27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Faroole oo ka hadlay qaraxii Boosaaso

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Faroole ayaa goordhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe isagoona ka hadlay qarax ismiidaamin ah oo maanta barqadii ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobalka Berri.

Faroole ayaa ugu horreyn cambaareeyay weerarka oo uu ku tilmaamay mid fulaynimo ah, wuxuu tacsi u diray dhammaaan dadkii wax ku noqday isagoona kuwa dhaawacmay u rajeeyay caafimaad taam ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qarixii maanta ay ku dhinteen toddobo qof  isla markaana 37 kale ay ku dhaawacmeen sida uu hadalka u dhigay.

‘’Waxaan ku kalsoonhaya midnimada reer Puntalnd iyo sida ay hal meel uga soo wada jeesteen cadowgooda” ayuu yiri madaxweynaha Puntladn.

Faroole ayaa sidoo kale sheegay in ammaanka Puntland la adkeen doono, wuxuuna u mahadceliyay ciidamada ammaanka oo ka hor tagay khasaaro ka dhasha weerarka sida uu hadalka u dhigtay.

Dhinaca kale,madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dadkii ay waxyeellada ka soo gaartay qaraxa oo ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in kooxaha argagaxisada ay ku guul-darraysteen dagaalkii ay wadeen, ayna haatan u weeciyeen dadaalladooda sidii ay u waxyeelleyn lahaayeen shacabka Soomaalida ee aan waxba galabsan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Sawirro: Jawaari iyo Xasan Sheekh oo xalay u dabaal degay xil ka qaadistii Saacid iyo sir banaanka usoo baxday

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamanka Somalia, ayaa xalay u dabaal degay xil ka qaadistii xildhibaanada ay ku sameeyeen ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Xaflad casho sharaf oo uu soo qaban qaabiyey Jawaari, ayaa waxaa sidoo kale madaxweyne Xasan Sheeikh kala qeyb galay xildhibaanadii mooshinka ka keenay kadibna riday Saacid.

Guddoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo kulanka ka hadlay ayaa ku celceliyay mahnaq uu u jeedinaayo baarlamaanka go’aanka ay qaateen, wuxuu caddeeyay intii ay socotay codka kalsooni kala noqoshada raysal wasaare Saacid in uu walwalsanaa sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha ayaa amaanay go’aanka uu qaatay raysal wasaarihii horre oo oggolaaday natiijada ka soo baxday codka ay u qaadeen xildhibaannada baarlamaanka.

Xildhibaannad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ahayd xidhibaannadii doonayay in la rido raysal wasaare Saacid ayaa madaxweynaha ka codsatay in uu soo dedejiyo magacaabista raysal wasaaraha cusub.

Waxa ay sheegtay in hadda talada ay u taallo madaxweynaha, waxaana ay ku tartarsiisay inta xildhibaannada aysan fasax aadin in uu magacaabo raysal wasaaraha.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo kulanka ka hadlay ayaa ammaanay kaalinta uu qaatay baarlamaanka ee lagu riday Saacid.

Wuxuu ku tilmaamay qaabkaas mid caddaalad ah oo ay dadka ku qanceen sida loo soo tabiyay sida uu hadalka u dhigay.

Kulanka xaley laguma casuumin raysal wasaarihii horre Saacid iyo xildhibaannadii taageersanaa.

Xafladda Jawaari uu u sameeyey xildhibaanada, ayaa sidoo kale caddeysay inuu wax ka ogaa shirqoolkii lagu ceyriyey Saacid, oo iminka ogaaday in dhinacyo badan ay u tashteen.

Sawirrada munaasabadda
casho 1casho 2casho 3casho 4casho 5casho 6casho 7casho 8casho 9casho 10
Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

R/W SAACID oo soo diray fariintii ugu horeysay tan & markii uu xilka lumiyey

Muqdisho (Caasimada Online) Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Saacid Shirdoon ayaa soo diray fariin uu uga hadlaayo xaaladda dalka Soomaaliya.

Mudane Saacid ayaa sidoo kale ka mahadceliyay fariimo badan oo ka soo gaaray shacabka tan iyo markii uu waayay kalsoonida baarlamaanka iyo sida uu u oggolaaday go’aanka baarlamaanka.

Raysal waasaraha xilka ka tagaya ayaa muujiyay fariimaha loo soo diraayo in ay muujinayaan sida ay shacabka uga walwalsan yihiin mustaqbalka iyo sida uu noqon doono.

