26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Yusuf Garaad: R/W Saacid ha is-casilo

Nairobi (Caasimada Online) – Suxufiga iyo siyaasiga Soomaaliyeed ee Yuuruf Garaad Cumar, ayaa ugu baaqay ra’iisul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid inuu xilka iska casilo, sababo jira awgood.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa Yuusuf Garaad oo ka tusaale qaadanaya dhacdooyinkii shalay ka dhacay xarunta baarlamanka Somalia, waxa uu ku sheegay in iminka xalka uu ku jiro in Saacid xilka isaga tago.

Qoraalka Yuusuf Garaad, ayaa waxaan ka qaadnay screen shot, waxaana uu ahaa sidan:-

garad face

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Baabuur AMISOM ay leedahay oo ku xayiran degmada Cadaado

Cadaaddo (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Cadaaddo ee xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb lagu arkay kolonyo oo ay lee yihiin AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti.

Wariye ku sugan Cadaaddo ayaa sheegay in dadka ku dhaqan magaalada ay halmar ku soo tooseen gaadid badan oo u raran AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti oo magaalada ku sugan.

Maamulka Ximin iyo Xeeb oo arrintan wax laga weydiiyay ayaa sheegay in aysan ka war heynin ciidamo AMISOM oo la keenaayo deegannadooda, waxaana ay ku tilmaameen arrin xad gudub oo aan lagu soo wargalin.

Si kastaba, baabuurta u raran AMISOM ayaa la sheegay in ay hadda ku xayiran yihiin xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb, mana jirto cid ilaa hadda faah-faahin ka bixiyay gaadiidkan iyo cida ay u kireesan yihiin.

Waxaa horrey loo sheegay in ciidamo AMISOM ah gaar ahaa kuwa Jabuuti ee ku sugan gobalka Hiiraan in la geyn doono magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb.

Wixii warar ah ee ku soo kordhan warkan kala soco Shabakadda Caasimada Online

Imisa dal ayaa ka dhex jirta waddanka Soomaaliya, hal dal mise ka badan?‏

Waxaan waayadan ku wareeray waxa ay Soomaaliya tahay, Ma hal dalbaa mise dalal badan oo mid isku ah?. ka dib markii aan dhegeystay Siyaasiyiinta reer Soomaaliland iyo xitaa kuwa kale reer Koonfureedka ah  oo marka ay hadlayaan ka dhigaya Soomaaliya sida dalal dhowr ah,waxaa iyagana wadadaasi maray Warbaahinta ku hadasha Af-Soomaaliga.

Inkasta oo dalka Soomaaliya uu ka dhacay dagaal sokeeyo hadana waxaa uu Caalamku u aqoonsanaa dal ka mid ah dalalka Caalamka, Waxaana tusaale u ahaa sida uu Calanka Soomaaliya uu uga babanayey Maxaafisha dowliga ah.Hadda oo ay ka jirto dowlad rasmi ahna wali waxa loo aqoonsan yahay dal mid ah walibana xor ah.

Maadaama ay Soomaaliya ka tirsaneyd Ururo Caalami iyo kuwa Goboleedba marna ma banaanaanin Korsigeedii xitaa intii aan la dhisin dowladihii Ku-meelgaarka ahaa,Waxaa Iyadana xusid mudan in ay shaqeynayeen Safaaradihii ay ku lahayd Caalamka taas oo muujineysey in ay wali tahay dal xor ah oo jira.

Markii ay dhacday Dowladdii dhexe  waxaa laga dhisay Wadanka  Maamulo qaar sheegay in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale sida kan la magac baxay Soomaaliland kaas oo ilaa Maanta aan cidana aqoonsan,iyo kuwa kale sida kan Puntland,Galmudug,Jubaland iyo kuwa kale oo soo socda.

Maadaama uu Caalamku ku dhaqmo Xeerar iyo Qawaanin Caalami ah waxa ay aqoonsan yihiin in Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay tahay midda kaliya ee matasho Dalka iyo dadka Soomaaliyeed Waxaana tusaale u ah Shirarka Caalamiga ah ee ay ka qeyb gasho Iyadoo matalayso dadka Soomaaliyeed.

Waxaa tusaale labaad u ah in ay Iyadu ku fadhiso dhamaan kuraastii ay Soomaaliya ku lahayd Ururdadi iyo Hay’adihii ay ka tirsaneyd sida Qaramada Midoobay,Midowga Africa,Jaamacadda Carabta,Ururka Islaamka iyo Ururka Goboleedka Igad.

