Qatar cusub oo midnimada dalka soo wajahday & 5 qodob oo lagu xalin karo

Nidaamka Federaalism-ka oo abuuray mishkilad hor leh islamarkaana qatar ku ah Midnimada dalka‏

Ka dib markii ay dhacday Dowladdii Dhexe ee Soomaaliyeed, Waxa uu Wadanku galay dagaalo sokeeye oo galaaftay nolosha Kumaanan Kun isla markaana ka barakiciyey guryahooda Malaayiin Soomaaliyeed,Kuwaas oo qaarkood ku rafaadsan dunida dacaladeeda gaar ahaan Xeryaha Qaxootiga.

Iskudayo dhowr ah oo la isku dayey in mar kale la isku keeno Siyaasiyiintii horboodeysey Beelaha ayaanan waxba ka soo bixin ilaa la qabtay dhowr iyo Toban Shir oo mid kasta lagu sheegay Shir dib u heshiisiin,ilaa laga soo gaaray 2000 halkaas lagu qabtay Shir dib u heshiisiin Qaran oo ay garwadeen ka ahayd Dowladda Jabuuti ee aan Walaalaha nahay.

Ka dib burburkii ku dhacay Dowladdii Dhexe ee dalku lahaa iyo dagaaladii sokeeye ee xigay, Waxa soo baxay dad Soomaali ah oo ku doodayo in Nidaamka kaliya ee isu keeeni kara dadka Soomaaliyeed ee is laayey uu yahay Nidaamka Federaalka oo kaliya, Waxa ayna dadkani ku doodayaan in ay dadka Soomaalidu kala aaminbaxeen ka dib dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Kooxdan Federaal doonka ah ayaanan wax badan ka fikirin Mustaqblka Umadda Soomaaliyeed, Waxa ayna wax walba ku qiimeeyeen Waqtiga la jooga iyo danaha Beelahooda,Waxa ayna tusaale u soo qaataan dalal wax badan ka duwan Soomaaliya iyo mishkiladdeeda.Maangaaybo iga dheh Iyaga iyo Ookiyaalayasha ay sitaanba.

Laakiin dhinaca kale waxaa jira dad badan oo Soomaaliyeed oo ku doodayo in ay dadka Soomaalidu yihiin Qoys qura ah oo wadaago Diin,Af iyo Dhaqan Sidaa daraadeedna aan loo baahneyn Nidaamka Federaalism-ka ah,Waxa ayna dadkani aaminsan yihiin maadaama dadka Soomaalidu ay cadaawadi kala dhaxeyso dalal ka haysta dhul iyo dad aan loo baahneyn Nidaam Federaal ah oo jilacsan.

Doodahan ayaa muddo ku dhex wareeganayey Mujtamaca Soomaaliyeed gudihiisa gaar ahaan dadka Siyaasiyiinta ah,Waxaana ugu danbeyn lagu kala baxay 2004,Halkaaso Siyaasiyintii burburiyey dalka ee ka qeyb galay Shirkii Embagati ay ku heshiiyeen in la dhiso Dowlad Federaal ah Iyadoo aan afti laga qaadan Shacabka Soomaaliyeed.

Kooxdan aaminsan Nidaamka Federaalism-ka aayaa waxaa daba ka riixayo dalal cadow ku ah dadka Soomaaliyeed,Waxa ayna dalalkaasi aaminsan yihiin in Nidaamka Federaalka uu daciifinayo awoodda Dowladd kasta oo uu dalku leeyahay maadaama ay awoodaha u kala qeybsan yihiin Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

Calaa kulixaal waa la qaatay Nidaamkii Federaalka inkasta oo uusan dhameystirneyn Sidoo kalena aan la aqoon nooca Federaal ee la qaatay maadaama Federaalism-ku uu noocyo badan yahay.Hadaba marka aad fiiriso xaalka uu dalka marayo iyo Maamul Goboleedyada iska soo daba dhacayo ee aad moodda Tusbax go’ay,Hadaba ma la oron kara Federaalism-ku waa Nidaamka ku haboon Soomaaliya?