Fariinta oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku yiri: “Waxaan helayaa fariimo aad u tiro badan oo iiga imaanaya shacabka Soomaaliyeed. Fariimuhu waxa ay ximbaarsanyihiin niyad wanaag ay ii muujinayaan dad keeyga iyo cabsi ay ka qabaan halka uu ku dambeyn doono xaalka dalka. Anigoo ay suurogal ii aheen in aan mid mid idinkaga soo jawaabo fariimahiina oo runti aad iyo aad u farabadan, waxaan jecelahay in aan si guud idin kugu mahad celiyo marka hore. Mar labaad waxaan idiin sheegayaa in aad is dajisaan oo aydan niyad jabin. Wax walba qeer bay ku dhamaan doonaan, Somalia na dib uma laaban doonto Inshallah.” ayuu yiri raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya.

saac face

Shirdon, ayaa xafiiska joogay wax ka yer 14-bilood, waxaana magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Mohamud bishii October 2012, markii bil uun Xasan Maxamuud doorteen baarlamaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

QM oo ku dhowaaqday hadal niyad jab ku ah maamulka Somaliland (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee Jamciyadda Qurumaha ka dhaxeysa u qaabilsan Somalia Nicholas Kay, ayaa sheegay inay Qaramada Midoobay taageersantahay wadahadalada Somaliland iyo dowladda Soomaaliya u socda.

Nicholas Kay oo u waramay idaacadda Radio France International (RFI), ayaa wuxuu sheegay inay doonayaan inay guulaystaan wada hadalada u socda Somaliland iyo Soomaaliya, islamarkaana Somalia ay ahaato oo kaliya dal qura.

Mar la weydiiyey su’aal aheyd in arrinta Somaliland ay caqabad ku noqon karto doorashooyin uu sheegay inay Soomaaliya ka dhici doonaan sannadka 2016, ayaa waxa uu ku jawaabay oo uu yiri “Arrinta Somaliland way yara adagtahay. Waa run oo shacabka Somaliland waxa ay isu arkaan qaran madaxabanaan, laakiin ma jiro wadan keliya oo adduunka ka tirsan, xataa Afrika oo aqoonsani”.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri, “Markaas, waanu taageersanahay wada hadalka u socda Somaliland iyo Muqdisho. Waxa jira hanaan wada hadal ay maamulayso, oo ay fududaysay dawladda Turkiga, runtiina waxaanu donaynaa inuu nidaamkaasi guulaysato”.

Mar la weydiiyay ammaanka dalka Soomaaliya, wuxuu sheegay inay xaaladda amnigu adagtahay, balse haddana ay dhaanto sidii ay ahayd laba sannadood ka hor.haddana ay xaaladdu ka soo raynayso, Mar la weydiiyey Doorashooyinka lagu baaqay inay ka dhici karaan sannadka 2016, wuxuuna sheegay inay tahay istaraatajiyad la qorsheeyay oo muhiim u ah siyaasadda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DHAGEYSO: Cabdi Shire Cayaar-Jecel oo doonaya xilalka ugu sareeya dalka

Cabdi Shire Ciyaar Jecel oo ah kabiirka kooxda qeyladhaan islamarkaana kamid ah aqoonyahanada dadaalka ugu jira inay kusoo baxan xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa uu maanta ka hadlay haddii uu kusoo baxo mid ka mid ah xilalka ugu sareeya dalka waxa uu ummada u qaban lahaa, isaga oo hami siyaasadeed uu iminka ku jiro.

Wareysi lala yeeshay isaga oo jooga Muqdisho, ayuu uga horeyn waxaa uu kooxda Qeylodhaan iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey sanadguuradii afaraad oo kasoo wareegtay markii la aasaasay kooxdan qeylodhaan oo ka dhalatay qarixii hotel Shaamow ee Muqdisho.

“Waxaan shacabka iyo kooxda Qeylodhaanba leeyahay hambalyo maadaama ay sanadguuradii afaraad u buuxsantay. Waxaan kaloo ku faraxsanahay in aan maanta joogo Muqdisho oo ah halkii qaraxa Shaamow uu ka dhacay” ayuu yiri Cabdi Shire Ciyaar Jecel.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay inuu booqasho ugu tagay jaamacadaha ay dhiganayaan ardaydii qaraxaasi lala eegtay iyo qaarka mid ah waalidiintii xitaa carurtooda ku waayey qaraxaasi. Isagoona intaasi ku daray inuu maanta ku faraxsan yahay arday xilligaasi qallin-jabineysay oo dhaqaatiir ah oo shaqeeya.

Cabdi Shire Jaamac  (Cayaar-Jecel)
Cabdi Shire Jaamac (Cayaar-Jecel)

“Waxaan booqday Hotel Shaamow iyo jaamacadaha ay ardaydii xilligaasi qaraxa lala eegtay ay wali dhigtaan, waxaana si gaar ah ii farxadgelisay markii ay iisheegeen inay geesinimo kasii qaadeen heesta Qeyladhaan Waawareey oo kooxdanba ay ku dhisantay” ayuu yiri Cabdi Shire.

Waxa uu sheegay inuu soo dhaweynayo isbadelkasta oo dalka wax u tari kara, balse uusan soo dhaweyneyn isbadel dhibaato wata.

“Ummada wixii ay qabto ayaan la qabaa. Waxaana dhihi karaa isbadel khayr qaba haddii uu yahay waan soo dhaweynayaa,haddiise uu mud dhibkiisa wata yahay hadde soo dhaweyn uma hayo” ayuu yiri Abwaanka.