Waxaa tusaale Sedexaad u ah in Dowladaha Saaxiibka la ah Soomaaliya ay Safaaradahooda ka furteen Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliya sidoo kalena ah Xarunta ay degan tahay Dowladda Federaalka.

Dhamaan astaamihii aan soo sheegay waxa ay muujinayaan in Soomaaliya ay tahay dal mid ah oo aan kala go’in hadana Xor ah,Xuduudyadeedii ay sidoodii yihiin ayna ka jirto hal dowlad ah,Waxa Iyada ka soo harayna ay yihiin Maamulo ka jira gudaha Wadanka magac kastaaba hala baxeene waana sida uu Caalamku aqoonsan yahay.

Hadaba maxaan qoonsaday?

Sida aan soo sheegay maadaama uu Caalamku u aqoonsan yahay Soomaaliya dal mid ah,Dowladda Federaalkuna tahay midda kaliya ee matasho Dalka iyo Dadka Soomaaliyeeda.Hadaba ma xaqbaa in loola dhaqmo Dalka sida dal ay ka jirto Sedex dowladood ama Sedex wadan.

Marka aad dhegeysoto Siyaasiyiinta Soomaalida ama xitaa qaar ka mida Warbaahinta ku hadasha Af-Soomaaliga sida BBC-da iyo VOA-da waxaa aad maqleysaa Iyaga oo dhahayo “Soomaaliland,Puntland iyo Soomaaliya” ama Soomaaliland iyo Soomaaliya”.Ma aqoondaraa jirta mise waxani  waa iska yeel yeel.waxa ay ahayd in sidan loo dhigno ” Soomaaliya iyo Maamulka la magac baxay Soomaaliland ee sheegay inuu ka go’ay Soomaaliya. 

Puntland iyo Maamulada kale ee jira maadaama aysan Iyagu sheegin in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale waa in loodhiga sidatan marka laga hadlayo “Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya”.Ogaadana haddii macaawino si toos ah laguu siiyey macnaheeda ma ahan in lagu aqoonsaday ama aad tahay dal madax banaan.

Gabab gabadii waxa aan leeyahay Dalkan kama jirto dhowr dowladood kamana koobno dhowr dal oo mid isku ah sida dadka qaar u dhigayaan. Soomaaliland ma’ahan dal ka madax banana Soomaaliya ama dowlad la’aqoonsan yahay marka waxa aan ku talin lahaa in wax la saxo Dalkana laga dhaafo hagardaamada waa haddii Soomaalinimadu dhab naga tahay.

Talooyin ku socda Warbaahinta ku hadasha Af-Soomaaliga.

1-In Wariyayaasha si fiican loo tababaro si looga fogaado khaladaadka dhacayo Maalin kasta.

2-In aad xulataan ereyada ku haboon warbixinta aad ka hadlaysaan lana timaadaan erey bixin fiican marka aad fasireysaan luuqadaha aan Soomaaliga ahayn.

3-In aad ilaalisaan Madax banaanida Wadanka Soomaliya si aan la idinkaga qaadin Sharciga aad ku shaqeysaneysaan.

4-In aad si fiican u fasirtaan ereyada khalaad (aan Soomaliga ahayn) ee ku jira Warbixinada aad soo gudbineysaan si ay u fahmaan dadweynaha idin dhegeysanayo.

5-In aad Mujtamaca ka ilaalisaan waxyaabaha diin ahaan iyo dhaqan ahaanba aan fiicneyn ee Maalin kasta aan ku aragno Idaacadaha,Tv-yada iyo waliba Website-yada sida sawirada dumarka qaaqaawan.

W/Q: Cabdullahi Ibrahim
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Faroole oo hadal la yaab leh soo diray iyo qorshe uu leeyahay oo uu sheegay

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Puntland, Cabdiraxmaan, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay in uu ka mid yahay musharrixiinta u taagan doorashadda maamulka Puntland.

Faroole oo saxaafadda uu warramaay ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay qorshaha uu damacsan yahay haddii mar labaad uu xafiiska qabto.

Wuxuu isku sifeeyay qof aan xukunka jeceleyn balse markii uu arkay arrimo badan uu go’aansaday in uu mar labaad isku soo taago doorashadda Puntland oo lagu wado in ay dhacdo bisha Janaayo ee sannadka dambe.

