Caddeymo muujinaya qataraha habka federaalka oo soo if-baxaya (Warbixin)

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Waxaa sii kacaya xiisadaha ka dhex taagan saamileyda kala duwan ee ku sugan Baydhaba oo ku aaddan samaynta gobol cusub oo federaal ah, taas oo mar kale su’aal ka dhalisay inay Soomaaliya awood u leedahay in ay dhaqangeliso federaalnimada.

March 3-deedii, ayaa Madoobe Nuunow Maxamed loo doortay in uu yahay madaxweynaha maamul-goboleed cusub oo la yidhaahdo Gobolka Koonfurta-galbeed oo ka kooban gobollada Bay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe. Hase ahaatee, saddex ka mida gobolladaas — Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose — ayaa horay ugu midoobay in ay sameeyaan Maamulka Ku-meel-gaadhka ah ee Jubba sanadkii 2013-kii.

Maxamed ayaa wax aan jirin ka soo qaaday dhaleecaynta ah in doorashadiisu aysan nidaamka waafaqsaneeyn, isaga oo sheegay in 850 wufuud ah, oo ay ku jiraan siyaasiyiin iyo oday dhaqameedyo matalaya gobollada la isku hayo, ay ugu codeeyeen inuu jagada helo.

Isagoo ka jawaabaya edeeymaha ah in doorashadiisu ay hoosaasinayso IJA, ayuu ku dooday in IJA ay sharci ahaan lahayd lix bilood oo kaliya, taas oo ka dhigaysa maamulka Kismaayo ka dhisan mid “sharci-darro ah” oo aan wax ka soo qaad lahayn.

“Sidaas darteed, iskuma mashquulinayno maamulkaas,” ayuu yiri Maxamed. “Waxaa na hor yaala howlo kale oo waawayn, kuwaas oo ah inaan dhammaystirno waxa ka hadhay [samaynta] maamulkeenna.”

Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Cali, oo ah ergay 41-jir ah oo ka qeyb galay shir-goboleedkii Gobolka Koonfurta-galbeed, ayaa sheegay in codka wufuudda uu ka turjumayo rabitaanka dadka ku nool gobolladaas.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in uu soo dhowaynayo shacabka ka so horjeeda maamulka cusub ee la dhisay oo wadahadalka diyaar u ah.

“Waxaan rabnaa inaan go’aan ka gaadhno mustaqbalka gobolladeenna waxaana uu dastuurka dalku xaq noo siinayaa [inaan sidaas yeelno],” Cali ayaa sidaas sheegay. “Waxaan taageersannahay xukuumaddeenna federaalka ah waxaana aan sidoo kale jeclaan lahayn in xukuumaddu ay aqoonsato rabitaanka dadweynaha, gobol kasta oo ay ku sugan yihiin.”

Shir-goboleed ka soo soo horjeeda ayaa sii socda

Laakiin Cabdullaahi Yaxye, oo ah oday dhaqameed ka soo jeeda Jubbada Hoose oo qeyb ka ahaa sameeynta IJA, ayaa sheegay in shacabka gobollada Jubbooyinka aan laga qeyb galin samaynta dawlad-goboleedka cusub ee Baydhabo laga dhisay.

Gobolka Koonfurta-galbeed “wax shaqo ah kuma ay laha shacabka Jubbooyinka”, ayuu yidhi.

“Cidina nagalama tashan maamulka laga dhisayo Baydhabo,” ayuu yiri. “Waxaan kula talin lahaa walaalaheen [ku sugan Baydhabo] in ay ka gaabsadaan in ay sheegtaan gobollo ay ka dhisan yihiin maamullo la aqoonsan yahay.”

Dhanka kale, shir-goboleed lid ku ah ayaa wali ka socda Baydhabo, iyada oo wufuudda halkaas jooga ay taageerayaan samaynta maamul federaal ah oo ka kooban saddexda gobol ee Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Siid Cali Maxamed, oo ka mida 650-ka wafdi ee ka qeyb qaadanaya shirka, ayaa sheegay in wufuuddu ay dhammaystireen dastuur goboleed, isku raaceen calan goboleed magacaabeenna xubnaha baarlamaan goboleedka cusub oo dooran doona madaxweynaha. Taariikh wali looma qaban doorashada, ayuu yidhi.

Maxamed ayaa wax aan jirin ka soo qaaday sharci ahaanshaha madaxweynanimada Madoobe Nuunow Maxamed isaga oo sheegay in dadka gobolka ku nool ay intooda badan rabaan maamul saddex gobol ah.

“Waxaan haysannaa taageerada shacabka ku nool Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose. Xukuumaddeenna [federaalka ah] waxay taageersan tahay sameeynta maamulka saddexda gobol walaacna naguma hayso kooxda samaysatay maamulka lixda gobol ah, laakiin haddii ay diyaar u yihiin wadahadal, waan soo dhoweeynaynaa,” ayuu yidhi Maxamed.

Dhisidda maamul goboleedyo haysta taageero dhinaca shacabka ah

Muranka ku salaysan sida dhulka loo qeybin lahaa oo loo dhisi lahaa maamul goboleed hoos yimaada dawladda federaalka Soomaaliya ayaa muddo dheer ka soo dhex jiray qeybo ka mida shacabka ku nool lixda gobol taniyo markii la sameeyay IJA sannadkii hore, iyada oo ay dadka qaar u soo baxeen waddooyinka si ay uga mudaaharaadaan heshiisyada dib-u-heshiisiinta ah iyo aqoonsiga rasmiga ah ee IJA.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (FGS) ayaa mar kale ku dhawaaqday taageeradeeda maamulka saddexda gobol, iyada oo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre uu ugu baaqay saamileeyda inay “iska ilaaliyaan khilaaf aan loo baahnayn oo laga yaabo inuu marin habaabiyo dadaalka aan ugu jirno dib-u-dhiska dalkan”.

“Marka la eego heshiiskii u dhexeeyay FGS iyo Maamulka Ku-meel-gaadhka Jubba oo kal hore August ka dhacay Addis Ababa, Itoobiya, waxay dawladda federaalka Soomaliya ayidaysaa wixii ka soo baxay heshiiskaas,” Barre ayaa wariyeyaasha ugu sheegay Muqdisho 3-dii March.

“FGS waxay diyaar u tahay in ay hoggaamiso hannaanka federaalnimada, siiba dhismaha maamul-goboleed federaal ah oo laga sameeyo gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose,” ayuu yidhi Barre.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, oo Wasiirka Arrimaha Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta ka soo ahaa Xukuumaddii Federaalka Ku-meel-gaadhka ahayd ee Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa sheegay in dhibaatada ka jirta Baydhabo ay ka timid in ay xukuumadda federaalka ka boodday dhowr tallaabo oo laga rabay in la qaado inta aan maamul-goboleedyada la sameeyn ka hor.

Intaan la isku dayin in la sameeyo maamul goboleed federaal ah ka hor, waa in la sameeyo guddi ka shaqeeya xudduudaha gobollada, oo ay ku xigto in la sameeyo dawlado hoose ee ka soo bilaabanaya heer tuulo iyo degmo.

Xukuumadda federaalka waxay sidoo kale ku fashilantay in ay dhaqan-geliso sharciyo ay ansixiyeen baarlamaanka oo ku aaddan sida loo sameeyo maamul-goboleedyada, kuwaas oo gacan ka geysan karay khilaafka Baydhabo iyo kuwo kale in aysan muddo ka dibba soo noqon, ayuu yidhi.

Isha: Sabahi Online