25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Dhageyso: P/Land oo digniin deg deg ah kasoo saartay mooshinka SAACID

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkasta oo horey ay ugu dhowaaqday inay xiriirka u jartay dowladda Somalia, ayaa haddana Puntland waxa ay weli ku dhex jirtaa siyaasadda dowladda, ayada oo ka hadashay mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaare Saacid.

Wasiiru dowladaha dekedaha ee Puntland Cabdi Shakuur Mire Aadan oo wareysi siiyey idaacad Muqdisho ku taal, ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay ka digeyso in la rido ra’iisul wasaare Saacid.

Waxa uu sheegay inay noqon doonto qalad weyn dib udhacna ay u keeni doonto dowladda haddii Saacid la tuuro.

Si kastaba, warbixino xog ogaal ah ayaa sheegaya in Puntland ay ku lug leedahay ololaha ka dhanka ah Saacid si loo tuuro, ayada oo aan ugu daneeneyn Xasan Sheekh, hase yeeshee ka eegenayesa danteeda gaarka ah, balse digniintan ay u muuqato mid been guur siyaasadeed ah.

Halkan ka dhageyso wareysiga Cabdi Shakuur

Cshakuu-Mire-Aadan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaadan ogeyn oo Axmed Madoobe uu ka wadaa Kismaayo? (Xog cusub)

Kismaayo (Caasimada Online) Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose,waxaa ka socda shirar uu garwadeen ka yahay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ah hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ee maamulka Jubba.

Sida ay noo sheegeen ilo xog-ogaal oo ku sugan xarunta Madaxtooyada Jubba kulanka ayaa looga hadlay siddii loo ballaarin lahaa maamulka Jubba.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in la dhammeestiro maamulka kumeel-gaarka ee Jubba, waxaana la filayaa in loo yeelo seddax madxweyne iyo sidoo kale xubno wasiiro iyo baarlamaan.

Magaalada waxaa ku qulqulaya ergooyinka ka qaybgalaya shirka ee la rabo in soo dhammeestiraan maamulka Axmed Madoobe.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, gaar ahaan madaxtooyadda Jubba iyo xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ah meesha lagu soo dhisay maamulkan.

Waxaa soo baxaya dhaliilo loo jeedinaayo Axmed Madoobe oo ku aadan in uu dayacay odayaasha iyo wax garadka soo doortay in uu doonayo in beelaha qaar ee degga Jubbooyinka in uu ka mamnuuco maamulkiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Sawirro: Siyaasi caan ka ahaa Somalia oo loogu magac daray W/A dibedda

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan baroor-diiq ah oo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Gudooomiyaha Baarlmanaka Soomaaliya Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Wasiirka Arrimha Gudaha iyo Amniga Qaran C/Kariim Xuseen Guuleed, Xildhibaano, Diplomacy-yiin iyo masuuliyiin kale oo lagu xusayey Marxuum Danjire Axmed Maxamed Aadan Qeybe ayaa xalay lagu qabtay Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

Dhammmaan masuuliyiintii ka qeyb gashay kulanka oo qaarkood hadalo jeediyey ayaa ku dheeraaday Taariikhdii Alaah Naxariistee Marxuum Axmed Maxamed Aadan Qeybe oo ahaa wasiirkii Arrimaha Dibadda Dowladdii hore ee Somaaliya iyagoo tacsi u diray ehelada Marxuumka, islamarkaana tilmaamay in Marxuumku ahaa qof aad u jecel midnimada Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Allaah uga baryey in Axmed Qeybe Jannadii fardoowsa ka waraabiyo, wuxuuna tilmaamay in Axmed uu ahaa nin Qaran, waxweyna u soo qabtay umadda Soomaaliyeed xili baahiyo waaweyn loo qabay.

“ Waxa uu ahaa nin ku dayasho mudan, meel walba ayuu raad kulahaaa intii nolashiisa jirtayna wuxuu u qidmeynayey Umadda Soomaaliyeed. Allaah Naxariistii Janno hasiiyo, Samir Allaah haka siiyo ehelada iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “Waa inaan wax ka baranaa wixii Axmed dalka u soo qabtay,taariikhdii uu ka tegay. Magaciisa iyo waxqabadkiisa ayaana jiri doonaa”.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “ Dowladda Soomaaliya ee Federaalka ah waxa ay sigaar ah isaga xil-saari doontaa inta nool muwaadiniinta oo ah aabayaashii hore ee dalkaan, Inta dhimantayna taariiikhdooda ayaa la raadin doonaa, Inta soo socotana micno ayey u yeelaneysaa, Dowladda Guddi qaas ah ayey u magacaabi doontaa arrimahaan”.

