28.7 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Sawirro: AUN Cali Hiiraan oo la aasay

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu aasay allaha ha u na xariistee Cali Xasan Aadan (Cali Hiiraan) oo ka mid ahaa jilayaasha ugu caansan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa saakay aroortii wuxuu ku geeriyooday Isbitaalka Madiina halkaasoo uu maalmahan uu ku xanuunsanayay.

Aaskiisa waxaa ka qaybgalay dad u badan wariyaal iyo dadweyne kale, waxaana lagu aasay qabuuraha Barakaat ee duleedka Muqdisho.

Marxuumka ayaa ifka uga tagay afar carruur ah oo uu dhalay

Wuxuu la soo shaqeeyay Idaacado fara badan oo ku yaalla caasimada sidoo kale wuxuu la shaqeeyay Talafishanada af Soomaaliga ku hadla.

Marxuum Cali Hiiraan ayaa in u dhintay xanuun in muddo hayay, kaasoo markii dambe uu u galay Isbitaal.

Dhammaan maamulka iyo shaqaalaha Shabaladda Caasimada Online waxa ay tacsi u dirayaan dadkii uu ka baxay marxuumka.

Bidix Marshaale AUN iyo Cali Hiiraan oo maanta geeriyooday
Bidix Marshaale AUN iyo Cali Hiiraan oo maanta geeriyooday

 

1521707_10152260771759339_268603350_n

10003279_10152260771574339_1944617953_n

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

VIDEO: Dhacd xanun badan Hooyo Soomaaliyeed ku qabsatay Sacuudiga

Hooyo Soomaliyeed oo Lagu Magacaabo Sahro Maxmed Salaad ayaa kasoo Degtay Garoonka Diyaarada ee Aadan Adde Airport ee Magaalada Muqdisho, Kadib markii Tacadi, Iyo Tarxiil ay Isugu soo Dareen Ciidamada dalka Sacuudi-ga.

Waxay ka hadhashay Hooyo Sahro Qiso xanuun Badan, Dhibkii loo gaystay, uyadoo Uur-leh oo guriga laga soo saaray, halka ay ku dhashay Cunuga Seddexaad & sidii loola dhaqmay markaasi.

Ugu danbaynta ayaa waxay ka hadashay soomaali si arxan daran loogu diley hortooda markii ay usoo gurmadeen, waxayna daaha ka rogtay waxyaabo badan oo wax laga waydiiyey.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Japan oo lacago Malaayin dollar ugu deeqday Somalia kaddib markii…..

Tokyo (Caasimada Online)-Wakaalada wararka dalka Japan, ayaa maanta oo Jimco ah qortay in dowladda Japan ay 40-Milyan oo dollarka Maraykanka ugu deeqday dedaalada lagu horrumarinaayo Soomaaliya.

Lacagtan ayaa looga dhawaaqay kulan madaxweynaha Soomaaliya uu kula qaatay Caasimada Tokyo ra’iisal wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe Khamiistii.

“Dowladda Japan waxay diyaar la tahay mashaariic ay ka faa’iideysan doonaan shacabka Soomaaliyeed sida gargaarka beni’adamnimadda, caafimaadka,tayeynta ciidamada boliiska iyo shaqo abuuris loo sameynayo dhalinyaradda iyo dumarka Soomaaliyeed” ayuu yiri Mr. Abe.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo ra'iisal wasaaraha Japan Japan Shinzo Abe
Madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisal wasaaraha Japan Japan Shinzo Abe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay hadda ku sugan magaalada Tokyo ayaa uga mahad celiyey dowladda Japan sidda ay markasta u la garab-taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Japan ayaa safka horre ka gashay waddamada doonaya in ay kaalmeeyaan Soomaaliya oo muddo ka badan 20-sanno ku jirtay dagaallo wajiyo badan lahaa oo dad iyo duuny meertay halka kuwa kalena oo dadkaas ah dalka ka hayaameen oo ay maciin bideen waddamo fogfog.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Tokyo

[email protected]

Axmed Nuur Cali Jimcale & shirkaddii Barakaat oo xayiraddii laga qaaday

New York (Caasimada Online)- Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xayiraadii saarneyd ka qaaday gudoomiyihii shirkaddii Barakaat Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale.

Xayiraadda dhanka safarka iyo hantidiisa ayaa waxay saarneyd ganacsade Ahmed Nuur Muddo 13 sano ah kaddib markii lala xiriiriyay in gacan saar u la leeyahay ururro Islaami ah oo xag jir ah oo Soomaaliya ka dagaallamo.

Isagoo la hadlaayay Idaacadda BBC-da ayuu Sheekh Axmed Nur Cali Jimcaale,wuxuu usheegay in uu aad ugu faraxsan yahay xayiraadii laga qaaday.

Mar la weydiiyay dareenkiisa sidda uu yahay, wuxuu xusay in dareenkiisa uu la mid yahay qof xabsi ku jiray oo laga sii daayay ama qof hantidiisa iyo maalikiisa la xayiray oo laga sii daayay.

Wuxuu sheegay muddadii ay saarneed xayiraada in ay soo wajahday shirkadiisa Barakaad dhibaatooyin fara badan oo xittaa dad badan ay hanti ugu xayirtay.

Wuxuu Sheekh Axmed Jimcaale sheegay in uu aad ugu mahad celinaayo dadkii ka shaqeeyay in xayiraada laga qaado isaga iyo shirkadiisa.

Wuxuu kaloo caddeeyay in dadkii hantida ay uga luntay xayiraada la saaray shirkadiisa in ay dib u heli doonaan sidda caaddiga ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Xog: Qadar iyo DFS oo isku dhacay iyo dhaqaalihi la siin jiray DF oo la hakiyey

Dubai (Caasimada Online) – Iyadoo ay sii kordhayso Xiisadda u dhexeeysa Dowladaha Carbeed ee isku maan-dhaafsan Siyaasadda la xiriira Ururka Akhwaanul-muslimiinka Masar, ayaa waxaa la dareemayaa inay Dowladda Somalia la kulmayso Takoor ka dhan ah.

