Beesha calamka oo taageertay go’aan-kii DF ay ka qadatay shirarka Baydhabo

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Khamiis ah kulan ku yeeshay madaxda dowladda Soomaaliya, beesha caalamka iyo hay’adaha taageera dowladda Soomaaliya.

Kulanka oo ay saxaafadda bannaanka ka joogtay ayaa la sheegay in lagu taageeray go’aankii ay dhowaan dowladda ka qaadatay shirarka ka socda magaalada Baydhabo ee la doonayo in maamul loogu sameeyo gobollada koonfur-galbeed Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Qaramada Midoobay, Urur-goboleedka IGAD, Midowga Yurub iyo howlgalka AMISOM.

Markii kulan uu soo dhammaday, waxaa shir saxaafadeed qabtay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdulaahi Goodax Barre iyo wakiilka gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey.

Ugu horreyn wasiirka arrimaha gudaha, Cabdulaahi Goodax Barre, ayaa sheegay in wafdiga ka socda Midowga Yurub iyo IGAD ay kala hadleen arrimihii ugu dambeeyay dalka gaar ahaan maamul u sameynta gobalada dalka iyo sidda loo dhaqan galin karo nidaamka fedaraalka.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa si cad ah u sheegay in Midowga Yurub iyo IGAD ay kala hadleen siddii loo taageeri lahaa shirka maamul u sameynta gobalada seddaxda ah ee ku yaalla Koonfur Galbeed.

Danjire Afeey oo isna saxaafadda la hadlay ayaa xusay in IGAD iyo Midowga Yurub ay taageersan yihiin rabitaanka iyo cidda ay taageerto dowladda Soomaaliya.

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowaan shaacisay in ay mowqif cad ka taagan tahay habka loo marayo sameynta maamul goboleedyada, kaddib markii shirar is khilaafsan ay ka furmeen Baydhabo.

Si kastaba, waxa ay hadda uu muuqata in beesha caalamka ay taageersan tahay qorshaha dowladda ay damacsan tahay oo ah in maamul loo sameeyo seddax gobal oo kala Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com