Baydhabo: Doorashada maamulka 3-da gobal oo dib u dhacday

Baydhabo (Caasimada Online) Warar ay heshay Shabakadda Caasimada Online, ayaa muujinaya in dib loo dhigay doorashada maamulka loo dhisaayo seddaxda gobalka ee ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Ilo Xog-Ogaal ayaa noo sheegay in doorashada dib loo dhigay, kaddib markii shaley magaalada ay ka dhacday shaqaaqo uu ku dhintay saraakiil ciidan oo uu kujirro taliyihii ciidamada booliska ee magaalada Baydhabo.

Magaalada waxaa shaley ka dhacay iska hor imaad u dhexeya ciidamado kawada tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana ay geesteen khasaaro dhimmasho iyo dhaawac.

Iska hor imaadka ayaa la sheegay in uu ka dhacay markii ciidamo ,millitari ah oo la socday baabuur u kireesan hey’addaha gargaarka ay isku dayeen in xoog ay ku maraan goobo bar koontrool ah.

Xaalada magaalada ayaa saakay deggan, waxaana caaddi ku soo noqday isku socodka dadka iyo gaadidka.

Dhinaca kale,waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in xarunta ADC-da ay ka dhacdo caleema saarka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa maamulka loo dhisay lixda gobal ee ku yaalla Koonfur galbeed ee dalka.

Wariye ka tirsan Caasimada Online, ayaa soo sheegay in magaalada laga dareeemayo xafladda caleema saarka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamada AMISOM ee Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com