Ilo Diplomaasiyadeed ayaa xaqiijinaya inay Dowladda Qatar oo ka mid ahayd Dowladaha taageeradda ugu badan siin jirtey Dowladda Somalia inay haatan saluug xooggan ka qabto inay Dowladda Somalia qeyb ka tahay dagaalka Siyaasadeed ee Dowladaha Imaaraadka Carbta, Sacuudiga iyo Baxrayn kula jiraan Dowladda Qatar oo lagu dhaliilayo sida xad-dhaafka ah ee ay Dowladda Qatar iyo Waraabhinteeda u taageeraan Kooxda Akhwaanul-muslimiinka ee Kacdoonka iyo Dibadbaxyadda ka wada dalka Masar.

Diplomaasi ka mid ah Diplomaasiyiinta u dhuun-duleela arrimahaasi, ayaa sheegay in Dowladdaha Carbeed ee uu ka dhexeeyo dagaalka siyaasadda inay u arkaan Dowladda Somalia mid u janjeerta dhinaca Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Booqashadii uu Ra’isul-wasare C/weli Sheekh Axmed dhawaan ku tegay dalka Imaaraadka Carabta ayaa abuuray Xasaasiyad, iyadoo Dowladda Qatar u aragtay inay Dowladda Somalia jaal la noqotay Dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga oo iyagu dagaal diplomaasiyadeed kula jirta Siyaasadda Dowladda Qatar.

Ilaha Diplomasiyadda ayaa tilmaamay inay Dowladda Qatar hakisay Kaalmooyinkii Dhaqaalaha ee ay Dowladda Federalka siin jirtey, waxaana suurto-galay inay Dowladda Qatar albaabadda ka laabato Somalia.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayey Dowladaha Imaaraadka Carabta, Sacuudiga iyo Baxrayn waxay Safaaradahooda kala baxeen dalka Qatar, iyadoo taasi ay sababtay inay Dowladaha ku jira Ururka Jaamacadda Carabta u kala qeybsamaan kuwa taageersan Siyaasadda Sacuudiga,Imaaraadka iyo Baxrayn iyo kuwo u janjeera Siyaadda Qatar.

Caasimada Online
Xafiiska Dubai
[email protected]

Qorshaha MUUNGAAB oo laga digay in uu dhaqan cusub kusoo furi karo DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Magaalada Muqdisho iyo Guddoomiyaha cusub ee Banaadir Janaraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa soo jeediyay in dhammaan hay’adaha ammaanka ee gobolka la hoos keeno taladiisa, haseyeeshee khubarada millatariga ayaa leh tallaabada caynkaa ah waxay carqalad ku noqon kartaa, halkii ay ka hagaajin laheeyd, xaaladda ammaanka.

Markii uu Muungaab hoggaanka kala wareegay Maxamuud Axmed Nuur Tarsan 4-tii March, waxa uu sheegay in mudnaanta koowaad uu siin doono sidii uu kor ugu qaadi lahaa ammaanka magaalada, si taa loo sameeyana, waxa uu soo jeediyay in taliyaha booliska gobolka uu isaga si toos ah u hoos yimaado.

“Waxan doonayaa in aan idiin sheego in [hay’adaha ammaanka] ay tahay in ay si toos ah u hoos yimaadaan guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho,” ayuu Muungaab ka yiri hadal uu ka jeedinayay markii uu xafiiska la wareegayay. “Waa inay si toos ah u hoos yimaadaan, waana inuu amarrada maalinlaha ah siiyaa, inuu siiyo gunnadooda uuna la xisaabtamo.”

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in haddii wax “caqabad” ah la hor dhigo dhaqan-galinta qorshihiisa cusub ee ammaanka uunan wax mas’uuliyad ah ku lahaan doonin xaaladda ammaanka ee gobolka. Saraakiisha ammaanka iyo sirdoonka gobolka ayaan si rasmi ah uga hadlin qorshaha guddoomiyaha.

Si kastaba ha ahaatee, qaddiyaddu waxay tahay sida loo dhaqan-galin karo la wareegiddaas talada iyada oo aan wax laga baddalin hoggaanka taliska ciidanka.

Xilligan bilayska Muqdisho waxa ay ka tala-qaataan taliyaha bilayska gobolka, oo isagana hoos yimaada taliyaha bilayska qaranka, halka adeegga sirdoonka Banaadir ay hoos yimaadaan hay’adda nabad-sugidda qaranka Soomaaliya, oo ah Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka (NSA).

“Waa wax cusub in dhammaan hay’adaha ammaanka ee ka howlgala Muqdisho la hoos keeno awoodda guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir,” ayuu yiri Janaraal Maxamed Nuur Galaal, oo ahaan jiray wasiir ku-xigeenkii wasaaradda difaaca ee maamulkii Maxamed Siyaad Barre.

“Iskaashi ayaa ka dhex jira oo askarta NSA iyo bilayska gobolku way wadashaqeeyaan, iyaga oo labaduba mas’uul ka yihiin ammaanka gobolka. Laakiin mid waliba waxay leedahay [hoggaankeeda talis ee u gaarka ah],” ayuu sheegay, isaga oo intaa ku daray in qorshaha Muungaab uu gabi ahaanba jabinayo qaab-dhismeedkii soo jireenka ahaa ee ammaanka.

Galaal waxa uu sheegay in haddii guddoomiyaha cusub la siiyo awoodda uu ku maamuli karo dhammaan hay’adaha ammaanka ee Muqdisho, ay khasab tahay in dib loogu noqdo qaab-dhismeedka hay’adaha ka shaqeeya magaalada caasimadda ah sifo ay iskula-jaanqaadaan isla mar ahaantaana la isku dhafo talisyo kala duwan.

Dhammaan hay’adaha ammaan ee ka shaqeeya gobol u weyn una ballaaran sida Banaadir ma hoggaamin karo hal qof, ayuu sheegay Galaal.

