Xog: Markab arrin cusub Muqdisho ku soo biiriyey oo ka shiraacday Dekedda

Muqdisho (Caasimada Online)- Ilo xog ogaal ah oo ku sugan dekedda Muqdisho iyo wariyaal kale ayaa u xaqiijiyay Shabakadda Caasimada Online in saakay aroortii in uu ka shiraacday dekedda ee Muqdisho Markab weyn oo sidda dhowr kun oo tan oo Jaay kaasoo maalmahan ku xirnaa dekedda.

Waa markii ugu horeysay ee Muqdisho Jaay looga keeno dibedda taariikhda.

Jaay oo ah dhagxaan yeryer oo loo adeegsado dhismaha guryaha ayaa la sheegay in laga soo daabulay mid ka mid ah waddamada caalamka, waxaana keensaday ganacsato Soomaali ah, sidda ay lee yihiin ilaha warkan noo xaqiijiyay.

Waa markii ugu horresyay oo Jaayga loo adeegsado dhismaha guryaha oo laga soo buuxiyay markab laga soo dajiyo magaalada Muqdisho.

Ma cadda in jaaygan markabka uu keenay loo isticmaali doono dhismooyinka ay dalka ka dhisayaan Turkiga iyo hey’adda kale ee kaalmeenaya Soomaaliya iyo in loo isticmaali doono dhismooyinka ganacsiga ee laga dhisaayo Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa labadii sanno ee la soo dhaafay ka socday howllo dhismooyin ah oo ay dhisayaan Turkiga iyo ganacsato dooneysa in ay maalgashi ka sameestaan caasimada.

Soomaaliya uma baahnaa in Jaay looga keeno dibedda, waayo waa uu ka buuxaa, waxaana tani ay dhaqaalo iyo cuna qabateyn ku tahay xoogsatada iyo gacansatada gudaha, ayada oo looga baahan yahay dowladda inay ka hortagto falalka noocan ah, haddiiba ay ka war hayso.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com