“ Waxaan u joognaa xuska Marxuum Axmed qeybe, xusuustiisa si aanu jirsiino mar-walba waxaan caawa halkaan ka soo jeedinayaa maadaama Marxuum Axmed Nolashiisa inta badan ku qaatay Diplomacy in xarunta Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya loogu magac daray Qeybe, wixii berri ka biloowda magaceeda laga dhigay Qeybe, si dhalinyaradda dambe ee Soomaaliyeed isku weeydiyaan Qeybe yuu ahaa ka dibna Taariikhdiisa iyo waxqabkiisa u helaan, waa dhaqan cusub oo bilow ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inta la ogyahay in Marxuum Axmed uusan ka tegin wax hanti ah hayeeshee taa baddelkeedu uu ka tegey wax hanti ka qaalisan kana qiimi badan, wax badana u soo qabtay xili Umadda Soomaaliyeed u baahi qabtay qof nuuciisa oo kala ah.

Sawirrada Kullanka

kulan tacsi (1)kulan tacsi (2)kulan tacsi (3)kulan tacsi (4)kulan tacsi (5)kulan tacsi (6)kulan tacsi (7)kulan tacsi (8)kulan tacsi (9)kulan tacsi (10)kulan tacsi (11)

Somaliland oo jawaab kulul ka bixisay hadal kasoo yeeray dowladda Somalia

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa jawaab adag ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeeray taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya Gen. Gaafow, waxayna Somaliland sheegtay inaysan waxba ka jirin warka ay sheegtay dowladda Soomaaliya oo ahaa in baasaboorka cagaaran ee Soomaaliya si foojari amaba been abuur ah loogu sameeyo magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, kaas oo ay dowladda Soomaaliya horay u mamnuucday isticmaalkiisa.

Taliyaha laanta socdaalka maamulka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin eedayma ay dowladda Soomaaliya u soo jeedisay maamulkiisa, wuxuuna intaasi ku daray in baasaboorka cagaaran ee Soomaaliya aan si foojari ah loogu sameynin magaalada Hargeysa, isagoo sheegay in baasaboor E-ah oo u gaar ah Somaliland ay soo sameysteen sida uu yiri.

Sidoo kale taliyaha laanta socdaalka maamulka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf waxa uu sheegay inaysan deegaanada Somaliland soo caga-dhigan karin dad aan sharci heysanin, waxaanu sidoo kale beeniyay warar sheegayay in baasaaboorka Soomaaliya si foojari ah loogu sameeyo Somaliland, wuxuuna y iri isagoo ka hadlaya arrinkaasi “Ma Jiro baasaaboor ay Somalia leedahay oo Hargeysa si foojari ah loogu sameeyaa ma jirto”.

“Arrintaas waxa keentay markii koox si qarsoodi ah oo isku sheegaya inay dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ay bilaabeen sameynta waxyaabo aan sharci aheyn oo dhanka baasaboorka Soomaaliya ku saabsan, dadkaasi si qarsoodi ah ayey ugu sameyn jireen guri ku yaala Hargeysa baasaboorka Soomaaliya, ka dibna markii ay ogaatay ciidanku ay gacanta ku soo dhigeen kooxdaasi qarsoodiga ku sameyn jirtay baasaaboorka Soomaaliya, markii albaabada laga xiray xafiiska guriga ahaa waxay keentay in dowladda Soomaaliya ay dacaayad ka fidiso Somaliland oo ay tiraahdo baasaboorka Soomaliya ayaa si been abuur ah Hargeysa loogu sameeyaa” ayuu yiri Taliyaha laanta socdaalka maamulka Somaliland.

Sidoo kale taliyaha waxa uu sheegay inaysan jirin sabab ay Somaliland u foojari gareyso baasaaboor dal kale, taas bedelkeedana waxa uu sheegay in Somaliland ay gaarkeeda u leeyahay basaaboor sharci ah, wuxuuna yiri “Somaliland waxay leedahay basaaboor, kaas baanu si xalaal ah u samaynaa, cid kasta oo dalka timaadaana ay ku soo gashaa”.

Dhinaca kale taliyaha waxa uu sheegay in deegaanada Somaliland lagu soo geli karo oo keliya basaaboor, wuxuuna yiri “Garoomada diyaaradaha Hargeysa iyo Berbera kama soo degi karo cid aan sidan Basaaboor sharci ah, maxaa lagu garanayaa qofku cida uu yahay haddii aanu sidan baasaaboor sharci ah, madaarka Hargeysana waanu ka joojinay inay ka soo degto cid aan basaaboor sharci ah sidanin, nama quseyso dalkii bilaa basaaboor ku soo daynaya dadkaasi, laakiin annagu waxa aanu diyaar u nahay, Somaliland ciddii soo gelaysaa inay sidato baasaaboor sharci ah”.