Mar si toos ah loo weydiiyey hankiisa siyaasada iyo inuu diyaar u yahay inuu xil sare ka qabanayo dowlada hadda jirta ayuu ka hadlay, waxaana uu sii dabadhigay haddii uu xilkaasi helo waxa uu qaban lahaa.

“Waan filayaa inay dadka qaar leeyihiin Abdi Shire waa abwaan ee maxaa ka galay siyaasada. Waxaanse u sheegayaa kuwa sidaasi leh aqoon ayeysa ii laheyn. Aniga nin aqoonyahan ah oo waxbartay ayaan ahay, mase ku faano sida dadka qaarkiis ay sameeyaan. Haddiise gabayga iyo siyaasada ay isku diidayaan, waxaan leeyahay boqorka sacuudiga laftiisa waa gabyaa wadankana waa u taliyaa la socda” ayuu yiri Cabdi Shire oo intaasi ku daray.

“Waxaan halkan u imid in aan ka qeybgalo isbadelada dhacaya taasi oo ay igu riixayaan saaxiibo badan, waxaana sheegayaa in aan diyaar u ahay in aan xilkasta ka qabto dalka Soomaaliya. Madaxweyne booskiis hadda ma banaana oo Xasan Shiikh ayaa ku fadhiya laakiin xilal kale oo aan hiigsanayo ayaa jira, marka aan qabto hala gaaro” ayuu yiri Dr, Abdi Shire oo ah kabiirka kooxda Qeylodhaan.

Ugu danbeyntii waxaa uu ugu baaqay qurba joogta inay dalka dib ugu soo noqdaan oo ay maalgashtaan, isagoona tusaale usoo qaatay hotelka uu degan yahay oo ay shaqo ka heleen 50 qof oo Muqdisho shaqo la’aan awal ku heysay.

Waxaana uu sidoo kale sheegay inuu dhawaan booqday xeebta Jazeera oo uu carur iyo dad kale kula soo kulmay waqtina kula soo qaatay.

Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga

Waraysi-Kabiirka-Kooxda-Qaylo-dhaan-Dr-Cabdi-Shire-Ciyaar-Jecel

Isha: Kismaayo24

Warbixin: M/Yurub oo ku dhowaaqay go’aan ah inuu magaalada Muqdisho..!

Kampala (Caasimada Online) Midawaga Yurub ayaa sheegay in saldhigga howlgalka tababarka ciidamda Soomaaliya ee Uganda loo wareejin doono guduha Soomaaliya wixii ka billawdo bisha Janaayo ee sannadka dambe.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in dhammaan howgalaha tababbarka wixii hadda ka dambeeya loo wareejin doona dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimada Muqdisho.

Midowga Yurub ayaa sheegay in tababarkaasi uu Ugandha ka socday seddaxdii sanno ee la soo dhaafay, waxaana lagu tababbaray ciidamo fara badan..

Saraakiil ka tirsan Midawga Yurub ayaa hadalkan ka sheegay agaalda Bhinaga ee galbeedka Uganda, halkaas oo ku dhowaad 140 askar Soomaali ah loogu soo gabagbayeey tababar.

Dowladda Soomaaliya ayaa kal horre sheegtay in tababarka lagu siiyo ciidamada Soomalida waddamada gobalka loo soo wareejin doono gudaha dalka maadama xilligan ammaanka uu yahay mid la isku haleen karo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kampala

[email protected]

Kenyatta oo weli lagu dheggan yahay

Madaxa Xeer-ilaalinta ee Maxkmadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) Fatou Bensouda ayaa ku eedaysay xukuumadda Kenya in ay ku fashilantay soo wareejinta xog ay sheegtay in ay “muhiim u tahay qaddiyado xasaasi ah “oo la xiriira maxkamadda dambiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee loo haysto Madaxweyne Uhuru Kenyatta, sidaana waxa Isniintii (2-dii December) sheegay AFP.

“Xafiiska Xeer-ilaalintu waxa ay ka dalbaysaa maxkamadda in ay soo ogaato in xukuumadda Kenya ku fashilantay in ay ka soo dhalaasho codsigii April 2012-kii ee ahaa in ay soo gudbiso xogo maaliyadeed iyo kuwo kale oo khuseeya eedeeysanaha,” ayay Bensouda ku tiri dacwo ay u gudbisay maxkamadda. “Dhammaan iskudayadeedii hore ee ahaa in ay hesho xogahaas waa ay suuragali waayeen.”

Maxkamadda Kenyatta ayaa loo muddeeyay in ay bilaabato 5-ta February.

Bensouda waxay sheegtay in xeer-ilaaliyayaashu rumaysan yihiin in dokumentiyadaasi “laga yaabo in ay wax ka iftiimiyaan heerka uu gaarsiisan yahay waxyaabihii uu sameeyay eedaysanuhu, sida eedeeymaha ku saabsan in uu maal-galiyay dambiyada isaga lagu haysto”.