Jawaabtu waa maya and maya sababtoo ah inta aan hadda ka aragnay Nidaamkan Federaalka ee lagu waashay waa nagu filan yahay,Waxaana oron karaa Nidaamkan kheyr ma keenin mana soo wado, Waxaana tusaale u ah waxa dalka ka jira.Bal arag Gobalka Galgaduud iyo Mudug Waxaa ka jira ilaa dhowr Maamul Goboleed oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka sida Puntland,Galmudug,Ximan iyo Xeeb,Central State iyo Suufi State hadana dhamaantood waxa ay sheeganayaan Maamul Goboleedyo, Fowda iga dheh.

Dhinaca Jubooyinka waxa is aruursaday Hal Beel oo xoog isbiday waxa ayna ku dhawaaqday Maamul Goboleed ku salaysan Qabiil Iyagoo waliba kaashanayo dowlado Shisheeye.Dhinacan Baydhabo waxaa looga dhawaaqay Maamul Goboleed ka kooban Lix Gobol oo ay Jubooyinka ku jiraan,Isla Baydhabo waxaa ka socda Shir lagu dhisayo Maamul ka kooban Sedex Gobol.

Dhinaca Shabeelooyinka iyo Banaadir waxaa ka soo socda ugu yaraan Labo ama Sedex Maamul Goboleed oo dhamaantood aan waafaqsaneyn Dastuurka dalka u yaallo.Hadaba Su’aasha meesha taalaa waxaa weeye Nidaamkan federaalism-ku ma xal buu keenay mise waxa uu abuuray Mishkilad hor leh ?

Jawaabu waa caddahay, Waxaana oron karnaa in uu abuuray Nidaamka Federaalism-ka ah Mishkilad hor leh taasoo keeni karta dagaalo sokeeye oo lagu hoobto hadaanan Maanta laga hortagin.Dhinaca kale Maamul Goboleedyadan lagu waashay ee ay dabada ka riixeyso Xabishida iyo kuwa la midka ah waxa uu qatar ku yahay Midnimada Wadanka hadaanan Maanta laga hortagin.

Hadaba hadaan aragnay fuulxumada uu leeyahay Nidaamkan Federaalism-ka iyo qataraha uu wato Mustaqbalka maxaa xal ah ?

Anigu waxa aan ku talin lahaa Anigoo fiirinayo Mustaqbalka Umadda Soomaaliyeed iyo isbadalada ka socda Caalamkan Saban Aakhirka jooga, in la iska daayo Federaalism iyo qurankiisa lana qaato Nidaamka Dowlad Dhexe,Maxaa yeelay waa midka kaliya ee ilaalin kara Maslaxadda Umadda Soomaaliyeed sidoo kalena abuuri kara dowlad Soomaaliyeed oo xoog leh.

Maadaama aan ku naalno goob Istiraatiijig ah, Sidoo kalena ay naga maqan yihiin dhul iyo dad waxa aan u baahannahay inaan wax badan ka fikirno si aan Mustaqbalka u shalaynin waa sida ay Aniga ila tahay. Waa inaan ka fikirnaa Jiilasha soo koroyo oo aan uga tagnaa dhaxal wanaagsan.

Hadaba waxaan soo jeedinayaa Talooyinkaan soo socda.

1-In la qaato Nidaamka Dowlad Dhexe si loo helo dowlad Soomaaliyeed oo xoog leh taasoo difaacdda danaha Umadda Soomaaliyeed.

2-In dalka loo sameeyo Madaxweyne iyo Madaxweyn ku-xigeen si looga badbaado khilaafkaad Siyaasadeed iyo loolan xagga awoodaha ah.

3-In Caasimadda loo wareejiyo Magaalo kale oo aan Muqdisho ahayn si meesha looga saaro tuhunka ay qabaan Beelaha qaar.

4-In la qoro Dastuur cusub oo ka turjumayo danaha dadka Soomaaliyeed sidoo kale aan ka hor imaaneynin Diinta iyo Dhaqanka Umadda Soomaaliyeed.

5-Waa in loo maraa dhamaan Khilaafaadka u dhaxeeyo dadka Soomaalida wadahadal iyo dib-uheshiisiin si uusan u daadan dhiig danbe.

W/Q:Abdullahi Ibrahim Cumar
Abdull2006@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com. Mahadsanid