Isha: Radio Dalsan

DAAWO VIDEO: Warbixin qosol badan oo laga diyaariyay qurba joogta

0

Caasimada Online: Warbixin Cajiib ah oo kaa qoslin doonto ayaa laga diyaariyay Qurba Joogta Soomaalida ah ee dalka ku laabanayo waana Qodob Xiiso badan oo kaa qoslin doono qaabka loo diyaariyay marka aa daawato.

Hal arin oo ay qurba joogta ka wada siman yihiin ayaa lagu arkay Magaalada Muqdisho waxaana kaloo ay ka wada siman yihiin hab dhaqan u gooni ah Qurba Joogta Soomaalida oo ay ku jiraan Wasiiro ka tirsan Xukuuma Soomaalida ee nala daawo Muuqaalkani adaa qosli doonee.

HALKAAN KA DAAWO: 

 

Aqriso magacyada 170-ka xildhibaan ee mooshinka ka keenay Saacid + Cod

Muqdisho (Caasimada Online) Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran Shabakadda Caasimada Online, waxaan u soo gudbineynaa magacyada xildhibaanno gaaraya 170-mudane kuwaasoo ka soo soo gudbiyay mooshinka ka dhanka ah raysal wasaare Saacid.

Xildhibaannadan ayaa tilmaamay in ay doonayaan in ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Saacid uu meesho ka baxo.

Waxaana tirada hore oo aheyd 168 xildhibaan oo khamiistii hore soo gudbiyey magacyadooda kusoo biiray laba xildhibaan oo kale kuwaasi oo tirada inta mooshinka wadata ka dhigaya 170 xildhibaan.

Xildhibaan Khaalid Cumar Ali oo u hadlayey xildhibaanada mooshinkan keenay ayaa baarlamaanka u akhriyey sababta ay xukuumada Saacid uga hor yimaadeen iyo magacyada intooda isku raacsan in kalsoonida lagala noqdo xukuumadiisa.

HALKAN KA DHAGEYSO MAGACYADA XILDHIBAANADA DIIDAN SAACID IYO SABABTA AY KU DIIDAN YIHIIN INUU XUKUNKA SII HAYO

Magacyada xildhibaandii mooshinka ka keenay Ra’iisul Wasaare Saacid Farax garaad waxaa ka mid ah :