Tallaabada Muungaab waxa ay horseedi kartaa dhaqan cusub

Daahir Timocadde oo ah korneeyl howlgab ah, kana tirsanaan jiray Ciidanka Soomaaliya xilligii maamulkii Barre, ayaa sheegay in haddii taliska dhismeed ee bilayska iyo nabad-sugidda gobolka Banaadir la hoos geeyo Muungaab, ay dhalin karto in guddoomiyaha gobol walba uu dalbado sidaa oo kale.

“Ma rumeeysni in guddoomiyaha cusub la siiyo awooddaas,” ayuu yiri.

“Hay’adaha ammaanku waa in ay madax-bannaanaadaan si ay u gutaan shaqadooda si markaa uunan dalku ugu dhicin fowdo isla markaana guddomiye gobol ee walba u oran, ‘Hay’adaha ammaanku waa in ay hoos yimaadaan awooddeeyda,'” ayuu yiri. “Waxa jira haya’do dhisan oo u xilsaaran arrimaha ammaanka. Marka, waa in hay’adahaasi lagala xisaabtamaa wax walba oo khuseeya ammaanka waana in loo madax-bannaaneeyaa shaqadooda, isla markaana ay sii bilaan wax walba oo wadashaqeeyntooda ah.”

Timocadde waxa uu sheegay in si loo hagaajiyo ammaanka, ay khasab tahay in dib-u-habeeyn lagu sameeyo hay’adaha ammaanka ee gobolka Banaadir.

“Waxay ila tahay in ay ka wanaagsanaan lahayd in gabi ahaanba la eryo oo la baddalo hoggaanka bilayska iyo adeegyada sirdoonka ee gobolka Banaadir isla markaana la hubiyo in uu jiro isla xisaabtan dhab ah,” ayuu yiri.

Timocadde ayaa ku ammaanay Tarsan in uu guulo waaweeyn ka gaaray ammaanka Muqisho iyo arrimaha bulshada.

“Saddex sano ka hor, caasimadda uma qurux badneeyn sida ay hadda tahay, gaar ahaan laamiyada oo hadda dib loo dhisay oo lagu rakibay nalalka ku shaqeeya soollarka,” ayuu sheegay. “Sidaa darteed, waxan kula talin lahaa guddoomiyaha cusub in uu ku daydo guddoomiyihii ka horreeyay, oo aanan wali fahmi karin sababta xilka looga qaaday iyada oo aan wax eedeeyn ah loo soo jeedin.”

Dhiniciisa, ayuu afhayeenka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in hay’adaha ammaanka la hoos keeno guddoomiyaha gobolka.

Hay’adaha ammaanka ee gobolka Banaadir waxa ay ka amar qaataan bilayska qaranka iyo NSA-da labadaba, ayuu sheegay.

“Ammaanka aad ayuu u hagaagi lahaa haddii laamaha ammaanka la hoos keeno oo ay ka amar qaataan [hal talis] oo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir,” ayuu Cismaan yiri. Taliska cusub ee loo soo jeediyay ammaanka gobolka waxa uu sidoo kale isku darayaa adeegga sirdoonka gobolka iyo guddoomiiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, ayuu sheegay.

Sida ku cad qorshaha cusub ee Muungaab, degmo walba oo ku taal Muqdisho waxay lahaan doontaa talis degmo oo dhinaca ammaanka ah, kaas oo ay ku jiri doonaan taliyaha bilayska degmada iyo guddoomiyaha maxkamadda degmada.

“Waa sidan qaabka aan ku dooneeyno in aan ku sugno ammaanka magaalada, kaasoo askarta bilayska u oggolaan doona in ay qabtaan howlgallo ammaan oo joogto ah oo laga fuliyo xaafadaha degmada, si ka duwan sida hadda xaal yahay oo ay kaliya howlgallo waaweeyn ka fulin karaan isgooysyada laamiyada Muqdisho,” ayuu yiri Cismaan.

Wareegto ka soo baxday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Arbacadii (12-kii March), ayuu ku sii dhameeystiray dib isugu shaandheeyntii uu ku sameeyay madaxda sare ee maamulka gobolka isaga oo magacaabay afar mas’uul oo kale.

Kamaaludiin Daahir Xasan ayaa loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka gobolka ee siyaasadda iyo arrimaha diblomaasiyadda, Ismaaciil Cabdi Guure guddomiye ku-xigeenka gobolka ee arrimaha maamulka iyo maaliyadda, Iimaan Nuur Iikar guddoomiye ku-xigeenka gobolka ee arrimaha bulshada iyo Maxamed Sheekh Cilmi Maxamuud Amiin oo noqonaya Xoghayaha Guud ee maamulka Gobolka Banaadir.

Cali Maxamed Guure, guddoomiye ku-xigeenkii hore ee siyaasadda iyo arrimaha bulshada, Warsame Maxamed Xasan, guddoomiye ku-xigeenkii hore ee arrimaha ammaanka, iyo Cabdikaafi Hiloowle, xoghayihii guud ee hore ee maamulka gobolka, ayaa laga qaaday xafiisyadooda.

Isha: Sabahi Online

Arag Sawirrada: Bilicda MUQDISHO ee maalin iyo habeen-ba ka bidhaameysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Muuqaalka Habeenkii ee magaalada Muqdisho, ayaa muuqanaya mid in badan ka duwan 20kii sano ee lasoo dhaafay.

Bilicda magaalada ayaa hada ah mid dib usoo laabaneysa, waxaana markaad si guud dusha uga eegto muuqaalka magaalada Xiliyada Habeenkii waxaad arkeysaa bilicda Nalalka.

Sidoo kale waxaa magaalada kusoo badanaya Goobaha lagu caweeyo, kuwaasoo ay shacabka ku nastaan kuna tamashleeyaan ilaa saqda dhexe ee Habeenkii.

10013922_731252323562058_74198340_n (1)xamar-habeen-1xamar-1xamar-2

Arag Sawirro: C/weli Gaas oo booqday goobo muhiim ah oo ku yaalla Jabuuti

Djibouti (Caasimada Online)-Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas oo maalmahan ku sugnaa isaga iyo wafdi ka socda maamulka Puntland ayaa maanta booqday dhismayaal badan oo caalami ah kuna yaalla dalka Djibouti , waxaana dhismayaashaas gacanta ku haya Shirkado Chines ah .

