Wafdi Turkish ah oo tagay Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) Wafdi ka socda dowladda Turkiga ayaa maanta barqadii gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Wafdiga oo uu hoggaaminaayo danjire ku xigeenka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.

Danjire ku-xigeenka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in safarkooda uu la xiriiro siddii ay sahmin lahaayeen xaalada magaalada Beledweyne isla markaana loo caawin lahaa dadka ku dhibaateesan magaalada.

Wxuuu sheegay in wafdiga la socda ay ku jiraan saraakiil ka socota hey’adda bisha case ee dalka Turkiga iyo saraakiil kale oo ka socda hey’addaha gargaarka dalkaas, kuwaasoo raba in ay mashaariic ka hirgaliyaan gobalka Hiiraan.

Maamulka gobalka Hiiraan ayaa soo dhaweeyay wafdiga ka socda dowladda Turkiga.

Waa markii ugu horreysay oo wafdi ka socda Turkiga ay tagaan magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Turkiga ayaa raba in uu ballaariyo mashaariicda ay ka hirgalinayaan guud ahaan dalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Beledweyne

Caasimada@live.com