25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Vialli: Juve waxay heysataa 12 ciyaaryahan oo uu ku jiro Pirlo.

Gianluca Vialli ayaa sheegay inuu Andrea Pirlo fure u yahay kooxda heysata Horyaalka Talyaaniga ee Juventus, wuxuuna ciyaaryahanku ka mid yahay kooxda caawa wajaheysa Chelsea.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ayaa ahaa mid kala wada kooxda Antonio Conte tan iyo markii uu Turin 2011dii uga soo dhaqaaqay Milan, wuxuuna Vialli rumeysan yahay in La Vecchia Signora ay heysato Pirlo oo ah ciyaaryahan dheeri ah.

“Juventus waxay u ciyaartaa sidii iyagoo heysta 12 ciyaaryahan oo uu ku jiro Pirlo. Waa qaabeeye, kubad sameeye,” ayuu sharaxaad ku bixiyey isagoo la hadlaayey Tuttosport.

Guul ay Juve caawa ka gaarto Chelsea ayaa ka dhigeysa inay xajistaan usoo bixitaankooda wareega 16ka Uefa Champions League.

 

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Ivanovic: Kulanka Juventus final ayuu u yahay Chelsea.

Daafaca kooxda Chelsea Branislav Ivanovic ayaa rumeysan in kulankooda caawa ay ka hor imaanayaan Chelsea uu u yahay sida ciyaar Final oo kale, iyagoo isha ku haaya inay u gudbaan wareega xiga.

Guul ay ka gaaraan kooxda heysata horyaalka Serie A ayaa ka dhigeysa Blues inay xaqiiqsato u gudbitaankooda wareega Knockout-ka, iyadoo koobkaan ku guuleysatay sanadii hore, halka ay dhibic u noqon doonto fa’iido kale.

Si kastaba, hadii guul darro soo gaarto markaas shaki ayaa geli doona booskooda wareega 16ka, iyagoona Qatar u geli doona inay ka daba maraan Juventus iyo Shakhtar Donetsk, Ivanovic ayaana qaba in kulankaan uu yahay mid muhiimadiisa leh.

Isagoo la hadlaayey Website-ka rasmiga ah ee Chelsea ka hor kulankaan ayuu yiri: “Kulanka Talaadada [Caawa] waa kulankeenii xilli ciyaareedka. Waxaan horay usoo ciyaarnay kulamo sidaan oo kale ah, sanadkaan, laakiin kani waa mid Final oo kale inoo ah. Waxay noo go’aamin kartaa wax badan, laakiin hadii aan u ciyaarno sidaas waan ognahay inaan fiicnaaneyno.

“Waan ognahay kulankaan ma khasaarin karno, dabcan.laakiin ma ahan caqliga ciyaartoyda. Waan inaan raacnaa Falsafadeena weerarka aana isku daynaa inaan guul gaarno kulankaan, sababtoo ah waxaan nahay Chelsea waana naqaanaa sida loo ciyaaro.

“Waxaan dooneynaa inaan guuleysano kulan walba aana isreebreebka u talaabno sida ugu macquulsan, waana inaan ka dhabeynaa falsafadeena.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Rummenigge: Bayern Munich wey u baahan tahay Franck Ribery.

Karl-Heinz Rummenigge ayaa qirtay inay Bayern Munich ku tiirsan tahay Franck Ribery, laakiin wuxuu sidoo kale aaminsan yahay in koox walba ay leedahay ciyaaryahan fure u ah.

Bavarians ayaa lagu qasbay inay safarto iyadoo uu ka maqan yahay xidiga reer France kaasoo ku dhaawacmay kulankii Bundesliga ay ku wajaheen kooxda Nurnberg dhamaadkii isbuuca, wuxuuna dhaawac u seegayaa kulankaan.

Gudoomiyaha Bayern Munich ayaana dareensan in kooxdiisa aysan ka maarin tayada Ribery.

“Kooxdeenu waxay ku tiirsan tahay wax ka yimaada Ribery. Sida [Lionel] Messi ay ugu tiirsan tahay Barcelona, [Cristiano] Ronaldo ay wax uga sugto Real Madrid, ama [Wayne] Rooney uu wax u taro Manchester United,” ayuu Rummenigge u sheegay Bild.

“Midaas ayaa ah wado wax inoo fududeysa. Koox walba oo weyn waxay leedahay ciyaaryahan fure u ah, kaasoo ay mar walba kalsoonida ula janjeeraan.”

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa shaki weyn ku jiraa kulanka Champions League ay caawa ku wajahayaan Valencia, balse Bayern ayaa kalsooni ku qabta inuu 29 jirkaani ciyaarta kusoo bilowdo.

Ribery ayaa Bayern xilli ciyaareedkaan tartamada oo dhan u saftay 13 kulan, wuxuuna u dhaliyey afar gool.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

 

Carlos Tevez: Shaki la’aan Messi ayaa ka fiican Cristiano Ronaldo.

Carlos Tevez ayaa u sheegay Cristiano Ronaldo inuusan gaari Karin xidiga kooxda Barcelona Lionel Messi ka hor kulanka arbacada ee Champions League-ga ay isku wajahayaan Manchester City iyo Real Madrid.