Wuxuu yiri “Waxaan go’aansaday in aan mar labaad isu soo taago doorashada madaxtinimada Puntland, Dastuurku wuxuu qorayaa in qofku madaxweyne isu taagi karo labo jeer…”

Ballaan qaad uu sameeyay haddii uu ku guuleesto doorashadda

Wuxuu balanqaaday inuu uga faa’iideyn doono khibradiisa maamul & Waayo aragnimadiisa shaqo dadkiisa & dalkiisa isla markaana uu ku haminayo inuu hawl gab noqdo iyadoo umada Soomaaliyeed mid ah soona ceshatay sharaftii & karaamadii ay ku lahayd aduunka.

“… Waxaan ku haminayaa in aan ku hawl gabo Soomaaliya oo mid ah, is jecel oo nidaamkii lagu heshiiyey ee federaalku uu dhamaystirmo oo meel walba state ka dhismo danaha deegaankooda & horumarkoodana hanta …” Ayuu yiri Madaxweyne Faroole.

Faroole ayaa soo hadal qaaday mashaariic uu qabtay intii uu xafiiska joogay.

Madaxweyne Faroole ayaa tilmaamay in uu qabtay wax yaabo fara badan oo ah xagga horrumrka , wuxuu tusaale u soo qaatay dhismaha garoomo diyaarad sida Gaalkacyo, Garoowe,Boosaaso iyo wadooyin ay dhiseen.

Wuxuu ka hadlay arrimaha Soomaaliya

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in siyaasada Soomaaliya ay gashay weji cusub iyadoo loo gudbay dowlada rasmi ah waxaana hada dadaal & dagaal siyaasadeed u baahan sidii loo hirgelin lahaa nidaamka federaalka loona meel marin lahaa Dastuur rasmi ayuu yiri.

Dhoola tuska uu sameeyay Faroole ayaa ku soo aadaya iyadoo ay soo kordheen musharrixiinta isku soo taagay doorashadda maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: S/Land & DF oo ishaysta

Hargeysa (Caasimada Online) Maamulka Somaliland iyo dawladda federaalka ah ee Soomaliya ayaa wali isku khilaafsan hannaanka socdaalka, taasoo hakad gelisay rakaab badan oo labada dhinac isaga socdaali jiray.

Khilaafkan labada dhinac u dhexeeya ayaa salka ku haya muranka ka taagan baasaboorka dawladda Soomaaliya iyo sida ay ula macaamisho Somaliland.

Haddaba Barnaamijkeena wicitaanka dhageystaha ee VOA-da ayaa todobaadkan arrintaasi ku saabsan waxaana marti ku ah wasiirka wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada ee Somaliland Maxamud Xaashi Cabdi.

Wasiirka ayaa waxaa la weydiiyay khilaafkaas iyo sida uu saameeyay dad weynaha isaga kala goosha labada dhinac.

Waxaa kaloo wasiirka ka jawaabay hadal dhawaan ka soo yeeray Taliyaha hogaanka socdaaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Jeneraal Cabdullahi Gaafow Maxamuud oo sheegay in la mamnuucay baasaboorkii horre.

Barnaamijka oo dhameystiran halka hoose ka dhageyso.

Video: Dood kulul oo wax badan lagu kashifay oo uu qabtay Universal TV

Caasimada Online:  Suxufiin Rugcadaayaal,  Siyaasiyiin Iyo Culuma’udiin Caan ah oo lagu casuumay Dood kulul oo looga hadlayay Warbaahinta Maanta gaar ahaan dhanka Tv-yada tirada badan ee Soomaalida ayaa waxeey gaartay heer laga hadlo arimo badan oo qarsoonaa oo banaanka la soo dhigay.

Aqristoow ma ogtahay in Tabarucaadyada Tv-yada Soomaalida in ay yihiin kuwa ganacsi ah oo laga sameeyo lacag waxaana ka hadlaya arimahaasi Culuma Soomaaliyeed oo caan ah waxaana sidoo kale ka hadlaya eedeymaha Tv-yada Milkiilaha Tv-ga Universal ee nala daawo doodaan fadeexada ah.

HALKAAN KA DAAWO:

 

DEG DEG: Qaadista codka kalsoonida ee mooshinka Saacid oo billaabatay

Muqdisho (Caasimada Online) Sida ay soo sheegeen wariyaasha Shabakadda Caasimada Online, ee ku sugan xarunta baarlamaanka waxaa la soo gabagabeeyay doodda xildhibaannada baarlamaanka, waxaana billaabatay in cod loo qaado mooshinka laga keenay raysal wasaaraha Soomaaliya.

