26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Roberto Mancini: Mario Balotelli iib kama ahan Man City.

Roberto Mancini ayaa qirtay inaysan Manchester City Janaayo iibineyn weeraryahankooda Mario Balotelli ka dib markii uu ciyaaryahanka reer Talyaani la yaab ka dhigay kulankii ay xalay wajaheenWigan.

Mancini ayaa kalsooni kazoo gashay dhanka Balotelli ka dib markii uu dhaliyey goolkiisii ugu horeeyey ee xilli ciyaareedkaan Premier League daqiiqadii 69aad.

Markii tababaraha la weeydiiyey inuu bisha soo aadan Balotelli u ogolaanayo inuu kooxda ka tago wuxuu ku jawaabay: “Maya taasi run ma ahan. Waa goolkiisii ugu horeeyey ee xilli ciyaareedkaan waxaan rajeynayaa inuu kor isku qaadi karo ka dib ciyaartaan.

“Waan ku fikireynay inaan Mario iibino laakiin hada waxaan aragnaa inuu ka dardar badan yahay Aguero.

“Waxan heysanaa afar weeraryahan oo heer sare ah laakiin mar mar waxaa nagu adkaata in goolal aan dhalino sidii xilli ciyaareedkii hore. Waxaan rajeynayaa inaan ku fiicnaano gool dhalinta. Xilli ciyaareedka aad ayuu u dheer yahay, hadii ay kooxuhu inta badan ka ciyaarayan Champions League bisha Febraayo taas wax walba ayey bedeli kartaa.

“Waxaan kala horeynta ku xignaa United laakiin sidoo kale waxaan filayaa inay Chelsea u dagaalami karto horyaalka.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada –Mogadishu. 

Rafael Benitez: Chelsea way ku guuleysan kartaa EPL.

Taageerayaasha Chelsea ayaa mar kale ay sii hurineysaa inaysan awalba ku qanacsaneyn Rafael Benitez ka dib markii uu kulankiisii labaad barbaro goolal la’aan ah la galay Fulham.

Taageerayaasha ayaa mar kale Boorar kusoo xardhaday ‘Waxaan dooneyaa Chelsea-deenii oo soo laabata’ [we want our Chelsea back], xilli kooxda heysata Horyaalka Yurub aysan lix kulan guul gaarin, waxayna todobo dhibcood ka dambeysaa hugaamiyeyaasha Manchester United.

Ninka aadka loo hadal haayo Fernando Torres ayaana weli ku socda wadadiisa uusan goolasha ku dhalineyn ka dib markii uu gool la’aan ahaa Toban saacadood iyo 49 daqiiqo.

Benitez  ayaa yiri ciyaarta ka dib “Qof walba oo halkaan jooga wuu niyad jabay. Wey nagu adkeyd Fulham, kuwaasoo si adag u shaqeeyey, laakiin kulamadaan waaa inaan guuleysanaa. Ciyaarta waynu xakameynay laakiin weli waa inaan goolal dhalinaa.”

Waa markii ugu horeysay oo aysan Chelsea laba kulan oo isku xigta oo garoonkooda ah goolal ku dhalin tan iyo September 2007dii. Benitez ayaana noqonaaya tababarihii labaad ee ka hoos shaqeeya Roman Abramovich ee ku guul dareysta inuu guul gaaro labadiisa kulan ee furintaanka ah.Kankale waa Avram Grant.

Laakiin Benitez ayaa qaba inay Chelsea Horyaalka kula tartami karto United iyo Manchester City, kuwaasoo mar kale isku taagaya inay ku guuleysataan.

“Maxaanan u sameyn Karin?” ayuu yiri: “Weli waqti badan ayaa dhiman. Waa inaan kor isku qaadnaa. Markaas fursad ayaan u heli doonaa.

“Xasuuso xilli ciyaareedkii hore markaas oo City hugaanka looga qabtay si fudud ka dib waxay u baahdeen inay guuleystaan ilaa kulankoodii ugu dambeeyey. Waxaan heysnaa waqti dheer oo ka harsan tartanka.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

 

Chelsea oo isha ku heysa bedelka Super Frank Lampard.

Chelsea ayaa isha ku heysa xidig u dhashay dalka Brazil kaasoo lagu magacaabo Bernard, sida uu qoray Wargeyska The Sun.

20-jirkaan, ayaa lagu niinaasaa Oscar-ka cusub, waxaana kooxdiisa Atletico Mineiro sidoo kale ku qiimeysaaa aduun lacageed dhan 6 milyan oo ginni.

Bernard, oo isbuucii lasoo dhaafay xulkiisaBrazilu ciyaaray ayaa waxaa kula taliyey inuuChelseaku biro ciyaaryahankii hore ee Blues Deco, kaasoo ay isku koox u ciyaaraan.

Waxaa laga yaabaa inuu noqdo bedelka Halyeeyga Chelsea Super Frank Lampard oo ay da’du ka daba timid qandaraaska kooxduna uu ka dhacayo bisha Janaayo.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada –Mogadishu.

Mezut Ozil oo mar kale diirada u saaran Manchester United.

Mezut Ozil ayaa mar kale dib ugu soo laabtay Radar-ka Manchester United ka dib markii lasoo sheegay inuu kubad sameeyahaani ka fikiraayo mustaqbalkiisa Real Madrid, sida uu qoray wargeyska The Sun.

24-jirkaan heerka caalami ee dalka Germany ayaa Real laba sano ka hor uga soo biiray Werder Bremen.

Laakiin wuxuu ka baxay dooqa koowaad ee tababare Jose Mourinho marka loo fiirsho inuu booska kula tartamo Luka Modric, waxaana lasoo sheegayaa inay xidigaan kusii badaneyso inuusan kooxda ku faraxsaneyn.

Tababaraha United Alex Ferguson ayaa isha ku haaya horumar walba oo uu xidigaani sameynayo kamana gamban doono inuu u suuq galo hadii ay Madrid iibineyso.

Fergie ayaa doonaya inuu bedelo ninka kooxda ku gaamuray Paul Scholes, oo 38 jir ah, kaasoo u muuqda inuu ciyaaraha ka fariisan doono markiisii labaad dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Hadii ay Real iibineyso Ozil, kooxda ka dhisanSpainayaa ku bixin doonta laba u jibaar lacagtii ay kaga soo gadatay Bremen waxayna aheyd 12 milyan oo ginni.

Laakiin United ayaa lacagtaasi jeebka ugu jirtaa markii horaan laga afduubtay Eden Hazard iyo Lucas Moura.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada –Mogadishu.

Liiska tababareyaasha caalamka ugu mushaarka badan.

Liiska tababareyaasha ugu mushaarka badan caalamka waxaa hugaanka u haya Jose Mourinho, Sir Alex Ferguson ayaana ku jira kaalinta afaraad halka tababaraha xulka England Roy Hodgson uu isna ku jiro kaalinta 30aad.

Tababaraha Arsenal Wenger ayaa galay kaalinta 5aad halka macainka kooxda qaniga ah Anzhi Guus Hiddink uu isna ku xigo.