Goobaha uu Madaxweyne Gaas booqday waxaa ka mid ah wadada tareenka Djiouti taasi oo isku xirta dalalka Djibouti, Ethiopia iyo wadamo kaloo Africa ka mid ah.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland oo beryihii danbe safar shaqo ah ku jooga Djibouti waxaa magaalada Carta ee dalkaasi maanta casumaad qado sharaf ah ugu sameeyey masuuiyiinta sare ee rugta ganacsiga Djibouti.

Booqashada Madaxweyne Gaas uu ku joogo Djibouti waxaa ay qaadatay mudo maalmo ah, waxaana wafdigu ay dib ugu soo laaban doonaan caasimadda Puntland ee Garowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa maanta booqday dhismayaal badan oo caalami ah kuna yaalla dalka Djibouti , waxaana dhismayaashaas gacanta ku haya Shirkado Chines ah .

Goobaha uu Madaxweyne Gaas booqday waxaa ka mid ah wadada tareenka Djiouti taasi oo isku xirta dalalka Djibouti, Ethiopia iyo wadamo kaloo Africa ka mid ah.

11

Wafdiga Madaxweynaha Puntland oo beryihii danbe safar shaqo ah ku jooga Djibouti waxaa magaalada Carta ee dalkaasi maanta casumaad qado sharaf ah ugu sameeyey masuuiyiinta sare ee rugta ganacsiga Djibouti.

Booqashada Madaxweyne Gaas uu ku joogo Djibouti waxaa ay qaadatay mudo maalmo ah, waxaana wafdigu ay dib ugu soo laaban doonaan caasimadda Puntland ee Garowe.

12

13

gas7

gas3

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

KEEROOW 50 (Konton) sano ha-gaaro

(Let keeroow be 50 years old)

Dadka Somaaliyeed meel-walboo ay joogaan  waxay is wey diiyaan Su’aasha ah goormee ayuu  Dalkeenu   uu Nabad  noqonayaa???

Jawaabo kala duwan ayaa laga bixiyay Su’aashaasi, waa Qofba garashadiisa iyo aqoontiisa inta ay la egtahay.

Qolooyin baa qabo in ay nabadu ay soo dhaw dahay, waxayna hadalkooda daliil  uga dhigayaan arimahan hoose.

Koow  in ay Dadku fahmeen micnaha Qabiilka,iyo ujoodooyinkiisa gurracan.

Labo  in  siyaasada Dalka ay ugudubtay qaab Axsaabaysi ah, ayna  ka gudubtay qaabkii Qabiilka ku dhisnaa, xaaladuna  ay meel wanaagsan  ay marayso.Qolooyinka fikirkaa aaminsan waxaa loo yaqaanaa YAKUN KHEYR( kheyr bay ahaanaysaa)

Qolooyin kale baa iyagana qaba in xaalku uu joogo meel hoose, laakiin  haddii arrimaha  qaar la saxo, ay rajo wanaagsan  ay  iman-karto.  Qolooyinka Fikirka noocaani ahi qaba iyagana waxaa loo yaqaanaa Not Too Bad (ma wada xuma)

Qolooyin kale ayaa iyagana qaba fikir ah  in Somaaliya ay ubaahan tahay ugu yaraan 10 Sano  oo kale si ay caalamka  ula jaan qaado.Qolooyinkaan waxaa loo yaqaanaa (Nothing stays the same) (wax waligooda sidooda ahaanayo majiraan)

Qolooyin kale ayaa qabo in marka lagaaro Codeeyn xor ah Nin & codkiisa (One man & one vote)  in  Somaaliya  ay noqonayso waddan  israaco   oo  wanaagsan   Sanadku markuu noqdo  2020.Qolooyinkaan waxaa loo yaqaanaa Good news (Aqbaar wanaagsan)

Qolooyin fikir kaa ka duwan qabo ayaa jira, iyagoo hadalkooda cuskinaya arrimo muhiim ah,si gaar ahna farta ugu fiiqayo waxa jira hadda iyo wixii lasoo dhaafay, xaalka Somaaliya in uusan dhaweyn  uuna yahay mid  Ceel dheer ku dhacay, Qolooyinkan waxaa loo yaqaanaa Group of Truth (kooxda Runta) waxayna daliil ka dhiganayaan qodobadan hoose.

1- Somaliya kooxaha isaga soo horjeedo waa Dulmi  Vs  Dulmi, Dagaalada iyo is riix-riixa mudada dheer socdayna waxa uu u dhaxeeyaa kooxo si qalad ah isaga soo wada  horjeeday oo kaliya, majirto Qolo xaq  leh oo xaqqeeda raadsanayso waa Qolooyin si dulmi ah isaga soo wada horjeeday.

2- Weli waxaa lagu jiraa Dhul boobkii iyo isbarakicintii lagu hayay umadda looma ooyaanka deegaanadooda,  Qaybo kamid ah dhulkooda Qalin ayaa lagu boobay, Qaarna Qori ayaa lagu boobay, Qaarna farsamooyin kale ayaa lagu boobay oo yaab leh, sida Guur farsamo ah  oo ay guursadaan Gab-dhaha Degan Gobolada Barwaaqada ah, Qolooyinkan Dhul-boobka  ah waxay Dadkooda   usoo jeediyeen talo ah in laguursado Gab-dhahaasi barwaaqaysan si ay ugu milmaan  una dhaxlaan deegaanadan barwaaqada ah.

Gab-dhaha lagu balammay in laguursado Magacyadooda waa sidan Maano, Hadiijooy, Ruqiyoow, Batuulaay, Faadnaay, Fanaay kuuso, iisho, Caashoow, Kheerto, Binti, Nimcooy, Shariifo, Gaabo, Soonto, Xaaweey, IWM.

