Warbixin: Qorshaha ciidamo jarmal ah ay ku imanayaan Muqdisho oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo ay Dowladda iyo Xisbiyadda Mucaaradka ee dalka Jarmalka mabda’ ahaan isku khilaafsan yihiin in Ciiddamo loo soo diro dalka Somalia, ayaa waxaa haddana soo baxayo qorshe kale oo Ciiddamadda Jarmalka loogu soo diri doono magaalladda Muqdisho.

Wakaalladda Wararka Jarmalka ee DPA ayaa qortay inuu Jarmalka ku soo biirayo Ciiddamadda Midowga Europe ee tababarka siinaya Ciiddamadda Dowladda Federaklka Somalia.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaraddaha Gaashaandhiga ee dowladaha ku bahoobay Ururka EU-da ayaa shalay Kulan Khaas ah ku yeeshay Casaimadda dalka Belgium ee Burusseles, kaasi oo looga wada hadlay Arrimaha Milliteriga iyo Hawlgalka Midowga Europe ee lagu tababarayo Ciiddamadda Dowladda Somalia.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca ee dalka Jarmalka ayaa tilmaamay in ilaa 20 Saraakiil Milliteri lagu wado in loo soo diro magaalladda Muqdisho, si ay ugu biiraan Tababarayaasha Milliteri ee Midowga Europe ee Ciidamada Dowladda ku tababarayo Xeradda Jaziira ee magaalladda Muqdisho.

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray in la qorsheynayo in bisha soo socoto ee April in Ciiddamadaasi loo soo diro magaalladda Muqdisho.

Dowladda Jarmalka waxay bishii December ee sannadkii hore la soo noqotay Saraakiishii qeybta ka ahaa Tababarkii Ciiddamadda Dowladda Federalka lagu siin jirey dalka Uganda, waxaana soo celintooda xilligaas lagu micneeyey sababo dhinaca ammaanka, maadaama Hawlgalkii Tababarka loo soo wareejiyey magaalladda Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com