Weeraryahanka kooxda City Tevez ayaa wax badan Messi kula soo ciyaaray xulka qaranka Argentina iyadoo ay Ronaldo Manchester United u wada ciyaarayeen 2007 ilaa 2009kii.

Labada ciyaaryahan, ayaa dagaal ugu jira Abaal marinta qaaliga ah ee Ballon D’Or laakiin Tevez, oo28 jir ah, ayaa rumeysan in Messi uu u qalmo inuu markiisii afaraad ee isku xigta ku guuleysto.

“Waxaan u maleynayaa in Cristiano Ronaldo uu aamnisan yahay inuu yahay xidiga ugu wanaagsan caalamka waana ku saxan yahay,” ayuu yiri Tevez.

“Ciyaaryahan walba oo dhaliya 37 ilaa 40 gool xilli ciyaareedkiiba ayaana sidaas rumeysan, laakiin hadii aad aniga i riixdo mar walba waxaan dhacayaa dhinacaMessi.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Maxaad ka fileysaa kulanka caawa Juventus vs Chelsea?

Waqtiga: November 20, 2012 10:45 PM Geeska Africa ama 7:45 PM UTC

Garoonka: Juventus Stadium —Torino

Garsooraha: C. Çakιr‎

Iyadoo ay wiilasha Roberto Di Matteo hal dhibic ka sareeyaan kooxda ay martida u yihiin, lakiin guul ama dhibic ay ka helaan Bianconeri waxay u tahay iyagoo sii carabaabay inay isi soo taagaan wareega 16ka, hadii ay Juve guul darro bido Blues waxaa sii yaraan doona in laga hadlo inay Juve seegto wareega xiga.

Line Up-ka Macquulka ah inay labada koox kusoo galaan garoonka

 

Juventus ayaa barbaro goolal la’aan ah la gashay Lazio dhamaadkii isbuucaan, Juve ayaa sidoo kale walaac ka qabta dhaawaca Mirko Vucinic ee uu kulankaan ku seegayo tan iyo markii ay Old Lady guul darro kasoo gaartay Inter, halka Paolo De Cegile uu kasoo kabsanaayo dhaawac bowdada ah.

Andrea Pirlo ayaa kooxda kusoo laban doona ka dib markii uu keydka fadhiyey kulankii isbuuc dhamaadka, ciyaaryahankii hore ee qadka dhexe Manchester United Paul Pogba ayaana keydka soo fariisan doona.

Sebastian Giovinco ayaa laga yaabaa inuu kulankaan kusoo bilaaban waayo ka dib markii uu waxoogaa si habacsan u dheelacay kulankii Lazio, Alessandro Matri iyo Nicklas Bendtner ayaana sugaaya doorarka labada garab iyadoo uu Simone Pepe sabtidii dhaawac kasoo laabtay uuna bedel kusoo galay.

Roberto Di Matteo ayaa laga yaabaa inuu Fernando Torres booskiisa seejiyo uuna garabka u bedelo halka Daniel Sturridge uu booska weerarka u qaadanayo, si kastaba, in kulankaan la ciyaarsiiyo ayaa noqon karta wax weyn iyadoo ay u badan tahay in laga soo tago weeraryahanka ku fadhiya 50 milyan ee ginni.

Chelsea waxaa dhaawac uga maqan halyeeyadooda John Terry (Jilibka) halka Frank Lampard uu ka dhaawacan yahay (Canqawga) sidoo kale Ashley Cole ayaa shaki ku jiraa iyadoo uu ahaa bedel aan la isticmaalin kulankii West Brom.

Oscar, Juan Mata, Branislav Ivanovic iyo Ramires ayaa dhamaantood keydka ku bilowday kulankii guul darada Sabtida, laakiin waxay Line-up kusoo laabanayaan kulanka caawa.

Tababaraha ayaa lumin kara David Luiz ka dib markii uu qaab ciyaareed habacsan soo bandhigay kulankii Baggies, waxaana laga yaabaa in Cesar Azpilicueta lagu sii haayo booskiisa daafaca midig halka Ivanovic laga ciyaariinayo daafaca dhexe.

                                                Ma Ogtahay?

