo aqoon.Tirada dadka ku noolna waxa dadka qaar ku qiyaasaan inay ka badan tahay 500,000 oo qof. Sidaa daraadeed Hiiraan uma baahna inuu gobol kale la midoobo.

Mohamed Isse Mudey, waxaad kala xiriiri kartaa mcmuudeey@gmail.com, Plymouth, Minnesota.