1. Muuse Shiikh Cumar
2. Maxamed Maxamuud Jimcaale
3. Maxamed Cumar Maxamuud
4. Abdiqadir Abdi Xaashi
5. Maxamed Ismaciil Shuuriye
6. Maxamed Abdulle Geedi
7. Maxamuud Xayir Ibrahim
8. Abdilaahi Dayib
9. Ahmed Caabi Aadan
10. Yaasiin Abdi Sayid
11. Maxamed Abdilaahi Xasan
12. Ciise Maxamed Axmed
13. Shariif Maxamed Xasan
14. Khadiija Maxamed Diiriye
15. Ubax Tahliil Warsame
16. Maxamed Abdilaahi Xasan
17. Maxamed Abdi Ali
18. Abdifitax Nuur Mataan
19. Abdiqadir Aadan Nuur
20.Abdilaahi Yusuf Xasan
21. Abdilaahi Maxamed Xirsi
22. Yusuf Xeyle Jimcaale
23. Abdinaasir Maxamed Cali
24. Asad Maxamed Mursal
25. Abdi Abdulaahi Maxamed
26. Abdirahmaan Xoosh Jibriil
27. Xuseen Warsame Samatar
28. Saciid Abdilaahi Maxamed
29. Aamina Cumar Jamac
30. Abdikariim Ciid Guuleed
31. Ibrahim Suleymaan
32. Suuri Diiriye Carab
33. Xabiibo Maxamed Qeyb
34. Abdicasiis Isaaq Mursal
35. Yacquub Ali Maxamed
36. Saadiq Abdinuur Maxamuud
37. Abdirashiid Maxamed Xidig
38. Axmed Ismaciil Mahad
39. Maxamed Maxamuud Xeyd
40. Abdiwali Ibrahim Sh. Muudeey
41. Mahad Maxamed Salaad
42. Abdilaahi Goodax Barre
43. Macalin Ali Aadan
44. Ibrahim Cumar Sheegow
45. Shiikh Adan Sh. Maxamed Deyr
46. Xasan Macalin Xuseen
47. Dr, Axmed Aadan Ahmed
48. Bishaar Ugaas Ibrahim
49. Abdilaahi Cumar Abshir
50. Axmed Aadan Abdirahmaan
51. Abdirisaq Dahir Maxamuud
52. Abdirsaq Cismaan Xasan
53. Abdirahmaan Yusuf Abdi
54. Abdi Bare Yusuf Jibriil
55. Xamza Shiikh Xuseen
56. Abdilaahi Bille Nuur
57. Abdiwaaxid Cilmi Jaamac
58. Maxamed Ibrahim Maxamed
59. Qaali Cumar Ali
60. Maxamed Nuuraani Bakar
61. Ibrahim Isaaq
62. Samaan Maxamed
63. Maxamed Isaaq Cismaan
64. Xuseen Cismaan Sh. Xuseen
65. Khaliif Shiikh Abdilaahi
66. Saalim Caliyow Ibrow
67. Sayid Ali Abdiqadir
68. Abdikaafi Macalin Xasan
69. Abdilahi Abdi Garuun
70. Maxamuud Maxamed Buurow
71. Luul Abdi Aadan
72. Fadumo Nuur Maxamed
73. Sahro Abdiqadir
74. Jamac Axmed Maxamed
75. Maxamuud Macalin Yaxye
76. Qadra Axmed Ibrahim
77. Abdala Xaaji Cali
78. Maxamed Axmed Gurxan
79. Jamaal Xasan Ismaciil
80. Fadumo Odowaa Raage
81. Abdinasir Gaarane Maxamed
82. Duniyo Maxamed Cali
83. Xasan Maxamed Ali
84. Mahad Maxamed Ducaale
85. Yusuf Geelle Cabdi
86. Caasha Koos Maxamuud Cumar
87. Saaciid Xasan Geedi
88. Feysal Cumar Guuleed
89. Cilmi Maxamuud Nuur
90. Abdilaahi Xussen Cali
91. Abdiqaadir Shiikh Ali Ibrahim
92. Xiis Xasan Aadan
93. Xuseen Carab Ciise
94. Xasan Cali
95. Ismaaciil Cilmi Boqore
96. Maxamed Cali Xgaa
97. Abdilaahi Qayaad Barre
98. Saaqo Aadan Maxamed
99. Aweys Abdilaahi
100. Abdi Ali Xasan
101. Sahro Jamac Ali
102. Maxamed Warsame Maxamed
103. Maxamed Shiikh Aadan
104. Cismaan Aadan Dhuubow
105. Abdiwali Maxamed Qanyare
106. Sacdiyo Careys Ciise
107. Abdirahmaan Ibrahim Ali
108. Abdilaahi Jamac Xuseen
109. Axmed Ducaale Geelle
110. Bootaan Ciise Caalim
111. Axmed Geedi Jimcaale
112. Xirsi Aadan Rooble
113. Abdisitaar Sh Abdisalaan
114. Caadil Sheegow Sagaar
115. Cismaan Maxamed Abdulaahi
116. Abdilaahi Axmed Xuseen
117. Abdirahmaan Kulmiye Xirsi
118. Xuseen Maxamed Muuse
119. Ibrahim Saalax
120. Abdilaahi Colaad Roble
121. Xasan Ibrahim Maxamed
122. Maxamed Axmed Keynan
123. Qaasim Maxamed Jaamac
124. Yusuf Maxamed Ismaciil
125. Abdirahmaan Abdi Cismaan
126. Abdilaahi Maxamed Aadan
127. Maxamed Maxamuud Ibrahim
128. Burci Maxamed Xamza
129. Aamina Maxamed Abdi
130. Mustafa Sh. Ali Dhuxulow
131. Abdi Axmed Dhuxulow
132. Nuur Iidow Beyle
133. Maxamed Xasan Ibrahim
134. Cali Nuur Xuseen Ali
135. Abdiqaadir Shiikh Xanafi
136. Abuukaate Dahir
137. Shuuriye Muumin Afrax
138. Abdiqaadir Maxamed Aadan
139. Naciima Maxamed Gacal
140. Cali Yusuf Cismaan
141. Cismaan Xaaji Ali Nuur
142. Yusuf Geelle Ugaas
143. Abdirahmaan Abdi Abdikariim
144. Nadiifo Maxamed Cismaan
145. Maxamuud Maxamed Gurre
146. Khaliif Maxamed Xaaji
147. Maxamed-Aamiin Xasan Abdilaahi
148. Cismaan Maxamed Abdi
149. Cumar Maxamuud Maxamed
150. Abdirahman Kulmiye Xirsi
151. Cumar Ali Nuur
152. Xasan Maxamed Maxamed
153. Xaliimo Xasan Cumar
154. Abdilaahi Ali Axmed
155. Abdiqadir Macalin Nuur
156. Nuur Maxamuud Xuseen
157. Abdilaahi Ali Maxamuud
158. Sacdiyo Sheegow
159. Cismaan Muqtaar Maxamed
160. Shariif Xasan Shiikh Aadan
161. Muna Ibrahim Abiikar
162. Isaaq Maxamed Ali
163. Isgoo Deerow
164. Isaaq Maxamed Maxamuud
165. Maxamed Rashiid Maxamed
166. Maxamed Mursal Boorow
167. Shariif Maxamed Abdala
168.Maxamed Xuseen Isaac
169. Muunimo Shiikh Cumar
170. Aadan Maxamed Nuur “Saransoor”

Dhamaan magacyadaasi kor ku xusan ayaa ahaa xildhibaanada kasoo horjeeda xukuumada Ra’iisul wasaare Saacid Farax Garaad waxaana ay intoodan isku raacsan yihiin inay kalsoonida kala noqon doonaan xukuumadaasi.

