SAWIRRO: Madaxweynaha SOMALIA oo codsi hordhigay baarlamaanka Japan

Tokyo (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka codsaday baarlamaanka dalka Japan in ay ka qaybqaataan dib u dhiska xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ku sugan Japan ayaa maanta oo Khamii ah booqday xarunta Aqalka Sare ee Baarlmaanka Dalka Japan isla-markaana kulan la-qaatay guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka dalka Japan Mr Masaaki Yamasaki iyo ku xigeenkiisa Mr Azuma Koshishu.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka dalkan Japan ayaa ku ammaanay Dowladda Soomaaliya tallaaboyinkii ay qaaday labaddii Sanno ee la soo dhaafay islamarkaana ballan qaaday in Dowladda Soomaaliya ay ka caawin doonaan dhisidda Aqalka sare ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

1888573_10203147812354847_1182196737_n

Madaweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya kana dalbaday inay caawiyaan Baarlmaanlka Soomaaliya “ Baarlmaanka Soomaaliya howlo xoog leh oo dar-darteeda leh ayuu ku tallaabsada. waxaannu ka dalbanay Baarlmaanka Japan inay naga caawiyaan dhisidda Aqalka Sare ee Baarlamaanka” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga la socday oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta Saciid Cabdullaahi Maxamed iyo Wasiiradda Howlaha Guu iyo Dib-udhiska Nadiifa Maxamed Cusmaan ayaa soo indho-indheeyey howlka shirarka ee Aqalka Sare ee Baarlmaanka dalka Japan.

1888573_10203147812354847_1182196737_n

1240532_10203147810794808_272925677_n

1904228_10203147811994838_1165939062_n

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Tokyo

Caasimada@live.com