Haddii uu wiil udhashana in loo bixiyo magacyadan midkood  Keeroow, Eenoow, Aliyoow, Abdoow, Mustafoow, Xuseenoow, Abroone, Munye, Buube, Ibraahinoow, sababtuna waa qiyaanooyin kale ee la doonayo in lagu dhaco deegaanada Dadka masaakiinta ah ee u dhaxeeyo labada Webi.

Ula jeedku waa in wiilka laga dhalay Hadiijoow  ee loo  bixiyay Keeroow in uu sheegto Deegaanadaasi in uu leeyahay, cid walbo way ogtahay Jiin Dhoobeey weli Taariikhda laguma hayo Nin jileec ah ee deganaa ka hor 1954. Dadka dhul-boobka ah  waxay ku soo duuleen Dhulka labada Webi  laga soo bilaabo 1954 ilaa iyo maanta, Waxayna ku  yimaadeen Farsamooyin kala duwan  sida  Qalin, Qori, Qabiil , Shaati Diin, Shaati Dowlad-nimo waxa la boobayo waa Dad masaakiin ah Deegaanadooda.

Dadka duulaanka ku ah dadka masaakiinta ee marba shaar usoo xirto, xalaaleeystayna deegaanadooda waad aragtaan sida  loo xalaalaystay Jubooyinka, Dadkii asalka ulahaana looga boobay, waad aragtaan sida Shabeelaha Hoose xaalkiisa uu yahay.

Group of Truth (kooxda Runta) waxay kaloo ay sheegeen oo ay yiraahdeen  Qolooyinka dhul-boobka mid kamid ah wuxuu orad ugu jiraa inuu helo uuna gacanta ku soo dhigo Gobolada Jubbada Hoose, Jubbada dhexe iyo Gedo. oo ay degaan ka dhigtaan, dadkii lahaana sidaasi looga fara-maroojiyo ama looga boobo iyagoo ka faaiidaysanaayo  xaaladihii hore ee loo soomaray & xaalada hadda jirto.

Qolada Labaadna  waxay  orad ugu jirtaa in ay hesho laga soo bilaabo Gaalkacyo ilaa iyo Jammaame oo ay dagaan ka dhigtaan, dadkii masaakiinta ee lahaana sidaasi looga boobo oo afka ciida loogu daro.

Caalamku waa wada ogyahay Labadaa Qolo ee Dhulboobka ah in ay ahaayeen Xoolo dhaqato oo aysan ahayn Beeralay ama Kaluumaysato, xirfadooduna waa xoolo dhaqato, deegaanadooduna way ka fogaayeen Juqoraafi ahaan Aga-gaaraha labada  Webi.

Dib ufiiri Taariikhdooda ama Gabayadooda kuma jiraan wax ay uga had-layaan Webi iyo Beero qodasho ama kaluumaysi waxaa kujira oo kaliya waa GEEL, DAGAAL, QABIIL, Gab-dho lakala boobo IWM,

Dadka looma ooyaanka dhibka soo gaaray lama soo koobi karo, ee ka soo gaaray Dadka dhul boobka ah ee ku  soo duulay Dhul-kooda, Dadka looma ooyaanka waxaa gudaha Dalka Somaaliya looga ooday xerooyin  Magaalooyinka waa weyn sida Muqdisho, Gaalkacyo, Boosaaso, Garoowe.Xerooyinkaasi waxaa loo bixiyay xerooyinka Barakacayaasha.

Dadka looma ooyaanka ee deeganadooda laga boobay dhibka soo gaaray intaa kuma eko waxaa jiro qaar usoo cararay Wadamada aynu deriska nahay sida Keenya & Ethoopia  iyadoo laga faa’iidaysanayo dhibka haysto ayaa Diintoodii laga saaray , dhibaatadaasi soo gaartay waxaa masuuliyadeeda leh dadka soo barakiciyay ee dhulkooda ka boobay.

Dadka looma ooyaan iyagoo barwaaqo iyo bash-bash kujira ayaa qolooyinkaan Dhul boobka ah ay  ka dhigeen qaxooti una bixiyey magaca Barakacayaasha,  waa runtooda way soo barakiciyeen.

Group of Truth (kooxda Runta)  waxay kaloo sheegeen hadii aysan waxba iska badelin sida xaaladu hada ay tahay ay sii ahaato  waxay noqonaysaa  in la sugo inta uu KEEROOW  uu konton sano ka gaarayo, Keeroow  waa wiilkii laga dhalay Hadiijoow. Dadka looma ooyaanka Rajaduudu waxay  noqonaysaa in ay sugaan inta uu Keeroow 50 sano ka gaarayo

Waxaa  laga yaabaa in Keeroow uu xaqqa fahmo uuna  soo celiyo wixii waalidkiisa ay dhaceen, uuna kulaabto meeshii ay ka yimaadeen waalidkiisa,  xaalku waa  Keeroow 50 SANO hagaaro markaas ayaa nabad lahelayaa waana 50 sano kadib, xaalku waa yaa dhintay yaa nool,.taas oo aan weli lahubin  waa hadii Keeroow uu xaqqa famo, hadii uusan Keeroow uusan xaqqa fahmin uuna sidii waalidkiisa oo kele uu noqdo iyadana waa arin kale oo dhici karta  oo khatarteeda leh, siina dheerayn karta rajada Dadka looma ooyaanka ay ka qabaan in ay helaan dhulkii laga boobay. Xaalku waa Keeroow konton sano hagaaro,

Keroow wuxuu konton sano gaarayaa marka lagaaro 2040 xaalku waa KEEROOW KONTON SANO HAGAARO  (Let keeroow be 50 years old).

W/Q: Maxamed Adkeeste

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]. Mahadsanid

Axmed Madoobe oo maleeshiyo badan looga dilay qarax ka dhacay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online)- War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarrax miino uu caawa maqribkii ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Inta la ogyahay afar qof oo u badan askarta maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ku dhintay tiro intaas ka badana waa ay ku dhaawacmeyn,sidda ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha

Qarraxa ayaa lagu weerarray baabuur ay la socdeen ciidanka maamulka KMG ah ee Jubba.

Qarraxa kaddib waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka kuwaasoo ka billaabay goobta baaritaan.