Liiska Tababareyaasha caalamka ugu mushaarka badan waa sidaan:

1. Jose Mourinho – RealMadrid (£12.3m)

2. Carlo Ancelotti – Paris St. Germain (£10.9m)

3. Marcelo Lippi –Guangzhou(£8.7m)

4. Sir Alex Ferguson –ManchesterUnited (£7.6m)

5. Arsene Wenger – Arsenal (£7.5m, pictured right)

6. Guus Hiddink – Anzhi (£6.7m)

7. Fabio Capello –Russia(£6.3m)

8. Tito Vilanova –Barcelona(£5.6m)

9. Jose Camacho –China(£4.8m)

10. Roberto Mancini –ManchesterCity(£4.8m)

11. Frank Rijkaard –Saudi Arabia(£4.3m)

12. Jupp Heynckes – Bayern Munich (£4.2m)

13. Andre Villas-Boas – Tottenham (£3.6m)

14. Harry Redknapp – QPR (£3.2m)

15. Jorge Jesus – Benfica (£3.2m)

16. David Moyes – Everton (£2.9m)

17. Manuel Pellegrini –Malaga(£2.9m)

18. Paulo Autuori –Qatar(£2.9m)

19. AbelBraga– Fluminense (2.8m)

20. Luciano Spaletti – Zenit (£2.7m)

21. Antonio Conte – Juventus (£2.4m)

22. Cesare Prandelli –Italy(£2.4m)

23. Vanderlei Luxemburgo – Gremio (£2.4m)

24. Muricy Ramalho –Santos(£2.4m)

25. Tite – Corinthians (£2.4m)

26. Ottmar Hitzfeld –Switzerland(£2.1m)

27. Joachim Low –Germany(£2m)

28. Marcelo Bielsa – AthleticBilbao(£2m)

29. Martin O’Neill –Sunderland(£2m)

30. Roy Hodgson –England(£2m)

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada –Mogadishu.

 

Arsenal iyo Manchester United oo isku heysa Mario Gotze.

Arsenal iyo Manchester United ayaa dheguhu u taagan yihiin ka dib markii ay kooxda Jarmalka Borussia Dortmund ay daaha ka qaaday inay 20-jirka qadka dhexe uga ciyaara Mario Gotze qandaraaskiisa lagu burburin karo 30 milyan oo ginni, sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Xidigaan ayaa si aad ay xilli ciyareedkaan uga dhex muuqday Champions League, wuxuu qandaraasku qarka u saarnaa inuu dhaco July dalabyo u yimid ayeyna diiday kooxda heysata Horyaalka Bundesliga intii lagu jiray April.

Gotze ayaa kooxdiisa haatan kula jira heshiis waqti dheer ah, wuxuuna diirada u saaran yahay kooxda Arsenal, xidigaan kazoo baxay akadeemigaDortmund. Xidiga heerka caalami ee dalkaGermanyayaa sidoo kale bartilmaadeed u ah kooxaha ugu tunka weyn Yurub, marka lagu daro Real Madrid.

Laakiin Gotze oo bishii March kooxdiisa heshiis u saxiixay uu kula joogayo ilaa 2016ka. Ayaa Dortmund ka caawiyey inay ku guuleysato Horyaalka Bundesliga labadii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada –Mogadishu.

Wasiirka Arimaha gudaha “Ahlusuna iyo Raaskambooni waa inay ku biiraan Dowlada hadii kale…..”

Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga qaranka C/Kiriin Xuseen guuleed ayaa sheegay in la midaynayo Ciidamada dowlada iyo kuwa kale ee maamulada dalka ka jira .

Mr. Cabdi ayaa sheegay inaysan jiri doonin waqtiyada soo aadan Ciidamo aan dowlada ahayn oo dalka dhinac ka jooga.

Isagoo Kusugan Magalaada Baledweyne ayuu sheegay in la midaynayo Ciidamada Raaskambooni iyo Ahlusuna waljameeca oo dowlada taageera laakiin aan ahayn Ciidan dowladeed.

Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga qaranka ayaa carabka ku dhuftay inay soocdaan wadahadalo ku aadan Sidii Ciidanka Ahlusuna iyo Raaskambooni ay ugu soo biiri lahaayeen ciidanka dowlada.

Sidoo kale waxaa uu  hadalkiisa intaa ku daray Wasiirka inay doonayaan in Muqdisho iyo Gobolada dalka lagu arki doona dhawaan Ciidamo xeran dareeska ciidanka maadama la qalabaynayo Ciidanka Xooga dalka.

Madaxwayne Xasan Sheekh oo muujiyay inuu Isbadal doon yahay.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay ee qaada isbaarooyinka yaali jiray Degmooyinka Muqdisho ee ciidamada Dowlada lacagaha ay ka aruusan jireen.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa ay ku amrayeen ciidankooda in qaadaan Jidgooyada lacagta ay ka uruursadaan.

Saakay waxaa la qaaday Afar Isbooro oo tiilay degmada Wadajir halkaas oo dhaqaalaha ugu badan gawaarida looga qaadi jiray,sidoo kale NO 4 ayaa saakay wax jidgooyo aysan oolin.

Dadka Shacabka ee ganacsatada ayaa ku farxay talaabada uu qaaday Madaxwaynaha Isbadal doonka ah.

Madaxwaynaha ayaa u sheegay gudoomiye degmo walba hadii uusan qaadin isbaarooyinka degmadiisa taala inuu xilka ka qaadi doono.

Laakiin waxaa laga cabsi qabaa in Ciidamada ay taa badalkeeda ay dhacaan dadka shacabka.

Soomaali deymo badan lagu yeeshay oo dabaq iska tuuray, kadib markii ay gabadhiisa ku xumeysay.

Nin Soomaali ah oo la sheegay in deymo badan lagu yeeshay, ayaa iska soo tuuray dabaqa afraraad ee Hotel Gloria oo ku yaalla magaalada Dubai.

Soomaaligaas ayaa durbadiida ay nafta ka baxday.

Booliiska ayaa da’diisa ku sheegay inay u dhaxeysay 62 illaa 68 sano.

Waxaa kale oo ay booliiska sheegeen inay la joogtay gabadhiisa oo ugu timid Hotelka, taasi oo dhowaan un booqasho ku tagtay dalka Imaaraadka.

Baaritaanada Booliska ayaa lagu helay in ninkaasi lagu lahaa deymo badan, taasi oo keentay in maskaxdiisa ay isku buuqdo, kadibna uu iska tuuro dabaqa.

Booliska waxa ay yiraahdeen “Waxa uu caawimaad weydiistay gabadhiisa, balse way ka diiday, taasi ayaana hogaamisay inuu noloshiisa soo afjaro”.

lama sheegin magca ninkaas.

Qabaa’ilka Soomaalidu ma isbahaysi baa, mise waa dhalasho?

W/Q: Maxamed Hirad 

Arar:

Runtii waa su’aal ay adag tahay in  jawaab waafi ah laga bixiyo. Waxa taas daliil u ah, siina adkaynaya innaga oo aan illaa maanta hayn qoraallo ama dokumantiyo taariikhi ah oo arrintaas wax ka yidhi. Waxa keliya ee aynu cuskannaa inta badan waa qoraallo kooban oo dad ajnebi ahi ay qoreen, xilliyo mudada laga joogaa ay aad u yar tahay, marka la barbar dhigo inta ay qowmiyadda Soomaaliyeed soo jirtay. Waxa intaas dheer, kuwaas oo aan dhul badan oo Soomaaliyeed marin, sidaa awgeedna xogta ay ururiyeen ay ku salaysan tahay dad iyo degaanno kooban.

