SHEEKH SHIBLI oo qoray qormo cajiib ah: Dabin MUSLIM mise Dar MUSLIM

Nairobi:-Waa maqaalkaan kooban oo uu qoray Sheeh Maxamuud Maxamed Shibli wuxuuna maqaalku xanbaarsan yahay faa’iido badan isagoo taabanaya dhinacyo kale duwan , Qoraalkaan ayaa Sheekh. Maxamuud Maxamed Shibli waxaa uu ugu magacdaray Dabin Muslim Mise Dar Muslim hoos ka akhriso Maqaalka oo dhamaystiran

Dabin Muslim Mise Dar Muslim

Allaah ayaa mahad dhamaanteed iska leh, N.N. ha ahaato Nabeeganna scw korkiisa, Intaas ka dib. Dadku waa laba qeybood marka laga eego daacadnimada iyo dibindaabada, waxayna kala yihiin:-

1) Dabin Muslim Iyo:

2) Dar Muslim.

Dabin Muslim: Waa qof ka shaqeeya shirqoolka & lugooyada muslimka asaga oo adeegsanaya xeelado kala duwan oo hadba waji cusub leh, sida badanna aan dadku si fudu ku garan karin.

Dar Muslim: Waa qof waxa uu samaynayo daacad ka ah, qaladkii ka dhacana aan dhibaato Muslim ula jeedin sida badan, waana laba nooc dadkaasi

1. Dhug qabe: Waa qof fiira leh, waxa dhacayana dhugan kara hadba heer ay noqotaba, qofka noocaas ah ma badna in waqti dheer la siro, ama lagu fuliyo mardabo wayn oo uusan garanayn, Muslimka sidaas ahna waa midka aan god laba jeer laga wada qaniinin.

2. Damane: Waa qof daacad ah laakiin damiin ka ah dagitaanka, mana qaado dareen dhow ilaa uu gaadho meel fog, waxaa dhici karta in la adeegsado dadkana lagu dago hadii uu sidaas u damanyahay.

Xasuus Taariikheed:-

Waxaa soo maray taariikhdii hore ee Muslimiinta rag samayn jiray axaadiis been abuur ah oo lahaa dano kala duwan, kuwaas oo ahaa Dabin Muslim, waxaana kamid ahaa dadkii loo adeegsaday fidinta iyo gudbinta axaadiistaas dad Dar Muslim ah oo loogu soo gabaday diinta fidinteeda kana damanaa dibindaabadaas.

Waxay ahaayeen dad cibaado badan oo dadka Muslimka ah u hayaan kalsooni, ayaguna maanay filaynin in qof Muslim ah been sheegayo, iskaba dhaaf in uu ka been sheego Nabi Muxammed scw.

Waxay Culimadii Muslimku garteen dhagarta ay sameeyeen kooxda Dabin Muslim, waxayna si aad ah uga digeen in lagu kadsoomo dadkaas daacadda ah oo laga dhagaysto axaadiista ay sheegayaan, maadaama ay ka daman yihiin xeeladaha kooxda Dabin Muslim, Waxaadna ka helaysaa qeyb kamid ah waxii ay culimadu ka dhaheen dadkaas hordhaca Saxiixu Muslim.

Imaamu Abu Al-Zinaad ayaa yidhi:” Waxaan Madiina Ku soo gaadhau boqol dhamaantood dintooda lagu aamino, hase yeeshee aan xadiis laga qaadanin, waxaa la yidhi: dadkiisii ma ahan “.” أَدْرَكْتُ بِالْمَدِينَةِ مِائَةً، كُلُّهُمْ مَأْمُونٌ، مَا يُؤْخَذُ عَنْهُمُ الْحَدِيثُ، يُقَالُ: لَيْسَ مِنْ أَهْلِهِ ” مقدمة صحيح مسلم.

– Waxaa kale oo taariikhdii hore ee Muslimiinta soo maray Mukhtaar Bin Abii Cubayd Al-Thaqafi oo astaan dagaal ka dhigtay in loo aargudo Imaam Xuseen Bin Cali Bin Abii Daalib, oo ay si dulmi ah ku dileen dawladii reer Banii Umaya.

Waxaa raacay dad badan oo ka cadhaysnaa dilka Imaamkaas wayn, waxayna moodeen in Mukhtaar yahay Dar Muslim, laakiin ku hongoobay markii danbe oo ogaaday in uu yahay Dabin Muslim, oo aan diin wadin ee dhagar qabe ah.

Waxaa kamid ahayd xeeladihii uu isticmaalay in uu adeegsaday damane khayr doon ah ( Dar Muslim ), dadkana ku maamulay si wanaagsan markii hore, laakiin wuxuu dib kala soo baxay wax aan la filayn. Waxaa dib ka soo baxday in uu sheegtay Mukhtaar Al-Thaqafi in uu yahay Mahdi-gii Nabigu scw ku bishaareeyay, waxayna arrintaas dhacday markii uu is yidhi waxaad haysataa dad ku aaminsan oo kaa dhagaysanaya.

Waxaa xigtay waqti kadib in uu sheegtay Nabinimo oo yidhi waxaa igu soo daga waxyi, taas oo ahayd halkii uu u socday laakiin wuxuu u soo maray dariiq dheer. Waxaad halkaas ka garatay in dadku ay saarnaayeen gaadiid aanay aqoon darawalka kaxaynaya iyo meesha dhabta ah ee loo socday, oo ay ka sacbinayeen ama takbiirta ka qaadayeen daaqadaha ayaga oo dagan, dan aanay aqoonna u durbaan tumayeen.

Waxaan garwaaqsanay:

Waxaan ku soo gunaanadayaa qoraalkan kooban in ay jiraan dhacdooyin badan oo sidaas oo kale ah, waxaana dhihi lahaa aqristaha qormadan, waa in aad garwaaqsataa:-

1. Dadku ma wada gartaan dhagar qabaha is qarinaya ( Dabin Muslim ) ee dad kooban ayaa inta ay dhuuxaan nuxurkiisa, taariikhdana dheehdaan kas oo dhalaaliya waxa uu yahay dhib wadaha cusub.

2. Aqoonta taariikhda iyo dhuuxitaanka waayaha dadku ma wada gaadhaan, ee inba Allaah ugu deeqaa, ayagaana Allaah wax ku badbaadiyaa marar badan.

3. Dhagar qabaha ( Dabin Muslim ) doonaya in uu dadka dago wuxuu adeegsan karaa damane daacad ah ( Dar Muslim), wuxuuna ku suuq geeyaa badeecad aan gadanteen.

4. Muslimka laba jeer god lagama qaniino, ninkii shalay dagay ee diin, dal, duunyo iyo dadba halaagay ma fiicna in aad damiin inta noqoto, maalinba midab kuu yeesho.

5. Dadka waxaa ugu daran marka lagu dago magac diineed, waxayna keentaa in laga dido diinta iyo inta daacada ka ah ee aan Dabin Muslim ahayn.

6. Dhagar qabaha u socda danaha gaarka ah ( Dabin Muslim ) isma muujiyo marka hore ee wuxuu dadka u sheegaa waxa ay rabaan, wuxuuna u dhaqmaa sida ay doonayaan, inta uu ka gaadhayo heerkii uu rabay.

Intaan qorma kale ku kulmi doono, waxaan idiin rajaynayaa khayr iyo liibaan labada daaroodba ah.

W/Q: Sh. Maxamuud maxamed Shibli