Waxa ay waydiisatay garsoorayaasha in ay hadda u gudbiyaan arrinka guddiga ilaalinta sharciyada ee maxkamadda, taas oo ah Golaha Guud ee Saxiixayaasha (ASP).

Tallaabadan ayaa ah tii ugu dambaysay xarig-jiid sharciyeed oo u dhexeeya ICC iyo Kenya, oo doonaysa in ximaayad ka hortagta maxkamadeeynta loo sameeyo madaxda xilka haya ee dawladaha asaasayaasha Axdiga Rome.

ASP-daayaa baddalay xeerarkii maxkamadda toddobaadkii hore si loogu oggolaado eedeeysanayaasha in ay codsadaan in ay ku soo xaadiraan khadka fiidiyoowga.

Mooshin looga soo horjeedo inay soo noqdaan wasiirada Saacid oo socda

Waxaa socda mooshin laga diyaarinayo Wasiiradii Xukuumadii Ra’iisul Wasaarihii hore Saacid, iyadoo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay wadaan qorshe ku aadan sidii wasiiradaas aanay ka mid noqon Xukuumada la soo dhisayo.

Guux badan ayaa ka dhex socda gudaha Baarlamaanka, iyadoo Mudanayaasha Baarlamaanka ay wadaan isbaheysi xoog leh oo ku aadan sidii Wasiirada Xukuumadii Saacid aanay mar dambe u soo laaban.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada ololahan wada ay u badan yihiin Wasiiro horay xilal u soo qabtay oo iminka ah Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka, waxaana laga yaabaa in ololahan uu ku sii xoogeysto Baarlamaanka gudihiisa.

Kulankii Isniintii la soo dhaafay ee Baarlamaanka Soomaaliya uu kalsoonida kala noqday Xukuumada Saacid ayaa waxaa ku jiray Wasiiro u codeeyay in Kalsoonida lagala noqdo Baarlamaanka, kuwaasoo Xildhibaano ah.

Inkastoo Wasiiro ka tirsanaa Xukuumadii Saacid ay ku dhow yihiin Madaxweynaha ayaa hadana la ogeyn sida Wasiiradaas mar kale uga soo muuqan karaan Xukuumada, maadaama waxyaabaha Xukuumada lafteeda lagu eedeynayay aheyd waxqabad la’aan iyo inay fashilantay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in sodon cisho gudahood ku soo magacaabo Ra’iisul Wasaare cusub, isla markaana Baarlamaanka uu ka helo ansixin, kadibna soo magacaaba Xukuumad cusub.

Dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya inay adkaan doonto sida Baarlamaanka ku meel mariyo Xukuumada cusub, hadii xubno badan oo hada isku dan ah ay danahooda ka dhex waayaan Golaha Wasiirada.

Xigasho: Jowhar.com

Taliyaha cusub ee ciidanka badda Soomaaliya oo xilka lagu wareejiyay

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Khamiis ah ka dhacday  xaflad ay xilalka ku kala wareegayeen taliyaha cusub ee ciidanka badda Soomaaliya iyo taliyiihii horre.

Xafladda oo ka dhacday xarunta ciidamada badda, ayaa waxaa taliyihii horre ciidanka badda Soomaaliya Admiral Faarax Axmed Cumar “Faarax Qarre” uu xilka ku wareejiyay taliyaha cusub Admiral Madeey Nuurey Sheekh Ufurow oo dhawaan xilkaas ay dowladda u magacowday.

Taliyihii horre Faarax Qarre oo ka hadlay xafadda ayaa sheegay in wixii dikuminta ahaa oo uu hayay in uu ku wareejiyay taliyaha cusub wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu xilka ku wareejiyo Madeey oo in muddo ka shaqeeyay ciidanka badda Soomaaliya.

Ugu dambeyn taliyaha cusub Admriral Madeey Ufurow ayaa u mahadceliyay taliyihii horre, wuxuuna sheegay shantii sanno ee uu xilka hayay in uu wax badan ka qabtay ciidanka badda Soomaaliya.

Wuxuu kaloo sheegay in Faarax Qarre iyo kooxdii la shaqeeneysay ay wax badan dedaal ku bixiyeen siddii loo tababbari lahaa ciidan cusub oo Sooomaaliya ay lee dahay,

Waxaa goobta la shegeya in ka badan 400askari iyo doonyaha dheereeya oo  ciidanka badda Soomaaliya ay ka heleen dowladda Turkiga ay hadda diyaar ku yihiin xarunta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Dhibaatada ka jirta Jowhar oo caalamku indhihiisa uu ku soo arkay

Saraakiil ka socoto Hey’addo Caalami ah oo dhinaca gargaarka Bini’aadanimada ayaa gaaray Magaalo Madaxda Xarunta Gobolka Shabeladda Dhexe ee Jowhar waxeyna indhahooda ku soo arkeyn arin aad looga naxo oo ku saabsan Fatahaada uu geestay Wabiga Shabelada Dhexe.