  • Juventus guushii 4-0 aheyd oo ay ka gaartay FC Nordsjaelland kulankoodii ugu dambeeyey ee Champions League ayaa soo afjartay sagaal kulan oo barbaro ah oo koobabka Yurub.
  • Kooxda heysata Horyaalka Talyaaniga ayaa Rikoor fiican ka heysata marka ay ka hor timaad kooxaha Ingiriiska , 12 kulan ayeyna guul gaartay oo ka mid ah 20 kulan, si kastaba, waxay hada guul ka gaareen hal kulan oo ka mid ah lixdii kulsn ee u dambeysay.
  • Gianluigi Buffon (Sawirka Midig), Leonardo Bonucci, Claudio Marchisio iyo Andrea Pirlo ayaa dhamaantood ciyaaray daqiiqad walba oo ay Old Lady ciyaartay Wareega Group-yada, halka Petr Cech, Branislav Ivanovic iyo David Luiz ay sidoo kale u ciyaareen Blues.
  • Chelseaayaa guul gaartay keliya hal kulan sideed kulan oo ay booqatay Italy, waxayna markaas Lazio ku garaacday 4-0, heerka Group-yada UCL kuwaas oo barbaro dhamaadkii isbuuca la galay Juve.
  • Kooxda ka dhisan galbeedka London ayaa keliya guul gaartay hal jeer sagaal kulan oo ay booqatay garoomo kale, halka aysan sidoo kale guul gaarin afarteedii kulan ee ugu dambeeyey Premier League.
  • Tababare Roberto Di Matteo aya u ciyaarayey xulka Italy markii uu goolhayaha Bianconeri Buffon xulka u safanaayey kulankiisii ugu horeeyey waxayna markaas barbaro la galeen xulka Russia  koobkii aduunka ee 1998dii lugta hore ee play-off-ka
  • Labada ciyaaryahan ee Chelsea Fernando Torres iyo Juan Mata ayaa soo taabtay shabaqa Buffon markii ay Spain 4-0 finalkii Euro 2012 ku dubatay Italy.
  • Labada ciyaaryahan ee kooxda Juve Chiellini iyo Marchisio ayaa hal jaale u jira ganaax, halka Luiz uu isna jaale u jiro inuu kulan seego.

Inoo sheeg saadaashaada kulankaan. Ma Juventus ayaa garaaci doonta Chelsea, mise Chelsea ayaa ka talaabsan doonta Old Lady, mise waa la isku garba dhici doonaa.?

Hadii aad haleesho saadaasha saxda ah ee kulankaan waxaan kaa balan qaadeynaa inaan saadaashaadii saxda aheyd kusoo qorno natiijada ciyaartaan marka aan Website soo gelineyno.

W/Q: Ahmed Jaangoan 

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

 

Muxuu Madaxwayne Xasan ka yiri waxa ka dhacay Nairobi dhowaan?

Madaxweynaha dowlada  Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag u cambaareeyay qaraxii Maalintii  Axadii ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, kaasoo ay ku dhinteen ku dhawaad 20 qof, halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen.

Madaxweynaha ayaa  tacsi  u diray  ehalada  dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxa oo uu ku sifeeyay  inuu ahaa fal  argagixisinimo ah  oo lala bartilmaameedsaday dad aan waxbo galabsan.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu soo hadal-qaaday howlgalka ciidanka Kenya ay ka wadaan gudaha Soomaaliya, kaasoo lagu tilmaamay mid ciidanka Kenya ay naftooda ugu hurayaan sidii ay nabad iyo xasilooni ugu soo celin lahaayeen Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in weerarada nuucani oo kala ah suurtagal ka dhigi doonin in ammaanka Kenya wax u dhimo iyo inuusan waxba u dhimeyn xiriirka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in dadka iyo dowladda Soomaaliya ay midnimo iyo isku-xirnaan u muujinayaan walaalahooda Kenyaanka ah xilligan adag ee dhibka lagu jiro.

Warka qoraalka ee ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha dalka Soomaaliya  Xasan Shiiq Maxamuud ayaa gabagabadii waxa uu ugu baaqay shacabka Kenya inay ka feejignaadaan falalka nuucaani oo kale ah oo laga yaabo inay ku soo noq noqdaan gudaha dalka Kenya.

Waxa uuna sidoo kale hadalkani qoraalka ah uu imaanaya xilli ay rabshado ragaadiyay shacabka Kenya saameyna ku yeeshay Soomaalida ku sugan dalka Kenya ay labadii maalin ee u danbeysay ay ka jireen Magaalada Nairobi gaar ahaan Xaafada Islii oo Soomaali badan ay ku sugan yihiin.

 

Kenya oo arrin lagu farxo ka tiri wixii ka dhacay Nairobi iyo Gaarisa.

Dowlada Kenya ayaa ka hadashay tacdiyada Soomaalida loogu gaystay Xaafada Islii ee dalka Kenya halkaas oo ay ku badanyihiin dadka Soomaaliya.

Kadib kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Nairobi Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya iyo Waliba Baarlamanka dalka Kenya ayaa lagu lafa guray Arimaha laxirrira rabshadaha Kenya ka dhacay.

Sidoo kale waxaa ka qaybgalay Kulanka looga hadlayay Waxii labadii maalmood dadka Soomaalida qabsaday masuuliyiin kale oo Dowlada Kenya.

Masuuliyiin u hadlay Dowlada Kenya ayaa sheegay in raali gelin ay ka bixinayaa dhaca iyo kufsiga lagula dhaqaaqay Soomaalida Xaafada Islii jooga.

Waxa ay balan ku qaaday Kenya inaysan dhici doonin markale dhacdadadii Dadka Soomaalida lagu dhibaateeyay.

40 guuradii Af-Soomaaliga oo lagu xusay magaalada Nairobi + Sawirro.

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay munaasabad si wayn loo soo agaasimay oo loogu dabaal dagayay sanadguuradii 40-aad ee ka soo Wareegtay Hirgalinta Qoraalka af Soomaaliga.