Mar haddii xaal sidaas yahay, qofka doonaya in uu baadhitaan ku sameeyo mawduucan oo kale waxa ku adkaanaya in uu helo qoraallo badan oo uu raadraaco. Marka maqaalkan kooban waxa uu xooggiisu ku salaysan yahay aqoonta duqay Soomaaliyeed oo degaanno door ah oo kala geddisan deggen ama ku barbaaray, aqoon fiicanna u leh qabaa’ilka iyo xogo kale oo aan ka soo ururiyay qoraallo kooban. Waxa intaas dheer oo aan qoraalkan yar iyana u adeegsanayaa suugaanta Soomaalida oo ay ku jiraan sheekooyinka iyo odhaahaha Soomaalida dhexdeeda caanka ka ah.

Aqoonayahanada dersa asalka Soomaalidu waxa ay sheegeen in magaca Soomaali oo qoran ay markii u horraysay ku arkeen hees Xabashi ahi oo ay ku tilmaamayaan qoladaasi sida ay uga guulaysteen dagaal dhex maray iyaga iyo Soomaalida. Marka waxa la dhihi karaa ama muuqata in aan magaca Soomaali laftiisa xog badan laga hayn wixii ka horreeyay dagaaladii Imaam Axmed Guray. Waxase jirta ama laysla garan karaa markii diinta islaamku soo gaadhay dalkan, in dad badani ku noolaayeen degaanka Soomaalida.  Kuwaas oo magac, Diin, iyo dhaqan u gaar ah lahaa. Waxa illaa haddeer jira wax badan oo ka sii baaqi ah raadadkii iyo dhaqamadii dadkaas. Waxa tusaale inoogu filan, dab shidka, xabaalaha,  sida taallo tiiryaadka, curraafaynta iyo samaanyaha oo dhammaan laga helo ama ka jira geyiga Soomaaliyeed.

Waxa ay aqoonyahanno badani iyana isku raacsan yihiin in dhulkii loo yaqaannay Punt uu hadda ka mid yahay degaanka Soomaalida, dadkii ku dhaqnaana ay Soomaalidu asal ku leedahay.

Daraasado lagu sameeyay hiddaha (genetics) Soomaalida ayaa iyana caddeeyay in dadka Soomaaliyeed ay asal la wadaagaan dadyowga kale ee ku dhaqan Itoobiya, Ereteriya iyo Waqooyiga Afrika sida qawmiyadaha Oromada, Canfarta, Berberka iyo xataa Carabta Waqooyiga Afrika. Waxa intaas dheer afafka qowmiyadahaasi ku hadlaan oo ay isku bah yihiin afka Soomaaliga. Daraasadaha hiddaha asalka Soomaalida lagu sameeyay waxa ay caddeeyeen  in dadyowga ku dhaqan Geeska Afrika ee ay Soomaalidu ka mid tahay ay yihiin ummad gaar ah (Distinct Seperate Race) oo ka duwan ummadaha la jaarka ah sida Carabta iyo Afrikaanka kale. Waxa intaas dheer oo daraasadahaas koobani sheegayaan in qawmiyadda Soomaalidu ay jirtay muddo ka badan 4,000 oo sano.

Markii diinta Islaamku ka dhalatay Jasiiradda Carbeed oo sida aynu wada ognahay bad yari u dhaxayso iyada iyo Soomaaliya ayaa waxa markiiba ay si hawl yar ugu soo tallowday dhinaca degaanka Soomaalida. Diintaas oo dabcan muddo dheer qaadatay in Soomaali oo dhan ay wada gaadho. Hase yeeshee waxa xaqiiqo ah in ay raad weyn ku yeelatay dhaqanka Soomaalida oo xilligan la joogo dhammaantood wada Muslim ah. Waxase adag in la aamino ama waxa aynu odhan karnaa macquul ma aha dhawr wadaad baa qaran dhan sahal ku qabsaday muddo qaaban.  Ama dhawrka Shiikh ee ay Soomaalidu sheegato iyo carruurtiisii baa ka adkaaday oo qaarna dadkii dalkan ka buuxay laayey, intii kalena bara kiciyey oo dhulkii ka qaaday.  Midda kale waxa isweydiin mudan meeye dadkii diinta ay u laqimayeen ee dhexdooda diinta ka faafinayeen? Iyagii keliya  iyo carruurtoodii baa dalkii oo dhan u hadhay, waa arrin aad cajiib u ah oo caqligu aanu qaadan karin!

Markaynu qodobkan ka hadalkiisa soo koobno, sida la garan karo Soomaalidu waxa ay ka soo jeeddaaa dadkii dalka joogay ee diinta la soo gaadhsiiyay muddo hadda kun sano ka badan laga joogo. Waxa ayse dhaqan badan la wadaagaan muslimiinta ku dhaqan Bariga Dhexe iyo dalalka kale ee caalamka Islaamkaba.

Hayb beddelashada Soomaalida:

Ugu horrayn marka aynu arrintan ka hadalaynno waxa mudan marka hore in aan isweydiinno  Soomaalida ma dhacdaa in ay haybtoodii hore ka guuraan? Jawaabta su’aashaas oo koobani waxa ay tahay “Haa”. Waxa hubaal ah kollay in  lixdankii sannadood ee aan anigu wax kala garanayey dad badani ay  haybtoodii bedesheen oo qolo kale ku biireen. Si aynu arrintaa xaqiiqooyin cad ugu keenno waxa aan halkan ku soo bandhigayaa dhowr tusaale oo innoo iftiiminaya sida qabaa’ilka Soomaaliyeed u hayb bedeshaan.

Waxa haddaba jira qabaa’illo badan oo aan la isku diidanayn in ay yihiin bahwadaag ama isbahaysi. Waxa qolyahaas ka mid ah Digil iyo Mirifle, Jaarso, Ciise, Akisho, Bursuug, Garre, Maalin Guur, Muddulood iyo kuwo kale oo badan.

I970 kii ayaa waxa aan fasax damcay in aan ku tego magaalada Baydhabo. Xilligaas waxa waddanka ka dillaacay cudurka loo yaqaan Daacuun Calooleedka. Taas oo dhalisay in magaalooyinka iyo gobolada la kala xidho. Waxa aan ku xannibmay tuulo yar oo Baydhabo iyo Buur Hakaba u dhaxaysa. Dadkii deganaa ayaan qof keliyana ka af garan waayey.  Akhirkii waxaan masaajid yar ka helay oday saagaashan jir ah oo caalim ah oo na tujinayey.  Isagii baan isku af garanay luqadda carabiga oo fusxa ah.  Laba habeen oo aan wadaadkaas meel la joogay waxyaabo badan baan ka faa’iiday oo ka qortay. Waxaan waydiiyey, dadka dhulkan degani waa ayo? Waxa uu iigu jawaabay waa Soomaali.  Yay ka yihiin baan idhi?  Waxa uu iigu jawaabay waa Soomaali oo idil.  Waxaan weydiiyey Raxan Weyn waa ayo? Wuxuu igu yidhi waa dhulka oo waxa uu magacaasi tilmaamayaa, waa dhulkii raaxada badnaa. Waxa kale oo aan waydiiyey Digil iyo Mirifle waa ayo? Wuxuu iigu jawaabay dadkaa qaarna beeraha ayay ku dhaqmaan oo waa Digil, Miriflena waa xoolalay. Sida odaygaasi qirayo Raxan Weyn waa is bahaysi ka kooban qabaa’illo badano oo Soomaaliyeed.