Xildhibaan Khaalid Cumar Ali ayaa mooshinka iyo magacyadaba akhriyey.

HALKAN KA DHAGEYSO MAGACYADA XILDHIBAANADA DIIDAN SAACID IYO SABABTA AY KU DIIDAN YIHIIN INUU XUKUNKA SII HAYO

Xigasho: Kismaayo24.net

Shaqaale ka tirsan SALAAM BANK oo Muqdisho lagu toogtay (Faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa faah-faahin laga helayaa dil ay caawa ugu geesteen kooxo hubeysan suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho mid ka mid ah shaqaalaha Bangiga Salaam Bank.

Goobjoogayaal ku sugan goobka dilka ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online, kooxo ku hubeysan bastoolado ay toogteen marxuumkab isagoo ku sii jeeda gurigiisa.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdulaahi Cumar Xasan, waxaana la sheegay in uu ka baxay Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho.

Kooxda dilka geestay ayaa la sheegay in goobta ka baxsadeen, waxaana goobta laga qaaday meydka marxuumka iyadoo la geeyay gurigiisa.

Ma cadda ilaa hadda sababta loo dilay ninkan ka mid ahaa shaqaalaha Bankiga Salaam Laanta Bakaaraha oo ah xarunta ugu weyn.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dowladda Somalia iyo QM oo war ka soo saaray dagaallo ka dhacay Taleex

Taleex (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa si isku mid ah uga hadlay dagaalo ka dhacay degmada Taleex ee gobalka Sool, kaasoo ay ku dhinteen siddeed qof , dagaalka ayaa la sheegay in uu dhexmaray maleeshooyin kala taageersan Khaatumo iyo Puntland.

Haddaba raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa u tacsiyeeyay dhamaan qoysaskii khasaaruhu ka soo gaaray dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool.

“Waxaan u tacsiyaynayaa dhamaan qoysaskii khasaaruhu ka soo gaaray dagaalkii dhawaan ka dhacay Taleex: Intii dhimatay Alle ha u naxariisto, kuwa dhaawacaana ha u booga dhayo,” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu oo ku baaqay in miyir, daganaansho, iyo walaaltinimo lagu xaliyo xaaladda taagan iminka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga waantoobo in xalka lagu raadiyo dagaal.

Xukuumadda Federaaliga Soomaaliya waxay markale ku baaqaysaa in si walaaltinimo ku jirto loo xaliyo xaaladda ka taagan deegaanka Taleex. Waxayna dhanka kale ka digaysaa dhibaatada uu shacbiga iyo deegaanka u gaysan karo dagaal ka sii socda gobolka Sool.

Dhinaca kale, Ergaygga Gaarka ah ee Xoghayaha- Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa sheegay in uu walwal xoog leh ka qabo dagaalka ka qarxay dhawaan Gobolka Waqooyi Bari ee Sool.

“Dagaal weligiis laguma xalinin Arrimo Siyaasadeed mana lagu xalin doono. Dhamaan dadka meesha jooga oo ay arrinta khuseyso, waa in ay hadda muujiyaan daganaasho, raadiyaana dib-u heshiisiin”, ayuu yiri Kay.

Ergaygga Gaarka ah eeqaramadamidoobay uqaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay waxa uu aad uga xumaaday dadka ku dhintay dagaalka, wuxuuna tacsi u diray eheladii dadkii dhawaan lagu dilay meeshaas.

“Aragtida Siyaasadeed ee lagu kala gadisanyahay iyo Arrimaha la kala Sheeganaayo, waa in lagu xaliyaa wada hadal. Nabadgeliyada iyo Xasiloonidana waxay muhiim u yihiin habka doorashada Puntland,” ayuu ku yiri Ergaygga.

Mudane Kay iyo mas’uuliyiin ka tirsan UNSOM ayaa la wadda xariiray Madaxda ka jirta Gobolka,waxayna ku guubaabiyeen in ay is-xakameeyaan, waxayna ugu baaqeen in ay gacan ka geystaan Wada haddalka iyo dib u heshiisiinta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Cali Khaliif Galeyr oo weeraray P/land

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaal ka dhacay degmada Taleex ee gobalka Sool, kaasoo dhexmaray maleeshiyaad kala taageerasan Maamullada Puntland iyo Khaatumo.