Xafladan oo si wayn loo soo agaasimay waxaa ka soo qeybgalay Aqoonyahano dad magic ku leh Qoraalka iyo sheekooyinka afka Somaliga oo uu ka mid ahaa axmed faarax Cali (Idaajaa).

Prof: Cabdilaahi ali Hiiray oo ugu horayn halkaas ka hadlay ayaa ka hadlay waxa laga soo maray afka Soomaaliga Qoraalkiisa iyo Hir galintiisa, waxa uuna kaga hadlay Aqoonyahanadii soo diyaariyay afka Soomaaliga.

“ afka Soomaliga waxa uu ahaa af dhibaato laga soo maray in la sameeyo ama la qoro oo dadka la baro in aan nahay Somali, Leh af u gaar ah”ayuu yiri Prof: Cabdilaahi ali Hiiray .

Fanaaniin ay ka mid ahaayeen Hodon afrika iyo fananka jooqle shire Jaamac cayaar Jecel ayaa halkaas ku soo bandhigay Heeso ku aadan Somaliga iyo Waxbarashada.

DR: Maxamed Cali kaastaro oo ka mid ahaa aqoonyahanadii ka hadlay halkaas ayaa waxa uu ku dheeraaday wax qabadkii iyo afka Somaliga.

“ Hir galinta Qoraalka afka Somaliga waxaa laga soo maray dhibaato badan, marka waxaan leeyahay manta waxaan nahay dad Somali ah leh Luqad u gaar ah far u gaar ah, waxaana arintaas ka soo shaqeeyay Aqoonyahandii”ayuu yiri DR: Maxamed Cali kaastaro.

“ waxaan arki jirnay ninka yaqaan af Somali ama Carabi oo la siiyo shilin oo markaas qoro Qoraalka sida uu u ahaa wax aan la heli Karin, marka shilin maalintii lagu siiyo oo aad Qorto dhowr Warqadood, waxaa Xiligaas ay ahayd lacag badan”ayuu mar kale Yiri DR: Maxamed Cali kaastaro.

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dadkii halkaas ka hadlay axmed faarax Cali (Idaajaa) oo ka mid ah dadka afka soomaaliga iyo Buugaagta lagu qiimeeyo.

“Qoraalka iyo Murtida Somalida isticmasho waxaa laga soo maray mar xalado kala duwan, Rag ayaa u Istaagay in afka Somaliga la Qoro la Aqriyo, marka buugaagtii afka Somaliga laga Guuriyay oo ay soo saari jirtay madbacada Qaranka, hada ma shaqayso marka maanta oo kale Waxay ahayd markii 40 guuradii ka soo wareegtay Hirgalinta Qoraalka af Soomaaliga, waana in gacanta lagu hayaa arintaas”ayuu yiri axmed faarax Cali (Idaajaa) oo ah nin ka mid ah Aqoonyahanada Somaliga sheekooyin aad u xiiso badana ka sheekeeya.

“maanta waan ognahay halka uu marayo iyo meesha uu ahaa 30 sano ka hor, waxaa laga yabaa in Erayo kale la helay ama aan af Somali ahayan, marka waa in afka Somaliga farta gacanta lagu hayaa oo aan la dayicin wixii dhibaatada ay ka soo mareen Aqoonyahanadii Soomaaliyeed ee qoray afka somaliga”ayuu markale yiri axmed faarax Cali (Idaajaa).

Ugu danbayntii waxaa halkaas ka mid ahaa dadkii ka hadlay axmed sh buraale oo ka sheekeeyay qorayaasha waxay ka faa’ideen Qoraalka afka Somaliga.

Cabdixakiin Cilmi Xasan 

[email protected]

Iniesta: Maku riyoonayo inaan ku guuleysto Fifa Ballon d’Or 2012.

Xidiga kooxda Barcelona Andres Iniesta ayaa qirtay inuusan ku riyooneyn inuu ku guuleysto abaal marinta Fifa Ballon d’Or 2012.

Iniesta ayaa u guuleystay xidiga ugu wanaagsan qaarada Yurub xagaagan, waxaana lagu amaanay qaab ciyaareedkiisa isagoo cadeeyey inuu hada u faraxsan yahay heerka uu  u ciyaaro.

“Waxaan isku dayaa inaan ciyaaro kubadeyda waxaana muhim ah in dadku igu amaanaan shaqadeyda, laakiin daruuri ma ahan inaan ka fikiro wax ku saabsan iyada [Ballon d’Or],” ayuu kubad sameeyaha Blaugrana u sheegay RMC.

“Ballon d’Or khasab ma ahan inaan ku riyoodo caqli ahaan. Khasab ma ahan inaan ka fikiro wax ku saabsan abaal marino khaqsi ahaan, laakiin hadii aan guulo gaaro, dabcan waan ku farxi lahaa.

“Waxaan dareemayaa inay wax gaar ah ii tahay inaan u ciyaaro kooxdaan, kooxdii ugu wanaagsaneyd ee Barcelona, taasoo aan rajeynayo inaan xirfadeyda kusoo gunaanado, iyo Spain. Oo aan iskala ciyaarno ciyaartoy aan isku koox nahay, weli waxaan dareemayaa inaan aad u fiicanahay maalin walbana aan kasii fiicnaanayo.”