Waxa sidoo kale iyana ah qabiilka Ciisaha oo waxa la yidhaa waxa ay u kala baxaan jilibadoodu Ciise iyo soo raac oo sida magacaasi tlimaamayo innoo iftiiminaysa in ay isbahaysi yihiin. Jilibada soo raaca ayaa waxa inta badan dhacda in qabaa’il badani yidhaahdaan annaga ayay asal ahaan naga soo jeedaan.

Qabaa’ilkan iyagu qirta in ay isbahaysi yihiin sida kuwa aan kor ku soo sheegnay, waa kuwa inta badan ay qabiilooyinka kale bililiqaystaan, gaar ahaan beryahan dambe ee qabyaaladdu siyaasadda aad u gashay ee ay xamaasadda badan yeelatay. Haddaan tusaale kooban kuwaas ka bixiyo jilibo dhowr ah oo Jaarso ah, gaar ahaan Warro Dhaqo ayaa intii ka dambaysay dagaalkii 1977 iyana u digarogtay reer Haaruun (reer, Isaaq, Ogaadeen) iyo Laylkase. Waxa sidoo kale iyana noqday xilliyadan dambe Jibriil Abokor (Sacad Muuse) Warro Oogo oo ahayd Jilib Akisho ah. Waxa iyana sheeko caan ah ka ah  Hargeysa iyo inta galbeed ka xigta odhaahda ah Akishadii Cabbanowday. Sheekadaas oo tilmaamaysa qoysas Akisha ahaa oo u hayb bedeshay reer Cabbane (Sacad Muuse). Waxa maanta jira Qoys intooda Jigjiga deggenina yihiin Akisho, inta Hargeysa ku dhaqanina yihiin reer Cabbane.

Hayb bedelashadu kuma koobna beelahaas aan kor ku soo tilmaamay oo qudha. Qabaa’ilada kale sida Daaroodka, Isaaqa, Hawiyaha iyo kuwa kale ee faraha badanba waa arrin si weyn uga jirta. Aan ku bilaabo Shiikhaash (Shiikhaal) oo berigii hore la odhan jiray waxa ay ka soo jeedaan Abubakar Siddiiq, sida ku qoran kitaabka la yidhaahdo Nasrul Mu’miniin ee uu qoray Shiikh Cabdullahi Qudubi, awowgoodna ahaa shiikha ku aasan magaalada Sheekh looguna magacdaray iyo reer shiikh Xasan Kalweyn oo sheegan jiray in ay ka soo jeedaan Cusmaan bin Cafaan. Haddaba Shiikhaash (Loo Boge, Aw Qudub, iyo Gendershe) iyo reer Xasan Kalweyn maanta waa hal reer oo loo bixiyay Martiile Hiraab, ahna qabiil Hawiye ah. Waxa iyana jira qabaa’ilka Xawaadle, Saransoor (Digoodi iyo Gaal Jecel), Gugundhabe iyo Odaajeen oo maanta aynu u naqaan in ay Hawiye yihiin, horese u ahaa qabaa’il iskood u taagnaa.

Waxa sidoo kale isna ahaa qabiillo iskood u taagan oo sheegan jiray in ay Saado yihiin ama Carab, reerka Isaxaaqa la yidhaa ee maanta ka midka ah jilibada Habar Yoonis iyo reer Doodka oo Habar Jeclo ka mid ah. Qolada Isaxaaqu waxa ay haybtoodii hore ka guureen illaa 50 kii sano ee u dambeeyay oo aan aniga laftaydu soo gaadhay, halka ay reer Doodku iyagu beri dhaweyd uun toos u sheegteen Habar Jeclo.  Waxa iyana intii xornimada ka dambaysay hayb bedeshay Fiqi Shinni oo ahaa Ajuuraan, haddase ah Ayaanle, Cayr, Habar Gidir. Waxa kale oo la sheegaa qolada la yidhaa Cumar dheer oo maanta ah  Wagar Dhac oo Mareexaan ah, in ay asal ahaan ka soo jeedaan Cayr, Habar Gidir. Qolada kale ee hadda la yidhaa Damal Muuse ee dega Galkacayo ayaa iyana illaa 64 kii ka hayb bedeshay Dir oo noqday Muuse Carre oo Habar Yoonis ah.

Waxa halkan malaha mudan in aan ku xuso sheeko beri dhexdii ahayd lagu faafiyay qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa magaalada Hargeysa. Kaas oo qoray sheeko ku saabsanayd  laba reer oo haddeer kala ah Gadabuursi iyo Isaaq in ay wada siyaartaan hal oday oo ay wada sheegtaan in ay ka soo jeedaan. Labadaas reer ayaa qoraalku sheegay in ay istuseen in malaha ay isku asal yihiin, balse qolo weliba ku adkaysatay in ay halkeeda ku negaato.

Qolada Gadabuursiga oo marar qaar dadku ku tilmaamo isbahaysi waxa jira reero badan oo aan lagu murmin in ay qolyo kale yihiin. Waxa reerahaas ka mid ah Xeeb Jire oo la sheego in ay Shiikhaash yihiin, Muuse Fiin oo  la yidhaa waa Ogaadeen iyo reer Nuurka oo dadka qaarkiis ku sheego in ay Ciidagale ahaayeen.

Dhinaca gobolada bariga oo dad badani ku tilmaamo meesha Soomaalidu ay asalkeedii ka soo fidday ayaa waxa la sheegaa reero badan oo ku dhaqnaan jiray, maantase aan cidi ka joogin. Waxa qabaa’ilkaas ka mid ahaa Reer Waa Rag, Leg dhufso, Odayo qoyan, Qabsan Dulle, Qayraanshe iyo qolyo kale oo badan. Kuwaas oo maanta dhammaantood ku dhex milmay reerka Majeeteerteen ee Hartiga ah. Reerka Dhulbahantaha ayaa iyana la sheegaa in qolyo badani ku dhex milmeen. Tusaale ahaan waxa Dhulabahantaha dhexdiisa caan ka ah magaca la yidhaa Ilma Halal Gob ah oo la sheego in ay ahaayeen qabiil jiray, balse maanta Dhulabahante uun ka mid ah. Waxa iyana dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyay soo baxay qolada Jambeel oo la yidhi waa Cabdi Koombe. Anigu intii aan wax kala gartay oo 60 sano kor u dhaafay waxa aan maqli jiray Koombe waa 4: Geri, Harti, Xarle iyo Jiiraan. Jambeel waxa aan marar maqlay waa reer Cabdi oo Geri ah. Si kastaba ha ahaatee Cabdi Koombe waa wax aan hore u jirin, qoladaasina waxa suuragal ah in ay ama Geri yihiin ama Harti.