In ka badan 40-xildhibaan ayaa maanta ka hadlay mooshinka laga keenay raysal wasaaraha, waxaana mudanayaasha baarlamaanka ay u badnaayeen kuwa ka soo horjeeda mooshinka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo shirka guddoominaya, ayaa hadda akhrinaya magacyada xildhibaannada fadhigga jooga  iyo kuwa maqan.

Jawaari ayaa sheegay in cod qaadista ay noqon doonto mid gacan taag, wuxuuna sheegay in codka kal soonida ay noqon doonto seddex qayb oo kala ah, Haa, Maya iyo in laga Aamuso.

Guddoomiyaha waxaa kaloo uu sheegay in uusan isaga codeen doonin ilaa inta codadka ay ka noqanayaan mid barbardhac ah.

Wuxuu kaloo Jawaari uu tilmaamay in codka kalsoonida ay noqon doonto mid saf saf ah.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa hadda si toos u billaabay codeynta mooshinka kala noqoshada raysal wasaaraha waxaana fadhigga ku sugan 250-mudane.

Faah-faahinta kala soco Shabakadda Caasimada Online

Fadhiga BF ee mooshinka oo furmaya goor dhow iyo warkii ugu dambeeyay

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow lagu wadaa in xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho uu ka billowdo kulankii xildhibaannada baarlamaanka, kaasoo looga dooddayo mooshinka laga keenay raysal wasaaraha Soomaaliya.

Waa maalintii seddaxaad oo kulankan uu qabsoomo, maalintii shaley waxaa mooshinka raysal wasaaraha ka hadlay oo fikirkooda ka dhiibtay 31-mudane, kuwaasoo isugu jiray kuwa taageersan raysal wasaaraha iyo kuwa ka soo horjeeda.

Fadhigga shaley aad u xasaasi u ahaa, waxaana la isku weedaarsaday dooddo kulul, kuwaasoo mararka qaar guddoonka baarlamaanka ka tan weynaa.

Si kastaba, waxaa maanta la filayaa in la dhammeestiro dooddoa mooshinka ka dhanka ah raysal wasaaraha, waxaana la guda galin doonaa in cod loo qaado.

Ma cadd sida ay wax noqon karaan, waxaana wax kasta ay ku xiran yihiin mudanayaasha baarlamaanka kuwaasoo hadda uu hor yaallo labo qiyaar oo culus.

Dadka reer Muqdisho ayaa aad u hadal haya doodda xildhibaannada, waxaana la adkeeyay ammaanka magaalada gaar ahaan xarunta golaha shacabka.

Wixii ku soo kordha kala socda shabakadda Caasimada Online oo wariyaal dhowr ah ay ka joogaan xarunta baarlamanka.

Mahadsanidiin

DHAGEYSO: Cali Khaliif Galayr: Wax iga yaabiyey ayaan maanta ku arkay BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo ka tirsan baarlamaanka intooda difaaceysa Ra’iisul wasaare Saacid Farax Garaad ayaa waxa uu sheegay mid aan la aqbali karin in baarlamaanka diideen codsigii Saacid Farax.

Cali Khaliif ayaa waxaa uu sheegay in marna aan loo fadhiyin inay baarlamaanka Soomaaliyeed xukuumad ay eedeyn usoo jeediyeen hadana u diidaan inay is difaacdo taasi oo uu ku sheegay mid ka maran siyaasada dunida.

” Walikeed lama maqal xukuumad la leeyahay waa eedeyneynaa haddana madaxii xukuumadaasi la eedeynayo  loo diido inuu is difaaco” ayuu yiri Galeyr.

Dhinaca waxaa uu sheegay inay beesha caalamka il gaar ah ku eegayaan waxa ka dhex socda baarlamaanka Soomaaliya iyo go’aanka ay maanta qaateen, waxaana u sheegay inay shacabka Soomaaliyeed iyo baarlamaankaba ay eedi doonaan go’aankaasi.

” Caalamka waxa uu inaga doonayaa maamul wanaag, waxaana la eedi doonaa go’aanka maanta baarlamaanka ku diiday inay xukuumada is difaacdo. Waana la eedi doonaa arrintaasi la sameeyey” ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku diiday inuu Ra’iisul wasaare Saacid Farax Garaad horyimaado baarlamaanka oo uu iska difaaco eedeynta loo soo jeediyey.

Halkan ka dhageyso codka Cali Khaliif

Galeyr

Isha: K24

RW Saacid oo la hadlay xildhibaanada mooshinka ka keenay (Faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ku gacan seyray eedaha uga yimid mudanayaasha baarlamaanka ee ku aadan in xukuumadiisa ay ku fashilantay wax yaabaha loo idmay.

