Ibrow: Axmed Madoobe wuxuu ku yimi talo Kenya, laakiin Nuunow doorasho

Baydhabab (Caasimada Online) – Malaaq Ibrow Cali oo ka mid ah malaaqyada beelaha Digil & Mirifle ee taageersan doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Madoobe Nuunow, ayaa naqdiyey hadal ka soo yeeray hogaamiyaha maamulka Jubbooyinka Axmed Madoobe, oo sheegashada Nuunow ee madaxtinnimada 6-da Gobol ku tilmaamay mid riyo ah.

Malaaq Ibrow wuxuu sheegay in Madoobe Nuunow lagu doortay shir ay ka soo qeybgaleen waxgaradka beelaha degan lixdaasi gobol, halka uu sheegay in uu yahay nin ay Kenyaanku wataan, ayna u isticmaalayaan siyaasadooda qarbudaada & dhul balaarsiga ah ee ay ka leeyihiin Soomaaliya.

“Madoobe Nuunow wuxu ku yimid shir beelaha 6-da gobol ay isugu yimaadeen, oo ay si fiican u lafa gureen mustaqbalka goboladaasi, aakhirkiina goáan ku gaaray dhismaha maamulkan, marka qofka riyada ku yimid waa isaga“ ayuu yiri Malaaq Ibrow.

“Axmed Madoobe waxaan leeyahay haddii adiga oo Qabri-dahare baadiyaheeda ka yimid aad madax ka noqotay Kismaayo, weliba adigoo ay Kenyaan ilaalo ka hayaan, maxaa u diidaysaa Madoobe Nuunow inuu madax ka noqdo goboladaasi 6-da ah” ayuu yiri Malaaq Ibrow.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
Caasimada@live.com