Haddaan qaybtan soo duuduubo waxa aan jecelahay in aan xuso qola Madhibaan ah oo sannadkan horraaantiis qolyo ka mid ah iyaga iyo xubno ka tirsan beesha Habar Yoonis isku dayeen in ay haybtooda u bedelaan qolo ay u bixiyeen Kuul Carre. Sheekadaas oo muddo dhowr bilood ah socotay waxa ay akhirkii ku baaba’day ka dib markii xubno muhiim ah oo ka tirsan labada dhinac ay ka horyimaaddeen mashruucaas.

Runtii halkan kuma dhamma tusaaleyaasha laga bixin karo hayb bedelashada iyo qabaa’ilka Soomaalida. Waxase aan la dafiri Karin in hayb ka guurku uu yahay arrin aan ku cusbayn Soomaalida dhexdeeda, balse loo baahan yahay in si cilmiyaysan loo derso. Waxa xaqiiqo ah in aanu jirin Soomaalida dhexdeeda qabiil odhan kara waxa aannu nahay saafi oo iskuma dhex walaaqnin. Haddii malaha DNA dooda la baadhi lahaa wax badan baa malahayga soo bixi lahaa oo kala caddaan lahaa.

Sheekooyinka caanka ka ah Soomaalida dhexdeeda:

Soomaalidu wax badan taariikhdeeda qoraal laguma wada hayo. Ha yeeshee waxa in badan laga heli karaaa suugaanta oo tix iyo tiraabba leh. Waxa iyana aad u badan sheekooyin iyo odhaahyo si weyn innoogu iftiimin kara mawduucan maqaalku ku saabsan yahay ee ah hayb ka guurka.

Haddaan qaar kooban ka xusno sheekooyinkaas tilmaamaya in dadku isku dhafan yihiin waxa ka mid ah:Ogaadeen waa wiil tagoogo iyo wiil talo. Taas oo macanaheedu yahay dadka reerkaas wada sheegta qaybina waa dhalasho, inta kalena heshiis bay Ogaadeen ku noqdeen. Waxa odhaah taas la mid ah iyana laga sheegaa reerka Abgaal oo waxa la yidhaa: Abgaal waa  Abgaal iyo muggiis oo laga wado inta dhalasho Abgaal ku ah iyo inta kale wey isle’eg yihiin. Dadka qaar baa magaca Abgaal ku fasira waa Gaalle oo dhan. Kuwa sidan dambe wax u tilmaamaa waa kuwa qaba in Soomaalidu ay Oromada asal ahaan ka soo jeeddo. Waxa iyana Soomaalida dhexdeeda caan ka ah beyd gabay ku jiray oo la yidhaa “Sacad waa Ogaadeen haddii loo abtirinaayo” oo tibaaxaysa sheegashada ah in reerka Sacad la yidhaa aanu ahayn Habar Gidir oo uu yahay Makaahiil, Ogaadeen.  Waxa sheekadaa barbartaal mid kale oo wax ka sheegta reerka kale ee Habar Gidir ee la yidhaa Saruurka. Waxa la yidhaa Odaygii Madar Kicis Hiraab ahaa ee Habar Gidirta dhalay oo wiilkiisii bahal ka cunay ayaa ku ducaystay in kan Eebbe uga dhigo inankiisii. Odayga oo la sheego in uu indha la’aa baa la yidhaa waxa uu ku ducaystay sidan:San weynaa oo sarara weynaa Ilaahow Saruur Madar Kicis iiga dhig. Waxa iyana dadku aad u yidhaahdaan Odaygii Daarood ahaa weli waa dhalaa. Taas oo looga jeedo in xilli walba aad arkayso qolo cusub oo Daarood ah. Si kastaba ha ahaatee waxa aan shaki ku jirin in qabaa’ilka Soomaalidu yihiin dad isku dhafan, haybsooca ay isku samaysaana aanu sal iyo raad toona lahayn. Waxa kale oo iyana xaqiiqo ah sida lagu xusay daraasado kooban oo lagu sameeyay hiddaha Soomaaliyeed in ay Soomaalidu tahay qawmiyad ka da’ weyn odayada ay sheegato in ay ka soo jeedaan.

Gabagabo:

Ugu damabayn waxa dhab ah in aan maqaalkan yar ee kooban oo aan ka soo dheegay buug yar oon aan qoraalkiisa ku guda jiro, kana hadlaya Hayb Takoorka in aan lagu soo koobi karin arrinta ku saabsan hayb bedelashada. Runtii waa mawduuc weli dihan, una baahan in daraasdo badan lagu sameeyo. Waxase xaqiiqo ah oo aan la iska indho tiri karin in qabaa’ilka Soomaalidu aanay sal mug weyn leh ku fadhiyin, khaasatan dhinaca sheegashada isirka.

W/Q: Maxamed Hirad 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Raadraac:

1-  Risch et al. (1999), Categorization of humans in biomedical research: genes, race and disease, Genome Biol. 2002; 3(7): comment2007.1–comment2007.12.2. http://en.wikipedia.org/wiki/Somali_people 3. http://somalitalk.com/2009/11/18/baaq-uu-soo-saaray-af-hayeenka-beelaha-kuul-carre 3. http://somalilandinfo.com/node/6362 4. http://wardheernews.com/News_09/November/19_Beel_u-diga_roganaysa_beel_kale.html

Maxamed Hirad E-mail: [email protected]

Dhacdo qabsatay 100 sano ka hor Soomaali deganeyd Berlin!!

Sida uu boggiisa hore ku daabacay  29-kii August ee sanaddii 1910-kii wargeyska ” De Eemlander “oo ahaa wargeys ka soo bixi jiray magaalada Amersfoort ee waddanka Holland 12 dhallinyaro Soomaaliya una dhexaysay da’doodu 17 ilaa 20 jiryaal ayaa halis ku ah quluubta iyo wadnaha gabdhaha Jarmalka.

Wargaysku waxa uu intaa raaciyey in dhallinyada madowga ahi xadiiqadii ama jardiinadii ay joogeen mar qura uga soo dhaqaaqeen dhinaca 12 walaalaheena caddaanka ahaa( Blanke zusters) kuwaas oo dhallinyarada Soomaaliyeed farriimo jeceyl ah horay ugu soo qoray waa sida ay jariiradadu u dhigtaye.

Boolisku uma arkin wax fiican in Soomaalidu wax ka badan 2 ama 3 ay isula socdaan, si buuqa loo yareeyo, baaritaana loo sameeyo , waxaana hal maalin ay boolisku xireen xaafaddii Soomaalidu ka degeneed magaalada Berlin.

