26.4 C
Mogadishu
Friday, July 4, 2025

Ethiopia oo u yeertay madaxweynaha..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegay in dowlada Ethiopia ay uyeedhay Madoobe Nuunow oo dad ku shiray magaalada Baydhabo ay u doorteen madaxweyne maamul goboleed ka kooban 6 gobol kaasi oo doorashadiisa Dhawaan ka dhacay Xarunta ADC ee Magaalada Baydhabo.

Sida laga soo xigtay Boga Twitter-ka ee wasiirka arimaha dibada Ethiopia madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Somaliya garabkiisa 6da Gobal ayaa Mar dhaw tagi doona Magaalada Adis-Ababa ee xarunta dalka Ethiopia oo uu kulamo kula soo qaadan doono Masuuliyiinta Dalka Ethiopia.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn ujeedka socdaalka Madoobe iyo nuunoow iyo waxyaabaha ay ka hadli doonaan labada dhinac ayuu hadana Dr tedros Adhanam wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia ku soo gaabiyay hadalkiisa in lagala hadli doono arimo ay kamidyihiin Caleema saarkiisa iyo sida Ethiopia ay aadka ugu daneyneyso in la dhaqan galiyo Heshiiskii Bishii Augost Adis-Ababa ku dhexmaray Ergooyin ka kala socotay Dowlada Federalka Somaliya iyo Maamulka Kmgka ee Juba.

Si dhab ah Lama oga waxa ay Ethiopia u sheegi doonto Madoobe Nuunow balse dadka siyaasada u dhuunduleela ayaa yeedhitaanka Madoobe Nuunow u arka mid Madoobe Nuunow xaqiiqada uu inkirsan yahay loogu sheegayo si dadkiisa uu dhinac uga raaco isla mar ahaantaasina uu joojiyo burburinta heshiiskii Adis-Ababa.

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay waxaa todobaad ka hor ka dhacay shir Malaaqyada Daga Gobalada Baay iyo Bakool ay Madaxweynaha Maamulka ka koobban 6 Gobal oo kala ah bay bakool gedo shabeelaha hoose iyo Jubooyinka ugu doorteen Mudane Madoobe nuunoow maxamed inkastoo arintaasi Beesha caalamka iyo dowladuba si isku mid ah uga soo horjeesteen kuna tilmaameen Maamulkaasi mid aan Maslaxad u eheyn Danaha dadka Daga Gobalada uu ka koobanyahay Maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News