War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha, oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay Shabakadda Caasimada Online, ayaa lagu sheegay mooshinka hor yaalla baarlamaanka in uu yahay mid aan xaqiiqo ahayn oo aan loo heynin wax cad ah.

“Eedaymaha mooshinka ku xusan ee lagu dhudhuminayo kalsoonida xukuumadda, ma aha kuwo xaqiiqda dhabtaa ku salaysan. Waxaa maqan xog-ogaalnimo rasmi ah. haddaba, si waafaqsan cadaaladda dabiicigaa (Natural Justice) iyo shuruucda dalkaba ” ayuu yiri raysal wasaaraha.

Wuu sii hadlay “Waxaa xukuumaddu diyaarisay qoraal waafi ah ee ay uga jawaabayso dhamaan eedaymaha loo soo jeediyay, oo keeni kara qaneecaad iyo kalsooni dhisid buuxda. Sidaas la’adligeed, ‘xukuumad ahaan’, waxaan golaha baarlamaanka ee sharafta leh mar labaad ka codsanaynaa in naloo ogolaado fursad nalagu dhagaysto si aan isaga difaacno eedaymaha naloo soo jeediyay. Go’aan kasta oo la gaaro anagoo maqan waa mid ku dhisan malo awaal.” ayuu markale yiri raysal wasaaaraha.

Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale baarlamaanka weydiistay in la siiyo fursad ay xukuumaddu isku difaacdo, wuxuuna intaas ku daray in go’aan kasta oo baarlamaanka ka soo baxa iyadoo xukuumaddu ka maqan tahay uu yahay mid mala awaal ah.

Hadalka raysul wasaaraha ayaa ku soo beegmay iyadoo ay magaalada Muqdisho uu maalintii labaad ka socdo mooshinka ka dhanka ah raysal wasaaraha, iyadoo maanta xildhibaannadu ay diideen in raysul wasaaraha uu fadhiga ka soo qeyb-galo si uu isku difaaco.

Ma cadda sida ay wax noqon karaan, waxaana dadka ku dhaqan Muqdisho ay indhaha ku hayaan halka uu ku dambeyn doono mooshinka laga keenay raysal wasaaraha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xildhibaano sheegay in mooshinka RW Saacid uu ka dambeeyo M/weynaha

Muqdisho (Caasimada Online) Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta sheegay madaxweynaha Soomaaliya in uu ka dambeeyo mooshinka ka dhanka ah raysal wasaaraha Soomaaliya oo maalintii labaad maanta dib u dhacay in cod loo qaado.

Xildhibaannada ayaa tilmaamay madaxweynaha in uu dhaqaale ku bixiyay mooshinka isla markaana uu doonayo in meesha laga saaro raysal wasaaraha.

Xildhibaannadaas waxaa ka mid ahaa Maxamed Cabdi Yuusuf, wuxuu sheegay in mooshinka laga soo abaabulay xafiiska madaxweynaha, wuxuuna xildhibaannada baarlamaanka kula dardarmaay in ilaaliyaan sharciga iyo sharafta dadweynaha ay wakiilka ka yihiin.

Ma cadda halka uu ka dambeyn doono mooshinka laga keenay raysal wasaaraha,

Dhinaca kale, xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ka mid ah xildhibaannada taageersan mooshinka ka dhanka ah raysul wasaaraha ayaa ka hor sheegay fadhugga maanta in xukuumadda raysul wasaare Shirdoon ay ku guul-darreysatay inay qabato howlihii looga fadhiyay sida adkaynta ammaanka.

Wuxuu sheegay in tiro ka labo jeer uu is hor taagay madaxweynaha mooshin ay ka keenayeen raysal wasaaraha maadama ay ku guul dareestay wax yaabaha loo doortay.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo looga hadlaayo mooshinka laga keenay raysal wasaaraha oo maalinta labaad laga doodday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

 

DEG DEG: Fadhigga BF ee mooshinka oo soo dhamaaday (Maxaa go’aan ah?)

Muqdisho (Caasimada Online) Sida uu soo sheegayo wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee ku sugan xarunta golaha baarlamaanka, waxaa hadda soo dhammaaday fadhigga baarlamaanka oo maanta in ka badan lix saac qaatay, waxaa laga dooddayay mooshinka laga keenay raysal wasaaraha.