Haddaba xogta wargeyska in kastoo aan lagu dhaliili karin qaabka cunsuriyedeed oo ka muuqata ama laga dheehan karo hab qoraalka iyo erayada uu adeegsaday sida (Neegar) oo ula jeedeen madow Soomaalida ah, iyo in halis laga dhigo shukaansiga iyo xodxodashada dhexmartay ama dhexmari rabtayba hablaha Jarmalka iyo wiilasha Soomaliyeed,waayoo xilligaas oo aynu haatan ka joogno hal-qarni dunidu ma haysan neecawda xorriyadeed oo aynu maanta harsanayno,laakiin waxa aynu ka qaadan karnaa :

In magaalada Berlin ee waddanka Jarmalka Soomali fara badan ay ku noolaayeen 100 sano ka hor, oo xittaa xaafad dhan ay ka deganaayeen sida ku cad qoraalka wargayska.

In kastoo wargaysku xusin muddada ay ku noolaayeen dadkaasi Soomaliyeed waddanka jarmalka haddana waxa nooga muuqata qoraalka wargayska in ay muddo joogeen, waayo waxa ay ahaayeen dhallinyaro 17-20 jiryaal ah oo wax ku shukaansada luqadda Jarmrkalka, waxa ayna u muuqataa in ay meesha ku dhasheen oo waalidiintoodii uga soo horreeyeen.

Su’aasha is waydiinta mudani waxa ay tahay qaabkii ku soo galeen Soomaalidu halkaa ma xiriir ganacsi ayaa keenay illayn Soomaalidu waxa ay ahaayeen sida ku xusan taariikhda dad firfircoon oo xiriiro ganacsi oo qoto dheer la lahaa waddamo badan oo bariga fog iyo dunida yurub intaba lehe?

Ma xiriirkii ka dhexeyay boqortooyadii cusmaaniyiinta iyo Soomaalida ayaa sabab u ahaa in ay ku soo gaaraan halkaan qaab ciidan illayn adduunyada waxa ay xilligaas foolanaysay oo caloosha ku jiray dagaalkii 1aad ee dunide?.Ma qaab addoonsi ayay Soomaalidu ku soo galeen illayn xilli aan la isu nixin oo la is iibsado ayaa la soo maraye ? ilaah ayaa ku cilmi leh.Imisa Soomaali ah ayaa ku nooleed xilligaas Berlin iyo guud ahaan waddanka Jarmlka? Weydiimahaas iyo kuwa kalaba waxa aan u daynayaa taariikhyahanada iyo culimada u dhuun duleesha arrimahaas iyo weliba Soomaalida ku nool jarmalka si ay xog intaa dhaafsiisan noogu soo gudbiyaan. Aniga laftaydu kama jiifan doono.waa inoo aroos Soomaaliyeed oo ka dhacay isla Berlin 1928 iyo todabaadka danbe in shaa allah.C/llahi Khadar, Political History
Amersfoort, Nederland

Warbixin: Booqashada Wasiirka Arrimaha gudaha ee Beledweyne.

Wafdi caalami ah oo uu hogaaminayo wasiirka wasaarada arimaha Gudaha iyo amniga qaranka ayaa ka dagay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Cabdikariin Xuseen Guuleed wasiirka arimaha gudaha ayaa markii uu ka dagay magaalada Baladweyne waxaa si heersare ah usoo dhaweeyay maamulka Gobolka Hiiraan.

Wasiirka wa safarkiisii ugu horeeyay ee uu kaga dhaqaaqo magaalada Baladweyne,waxaana la sheegayaa in halkaasi ay kusoo dhaweeyeen saraakiil ka tirsan ciidamada Jabuuti.

Wasaa garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne ka socda kulan ay qaadanayaan wafdiga wasiirka arimaha gudaha iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti.

Lama oga waxyaabaha ay ka wada hadlayaan waxaana warar hoose oo aan helayno ay sheegayaan in la wada hadlayo arimaha dhanka amaanka ee gobolka.

Magaalada Beledweyne shalay ilaa xalay waxaa ka dhacay dilal kala duwan oo loo geystay gudoomiyihii Odayaasha dhaqanka ee magaalada Baladweyne iyadoo habeenimadii xalay lagu dilay ilaa labo ruux oo guryahooda lagala baxay.

Waxii kusoo kordhay safarka wasiirka arimaha kala soco caasimada.ocm

Dagaal u dhaxeeya Somaliland iyo Khaatuma oo socda.

War goordhow soo dhacay ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya Somailand iyo Qaatumo uu maanta ka qarxay gobolka  Sool.

Sida warka aynu ku helayno Dagaalkani ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamo ka tirsan maamulka Khaatumo State ay weerar ku qaadeen Degmada Xudun oo ka tirsan Gobalka Sool.

Wararka ayaa sheegayaa in dagaalka uu yahay mid xoogan islamarkaana uu jiro khasaaro kala duwan oo labada dhinac soo kala gaaray.

Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha maamulka Khaatumo State Maxamuud Sheekh Cumar Xasan ayaa usheegay Warbaahinta Muqdisho in weerarkaasi ay qaadeen dhankooda.

sababta ka dambeysa weerarkaasi uu  sheegay inuu yahay in maamulka Soomaaliland ay doonayeen inay ay doorashooyinka golaha deegaanka ay ka bilaabaan Degmada Xudun ee Gobalka Sool.

Si dhab ah looma ogaan karo haatab khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi ayaa hadana wararku waxa ay sheegayaan inuu jiro khasaaro labada dhinac soo kala gaaray.

Diyaarad Saanad Militeri waday oo ka dagtay magaalada Kismaayo.

Wararka Magaalada Kismaayo laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan  in Diyaarad saanad hub waday ay kasoo dagtay garoonka diyaaradaha magaaladaas.

Marka diyaaradan ay soo caga dhiganaysay Kismaayo ayaa waxaa la joojiyay dhaq dhaqaaqii ka jiray  magaalada waxaana hakad ku yimid isusocodkii dadka iyo gawaarida.

Saraakiil Dowlada Soomaaliya ka tirsan oo aan la xiriirnay waxna ka waydiinay hubkan diyaarada ay ka soo dajisay Kismaayo ayaa waxaa uu sheegay inay qayb ka yihiin imaanshaha saanada Militeri qorshaha dowlada iyo Amisom.

Diyaarada Hubkan waday ayaa waxaa ay ka soo duushay Garoonka diyaaradaha Nairobi waxaana lagu tuhmayaa inay iska leedahay dowlada Kenya.

Waxaa uu Sarkaalka Sheegay In Saanadii ciidamada ay haysteen ay go’day sidaa daraadeedna loo keenay hubkaan.

Cannavaro: Pirlo ama Iniesta ayaa u qalma Ballon d’Or.

Daaficii hore ee Real Madrid Fabio Cannavaro ayaa sheegay in xidiga qadka dhexe ee xulalka Spain iyo Talyaaniga Andres Iniesta iyo Andrea Pirlo aan wax badan loo tixgelin inay u qalmaan abaal marinta Ballon d’Or.

Ciyaaryahanka sedaxda jeer ku guuleystay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa ugu cadcad abaal marintaan, balse Cannavaro ayaa qaba inaysan labadaani qaban wax ay ku hantaan abaal marinta.

“Ma u maleynaayo inay u dhexeyso Messi iyo Ronaldo – waxaan u dooran lahaa Pirlo ama Iniesta,” ayuu yiri ciyaaryahankii hore ee xulka Talyaanigu.