Muuqaalkani waxuu ku tusinayaa Qubaro Cadaan ah oo duuni si dirqi ah ugu tagaya Magaalada Jowhar waxeyna indhahooda ku soo arkeyn waxa ka jiro Magaalada Jowhar iyo dhibka heesta Shacabkaasi ee dhanka Fatahaada Wabiga iyo biyaha magaalada ku hareereysan.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Axmed Madoobe oo go’aan cusub ka soo saaray magaalada Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa ciidamo gaar ah oo ka tirsan maamulkiisa u xil saaray ammaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Wareegto ka soo baxday xafiiskii maanta oo Khamiis ah ayuu ku amray in 200 oo askari oo ka tirsan guutada 94-aad ee ciidanka maamulkiisa ay si KMG  ah ula wareegaan ammaanka magaalo xeebeedka Jubbada Hoose ee Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in dhammaan ciidanka ay ka baxaan magaalada, oo ay tagaan goobo uu sheegay in loo cayimay.

Wuxuu ku amray ciidanka uu u xil saaray ammaanka magaalada inay ka fogaadaan fara-galinta goobaha ganacsiga iyo hantida shacabka iyo dhibaato u geestaan shacabka.

Axmed Madoobe ayaa ka digay in ciddii jabisa amarka lagu qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga, loona aqoonsan doono inay ka soo hor-jeeddo ammaanka deegaanka.

Dhinaca kale, waxaa la filayaa maalmaha soo socda in uu Axmed Madoobe ku dhawaaqo golaha wasiiradda maamulkiisa, oo hadda meel gabhabo u mareyso wadatashiga uu la lee yahay waxgaradka iyo dadka Jubbooyinka.

Magaalada waxaa laga dareemayaa ciidamo gaar ah iyo ergooyinka doonaya in ay ka qaybgalaan dhammeestirka maamulka kumeel gaarka ee Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DEG DEG Qarax Bosaso ka dhacay

Boosaaso (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobalka Beri.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in baabuur laga soo buuxiyay wax yaabaha qaraxa lagu dhfurtay baabuur ay lee yihiin ciidamada badda maamulka Puntland.

Ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhimmatay qaraxa in ka badan tiradaas waa ay ku dhaawacantay, sida ay lee yihiin goobjoogayaasha.

Qaraxa kaddib waxaa goobta soo gaaray ciidamada ammaanka kuwaasoo isku gadaamay goobta waxaana la joojiyay isku socodka dadka iyo gaadidka.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hashay qaraxa ka dhacay magaalada Boosaaso.

Faah-faahin goordhow naga filo

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Boosaaso

[email protected]

Boqoradda INGIRIISKA oo aqoonsatay danjiraha Somalia ee Britain

London (Caasimada Online) Boqorada dalka Ingiriiska Queen Elizabeth II, ayaa maanta oo Arbaca ah waxa ay warqadaha aqoonsiga ka guddoontay danjiraha Soomaaliya u fadhiya magaalada London.

Xaflad weyn oo ka dhacday qasriga boqortooyada ee Buckingham Palace ee magaalada London, ayaa lagu soo dhaweeyay danjire Cabdulaahi Maxamed Cali Sambaloolshe, waxaana halkaas ka hadashay boqorada oo sheegtay in ay ku faraxsan tahay in Soomaaliya 23-sanno kaddib ay safiir u soo magacowdo dalka Ingriiska.

Danjiraha Soomaaliya ayaa xaley ka qaybgalay casho sharraf ay u sameesay boqorada dhammaan danjirayaasha caalamka u jooga London, waxaana si weyn uga dhex muuqday danjiraha Soomaaliya.

Soomaali badan oo ku nool magaalada London ayaa soo dhaweyay aqoonsiga boqorada dalka Ingiriiska Queen Elizabeth II, ay siisay safiirka Soomaaliya.

Waxaana Soomaalida ay lee yihiin wixii hadda ka dambeeya waxaan heli doonaa xafiis rasmi ah oo looga soo xiriiro arrimaha Soomaaliya kaasoo ay u aqoonsan tahay dowladda Britain.

Waa markii ugu horreysay oo dowladda Britain ay si rasmi ah u aqoonsato safiir ka socda Soomaaliya muddo laga joogo 23-sanno.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

[email protected]

 

Gaas oo lagu soo dhaweeyay Garowe iyo weerar uu ku qaaday Faroole

Garoowe (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaaas uu maanta garay raysal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Cabdiweli ayaa ka mid ah musharrixiinta ugu cad cad doorashada Puntland oo lagu wado in ay dhacdo 8-da bisha Janaayo ee sannad dambe 2014-ka.

Dad weyn fara badan ayaa ku soo dhaweeyay musharraxa garoonka diyaaradaha ee Garoowe, waxaana ay wateen boorar uu ku sawiran yahay.