Faah-Faahinta warkan kala soco Caasimada Online

Xog: Markab arrin cusub Muqdisho ku soo biiriyey oo ka shiraacday Dekedda

Muqdisho (Caasimada Online)- Ilo xog ogaal ah oo ku sugan dekedda Muqdisho iyo wariyaal kale ayaa u xaqiijiyay Shabakadda Caasimada Online in saakay aroortii in uu ka shiraacday dekedda ee Muqdisho Markab weyn oo sidda dhowr kun oo tan oo Jaay kaasoo maalmahan ku xirnaa dekedda.

Waa markii ugu horeysay ee Muqdisho Jaay looga keeno dibedda taariikhda.

Jaay oo ah dhagxaan yeryer oo loo adeegsado dhismaha guryaha ayaa la sheegay in laga soo daabulay mid ka mid ah waddamada caalamka, waxaana keensaday ganacsato Soomaali ah, sidda ay lee yihiin ilaha warkan noo xaqiijiyay.

Waa markii ugu horresyay oo Jaayga loo adeegsado dhismaha guryaha oo laga soo buuxiyay markab laga soo dajiyo magaalada Muqdisho.

Ma cadda in jaaygan markabka uu keenay loo isticmaali doono dhismooyinka ay dalka ka dhisayaan Turkiga iyo hey’adda kale ee kaalmeenaya Soomaaliya iyo in loo isticmaali doono dhismooyinka ganacsiga ee laga dhisaayo Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa labadii sanno ee la soo dhaafay ka socday howllo dhismooyin ah oo ay dhisayaan Turkiga iyo ganacsato dooneysa in ay maalgashi ka sameestaan caasimada.

Soomaaliya uma baahnaa in Jaay looga keeno dibedda, waayo waa uu ka buuxaa, waxaana tani ay dhaqaalo iyo cuna qabateyn ku tahay xoogsatada iyo gacansatada gudaha, ayada oo looga baahan yahay dowladda inay ka hortagto falalka noocan ah, haddiiba ay ka war hayso.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Isbedalka cusub ee Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa ka jirta Nolol cajiib ah oo aad moodo mid ka duwan sidii ay ahaan jirtay sanadihii ugu dambeeyay taas oo wax weyn iska badaleyn tan iyo 2-dii sano ee ugu dambeysay.

Muqdisho waxaa ka jirta Nolol maraxalado kala duwan leh oo raaxo & rafaadba leh taas oo aan ula jeedo in Muqdisho dhinac amaan uu ka jiro dhinacna uu ay ka jirto amaan daro ee nala daawo muuqaalkani cajiibka ah.

HALKAAN KA DAAWO:

 

SAWIRRO: Madaxweynaha SOMALIA oo codsi hordhigay baarlamaanka Japan

Tokyo (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka codsaday baarlamaanka dalka Japan in ay ka qaybqaataan dib u dhiska xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ku sugan Japan ayaa maanta oo Khamii ah booqday xarunta Aqalka Sare ee Baarlmaanka Dalka Japan isla-markaana kulan la-qaatay guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka dalka Japan Mr Masaaki Yamasaki iyo ku xigeenkiisa Mr Azuma Koshishu.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka dalkan Japan ayaa ku ammaanay Dowladda Soomaaliya tallaaboyinkii ay qaaday labaddii Sanno ee la soo dhaafay islamarkaana ballan qaaday in Dowladda Soomaaliya ay ka caawin doonaan dhisidda Aqalka sare ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

1888573_10203147812354847_1182196737_n

Madaweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya kana dalbaday inay caawiyaan Baarlmaanlka Soomaaliya “ Baarlmaanka Soomaaliya howlo xoog leh oo dar-darteeda leh ayuu ku tallaabsada. waxaannu ka dalbanay Baarlmaanka Japan inay naga caawiyaan dhisidda Aqalka Sare ee Baarlamaanka” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga la socday oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta Saciid Cabdullaahi Maxamed iyo Wasiiradda Howlaha Guu iyo Dib-udhiska Nadiifa Maxamed Cusmaan ayaa soo indho-indheeyey howlka shirarka ee Aqalka Sare ee Baarlmaanka dalka Japan.

1888573_10203147812354847_1182196737_n

1240532_10203147810794808_272925677_n

1904228_10203147811994838_1165939062_n

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Tokyo

[email protected]

Fiqi: Beel aan SOMALIA tuulo ka degin ayaa la wareegtay taladii WADDANKA

Nairobi (Caasimada Online) – Agaasimahii hore hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Somalia Axmed Macalin Fiqi, ayaa bogiisa Facebook ku qoray sheeko cajiiba,wuxuuna yiri “Taladii Somalia waxaa la wareegay beel lixaad oo aan Somalia tuulo ka degin”.

Waxa uu Axmed Macallin Fiqi sheegay in beeshan lixaad ay ka dhex farcantay beelaha shanaad ama loo yaqaan .5, isaga oo u xusay in beeshan ay awooddii dalka Somaliakala wareegtay beelihii awoodda is-baday ee dalka Somalia muddo isku garbinayey.

Axmed Macallin Fiqi ma uusan magacaabin beeshan uu ula jeedo qoraalkiisa.

Qoraalkii Axmed Macallin uu soo dhigay bartiisa facebook, ayaa u qornaa sidan:-

fiqi facebook

 

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

DR. SAADIQ EENOW oo qaaday tallaabo ku cusub Soomaaliya oo farxad badan

Soomaaliya waxay noqotay xarunta qashinka ama sunta lagu daadiyo, hantideeda badda iyo barigana la boobo iyadoo aan cidina is-waydiinin. Qofkii hantida qaranka xada, ama ajaanib u gacan galiya ayaan marnaba abaalkooda la marin.  Dilka iyo barakicinta ummadda kuwa kacana waaba lagu dalacsiiyaa .

Xirfadlaawayaal Xirfado sheegtay

Waxaas oo dhan waxaa isku fuuqsaday oo waayadan soo banbaxay, dad badan oo sheeganaya xirfado aysan lahayn sida macallinnimo, dhakhaatiir, kalkaaliyeyaal, Injineerro, shaybaariisteyaal iwm.