Xildhibannada oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxaa u hadla Cali Khaliif  Galayr, kaasoo sheegay in dagaalkaas lagu dilay ku dhawaad 1o-qof oo rayid ah kuwaasoo ay dileen ciidamo Puntland ka tirsan oo soo weeraray Taleex sida uu hadalka u dhigay.

Cali Khaliif ayaa tilmaamay in dad kale ay ku dhaawacmeen hantina lagu burburiyay, wuxuuna sheegay in ay laga soo abaabulay Puntland maadama ciidamo ay u direen Taleex.

Sidoo kale shirka jaraa’id waxaa ka hadlay xildhibaan Cabdi Rashiid Cabdullaahi Maxamed kana soo jeeda deegannada Khaatumo ay maamusho, wuxuu sheegay in ciidamada soo weeraray Taleex ay geesteen wax uu ugu yeera xasuuq lagu dhiig banaysanayo dadka reer Taleex.

Si kastaba, Maamullada Puntland iyo Khaatumo ayaa dhowr cisho ka hor waxa ay ku dagaalameen deeganno ku yaalla gobalka Sool, waxaana dagaladaas ay sababeen dhimasho iyo dhaawac.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Video: Dowladda oo qorsho cajiib ah ku soo jiidaneysa shacabka Muqdisho

0

Caasimada Online:  Dowlada Somalia oo ku dhaqaaqday talaabooyin aan looga baran horay dowladihii hore ee ugu dambeeyay ee dalka soo maray ayadoo la timid qorsho cajiib ah oo ay ku kasbaneyso taageerada Shacabka reer Muqdisho ee Dowlad la’aanta ah 23-kii sano ee la soo dhaafay.

Arintani ay ku dhaqaaqday Dowlada ayaa ah mid dad badani ay ku tilmaamayn in ay tahay Maskax iyo Siyaasad horumar badan sameyn doono marka loo fiiriyo Dowladihii hore ee ku guuldareestay in ay helaan Taagerada Shacabka reer Muqdisho oo ah Shacab nuucyo kala duwan leh ee daawo qorshaha cusub iyo qaabka ay dowlada ku soo jiidanoyso Shacabka.

HALKAAN KA DAAWO:

 

 

 

Fadhigii Barlamanka ee mooshinka oo soo dhamaaday (Maxaa kasoo baxay?)

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha Golaha Baalamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa goordhow sheegay in dib loo dhigay ka dooddida mooshinka laga keenay raysal wasaaraha Soomaaliya.

Waxaa fadhigga maanta uu ka duwan kuwii horre, waxaa jooga xildhibaanno gaaraya 248-mudane sida uu soo sheegay guddoonka baarlamaanka

Waxaa la xulay illaa 80 xildhibaan oo kala matalin doono labada dhinaca ee dhinaca mooshinka keenay iyo kuwa kasoo horjeeda, kuwaasi oo berri doodi doona.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa wuxuu sheegay in dib loo dhigay mooshinka iyo ka doodistiisa, islamarkaana laga doodi doono berri insha allah, islamarkaana codka la qaadi doono.

Maxaa sabab u in dib loo dhigo doodda?

Waxaa sabab u ah sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka markii 80-ka mudane ee isku soo tagay doodda kuwaasoo loo wayay waqti maadama uu xilliga uu yeraa.

Guddoomiyah baarlamaanka ayaa tilmaamay in maalinta berri marka ay saacadu tahay 9:00 am xilliga Muqdisho uu furmi doono shirka.

Kulanka maanta ayaa uga duwanaa kulamadii horre, waxaana guddoomiyaha baarlamaanka oo garabkiisa fadhiya labadiisa ku xigeen uu xildhibaannada kula dardaaray in muujiyaan mas’uuliyad iyo karti.

Kulanka maanta waxaa ka hor istaagay mudane sheegay in uu ka laabtay mooshinka laga keenay raysal wasaaraha sida uu hadalka u dhigay.

Ammaanka xarunta waxaa ku sugan ciidamo AMISOM iyo kuwa dowladda, mana cadda sida ay wax noqon karaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdishi

[email protected] 

Qarax weyn oo AMISOM lala eegtay

Afgooye (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya qarax xooggan in lagu weeraray kolanyo ay la socdeen ciidamada midowga Afrika ee AMISOM.

Qaraxa ayaa la sheegay in wax yeelo  uu gaarsiiyay kolabyadii ay la socdeen ciidamada AMISOM balse si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay.

Marka qaraxa uu dhacay ayaa la sheegay in ciidamada ay xireen waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ay goobta ka billaabeen howgallo.

Qaraxa ayaa la sheegay in laga maqlay xaafadaha degmada Afgooye, sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hashay qaraxa ka dhacay Afgooye, ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamada AMISOM lagu weeraro Afgooye.