Iniesta ayaa si dhaqso ah dareenkiisa oo dhan u siiya ninka ay isku kooxda yihiin ee Lionel Messi marka laga hadlaayo abaal marino.

“Messi waa ciyaaryahanka ugu wanaagsan caalamka,” ayuu ku daray xidiga reer Spain. “Uma baahna wax yaabo badan wuxuu heystaa wax yaabo dabiici ah. Inaad isaga la ciyaarto waa wax aad u fudud, sid ciyaartoyda oo dhan ay isaga ula ciyaari karaan ayaan ula ciyaaraa.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Soomaali laga masaafuriyay USA.

Muhaajir Somali ah oo dacwad oogayaasha federal-ka Mareykanka ay ku eedeeyeen inuu shirqoolay weerar ka dhan suuq laga dukaameysto oo ku yaalla gobolka Ohio ayaa loo masaafuriyay Somalia.

Nuradin Cabdi ayaa waqti xabsigiisii dhameystay bishii August, waxaana lagu hayay gobolka Louisiana, inta laga diyaarinayo safarkiisa Somalia.

Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadah Mareykanka ayaa shalay oo ahayd Isniin xaqiijiysay in Nuradin la masaafuriyay.

Nuradin walaashiis oo lagu magacaabo Kaltun Karani ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay in Nuradin iminka uu xor yahay.

Waaxda Cadaaladda Mareykanka ayaa Nuradin ku eedeyay inuu soo jeediyay in weerar toogasho ah laga fuliyo suuqa laga dukaameysto oo ku yaala magaalada Columbus, Ohio, sanaddii 2002.

Kagawa oo qarka u saaran inuu bil kale garoomada ka maqnaado.

Sir Alex Ferguson ayaa sheegay in ciyaaryahanka dhowaan galka ah ee kooxda Manchester United Shinji Kagawa uu ugu yaraan garoomada ka maqnaanayo afar isbuuc ka dib dhaawaciisa.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee Red Devils ayaa dhawaac soo gaaray kulankii ay bishii lasoo dhaafay Manchester United gurigeeda Old Trafford kula ciyaartay Braga.

Ferguson ayaana sheegay inuu rajeynaayo in ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Japan uu garoomada kusoo laabto ka dib afar ama shan isbuuc. Si kataba, isagoo hadlaayey ka hor kulanka ay Istanbul kula ciyaarayaan Galatasaray, wuxuu yiri Alex: “Horumarka uu sameynaayo waa inaan si tartiib ah u sugnaa xaqiiqdii. Ma uusan bilaabin shaqo banaanka ah, hada ayaanse fiirineynaa, wuxuu garoomada ka maqnaan karaa afar isbuuc oo kale.”

Kagawa ayaa laba gool u dhaliyey United sideediisii kulan ee ugu horeysay, wuxuuna tababaruhu weydiisay inuu ka qeyb qaato qorshihiisa weerarka.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Torres oo laga yaabo in kulanka Juventus laga doorto Sturridge.

Tababaraha Chelsea Roberto Di Matteo ayaa doonaya inuu go’aansado weeraryahankii uu kusoo bilaabi lahaa kulanka ay kooxdiisu caawa wajaheyso Juventus.

Kooxda Di Matteo ayaa hada keliya hal kulan guul gaartay afartoodii kulan ee ugu dambeeyey waxaana la ogyahay guul darro kasoo gaarta Turin inay sii adkeyneyso in kooxda heysata koobaakan ay sii difaacato.

Chelsea ayaa noqon doonta kooxdii ugu horeysay ee Champions League ku guuleysta misna ku harta wareega Group, waase hadii ay dhacdo in lagu raabo, Di Matteo ayaana doonaya inuu isbedel muuqda ku sameeyo kooxdii ay guul darradu kasoo gaartay West Bromwich Albion, waxaana taas loo micneeyey in Fernando Torres Keydka la cabsiiyo markiisii ugu horeysay xilli ciyaareedkaan.

“Had iyo jeer waan sheegayey inaan laba weeraryahan ku heysano kooxda, Fernando iyo Daniel Sturridge,” ayuu qirtay Di Matteo.

“Labadoodu wey caafimaad qabaan waan arki doonaa sida ay noqoto. Waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan rumeysanahay inay yihiin waxa u fiican kulanka.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Liverpool iyo Arsenal oo isku heysta weeraryahan Eder.

Liverpool iyo Arsenal ayaa isku heysta weeraryahanka reer Portuguese Eder, kaasoo wacdaro ka dhigaaya kooxdiisa Sporting Clube de Braga, sida uu qoray wargeyska fanatix.

24 jirkaan, ayaa lix gool dhaliyey todobo kulan oo uu kooxdiisa Braga u ciyaaray Primeira Liga, waxaana dhowaan loogu yeeray xulkiisa Portuguese.

