Muqdisho oo lagu qabtay kulan lagu taageerayo MADOOBE NUUNOW

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, waxaa maanta oo Jimco ah ka dhacay kulan ballaaran oo lagu taageerayo doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gabalka, laguna doortay Madoobe Nuunow Maxamed oo madaxweyne u noqonaya maamulka lixda gobal ka kooban.

Kulanka oo ay joogeen odayaal iyo wax garad ka soo jeeda gobalada maamulka loo sameenaayo, ayaa waxaa ka hadlay odayaal iyo salaadiin taageersan Madoobe Nuunow.

Garaad Aadan Garaad Axmed oo ka mid ah odayaasha goobta ka hadlay ayaa ugu horeyn ammaanay qaabka ay u dhacday doorashada isagoona dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay taageerto maamulka lixda gobal.

Sidoo kale wuxuu sheegay in loo dhan yahay maamulka loo dhisaayo lixda gobal ee uu madaxweynaha ka yahay Madoobe Nuunow Maxamed oo maanta lagu caleema saaray magaalada Baydhabo.

Si kastaba, waxaa soo baxaya walaac laga muujinayo shirarka iska horjeed ee ka socda Baydhabo, waxaana laga cabsi qabaa in halkaas ay ka dhacaan dagaallo dhiig badan ay ku daataan.

Dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa ka soo horjeestay doorashadii toddobaadkan ka dhacday Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com