Wadadda lagu weeraray ciidamada AMISOM waa meel ay maraan kolanyada ciidamada ee ku sugan Shabeellaha Hoose iyo Baydhab.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Mid ka mid ah musharrixiinta ugu cad-cad PUNTLAND oo tegay Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, waxaa maanta oo Sabti gaaray mid ka mid ah musharrixiinta ugu cad-cad doorashadda Puntland.

Musharraxan oo lagu magacaabo Cali Xaaji Warsame ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada, waxaana soo dhaweeyay ay wateen sawiradiisa iyagoona muujiyay inay ku faraxsan yihiin imaashiyaha uu ku soo gaaray Garoowe.

Mar uu saxaafadda iyo dadkii soo dhaweeyay uu la hadlay wuxuu tilmaamay Cali Xaaji Warsame in uu aad ugu faraxsan yahay soo dhaweyntiisa isla markaana uu faah-faahin doono qorshaha uu yimid Garoowe oo xarunta Maamulka Puntland.

Cali Xaaji ayaa ka yimid magaalada Qardho ee gobalka Karkaar isagoona halkaas kula hadlay dadka deeganka,wuxuu horrey u sheegay in uu Puntland ay u baahan tahay hoggaan cusub iyo isbadal dhab ah.

Dhinaca kale, waxaa maanta magaalada Gaalkacyo ee gobalak Mudub ku soo laabtay ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmahan ku maqnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Wuxuuu sheegay in uu qaylo dhaan u diray beesha caalamka si loogu gurmado dadkii ku waxyeeloobay roobabkii iyo duufaanti ku dhufatay deegannada Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Magacyada Xildhibaanada Mooshinka ka keenay R/W Saacid oo la aqriyay

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya, ayaa goordhow u fasaxay xildhibaannada baarlamaanka ee ka keenay mooshinka iyo raysal wasaaraha in ay soo bandhigaan wax yaabaha ay ku dhaliilsan yihiin.

Xildhibaannadan oo gaaraya ilaa 168-mudane, ayaa waxaa u akhriyay mooshinkooda, wuxuuna sheegay in Raysal wasaaraha ay ku eedeenayaan wax gurasho la’aan, sidaas darteedna ay codsanayaan in mooshinka laga keenay loo codeeyo si loo soo dhiso xukuumad cusub oo wax u tarta dalka.

Xidhibaannada mooshinka ka keenay raysal wasaaraha ee goobta laga akhriyay waxaa ka mid ah:

1-Cabdiraxmaan Xooshi Jibriil oo horrey u ahaa wasiirkii horre ee dastuurka KMG

2-Xuseen Carab Ciise oohorrey u soo noqday wasiirka gaasandhigga.

3- Shariif Xasan Sheekh Aadan oo soo noqday labo jeer guddoomiyaha baarlamaanka

4-Mustaf Dhuxulow

5-Muuse Sheekh Cumar oo hadda guddoomiye ku xigeenka guddigga baarlamaanka ee xuquuqda aadanaha.

6-Maxamuud Jimcaale

7-Maxamed Cumar Maxamuud

8-Maxamed Ismaacil Shuuriye.

9-Cabdirsashii Maxamed Xidigh

10-Cabdiweyl Sheekh Muudeey oo horrey oo horrey u soo noqday guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka

11-Ibraahim Cumar Sheekh

12-Xasan Sheekh Madeer.

13-Caasho Koos Maxamuud

14-Bishaar Ugaas

15-Bootaan Ciise Caalim

16-Caadin Sheegow Sagaar

17-Cabdinaasir Gaarane Maxamed

Intaas markii la akhriyay waxaa goobta ka billowday buuq iyo is-qabqabsi waxaana xildhibaannada qaar ay ka sheegeen in laga been abuurtay oo mooshinka aysan qorin.

Waxaa kaloo la sheegay in qaar ka mid ah xildhibaannada mooshinka ku qoran aysan joogin shirka maanta.

Wixii ku kordha kala soco Caasimada Online, oo wariyaal badan ay ka joogaan xarunta shirka kuwaasoo si toos ah uga soo qorarya warkan.

Mahadsanidiin.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo furay shirka iyo wararkii ugu dambeeyay

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka, Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa hadda si rasmi u faray kulanka golaha baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaana uu sheegay in mudanayaasha baarlamaanka ay hor yaalaan wax yaabo fara badan, isagoona tusaale u soo qaatay dhibaatooyin waaweyn oo dalka ka jirra sida, duufaantii ka dhacday Puntland, Fatahaadii ku dhufatay Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoos, qoxootiga Soomaalida ee ku nool waddamada dariska.

Guddoomiyaha ayaa ttilnaamay in loo baahan yahay siddii loo soo celin lahaa kalsoonida caalamka, kalsoonida umada Soomaalida, kalsoonida  qof walba oo rajo ka qaba xaaladda Soomaaliya.