Eder ayaa hada xulkiisa u saftay afar kulan, wuxuuna dhamaantood kusoo galay si bedel ah, shaqadiisa ku wanaagsan goolka hortiisa ayaana laga yaabaa inuu ku noqdo hugaamiyaha mustaqbalka Portugal.

Taas ayaana keentay inay Liverpool xidigaan u dirto wakiilada soo indha-indheeya.

Luis Suarez ayaa ahaa weeraryahanka keliya oo ay Reds xilli ciyaareedkaan goolasha uga tashato. Waxayna Eder u arkaan mid wax ka bedeli kara baahidooda weerarka maadaama uu yahay nin joog dheer misna xawaare badan.

Dhanka kale, Arsenal oo dooneysa inay iska dirto weeraryahanka fadhiidka noqday Marouane Chamakh ayna lasoo saxiixato weeraryahan kale ayaa soo dhaqaajin karta Eder xagaaga.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

AC Milan oo Janaayo lasoo wareegeysa Granit Xhaka.

AC Milan ayaa lasoo saxiixan karta bisha Janaayo da’yarka kooxda Borussia Monchengladbach Granit Xhaka, sida ay tebinayaan saxaafada dalka Talyaanigu.

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Basel ayaa xaagaga heshiis ay lasoo saxiixatay kooxda Jarmalka ka dhisan, laakiin Tutto Mercato Web ayaa rumeysan in Rossoneri ay 20 jirkaan keensaneyso marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Switzerland, ayaa saftay sideed kulan oo Bundesliga ah wuxuuna dhaliyey hal gool.

Dalabka ayaa laga yaabaa inuu ku dhowaad ahaado 15 milyan oo euro oo ay Monchengladbach xiiseyneyso, laakiin kooxda Massimiliano Allegri waxay wa xoogaa loolan ah kala kulmeysaa Lazio oo iyana rabta saxiixa xidigaan qadka dhexe.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Beckham oo bisha soo aadan ka tegaaya kooxdiisa LA Galaxy.

Kabtankii hore ee xulka England David Beckham ayaa ka tegi doona kooxda ka dhisan Mareynkanka ee LA Galaxy ka dib Finalka MLS Cup laakiin wuxuu ka dhawaajiyey inuu sii wadan doono xirfadiisa ciyaareed.

37 jirkaan ayaa yiri: “Waxaan LA Galaxy usoo ciyaaray waqti ii gaar ah, si kastaba, waxaan doonayaa inaan khibrad usoo yeesho hal horyaal oo kale ka hor inta aanan soo afjarin xirfadeyda kubada cagta.

“Ma u arko tani inay tahay dhamaadka xiriirkii aan la lahaa Horyaalka (MLS) iyadoo uu dareenkeygu yahay inaan ka mid noqdo mustaqbalka milkiilayaasha maamula.”

Wararka xanta ah ayaa waayadaan dhow sheegayey in Beckham uu kusii jeedo horyaalka dalka Australia ee loo yaqaan A-League.

Ciyaaryahankii hore Manchester United iyo Real Madrid ayaa ciyaari doona kulankiisa kama dambeysta ah 1da December Finalka koobka MLS Cup, oo ay kooxdiisa LA Galaxy gurigeeda Depot Center kula ciyaari doonto Houston Dynamo.

Beckham ayaa 115 kulan u saftay xulkiisa England, wuxuuna lix horyaal la qaaday Manchester United intii uu ciyaarayey Premier League-ga halka uu Real guulo kula gaaray Spain.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

 

Maxay Kenya ka yeeleysaa askarigii laayay Soomaalida? (Aqri Jawaabta)

Dowlada Kenya ayaa wacad kumartay inay talaabo ka qaadi doonto Ciidamadooda oo xad gudub ka gaystay magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyin bari.

Ciidamada Kenya ayaa si ula kac ah waxaa ay beegsadeen dadka Soomaalida ee dagan Gaarisa kuwaa oo iska celiyay dad Kenya ah oo ku soo duulay si ay u dilaan.

Kadib markii Shalay Gaarisa lagu beegsaday Sadax Askari oo Kenya ah ayaa gadood ay sameeyeen dadka Kenya waxaa ay dagaal ku qaadeen Soomaalida halkaas kunool kaas oo ka dhashay dhaawac 50 kor u dhaafaya.

Ciidamada Kenya oo rabay inay kala qaadan dhinacyada dagaalaya ayaa waxaa ay jirdileen kaliya dadka Soomaalida ah.

Yuusf Xaaji oo kamid ah Baarlamanka Kenya ayaa  daboolka ka qaaday inay talaabo ka qaadi doonaan Ciidamada Xasuuqa gaystay maadama ay jibiyeen Sharciga u yaalay Dowlada.

Tarsan oo dacwad ka gudbiyay idaacada Shabelle (Arag Warqadda)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dacwad ka dhan ah Idaacadda Shabelle u gudbiyay xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka.

Tarsan ayaa Shabelle ku eedeeyay arrimo ay ka mid yihiin, faafinta warar been abuur ah oo horseedi kara colaad, dhaleeceyn joogto oo ka dhan ah madaxda qaranka iyo iska horkeyn madaxad Soomaalida.