In ka badan 30-mudane ayaa maanta ka hor akhriyay xildhibaannada baarlamaanka mooshinka raysal wasaaraha laga keenay, waxaa kaloo ku jiray xildhibaano aygana taageerayay raysal wasaaraha.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo kulanka shir guddoominyay ayaa sheegay in fadhigga uu xiran yahay maadama waqti badan la fadhiyay, wuxuuna sheegay in maalinta berri meesha laga sii wadi doono.

Waxaa lagu tilmaamay dodda maanta midii ugu adkeyd ee ebid dhex marta baarlamaanka Soomaaliya tan iyo markii la unkay, waxaa laga dareemayay xildhibaannada sida ay u kala taageersan yihiin madaxweynaha iyo raysal wasaaraha oo hadda uu khilaaf xooggan uu ka dhex taagan yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

MUQDISHO oo cagta saartay waddadii dib u dhiska iyo horumarka (Video)

0

Wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu arkayaa gawaari nuucyadii ugu dambeeyay ee caalamka laga isticmaalo kuwaa oo aad ugu soo madanaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Shacabka Muqdisho ayaa ku damaashaadaya Wadooyinka waaweyn ee halboowlaha u ah isu socodka Gawaarida iyo Dadweynaha taa oo micnaheedu yahay in amaanka Magaalada ay soo hagaageeyso daawo muuqaalkani video-ga ah

HALKAAN KA DAAWO:

Laba arrin oo khilaaf cusub ka dhalisay dooda mooshinka R/W Saacid

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa weli ka socda xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, shirka xildhibaannada baarlamaanka, kaasoo looga dooddayo mooshinka laga keenay raysal wasaaraha Soomaaliya.

Shirka oo hadda kulankiisa labaad uu furmay, ayaa waxaa ilaa hadda hadlay qaar ka mid ah xildhibaanada oo isugu jirra ku taageersan mooshinka iyo kuwa ka soo horjeeda.

Waxaa jira khilaaf ah sida laga yeelayo xaalka, maadaama waqtiga gabaabsi yahay, ayada oo la isku heysto in lasii wado hadalka, ama in la joojiyo oo la galo cod qaadista kalsoonida.

Xildhibaannada hadlay waxa ay soo jeediyeen in mooshinka cod loo qaado sidaasna kulanka uu ku soo afmeermo, balse kuwa kale ayaa soo jeediyay in dib loo dhiggo oo mar kale la isku laabto berri.

Kuwa rabo in codka la qaado waa kuwa kasoo horjeeda Saacid, kuwa doonaya in beri la isku soo laabtana waa qolada taageersan

Fadhigga maanta waxaa jooga xildhibaanno lagu sheegay tiradooda ilaa 247-mudane, waxaa shir guddoominaya kulanka guddoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

Kulanka wali waa xasaasi waxaana xildhibaannada ka muuqda xiisad iyo in lagu kala baxo mooshinka laga keenay raysal wasaaraha.

Saakay markii uu shirka furmay, waxa uu guddoomiyaha baarlamaanka uu xildhibaannada ka codsaday in uu kulanka kasoo qaybgalo raysal wasaaraha balse waa ay diiddeen.

Wixiii ku soo kordha fadhigga baarlamaanka kala soco shabakadda Caasimada Online oo si toos ah idiinku tabineysa shirka baarlamaanka.

Mahadsanidiin

Warar cusub oo kasoo kordhay dooda mooshinka ka dhanka ah R/W Saacid

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta baarlamanka Somalia, ayaa waxaa weli ka socoto dood aad u kulul oo u dhaxeysa xildhibaanada mooshinka ka keenay ra’iisul wasaare Saacid si kalsoonida loogala noqdo iyo kuwo difaacaya.

Illaa iyo hadda waxaa hadashay 28 xildhibaan, ayada oo tirada xildhibaanada hadalka loogu tala galay ay yihiin 80, oo min 40 ay u hadli doonaan labada dhinac.

Xildhibaanada doonaya in Saacid kalsoonida lagala noqdo ayaa ku dooday in xukuumaddiisa ay ku guul darreysatay inay wax ka qabato arrimihii loo xil saaray.

Kuwa Saacid difaacaya, ayaa iyaguna ku dooday in mooshinka uu yahay mid lacageysan oo aan daacad ahayn, islamarkaana laga soo abaabulay Villa Somalia.

Waxaa kullanka xaadir ku ah 247 xildhibaan, waxaana hadlaya 80 ka mid ah sida qorshuhu yahay.