Sannadkaan biloowgiisii mar aan soo maray degaanno badan oo dalkeenna ka mid ah waxaan indhahayga ku soo arkay dad badan oo aan habayaraatee wax xirfad caafimaad ah lahayn, islamarkaasna dhakhtarnimo sheeganaya, dadkuna ay saf ugu jiraan. Qaarkood waxayba samaynayeen qalliimo sida goynta qumanka, burooyinka, bixinta xabbadaha iyo waliba dhalinta haweenka dhali waaya. Qaar kale Ultrasound (Computer) bay la wareegayaan iyagoo inta been been dadka saara, ka dibna dawo qaali ah oo qalad ah u qoraya.

Haddii bukaanka dawadu ku dhinto tii Allaah baa u timid uunbaa la oran, dhakhtar ku sheeggana waxba loo raacan maayo oo shaqadiisuu sii wadan .Toloow kuwa xabbadda dadka markay ku dhuftaan uu u dhinto, maxaa iyaga loo qabsadaa ?

Tallaabo farxad leh

Waxaan shalay warbaahinta Soomaalida ka akhriyay ama ka dhagaystay in magaalada Garoowe lagu xiray nin Kenyan ah oo dhakhtarnimo ku qaraabanayay iyo labo soomaali ah oo la shaqaysanaysay.

Baaritaan ay wasarada caafimaadka ku samaysay xaruntan ayay ku ogaatay inay tahay mid aan sharci ahayn daawooyinka dadka laga iibiyana ay yihiin kuwo aan jirin oo si qaldan looga faa’iidaystay xarunta ayaa sidoo kale waxaa fariisan jiray Nin Keenyaan ah oo dhaqtar sheegtay.

Stephen Wang’Ombe Nduga madaxda wasaradda caafimaadka waxay ku eedeeyen inuu yahay nin ka been sheegay xirfada caafimaadka isla markasna shihaadooyinka uu wata ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan waxba ka jirin.

Wasiirka Caafimaadka Dr.Saadiq Eenow ayaa sheegay inay maanta soo gabo-gabeeyeen baaritaankii xarunta Nayroobi lagu hayay isla markasna ay ka hortagi doonaan dadka sidan oo kale uga dhex shaqaysta Puntland.

”Arrinta la xariirta nin dhaqtar ah oo la yiraho Stephen Wang’Ombe Nduga oo mudo saddex sano ahna ka shaqaynayay Puntland arrintaan iyada ah waanu soo afjarnay waxana ku xukunay inuu dalka ka baxo,sababtana waxa weeye degree aan sax ahayn iyo qalab aan sax ahayn ayuu ku shaqaynayay”.Eenow.

Waxa uu sidoo kale wasiirku dadka ugu baaqay inay kusoo war galiyeen haddii ay arkaan dad noocaan oo kale oo caafimaadka si qaldan ugu shaqaysanaya.

Ninkaan Kenyaanka ah iyo qalabkii uu ku shaqaynayay ayaa waxaa lagu wareejiyay wasaradda Amniga Puntland si ay tilaabo uga qaado.

Stephen Wang’Ombe Nduga ayaa laga soo cayriyay magaalooyinka Bosaso iyo Gaalkacyo oo shaqooyinka oo kale ka hayay Agaasimaha guud ee caafimaadka ayaa sheegay qalabka uu isticmaalayay Ombe inuu yahay kuwo maclin ah oo aan caalamka looga shaqayn.

Si aad ah ayaan ugu farxay markii aan maqlay in Dr.Saadiq Eenoow, wasiirka caafimaadka ee Puntland uu ku dhawaaqay in rugtii caafimaadka ee beenbeenta ahayd albaabada loo laabay, isla markaasna shaqaalaheedii xabsiga loo taxaabay.

Faanoole Farikama qodna

Waxaa caado noqotay in qof waliba uu farmashi iska furto isagoo aan wax xirfad ah u lahayn. Waxaa yaab ah, dhwor maalmood ka bacdi, waxay magaaladu ugu yeeri Dr., Isaguna wuu ku sii indha-adkaadaa, shaqadii khaldanaydna sii laba jibaaraa.
Howsha wasaarradda caafimaadka Puntland ku dhaqaaqday waa mid lagu farxo, muujinaysana in dowladdu doonayso inay dadkeeda waxna u qabato, wixii dhib ku hayana ka qabato.

Halkan ka arag warqadihii fashilay beenta Dhaqtar beenaadkii Kenya

nai 1nai 2nai 3nai 4nai 5nai 6nai 7

Qore :Dr.Cabdi Faarax Taano
Denmark , [email protected]

DF oo ka jawaabtay eedeen uga timid hay’ad caalami ah oo ahayd in ay….

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa degdeg uga jawaabtay eedeen culus oo uga timid hey’adda xuquuqda aadanaha ee HRW, taasoo ahayd xukunnada ay rido maxkamadda ciidanka qalabka sida.

Afhayeenka madaxweynaha Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo la hadlaya VOA-da ayaa sheegay in labo aan la qaadan karin caalamka iyo hey’addaha xuquuqda aadanaha in ay yiraahdaan dowladda Soomaaliya waxbo kama qabto tacadiyada dhinaca aadanaha ee ka dhaca Muqdisho iyo in ay yiraahdaan ciqaabta ma ahan tii saxda ah.

“Labo arrin la iskuma heli karo waa middee wax ha laga qabto dhibaatooyinka dhacaya marna la yiraahdo ciqaabtan ma ahan tii saxda shuruucdeena ayaa noo fasaxaysa xukunka dilka” ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha.

Yariisow ayaa sheegay in dalka Soomaaliya muddo dheer ay ka jirtay dhibaato soo jireen ah taasoo ah in dadka la iska dilo laga sameesto wixii la rabo, marka si loo baabi’yo waa dowladda waxa ay go’aan ku gaartay in ay fuliso sharciga dalka u yaalla ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya in ay tahay dal Islaam isla markaana sharciga dalka uu dhigaayo qofka qof dila in la dio.