Markii uu ka soo dagay diyaaradda ayuu la hadlay saxaafadda isagoona  sheegay inaysan macquul ahayn in qof ka tirsan musharrixiintu uu soo magacaabo guddigii ansixin lahaa xildhibaannada Puntland.

Cabdiweli Gaas ayaa ku cel-celiyay in ay musharriintooda ay iyagu soo dooran doona guddi kale.

Si kastaba, magaalada Garoowe ayaa hadda waxaa soo gaaraya musharrixiinta u taagan doorashadda Puntland, waxaana horrey u joogay Cali Xaaji Warsame.

Musharrixiinta ayaa horrey saldhig uga dhigtay magaalada Gaalkacyo, markii ay cabsi ka muujiyeen magaalada Garoowe ee xarunta Gobalka Nugaal maadama uu halkaas joogo Faroole.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

 

 

Daawo Video: Muuqaalo ku tusinaya Muqdisho & Waxii ka hir galay 2013.

0

Caasimada Online: Magaalada Muqdisho oo Sanadkaan 2013 u aheyd Sanadkii dib u dhiska Magaalada iyo dib u howl gelinta goobo muhiim u ahaa Bilicda Magaalada oo muddo 23 sano ah ana shaqeyn tan iyo burburkii Dowladii Dhexe ee milateriga aheyd.

Hadaba Aqristoow Muuqaalkani waa Muuqaalo Goos Goos ah oo la isku keen keenay waxyaabihii ugu waaweynaa ee Sanadkaan ka hergalay Magaalo Madaxda Muqdisho ee nala daawo Muuqalkani oo aad ku farxi doonto marka aad aragto Bilicda Magaalada.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Shir Muhiim ah oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay (Maxaa looga hadlay)

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Arbaca ah lagu soo gabagabeeyay shirweyne looga hadlaayay doorka ay dumarka ku lee yihiin siyaasadda.

Shirka oo muddo seddax cisho ka socday xarunta AMISOM ugu weyn ee Xalane waxaa ka qayb galay haween ka kala yimid gobalada dalka iyo caasimada Muqdisho, kuwaasoo si weyn u gorfeeyay kaalinta dumarka kaga aadan arrimaha siyaasadda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka soo xiray, isagoona ballan qaaday in dowladiisa ay mudnaan siin doonto dumarka isagoona tusaale u soo qaatay xukuumadii horre oo labo wasaarad oo culus ay u dhiibeen haween.

Danjiraha QM u qaabilsan Soomaaliya, Nichalas Kay oo isna ka hadlay shirka ayaa sheegay in ku xigeenkiisa ay tahay haweeneey isla markaana inta badan shaqaalaha ka shaqeeya xafiiska ay u badan yihiin haween Soomaali ah.

Wasiiradda adeegga bulshadda Dr. Maryam Qaasim oo iyana ka hadashay shirka ayaa madaxweynaha ka codsatay in qoondo ballaan laga siiyo hey’addaha dowladda.

Wasiiradda ayaa sheegtay in dumarka ay laf dhabar u yihiin bulshadda isla markaana burburkii dalka ay gacan ka geesteen dhismaha qoyska iyo nabad la helo.

Waa shirkii ugu horreyay oo noociisa ah oo ka dhaca Muqdisho, kaasoo looga hadlaayo in dumar kaalin laga siiyo siyaasadda dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maamulka Gobalka Banaadir oo soo saaray go’aan dad badan ka khatar gallin kara guryahooda (Faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka Gobalka Banaadir ayaa maanta oo Arbaca ah ku hanjabay in ay la wareegi doonaan guryaha burbursan ee ku yaalla Muqdisho, haddii aan lagu dhisan muddo seddax bil ah.

Xoghayaha maamulkaas,Cabdikaafi Hilowle Cismaan oo saxaafadda u akhriyay digreeto ka soo baxday guddoomiyaha maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegay in cid kasta oo ku dhaqan magaalada Muqdisho oo gurigiisa uu burbursan yahay looga baahan yahay in ay ku dayac tirtaan muddo seddax bil, haddii kale lagala wareegayo gurigga uu daggan yahay.

Wuxuu sheegay in maamulka Gobalka Banaadir uu la wareegi doono guryaha burbursan haddii aan lagu dhisan muddo seddax bil ah sida uu hadalka u dhigay.

Xoghayaha meelaha uu tilmaamay waxaa ka mid ah degmada Xamarweyne iyo degmada Shangaani halkaas oo ay ku yaalaan dhismooyin ku burburay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka.

Mar la weydiiyay xoghayaha maamulka gobalka Banaadir sida la yeelayo dad aan dhisan karin guryhooda, wuxuu tilmaamay in ay la soo xiriiraan maamulkia Gobalka Banaadir ama ay qandaraas la galaan ganacsatada Muqdisho ku sugan.

