Wararkii ugu dambeeyey dagaallo ka dhacay magaalada Baydhaba

Waxaa kacsan xaalada Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, ka gadaal markii uu iska horimaad dhex maray Ciidanka Booliska ee Dowladda iyo Ciidan kaloo ka amar qaata Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe”.

Iska horimaadkaan, ayaa ka dambeeyay markii Ciidanka Booliska ee ku sugan Saldhiga Bari ee Magaalada Baydhabo, ay lacago weydiisteen gaadiid xamuul ahaa oo Kuntuneero siday, isla-markaana uu ka biyo diiday in uu wax lacago ah bixiyo, ninkii xamuulka loo siday.

Ninkaan oo ku heyb ah Xildhibaan Aadan Madoobe, ayaa wuxuu soo kaxeystay qaar ka mid ah Ciidanka Ilaalada ee Aadan Madoobe, wuxuuna iska horimaad dhex maray Ciidankii Booliska ee Saldhiga Bari.

Iska horimaadkaan, ayaa sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, iyadoo ay dhinteen ilaa shan ruux inta laga warqabo, tiro kalana oo aan si sax ah loo sheegin, iyana way ku dhaawacantay.

Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in dadka dhintay uu ku jiro Taliye Ku Xigeenkii Booliska ee Gobolka Baay ee Dowladda Nishoow Aadan Kurtun, waxaana lala dilay mid ka mid ah Ilaaladiisii.

Sidoo kale dadka kale ee dhintay, ayaa waxaa ku jira mid ka mid ah wadayaasha gaadiidka dagaalka ee Aadan Madoobe, kaasoo magaciisa lagu soo koobay Ooyaaye.

Dhanka kale dhinacyada wada dagaalamay, ayaa waxaa soo kala dhex galay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom, isla-markaana waxaan la aqoon waxa amuurtaan xiggi doono.

Saraakiisha Dowladda ee Gobolka Baay iyo Xildhibaan Aadan Madoobe, ayaan weli ka kala hadlin dhacdadaan.