Dhulka Somalia oo ay suurta gal tahay in loola wareego baasaboor dartiis

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Waa maxay saamaynta Crimea ee Ruushku ku yeelan karto Siyaasadda Geeska Afrika?

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dhul lagu qiyaaso 400,000 mayl oo wareeg ah ee Geeska Afrika ayaa maanta u kala qaybsan dhawr qaybood iyagoo horena u ahaa shan qaybood, haddana laga yaabo in qaybtu intaas ka badato. Sida ku cad taariikhda Soomaaliyeed ee Geeska Afrika, laga soo bilaabo qarnigii 19aad ayaa ummadda Soomaaliyeed waxay guumaystayaashii reer Yurub u qaybiyeen shan qaybood oo kala ahaa: Jabuuti (French Somaliland), Waqooyi Galbeed Soomaaliya (British Somaliland), Koonfur Soomaaliya (Italian Somaliland), Waqooyi Bari Kenya (Northern Frontier District – NFD) iyo Soomaali Galbeed (Kililka Shanaad ee Ioobiyada maanta).

Haddaba qarnigii 20aad Soomaalidu waxay ku midaysnayd meel kasta oo ay joogeen sidii ay ugu midoobi lahaayeen hal waddan, taasoo ay u samayteen calanka buluugga ah ee xiddigta shanta gees lihi ku dhextaal. Ujeedada xiddigtuna waa shanta qaybood ee sare. Nasiib wanaag labada qaybood ee Waqooyi iyo Koonfur (British and Italian Somaliland) waxay ku guulaysteen inay bilow fiican u noqdaan midowgaas. Hase yeeshee, muddo 30 sano ah kaddib (1960-1990) midowgaas ma sii hana qaadin sababo badan dartood. In kasta oo dadka Soomaaliyeed aanan weli afti guud laga qaadin oo ku saabsan sida ay u arkaan inay weli mid sii ahaadaan, haddana waxaa muuqata in qaybo ka mid ah Waqooyiga Soomaaliya, ee loo yiqiinay waqtigii guumaysiga British Somaliland, ay doonayaan inay ka go’aan Jamhuuriyadda Soomaaliya (Somali Republic). Arrintani waxay dhabarjab wayn ku tahay riyadii uu ka tarjumayay calanka buluugga ah iyo xiddigtiisa.

Sida lala wada socdaba baryahan dambe waxaa aad u socota arrin khatar badan leh oo ku saabsan in ummadda Soomaaliyeed ee Geeska Afrika loogu qaybiyo si xawli ah baasaboorada Itoobiya iyo Kenya. Waxaa lagu qiyaasaa dadka Soomaaliyeed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ee haysta baasaboorrada labadan waddan inay gaarayaan dhawr malyan oo qof. In kasta oo xawliga arrintani wax yar joogsatay ilaa markii dib loo bilaabay qaadashada baasaboorka Soomaaliyeed ee ay bixiso Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed ee hadda magac ahaan u jirta lana mid ah qof ICU (Intensive Care Unit – Qaybta Daryeelka Degdega ah ee Cisbitaalka) ku jira ayna ku rakiban yihiin tuubooyin nafta lagu badbaadinayo, iyadoo markii laga saaro tuubooyinkaas naftu ka bixi karto markiiba. Dawladdan Soomaaliyeed waxaa gacanta ku haya isla markaana daryeelaya Ciidamada AMISOM ee Afrika ka socda iyadoo dhaqaalahana ay bixinayaan Caalamka guud ahaantiis. Hase yeeshee, waxaa meesha ka maqan calaamadihii sii jiritaanka awoodaysiga Dawladda Soomaaliyeed keeni lahaa sida in la helo dib-u-heshiisiin Soomaaliyeed iyo Ciidan Qaran oo isku-dhaf ah isla markaana hufnaan iyo la xisaabtan leh ayna u dhammaystiran yihiin dhammaan qalabkii ay ku gudan lahaayeen waajibaadkooda, iyo helitaanka xuquuqdooda ciidan ahaan.

Crimea Syndrome – Waxaa lala wada socdaa in bishan Maarso 2014 uu Ruushku si fudud ula wareegay qaybo ka mid ahaa dalka Ukrayn (Ukraine) iyadoo uu sabab uga dhigay in dalkaas ay ku nool yihiin dad haysta dhalashada Ruushka, sidaas darteedna ay waajib ku tahay difaacidda dadkaas iyo inay xaq u leeyihiin u codaynta halka ay raacayaan. Taasoo keentay inay yiraahdaan waxaan ku darsanay Ruushka, isagoo u maray ku darsashada dhulkaas baasaboor Ruush ah inay haystaan darteed. Arrintani waxay keeni kartaa inay waddamo badan ku daydaan oo yiraahdaan dadka baasaboorkayaga haysta ee halkaas ku nool annaga ayay naga tirsan yihiin dhul ahaan. Waxaa aad cabsi looga qabi karaa in waddamada Kenya iyo Itoobiya ay isticmaalaan qaabkaas oo kale, maadaama dad badan oo Soomaalida Jamhuuriyaddu haystaan dhalashadooda, ayna maanta labadan waddan awood ahaan ka taliyaan dhul badan oo Soomaaliyeed iyagoo ku jooga magaca AMISOM. Haddaba marka la eego taariikhda Soomaalida Geeska Afrika iyo waddamada Kenya iyo Itoobiya waxaa aad u suurtogal ah macquulnimada in siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan labadan waddan ay u ololayn karaan fikraddan.

Maqaalkani ujeeddadiisu waa iftiiminta saamaynta arrinta Crimea ee Ruushku ku yeelan karto Siyaasadda Geeska Afrika iyo Afrikaba guud ahaan. Waxaase laga doonayaa waxgaradka Soomaaliyeed ee Geeska Afrika inay ilaaliyaan sharafta Ummadnimo iyo dhaxalkii awoowayaashood, lana saxo khaladaadkii leexiyay Midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

By: Abdiweli Hassan (abdihass55@hotmail.com)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com. Mahadsanid