Caasimada Online ayaa heshay nuqul ka mid ah dacwadda Tarsan oo ka kooban laba bog.

Xulka K/ Cagta Somalia oo loo magacaabay tababare ajnabi ah.

Tababaraha naadiga heerka koowaad ee dalka Uganda SC Victoria, Sam Ssimbwa ayaa loo magacaabay macallinka xulka Somalia ee ka qeyb galaya koobka Bariga iyo Bartamaha Africa ee Cecafa Tusker Challenge Cup.

Sida lagu qoray website-ka kooxdaas, Sam Ssimbwa ayaa qanadaraas laba toddobaad ah la galay Xiriirka kubadda cagta Somalia, si uu u leeliyo xulka inta uu socda Koobka oo billaabanaya dhammaadka toddobaadkan socon doonana illaa 8-da December.

“Waxaan ku faraxsanahay in kooxdeyda ay ii ogolaatay inaan helo fursaddan” ayuu yiri Ssimbwa, waxaana uu intaas ku daray “Waxa ay tani muujineysa sida ay kooxda u taageersan tahay kororka aqoonteeda”.

“Waa sharaf ii soo hoyatay inaan tababaro xul qaran markii ugu horeysay. Somalia waxaa laga yaabaa inaysan heysan fursad ay ku hanato koobka, laakiin waxa ay heysataa fursad ay ku muujiso kubbad wanaagsan”.

“Waxaa bartilmaameedkeegu uu yahay inaan gaarno sideed dambeedka (Quarter Final” ayuu sii raaciyay.

Xulka Somalia oo lagu naaneeso xiddiga badweynta (The Ocean Stars) ayaa ahaa kuwii ugu horeeyay ee gaaray dalka Uganda, oo uu koobka ka furmi doono, waxaana ay degan yihiin hotelka Namboole Sports Hotel ee magaalada Kampala.

Illaa iyo hadda ma cadda waxa loola jeedo tallaabada xiriirka uu qaaday, waayo waxaa horey xulka Somalia ula socda macalin Cabdi Farax Cali Geelle iyo kaaliyihiisa Cabdi Isak Maxamed.

Xulka Somalia ayaa waxa ay isku group yihiin dalalka Tanzania, Sudan iyo Burundi, waxaana kullanka ugu horeeya ay 25-ka bishan la cayaari doonaan Burundi.

Sidee ayay kula tahay aqriste in xulka Somalia loo magacaabo tababare ajnabi ah, mase is leedahay wax uusan keeni karin Macallin Gelle ayuu kusoo kordhin karaa. Ka dhiibo fikirkaaga.

W/Q: Axmed Cali Sheikh

Tifaftiraha Caasimada Online

www.facebook.com/alaxmed  

KASHIFAAD: Maxaa keena is-qab Qabsiga siyaasadeed ee Puntland ?

Is qab qabsiga Puntland waa mid waqti ku astaysan iyadoo mudadii Puntland ay jirtay is qabsigu uu ahaa xiliga doorashada sida uu ka markhaati kacayo Madexweyne ku xigeen kii horey ee Puntland Mr gaagaab: (waxaa la joogaa xiligii wareerka marka ninkasta gurigiisa haku wareero) wuxuuna ula  jeeday “xiliga doorashada la isma fahmo cid walbaana iyadaa isla quman marka hala kala nasto”.

Waxaa markhaati  loo ahaa  C/laahi Yuusuf Axmed alle ha u naxariistee oo markii la gaaray wakhtigii doorashada koror siimo la yimid halkii laga sugayey doorasho waxay dadku xasuusan yihiin hala qabto doorasho iyo waqtigeeda lama joogo taasi oo keentay dagaalkii Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Jaamac Cali Jaamac oo salka ku hayey xil kororsi hab muquunis u muuqday , si kastaba ha ahaatee dagaalkaasi  waxa uu sababay inuu meesha uu ka baxo C/laahi Yuusuf inkastoo uu mar dambe soo rogaal celiyey C/laahi yuusuf wuxuuna siyaasad ahaan adeegsanayey qabaa’il iyo siyaasiyiin badan kuwaas oo uu taageero gaar ah ka helay. Qabiilada ugu taageerada badnaa waxaa kamid ahaa:- Beelaha Dhulbahante iyo Reer Biciid yahan oo kamid ah jifi ka tirsan Beesha Majeerteen.

Wuxuu ku jiray C/laahi dagaal isagoo adeegsanaya awood wuxuuna khasab ku muquuriyey qabaa’ilkii shafka u tumayey ee inta badan mucaaradka ku ahaa sida Beelaha Cismaan Maxamuud iyo Cali Saleebaan inkastoo guusha ay ku hor martay xagii mucaaradka hasa yeeshee waxaa C/laahi u suurta gashay inuu kusoo noqdo madax tinimada Puntland. C/laahi Yuusuf wakhtigaasi kadib waxaa u hirgalay hadafkiisii ahaa inuu Puntland uga sii godbo Soomaaliya.