” Iniesta wax la yaab leh ayuu ka sameeyey Spain wuxuu la qaaday labadii koob ee Yurub ee ugu dambeysay.
”Pirlo hada, keliya Scudetto kulama guuleysan Juventus balse Finalkii Euro 2012 ayuu gaarsiiyeyItaly.”

Xidiga Barcelona Lionel Messi ayaa sedax gool u jira inuu jebiyo Rikoorka gool dhalinta hal sano ee qura uu dhigay Gerd Muller.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Doorasho ka dhaceysa Somaliland.

Iyadoo deegaanada Somaliland ay maanta ka dhacayso doorashada Golaha deegaanka ayaa waxaa soo baxaysa in dad badan codkooda si xoog ah loo adeegsanayo.

Maamulka Qaatumo oo hurguf ay kala dhaxayso Somaliland ayaa sheegay in dad ku nool Sool,Sanaag iyo Cayn laga qayb gelinayo doorashada Somaliland.

Mid kamid ah masuuliyiinta Maamulka Qaatuma ayaa warbaahinta Muqdisho  u sheegay in dadka ku dhaqan deegaanadooda laga qayb gelinayo doorashada Golaha deegaanka Somaliland ee Maanta dhacaysa.

Qaatuma ayaa ka soo horjeesatay waxaana ay xabsiga u dhigtay dad badan  oo ka soo jeeda Qaatumo kuwaas oo olale ka dhex waday deeganada ay ka taliyaan Maamulka qaatuma dadkana u sheegayay inay codkooda dhiibtaan.

Dhanka kale goobaha cod bixinta ee Maamulka Somaliland ayaa saakay loo dareeray .

Nistelrooy: RVP horyaalka ayuu ku hugaamin doonaa Man Utd.

Ruud van Nistelrooy ayaa daaha ka qaaday inuu Robin van Persie Horyalka Ingiriiska xilli ciyaareedkaan dib ugu soo celin doono masraxa riyada old Trafford.

Persie ayaa hugaamin doona weererkaManchesterUnited caawa marka ay wajahdo West Ham.

Ka dib markii uu xirfadiisa ka bilowday kooxda Old Trafford halyeeygii United Van Nistelrooy ayaa u arka ninka ay isku wadanka yihiin inuu wax ka bedeli karo hanashada Horyaalka.

RVN ayaa yiri: “Iyadoo uu waqtigaan kor u socdo, Robin wax ayuu ka bedeli karaa Horyaalka.

“Hadii uu qaab ciyaareedkaan sii wato sanadkaan markaas waxaan arki karaa United oo qaadeysa horyaal kale.”

RVP ayaa xilli ciyaareedkaan intii uu bilowday United u dhaliyey 11 gool 17 kulan oo uu garoonka u galay iyadoo Red Devils ay hugaamineyso Horyaalka.
Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Walcott iyo Sagna oo laga saaray ciyaartoyda Arsenal ee 2013ka.

Labada ciyaaryahan ee kooxda Arsenal Theo Walcott iyo Bacary Sagna ayaan lagu soo darin ciyaartoyda rasmiga ah ee kooxdu ku shir tegi doonto 2013, xidigahaan ayaa ah kuwo waayadaan si joogta ah kooxda ugu ciyarayey balse hadii aysan heshiisyo saxiixin waxaa laga yaabaa inay ka huleelaan Emirates.

Wallcott qandaraaskiisu wuxuu dhacayaa xagaaga soo aadan, ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England waxaa lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqo midkood kooxaha Gunners Premier League kula xafiiltama Manchester City iyo Liverpool, waxaa sidoo kale laga yaabaa inuu la hadlo kooxo ajnabi ah ka hor inta uusan si xor ah ku bixin dhamaadka xilli ciyaareedka.

23-jiraan ayaa waayo la yaab leh sanadkaan ka muujiyey Arsenal – wuxuu dhaliyey sagaal gool halka uu afar kale caawiye ka ahaa 15 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Daafaca dambeedka midig Sagna, mustaqbalkiisa ayaa sidoo kale shaki ku jiraa, ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa waxaa horay u xiiseynayey Inter Milan, halka sidoo kale la arko hurumarka aan kala joogsiga laheyn ee uu sameynayo da’yarka Carl Jenkinson kaasoo amaan kala kulmay Arsene Wenger bilowgii sanadkaan.

Sagna ayaa lugta ka jabay dhamaadki sanadii lasoo dhaafay, wuxuuna saftay lix kulan ka dib markii uu dhowaan kooxda kusoo laabtay.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Faroole: Puntland anagaa iska leh!

Nin Ganacsade ahaa baa Todobaatameeyadii gatay baabuurka loo yaqaan SABAAX, oo  markaa suuqa baabuurta iyo baladkaba ku cusbaa. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu gaarigii Sabaaxa ahaa ku raray Ari loo waday Magaalada Burco, markuu marayo jiiqjiiqda Hiiraan ayuu gaarigii gaddoomay, markaa ayaa waxaa u yimid Boolis, si ay u diwaangaliyaan dhacdada, markii dhawr su’aalood la weydiiyey oo uu malaha qoonsaday ayuu damcay inuu u sheego Booliska in Gaariga gaddoomay, Ariga saran iyo waxa dhan uu isagu leeyahay, wuxuuna yiti: “QOR, SABAAX ARI SIDA, OO BURCO U SIDA, ANAA GATAY, ANAANA GADDISTAY!

In badan baa laga digay fidnada Faroole, ayaandarrada baase ah inaan laga digtoonaan, kaba sii darane, sida wax u dheceen waaba loo heellanaa, ha noqoto deegaanka uu ka taliyo ama dawladdii Shariife, maalintii uu xilka qabtay ilaa maanatadan tacaddi iyo xadgudub unbuu ku soo kordhiyey deegaankaa, Soomaalina sadbursi qayaxan iyo afduub qabiil ayaa ula yimid.

Laga yaabee in Faroole matalo aragti guud oo ay la wadaagaan dad deegaanka ah, haddana, suuragal ma ahan in falalka qaar aysan helin qof diidmo ka keena, haddii aysan ahayn, laabta ka jecli iyo luggooyadu ha socota! Sidan waxaan u leeyahay inta kol ee Faroole xerataraar sameeyey cidna hooy iyo yac midna dhihin, in loo naseexeeyana marag looma haayo.

Xaajadu ugub ma ahan, marka laga eego dhanka cod la’aanta iyo caburka aan la aqoon waxa sababay, haddii aysan ahayn cudurkii aan dawadiisa lahayn ee QABIILKA. C/laayihi Yuusuf baa Xamar Xabashi keensaday, dabcan Madaxweyne wuu ahaa, haddana, uma dhaqmin sida magacu keenayo maamuuskeeda lama imaan, wuxuu dhigay waa loo wada joogay, waxaanse la helin cod dheer ama hoose oo lagu yiri: C/laahi cidaan shisheeye Soomaali ha ku kala gayn!

Sida sooyaal yaqaanku sheegaan taariikhdu mar qura ma dhacdo ee waa soo laalaabataaye, micnaha dhawr kol ayey dhacdaa iyadoo isla sidii ah ama aan wax weyn ka duwanayn tii hore, waxaan uga jeedaa, sidii aan loo oran C/laahi Yuusuf waxa aad ku socotaa waa qalad xigaalada iyo walaaltinimada dhaawacaya, xaajo ugub ahna horseedaya, ayaan Faroolana lo oran sida aad wax ku waddaa dadka ayey kala dilaysaa.