Ma cadda sida uu dhaqan gali doono go’aankan cusub ee ka soo baxay maamulka Gobalka Banaadir, iyadoo magaalada Muqdisho dhismooyinka ku yaalla ay ku burbureen dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xasan: Mardambe ma maqli doontaan gabar la kufsaday oo DFS xirtay

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta soo xiray kulan looga hadlayay tacadiya dumarka loo geysto, ayaa sheegay in dowladdiisu aysan mar danbe xiri doonin haweenay sheegatay in la kufsaday, balse wuxuu dumarka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dowladdiisa kala shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa kufsiga been abuurka ah ee qaar ka tirsan haweenku ay sheegtaan.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan seddax cisho uga socday qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed Ex dugsigii Xalane, ee wuxuuna ka codsaday in ay kala shaqeeyaan dowladda siddii baari lahaa dambiyada kufsiga ee dhaca iyo kuwa beent ah.

Madaxweynaha ayaa haweenkii joogay kulanka u ballan qaaday in dowladiisa ay sameen doonto sharciyo iyo siyaasado cusub oo aan horey loo arag, kuwaasoo looga hortagayo tacaddiyada loo geysto dumarka.

Madaxweynaha ayaa qiray in ay jiraan cawaaqib heesta dumarka balse marar qaar laga faa’ideesto iyagoo markaas dano gaar ah laga lee yahay.

Ciidanka ammaanka iyo booliska Soomaaliya ayuu sheegay in la siiyo tababarro gaar ah oo jinsiga ku saabsan, isagoo xusay inay ka go’an tahay inay si dhab ah horumar uga sameeyaan dhankaas.

Kulankan oo uu soo aggaasimay xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM, waxaa looga hadlay siddii wax looga qaban lahaa dhibaatada loo geesto dumarka Soomaaliyeed, iyadoo ay soo badanayaan dumarla la kufsado.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Warbixin caalami ah oo ka careysiisay DF iyo jawaab kulul oo ay ka bixisay

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u beenisay warbixin ay shalay soo saartay hay’adda Watchdog Transparency International, taasoo lagu sheegay in Soomaaliya ay kaalinta hore kaga jirto dalalka caalamka ee uu musuq-maasuqu dilooday.

Wasiir ku xigeenka maaliyadda Soomaaliya Axmed Xasan Aadan oo wareysi siinayay VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in warbixintu ay tahay mid aan ku saleysnayn xaqiiqada ku aaddan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya.

“Waxaan ka xumahay warbixintan, waxaana loo baahan yahay marka musuq-maasuq la sheegayo in loo hayo caddeyn dhab ah wax la lunsaday, waayo musuq-maasuqu wuxuu saameeyaan horumarka iyo bulshada dalka uu ka jiro” ayuu yiri wasiir ku xigeenku, sidoo kale, wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in waxa la lunsaday ay tahay in la caddeeyo, ma hati shacabka Soomaaliyeed la siiyay oo la lunsaday baa, mise waa hanti caalamku siiyay dowladda Somalia oo si xun loo maamulay.

“Hantida nalagu eedeynayo ee shacabka Soomaaliyeed maalin walba lagu jah-wareejinayo yay tahay cidda na siisay” ayuu wasiir ku xigeenku ku yiri wargeysigiisa, isagoo intaas ku daray inaysan jirin lacago la siiyay Soomaaliya, waana loo diidan yahay in Soomaaliya ay si xor ah dhaqaalaheeda u maareyso.

Wasiir ku xigeenka oo sii hadlayay ayaa sheegay in dalka Soomaaliya lacag siiyay uu hadda is-caddeeyo uuna sheego qadarka ay dhameyd iyo xilliga la siiyay, dowladduna waxay diyaar u tahay inay la doodaan qolyaha warkaasi qoray , balse warbixin la iska qoray waa mid aan jirin oo been ah, su’aal ahayd in warbixintan lagu saleeyay is-casilaaddii guddoomiyihii hore ee Bankiga dhexe Yusur Abraar ay tahay ayaa sheegay inuusan isagu u war-hayn sababta ay isku casishay Yusur, balse loo baahan yahay in caddeeyo haddii ay jiraan lacago la musuqmaasuqay oo Soomaaliya la siiyay.

Dhanka kale, wuxuu sheegay inay jiraan dalal badan oo caalamka oo sheega in lacago ay ugu deeqeen Soomaaliya, balse aysan bixin, waxaana mar kale caddeynayaa inaysan jirin lacago Soomaaliya la siiyay ayuu yiri wasiirku.