Tirada xildhibaanada harsan oo aad u tira badan iyo waqtiga oo is guraya, ayaaa laga yaabaa in mar kale kullanka la isugu laabto berri, balse weli go’aankaasi laguma dhowaaqin, dooduna waa socotaa.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

R/W Saacid oo loo diiday inuu hortago Baarlamanka kadib cod loo qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Buuqaa xooggan ayaa ka qarxay  xarunta baarlamanka Somalia oo maanta uu hor yaallo mooshin la doonayo in codka kalsoonida loogu qaado ra’iisul wasaare Saacid.

Ra’iisul wasaaraha ayaa isku dayay inuu hor tago baarlamanka uuna la hadlo, si uu u difaaco xukuumaddiisa, balse waxaa taas diiday xildhibaanada mooshinka ka keenay.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo ugu cad cad mudanayaasha doonaya in Saacid xilka ka dego, ayaa ku dooday inaysan sharci ahayn in Saacid uu hor yimaado baarlamanka.

Waxa uu ku dooday in haddii ra’iisul wasaaraha uu doonayo inuu is difaaco uu hor taggo maxkamadda sare ee dalka.

Waxaa iyana dhinaca kale ka qeyliyey xildhibaanada taageersan Saacid oo doonayay inuu yimaado madasha kana hadlo, taasi oo isku dhac ka dhex dhalisay labada dhinaca,

Guddoomiyaha baarlamanka Jawaari, ayaa muran kadib go’aan ku gaaray in cod la qaado oo ku aadan in Saacid loo ogolaado inuu ka hor hadlo baarlamanka iyo in kale.

Kadib codkii la qaaday ayaa 149 xildhibaan waxay diideen in Saacid ka hor hadlo baarlamanka, halka 7 ay ogolaadeen, ayada 75 ay ka aamuuseen.

Kadib codkaas, ayaa Jawaari waxa uu ku dhowaaqay in Saacid uusan ka hor hadli doonin baarlamanka.

Wixii kusoo kordha waan idin soo gudbin doonaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Fadhigga BF ee mooshinka Saacid oo furmay iyo wararkii ugu dambeeyay

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow  xarunta golaha shacabka ka billowday fadhi xasaasi ah oo ay lee yihiin xildhibaannada baarlamaanka.

Sida qorshaha ahaa shalay fadhigga maanta ayaa looga dooddayaa mooshin laga keenay raysal wasaaraha Soomaaliya, kaasoo shaley loo qaybiyay xildhibaannada.

Mooshinka raysal wasaaraha ka yaalla ayaa lagu damacsan yahay in lagu rido oo xafiiska uu baneeyo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo shaley shir guddoominayay fadhigga ayaa furay kulanka maanta  oo iminka socda.

Kulanka maanta waxaa lagu dhageesan doonaa xildhibaanno gaaraya ilaa 80 mudane kuwaasoo soo bandhiggi doona wax yaabaha ay ku dhaliilsan yihiin raysal wasaaraha.

Magaalada Muqdisho, waxaa tan iyo xaley ka socday kulamo looga hadlaayo mooshinka raysal wasaaraha ka yaalla baarlamaanka, waxaana kulanka maanta aad loogala socdaa xafiisyada madaxweynaha iyo raysal wasaaraha oo mid kasta uu saameen ku yeelan doono go’aanka uu baarlamaanka gaaro.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: P/Land oo digniin deg deg ah kasoo saartay mooshinka SAACID

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkasta oo horey ay ugu dhowaaqday inay xiriirka u jartay dowladda Somalia, ayaa haddana Puntland waxa ay weli ku dhex jirtaa siyaasadda dowladda, ayada oo ka hadashay mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaare Saacid.

Wasiiru dowladaha dekedaha ee Puntland Cabdi Shakuur Mire Aadan oo wareysi siiyey idaacad Muqdisho ku taal, ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay ka digeyso in la rido ra’iisul wasaare Saacid.

Waxa uu sheegay inay noqon doonto qalad weyn dib udhacna ay u keeni doonto dowladda haddii Saacid la tuuro.

Si kastaba, warbixino xog ogaal ah ayaa sheegaya in Puntland ay ku lug leedahay ololaha ka dhanka ah Saacid si loo tuuro, ayada oo aan ugu daneeneyn Xasan Sheekh, hase yeeshee ka eegenayesa danteeda gaarka ah, balse digniintan ay u muuqato mid been guur siyaasadeed ah.

Halkan ka dhageyso wareysiga Cabdi Shakuur

Cshakuu-Mire-Aadan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaadan ogeyn oo Axmed Madoobe uu ka wadaa Kismaayo? (Xog cusub)

Kismaayo (Caasimada Online) Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose,waxaa ka socda shirar uu garwadeen ka yahay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ah hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ee maamulka Jubba.