Prof Jawaari ayaa sheegay in baarlamaanka uu hadda hor yaallo mooshin kalsooni kala noqosho ah raysal wasaaraha.

Waxaa kal horre loo qaybiyay xildhibaannada baarlamaanka mooshinka laga keenay raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa, waxaana xildhibaannada baarlamaanka ay ukala fadhiyaan labo qayb, kuwa waxa ay taageersan yihiin raysal wasaaraha kuwa kalena waa ay ka soo horjeedaan.

Ilo xog ogaal ah oo ku sugan xarunta baarlamaanka ayaa noo sheegay in kulanka maanta aan wax cod loo qaadi doonin mooshinka wuxuu ku kooban yahay in la dooddo uun.

Warar kale naga filo

DEG DEG: Mooshinka oo loo qeybiyey xildhibaanada iyo xaaladda oo kacsan

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow ka billowday xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, kulanka golaha baarlamaanka Soomaaliya, waxaana maanta uu ka duwan yahay kulamadii horre.

Wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online, oo ku sugan dhismaha xarunta golaha Shacabka ayaa sheegaya in kulanka maanta ay joogaan xildhibaanno fara badan, waxaana uu sheegay in kooramka uu ka badan yahay kii loogu talagalay.

Shaqaalaha xarunta golaha shacabka ayaa qaybinaya mooshinka laga keenay raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa, waxaana la filayaa in mudanayaasha baarlamaanka ay akhriyaan.

Si dhab ah uma furmin kulanka baarlamaanka, balse waxaa ku sugan xarunta in ka badan 165-mudane oo ah kuwiii keenay mooshinka raysal wasaaraha.

Dhinaca kale, ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la xiray wadadda soo gasha dhismaha xarunta golaha shacabka.

Dadka Muqdisho ayaa aad uga hadlaya mooshinka laga keenay raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa.

Wixii ku soo kordha ka soco Shabakadda Caasimada Online oo isha nagu hay insha allah

Mooshinka SAACID iyo maanta: Xogtii ugu dambeysay ee loolanka madaxda

Muqdisho (Caasimada Online) Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah la filayaa in ay ka dooddaan mooshin laga keenay raysal wasaaraha Soomaaliya iyo xukuumadiisa kaasoo hor yaalla baarlamaanka.

Mooshinkan ayaa yimid markii uu bannaanka u soo baxay khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo raysal wasaaraha, kaasoo yimid markii madaxweynaha uu ka codsaday raysal wasaaraha in uu is-casilo balse waa uu diidday.

Magaalada Muqdisho, waxaa maalmahan ka socday olole ku saabsan mooshinka raysal wasaarahana waxaana jirra xildhibaannada baarlamaanka in ay u kala jabeen labo dhinac.

Ma cadda sida uu xaalka uu noqon doono, waxaana la filayaa in kulanka maanta ay ka soo qaybgalaan xildhibaannada ugu badan ee jooga dalka.

Akhristayaal waxaa naga xasuus ah in aad daqiiqad –daqiiqad aan idinkula socod siin doono warkan in shaa allah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]  

DAAWO VIDEO: Haddii xaal uu sidaan marayo, maxaa u haray Soomaalida…?

Johannesburg (Caasimada Online) Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in booliska dalkaas ay dhaceen 40 kun oo dollar oo ay lahaayeen Soomaalida ku ganacsada dalkaas.

Arrintana ayaa dhacday markii howgal ciidamada booliska ay ka sameeyeen deeganka Soomaalida ay ku badan tahay ee Maiyfa oo ku agdhow magaalada Johannesburg.

Wariye Cumar Kiyow oo ku sugan Koonfur Afrika ayaa VOA-da u sheegay in ciidamada booliska ay dhaceen lacag badan iyagoona xirxiray 15-dhallinyaro Soomaali ah.

“Booliska Koonfur Afrika ayaa shaley howgallo ka sameeyay xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee Maiyfa oo ka tirsan Johahnisberg, waxa ay qabqabteen 15-dhallinyaro ah kuwaasoo aan wadan sharci, waxaa kaloo ay dhaceen 40,000 oo dollar,kuwaasoo laga qaaday xawaalado iyo dukaamo ay lahaayeen Soomaali” ayuu yiri Cumar Kiyow.

Wariyaha ayaa sheegay in dhowrkii cisho ee la soo dhaafay la boobay 100 dukaan 50 ka mid ah waa la gubay ayuu yiri, waxaan sidaas sameeyay madowga Koonfur Afrika.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Soomaali lagu dhaco dalka Koonfur Africa, waxa jiray dhibaatooyin waaweyn oo lagu hayay soo galootiga Koonfur Afrika, waxaa la dhacaa dukaamadooda mararka qaar nafsadooda ayey ku waayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Johannesburg

[email protected]