Mar la weydiiyay in goobaha lagu toogtay eedeesanayaasha in ay tahay goobo lagu cayaaro kubadda cagta isla markaana dadka la yiraahdo u soo daawasho taga.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya muddo dheer in ay burbur ku jirtay sidddaa darteed ma aaney jirin goobo lagu talagalay in dadka lagu toogto ayuu yiri.

Waxaa la weydiiyay in magaalada Muqdisho maalin kasta dad lagu toogto oo la dhaho waxa ay ahaayeen kuwa bastoolado ku hubeysan waana ay baxsadeen, siddee dadkaas loola xisaabtamaa.

Wuxuu sheegay in ay wadaan siddii loo hagaan jin lahaa hey’addaha garsoorka marka waxaas oo dhan dib u habeyn ayaa lagu sameynaa ayuu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Madaxweyne XASAN oo laga dalbaday in uu joojiyo xukunnada qisaasta ah

Nairobi (Caasimada Online)- Hey’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa maanta oo Khamiis ah cambaareysay wax ay ugu yeertay xukunka dilka ah ay fuliso maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Warbixinta HRW ayaa madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqday in la joojiyo xukunadaas maadama goobaha lagu fuliyo ay yihiin goobo lagu cayaaro kubadda cagta, waxaan ay tusaale u soo qaatay dhowr cisho markii seddax askari oo ka tirsan dowladda oo la sheegay in ay horrey u dileen dad kale.

Hey’adda HRW ayaa siddoo kale sheegtay in goobta uu xukunka ka dhacay ay joogeen carruur kuwaasoo daawanayya sidda uu u dhacay xukunka.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in ay ka soo horjeedo xukunka lagu fuliyay seddaxda askari ee garsoorka maxkamadda ku qaadatay kuwaasoo la sheegay in ay horrey u dileen labo askari iyo qof rayid ah, waxaa kaloo hey’adda ka soo hor jeesatay goobta uu xukunka ka dhaacay oo ay ku soo xoomeeyn dad ay ku jiraan carruur.

Waa mid ka mid ah xukunnada qisaasta ee maxkamadda ciidanka ay fuliso
Waa mid ka mid ah xukunnada qisaasta ee maxkamadda ciidanka qalabka sida ay fulisay

Hey’addu waxaa kaloo ay sheegtay in dadkaas la toogtay aaney loo oggolaan qareeno difaaca eedeemaha loo heesto sidda lagu sheegay warbixinta.

Waxaa kaloo hey’adda ka digtay in goobaha lagu cayaaro kubadda cagta in loo isticmaalo in lagu toogto dadka la soo eedeeyay islamarkaan waxa ay ku baaqday in la siiyo caddaalad iyo fursad ay isku difaacaan dadka la soo eedeeyay.

Ugu dambeyn hey’addu waxa ay madaxweynaha Soomaaliya ku eedeesay in uu go’aamiyo dadka la toogto taasoo muujineysa in uu isaga uu ku lug lee yahay howlaha maxkamadaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Dad ku dhintay howgallada xoogan ee ka socda magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online)-Inta la ogyahay labo qof oo rayid ayaa ku dhinteen howgallo saakay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen xaafado ku teedsan waddada warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Labada qof ee dhintay ayaa waxaa haleeshay rasaas ay fureen ciidamada dowladda intii uu howgalka socday.

Waxaa la arkayay xaafadaha howgallada ay ka socdaan oo askarta gurri u galaya iyagoona soo qabqatay dad u badan dhallinyaro.

Intii howgalka uu socday waxaa istaagay isku socodadka iyo gaadidka, in kastoo goordhow ay caaddi ku soo noqdeen.

Ma jirto cid ka hadashay howgallada saakay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen xaafado ku yaalla magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Salaad Cali Jelle: DF dhibaato ayey ku noqon doonaan maamulada la dhisayo

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha xisbiga nabadda iyo dimuqraadiyada, Salaad Cali Jeelle ayaa ka digay maamul gobaleeduada looga dhawaaqayo dalka in ay caqabad ku noqon doonaan dowladda Soomaaliya.

Salaad Cali Jeelle oo u warramayay saxaafadda ayaa sheegay in maamuladaas la dhisaayo in aaney ku saleesneen rabitaanka dowladda ama lagu dabakhay nidaamka dastuurka ee dalka u yaalla.

“Dagaalkii ka dhacay Kismaayo oo aan ognahay dowladda in ay maaro u weysay iyo maamul gobaleedyada laga dhisaayo dalka waa arrin dhibaato ku ahaan doonta dowladda, loogana baahan yahay in ay la timaado karti, dulqaad, iyo firfircooni” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Wuxuu sheegay maamulada laga dhisaayo dalka in ay ku saleesan rabitaan shakhsiyaad, taasna ay dhabar ku tahay dowladda Soomaaliya oo looga fadhiyo in ay suurta gal ka dhigto sannadka 2016-ka doorasho in ay ka dhacaan dalka.

Wuxuu sheegay dowladda in looga baahan yahay in ay wax ka qabto maamulada sidda waalida ah loo dhisaayo ee aan dastuurka iyo rabitaanka dowladda ku saleesneen.

Ugu dambeyn siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay cid ka bixisa dhibaatada ay ku jirto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Muxuu ra’iisul wasaare CABDI WELI ka doonay magaalada ADDIS-ABABA?

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Cabweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhow ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho iyagoona ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ka qaybgali doono shirka 25-aad ee urur gobaleedka IGAD kaasoo dhawaan ka furmaya magaalada Addis Ababa.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale la sheegay inta ay joogaan Addis in ay kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan madaxda ka soo qaybgaleysa shirka.

Waxaa kaloo ra’iisal wasaaraha la sheegay in uu la kulmi doono madaxda ciidamada ay ka joogaan Soomaalida sidda Itoobiya,Kenya iyo Jabuuti.

Waa markii labaad oo ra’iisal wasaare Cabdiweli uu tago magaalada Addis Ababa tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]