Sida ay noo sheegeen ilo xog-ogaal oo ku sugan xarunta Madaxtooyada Jubba kulanka ayaa looga hadlay siddii loo ballaarin lahaa maamulka Jubba.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in la dhammeestiro maamulka kumeel-gaarka ee Jubba, waxaana la filayaa in loo yeelo seddax madxweyne iyo sidoo kale xubno wasiiro iyo baarlamaan.

Magaalada waxaa ku qulqulaya ergooyinka ka qaybgalaya shirka ee la rabo in soo dhammeestiraan maamulka Axmed Madoobe.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, gaar ahaan madaxtooyadda Jubba iyo xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ah meesha lagu soo dhisay maamulkan.

Waxaa soo baxaya dhaliilo loo jeedinaayo Axmed Madoobe oo ku aadan in uu dayacay odayaasha iyo wax garadka soo doortay in uu doonayo in beelaha qaar ee degga Jubbooyinka in uu ka mamnuuco maamulkiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Sawirro: Siyaasi caan ka ahaa Somalia oo loogu magac daray W/A dibedda

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan baroor-diiq ah oo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Gudooomiyaha Baarlmanaka Soomaaliya Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Wasiirka Arrimha Gudaha iyo Amniga Qaran C/Kariim Xuseen Guuleed, Xildhibaano, Diplomacy-yiin iyo masuuliyiin kale oo lagu xusayey Marxuum Danjire Axmed Maxamed Aadan Qeybe ayaa xalay lagu qabtay Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

Dhammmaan masuuliyiintii ka qeyb gashay kulanka oo qaarkood hadalo jeediyey ayaa ku dheeraaday Taariikhdii Alaah Naxariistee Marxuum Axmed Maxamed Aadan Qeybe oo ahaa wasiirkii Arrimaha Dibadda Dowladdii hore ee Somaaliya iyagoo tacsi u diray ehelada Marxuumka, islamarkaana tilmaamay in Marxuumku ahaa qof aad u jecel midnimada Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Allaah uga baryey in Axmed Qeybe Jannadii fardoowsa ka waraabiyo, wuxuuna tilmaamay in Axmed uu ahaa nin Qaran, waxweyna u soo qabtay umadda Soomaaliyeed xili baahiyo waaweyn loo qabay.

“ Waxa uu ahaa nin ku dayasho mudan, meel walba ayuu raad kulahaaa intii nolashiisa jirtayna wuxuu u qidmeynayey Umadda Soomaaliyeed. Allaah Naxariistii Janno hasiiyo, Samir Allaah haka siiyo ehelada iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “Waa inaan wax ka baranaa wixii Axmed dalka u soo qabtay,taariikhdii uu ka tegay. Magaciisa iyo waxqabadkiisa ayaana jiri doonaa”.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “ Dowladda Soomaaliya ee Federaalka ah waxa ay sigaar ah isaga xil-saari doontaa inta nool muwaadiniinta oo ah aabayaashii hore ee dalkaan, Inta dhimantayna taariiikhdooda ayaa la raadin doonaa, Inta soo socotana micno ayey u yeelaneysaa, Dowladda Guddi qaas ah ayey u magacaabi doontaa arrimahaan”.

“ Waxaan u joognaa xuska Marxuum Axmed qeybe, xusuustiisa si aanu jirsiino mar-walba waxaan caawa halkaan ka soo jeedinayaa maadaama Marxuum Axmed Nolashiisa inta badan ku qaatay Diplomacy in xarunta Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya loogu magac daray Qeybe, wixii berri ka biloowda magaceeda laga dhigay Qeybe, si dhalinyaradda dambe ee Soomaaliyeed isku weeydiyaan Qeybe yuu ahaa ka dibna Taariikhdiisa iyo waxqabkiisa u helaan, waa dhaqan cusub oo bilow ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inta la ogyahay in Marxuum Axmed uusan ka tegin wax hanti ah hayeeshee taa baddelkeedu uu ka tegey wax hanti ka qaalisan kana qiimi badan, wax badana u soo qabtay xili Umadda Soomaaliyeed u baahi qabtay qof nuuciisa oo kala ah.

Sawirrada Kullanka

kulan tacsi (1)kulan tacsi (2)kulan tacsi (3)kulan tacsi (4)kulan tacsi (5)kulan tacsi (6)kulan tacsi (7)kulan tacsi (8)kulan tacsi (9)kulan tacsi (10)kulan tacsi (11)