Haddii C/laahi Yuusuf markii laga guulaystay dib ugu soo jabhadeeyey Garoowe, maanta waxaan joognaa in mudane Faroole uusna diyaar u hayan inuuba doorasho qabto, haddi xasuuso doorasho wa midda keentay isagee, oo u sahashay inuu xukunka qabtee, inuu sannad ku darsaday ka sokow, hadda ayuu rabaa shan kale oo hor leh.

Faroole hadduu kala dhantaalay Punland, oo maanta uun ah magac iyo qalfoof kali ah, maxaa yeelay deegaankaa waxaa ka dhisan maamullada kala ah: KHATUMO STATE, ALL SSC STATE, ALL CAYSRLAND, MAAMUKA GALBEEDKA GAALKACYO IQB, maanta wuxuu marayaa inuu malaha dhawrkii magaalo ee ku harayna uu sii kala googooyo, illeen sida uu wax u wado keeni mayso wada noolaashee, aan ka ahayn dagaal iyo dirir hor leh, ayna dhanka kale ka jiraan Somaliland, oo iyana dhinac ka sheeganaya maamullada gobolladaa.

Burburkan waxaa sababay, aad garatide, bal ila eeg magacyadan hoos qoran, dhammaan waxay xilal ka hayaan maamulka uu Faroole hoggaansho, waana wada Qoyskiisa, waxayna kala yihiin:

  1. 1.  Cumar C/raxmaan Faroole
  2. 2.  Sucaad C/raxmaan Faroole
  3. 3.  Maxamed C/raxmaan Faroole
  4. 4.  Cismaan C/raxmaan Faroole
  5. 5.  Qadar C/raxmaan Faroole
  6. 6.  Aamino Abiib, oo ah xaaska mudane Faroole

Haddaba, ma idin la tahay nin qayskiisa ka dhammaan waayey inuu dad kale u maqan yahay ama wax u qabanayo? Warcelinta aqristaha baan u daynayaa. 

Gacan ku gambashada Gaas!

Waxaa la yiri: “God sireed ha qodin, haddaad qoddana ha dheerayn, ku dhici doontid ma ogide!” Gaas intuu xilka Wasiirka 1-aad hayey, wuxuu si bareer ah ula saftay Faroole, isagoo marar badan ku taageeray mawqafiyo qallafsan oo Faroole ka qaatay geeddi socodka nabadda, waa marka Gen.  Cabdikarim Yusuf “Dhagabadan” oo Gaas ku yiri: “Ma waxaad tahay kaabo Qabiil Soomaliyed? Mise Ra’isal wasaare Soomaaliyeed?” siina raaciyey: “C/weli Gaas waa Professor Qabyaalada ku Qalinjabiyay!

Adduunyadu wa meertee, ninkuu shalay qalad iyo qallafsanan ugu qiilinayey, ee aan marna laga heyn qodobkaa Soomaali uma qalmo, maanta isaga ayuu ku keenkeenay, socdaal uu ku joogay deegannada Bari, ayaa Gaas laga daldabaday inuu si degdeg isaga boxo deegannada, ka dib markii Mudane Faroole ka shakiyey hammiga siyaadeed ee ku jira Gaas.

Hadduu is adkeeyey, ee uu ka dhaga furtaystay farriimaha uga imaanayey maamulka Faroole, waxaa si toos ah looga yeeray Saldhigga Booliska, si toos ah oo aan sarbeeb iyo silloonaan ku jirin loogu yiri: ISAGA BAX deegaankan, amarkaana waxaa baxshay Faroole, is adkayn ka dib, dantu waxay kalliftay inuu isaga huleelo, isagoo guryan iyo gunuunac ku yiri: meesha cabbirin baaxad leh baa ka jirta! Oo haddaa yaan ogayan oo uu u sheegayaa? Malaha isaga ayaa iminka ogaaday!

Maanta waxay maraysaa in dad ka soo horjeeday kordhisada uu damacsan yahay Faroole, oo ku muduharaaday safar uu ku tagay qaar ka mid ah deegannadaa in Xabbad iyo rasaas loogu jawaabo, dhaawac iyo dhimashana ka dhalatay, oo kaalay maxaa Maxamed Siyaasad Barre looga soo horjeestay oo Jabhado iyo dagaallo loogu kiciyey, haddii sidiisii oo kale ama ka xunba loo dhaqmayo? Anigu ma garan.

Farooloow haddii lagu nacay, ma dad ayaad ku qasbaysaa inay ku oggolaadaan? Maxamed Siyaad Barre oo kaa awood iyo itaal badan ayaa dibadda la dhigay, ee armay ku habboon tahay inaad tixgaaliso xeerarka yaal iyo inaad xushmadda lagaa mudan yahay la maagin, Wallee, haddii kale meel xun baa kuu dambayn doonta, waayahana aan ka war sugno.

W/Q: Bashiir M. Xersi

[email protected]

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.

Tahniyad Dhalasho: Cabdi Salaan Maxamuud iyo Deeqo Maxamed.

0

Jaamac    Cali    Naasir

Zamzam  Yuusauf  Nuur

Ardo     Maxamed     Cali

Faa’iso     Ibraahin    Isxaaq

Deeqo      Ibraahin    Isxaaq

C/fitaax    Ibraahin   Isxaaq

Ayaan      Aadan       Cali

Aamino   Maxamuud  Garweyne

Fartuun    Cali     Cabdi

waxay hambalyo iyo bogaadin ay leeyihiin C/salaan Maxamuud Axmed iyo Deeqo Maxamed Xasan, oo ay 25kii bishan November 2012-ka uu Wiil ugu dhashay magaalada Seattle Washington ee Dalka Maraykanka, wiilkaas waxaa loo bixiyay, Ilyaas C/salaan Maxamuud. Soo barbaar ayay leeyihiin, noqo kii dalkiisa, dadkiisa iyo Diintiisaba anfaca. Aamiin.

Hambalyo Dhalasho.

Hooyo   Suldaano         Muxumad    Abuubakar

                Ikraam           C/laahi          Axmed

                Ilhaan             C/laahi          Axmed

                Fardowso      Aamin           Xasan

                Ayaan             Aadan           Cilmi

                Fartuun          Cali  Cabdi iyo Seygeeda

                Axmed           Yuusuf

                Raxmo           Yuusuf

                Maxamed      Yuusuf

Cali Cilmi iyo dhammaan qoysaska, Reer Maxamud Axmed Iyo Reer Maxamed Xasan, waxay hambalyo iyo bogaadin ay leeyihiin C/salaan Maxamuud Axmed iyo Deeqo Maxamed Xasan, oo ay 25kii bishan November 2012-ka uu Wiil ugu dhashay magaalada Seattle Washington ee Dalka Maraykanka, wiilkaas waxaa loogu wanqalay Ilyaas C/salaan Maxamuud. Soo barbaar ayay leeyihiin, noqo kii dalkiisa, dadkiisa iyo Diintiisaba anfaca. Aamiin.