“Waxaan doonayaa inaan caalamka u caddeeyo in Soomaaliya loogu deeqay lacago malaayiin doollar ah, balse aysan jirin hal shilin oo ka mid ah oo weli Soomaaliya la siiyay,” ayuu wasiirku wareysigiisa kusoo gaba-gabeeyay, hadalka wasiirka ayaa wuxuu jawaab u ahaa warbixin ay hay’adda Watchdog Transparency International ku sheegtay in dalalka Soomaaliya, Afgaanistaan iyo Waqooyiga Kuuriya ay kaalinta hore kaga jiraan dalalka caalamka ee uu sida aadka ah uga jiro musuqmaasuqa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Yaa noqon doona Rai’isul wasaaraha 16-aad ee Somalia? (Xog & Gorfeyn)

Iyadoo Dec 2, 2013 Baarlamaanka Soomaaliya uu Codka Kalsoonida ku Tuurey Raiisul Wasaarihii Xukuumadii Cabdi Faarax Shirdoon ayaa qaar ka mid ah Qaybaha Bulshada , Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano waxay aragtiyo kala duwan ka bixyeen qaabkii loo ridey Raiisul wasaaraha

Xildhibaan  Cali Khaliif Galeyr oo isagu ahaa nin si aad ah uga soo Horjeedey in la rido Raiisul Wasaaraha ayaa yiri “ Waayo aragnimo ayaan u leeyahay marka ay is qabtaan Madaxweyne iyo Raiisul Wasaare , waxaana Xaqiiqo ah in Khilaafkii Dhexmarey Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Raiisul Wasaare Saacid uu Gardarnaa Madaxweynaha” waxaa uu sii raaciyey “ Baarlamaanka Soomaaliya waxaa la wareegey Rag isku Xiran marka waxaa Dhab in waqti aan sidaa u fogeyn Mooshino la keeni Doono”

Qaramada Midoobey ayaa si Taxadar leh u soo Dhaweysey Go’aankii uu Baarlamaanka  Codka Kalsoonida kala laabtey ama ku ridey Raiisul wasaare Saacid  waxayna Sheegtey in Hayadaha Dowladda ay gaarayaan “Biseyl Siyaasadeed”  waxayna Qaramada Midoobey Soomaaliya u joogtaa sidii Dowladda Fedraalka u taageeri lahayd  iyadoo sheegety in Raiisul Wasaare Saacid uu ahaa Shaqsi ay ka ga’an tahay Barnaamijka Hiigsiga Soomaaliya .

Xildhibaan  Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo ka mid ahaa Xildhibaanadii taageersanaa in la tuuro Xukuumada saacid ayaa yiri “Mar hore ayaa laga rabey in Xukuumadu is Difaacdo, hada waxaa Difaacaya Xildhibaanada taageesan marka waxaa Xaqiio ah in Xukuumada ay ku fashilantey waxyaabihii loo Idmadey”

Madaxweyne Xasan Shiikh oo hadlay wax yar ka dib  Ridistii Xukuumadii Saacid  ayaa soo dhaweeyey  Go’aankii Baarlamaanka ee ay ku tuureen Xukuumadaas waxaana uu meesha ka saarey in Khilaaf uu kala dhaxeeyey Raiisul Wasaarihisii ,isagoo sheegey in Khilaafku u ahaa wax aan  sidaa u Buurneyn isku qabteen wax uu ku tilmaamey  Fikir oo keliya

“ Waa Garadaro aan geed loogu soo Gabban in Xilgaan la tuuro Raiisul Wasaare Saacid waayo dalka waxaa uu ku jiraa Xaalad adag marka aniga ilama Habooneyn in Saacadaan la Rido Saacid iyo Xukuumadiisa” sidaa waxaa yiri mid ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed  oo si weyn uga soo Horjeedey Qaabkii loo tuurey Raiisul wasaaraha waayo waxaa uu ahaa Raiisul Wasaare aad u Dulqaad badan ilaa Daqiiqadihii ugu dambeeyey ee laga gaarayey in Baarlamaanka uu Tuuro waxaana ku Tilaami karaa Geesi Garab waayey

Raiisul Wasaarahaan  uu Baarlamaanka  Codka Kalsoonida ku Ridey ayaa Noqonayaa Raiisul Wasaarihii 15 aad ee Dalka yeesho tan iyo markii uu   Dalku qaatey Xornimada 1960  waxayna kala ahaayeen

  • 1-    Cabdirashiid Cali Sharmaarke
  • 2-    Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
  • 3-    Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
  • 4-    Maxamed Cali Samater
  • 5-    Maxamed Xawaadle Madar
  • 6-    Cumar Carte Qaalib
  • 7-    Cali Khaliif Galeyr
  • 8-    Xasan Abshir Faarax
  • 9-    Maxamed Cabdi Yuusuf
  • 10- Cali Maxamed Geedi
  • 11- Nuur  Xasan Xuseen
  • 12- Cumar Cabdirashiid Cali  Sharmaarke
  • 13- Maxamed Cabdulaahi Farmaajo
  • 14- Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
  • 15- Cabdi Faarax Shirdoon Saacid
  • 16-   ????

Waxaa dad badan isweydiinayaan Waxaa Xigi doono mar hadii la Tuurey Xukuumadii  Raiisul Wasaare Saacid iyo Cidda uu noqon doono Raiisul Wasaaraha 16 aad  ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  [email protected]

E-Mail  [email protected]