Israel oo ku qabatay xeebaha Somalia markab hub u siday ururka Xamaas

Nairobi (Caasimada Online) Sidda uu qoray Sabtida maanta ah, wargeys ka soo baxa Israel, markab hub u u siday ururka Xamaas ee ka dhisan dhulka Falastiiniyiinta ayaa lagu qabtay xeebaha Soomaaliya.

Markabkan ayaa la sheegay in ay qabteen ciidamo si gaar ah u tababbarran, oo Israel ah, waxaana lagu qabtay meel 100 mail u jirta xeebaha Soomaaliya.

Sidda uu baahiyay wargeyska warkan qoray, Markabkan ayaa hubkan ka keenay dalka Iran, waxaana la rabay in uu sii maro dalka Sudan si uu halkaas uga galo magaalada Gaza oo ay gacanta ku heyso kooxda Xamaas.

Markabka hubka sidda ayaa la sheegay in uu soo maray dalka Syria ka hor inta aan lagu qaban xeebaha Soomaaliya, waxaana la lee yahay wuxuu kaloo wadaa qalab dhismo iyo agab kale.

Ma jirto ilaa hadda wax war ah ka soo baxay Xamaas oo ku aadan in markab hub u siday in lagu qabtay xeebaha Soomaaliya.

Xeebaha Soomaaliya ayaa noqday meel wax kasta la marsiiyo maadama aaney cid ilaalisa, iska daa markab hub sidda waxaaba maraakiibka ay ku daadiyeen sunta iyo haraadiga hubka nukleerka.

Israel ayaa dhibaato joogta ah ku heysa falastiiniyiinta ku xayiran magaalada Gaza oo ay maamusho kooxda Xamaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com