Puntland markaas kadib xaalad cusub ayey gashay Maxamed Cabdi Xaashi ayaa isna sanad hayey inkastoo ay ka hor yimaadeen mucaarad aan sidaa u xoog badnayn waxaa kasoo horjeestay Faroole oo markaa ahaa wasiirkii qorsheynta iyo xiriirka caalimiga iskagaana meesha ka baxay.

Sanad kadib ina Cabdi Xaashi waxaa kala wareegay xilka doorasho kadib Jeneral Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde), jenanku inkastoo isku dayey inuu xilka kororsado uma aysan suurta galin waxaana ka diiday wakhtiga iyo waayaha kuna khasbay inuu qabto doorasho.

General Cadde oo jeclaa nabadda siyaasadiisuna ay ahayd mid qabow qosol iyo shactiro wadatay waxaana Puntland looga yaqaanay (Ajex), hasa yeeshee waxaa khasbay mucaarad ama musharixiin xiligaasi u tar tamayey jagada madaxtinimo, Maamul xumo iyo musuq  baahsan ayaana hareeyey xafiisyada dowladda taasna way gayeysiin waysay in Cadde uu ku dhiirado xil kororsi oo golaha wasiirada horyaaley.

Intaa kadib waxaa la doortay mid kamid ah mucaaradkii is bedel doonka ahaa kana faa’iidaystay dal duleeladii Cadde Muuse. Dr.C/raxman Sh.Maxaed Faroole oo markii ugu horaysaba daboolay labo kamid ah saddexdii qodob ee uu Cadde ku dhiiran waayey xil kororsiga midi waa maamul xumo oo ay ugu wayneyd wasiiradiisii oo ku biiray mucaaradka.

Faroolase wuxuu u sheegay golaha in ay isaga shaqaalo u yihiin marna uu san ogolaanayn in ay is bar bar yaacaan, taasna waxay fududaysay inuu meesha atoore ka ahaado Madaxweyne Faroole. Tan kale musuqa xafiisyada dowladda ka jiray oo uu la dagaalamay kuna khasbay inay lacagta hal meel ku dhacdo hal meelna laga xukumo baddalka taasna mushaharaad bixiyo si uusan u imaan musuq maasuq oo dilooday dowladdii ka horaysay.

Runtii waa labo qodob oo muhiim ah dadka buun buuniya wax qabadka Faroole intaa ayey ku cel celiyaan,balse qodabkii saddexaad ee Cadde ka hor yimid inuu ka hadlo dib u dhegista doorasho waa tan mucaaradka inkastoo Faroole uu isku dayayey inuu ku qariyo wax qabadkiisa qodabkan balse way ku adkaan doontaa mar hore ayey ahayd in uu ka gaashanto. Sababt oo ah Madaxweyne  C/raxmaan Faroole wuxuu kas baday siyaasiyiinta kala duwan mucaaraddo qaarkood, waxaana taa sababtay markii uu Ina Cali Ciid ciidda cunsiiyey oo ahaa ninka kaliya ay isugu dhawaayeen Garaad C/laahi Cali Ciid wuxuu ahaa shakhsiyaadka guul wadayaasha Faroole aad uga ag dhawaa hadana la isma maqashiin karo sidaas iyo sika daran ayey uga firxanayeen oo malaheen awood siyaasadeed uu dadka ku kasbado. Sidoo kale waxaa caqabadku noqon doonta dad wax la weydiin jiray ayuu san wax weydiin soomaalidu waxay ku maah maahdaa (Nin aan talin jirin haduu taliyo ninaan tagi jirin ayaa taga) maah maahdaan laftirkeeda waxaa isticmaalay Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka hadlay ciidii soonfur barxadda Garoowe Faroolena waa uu fadhiyey Islaanku wuxuu yiri isagoo dadka niyadda u qaboojinaya (Nin aan wax xukumi jirin haduu wax xukumo nin aan tagi jirin ayaa taga, nin aan wax qaybin jirin haduu wax qaybiyada nin wax qaybin jiray ayaa taga)………………..

Faroole inkastoo uu isku dayey qodobkan inuu wax ka qabto balse waa uu kordhiyey mucaaradada masalan sanad ka hor taageerada uu haystay hoose ayey u dhacday 50%, si kastaba ha ahaate talaabooyinka uu isku dayayo Faroole:- Qaaciddo waxaa jirto ah “qaybiyoo xukun” hadii aad fahan san tihiin mucaaradka ugu muhiimsan waa kan laamiga saaran marka  Puntland la eegayo,hada isku qiima noqon maayaan isku sina looma wajihidoono  Ufayn, Casayr, Badhan oo laamiga ka baxsan iyo Carmo, Qardho,iyo Gaalkacyo  oo laamiga saaran waa kala xoog badan tahay mucaaradada waana juqaarifi ahaan, taasi waa mid oo miisaanka mucaaradka Faroole maha Casayr mana aha Isku shuban, Garacad iyo Jariiban oo dhamaan laamiga ka baxsan waxaa ugu muhiimsan Boosaaso oo dhaqaalaha kasoo baxayo, Qardho oo ah meesha Garowe wax u maraan iyo Gaalkacyo oo isku xirta koonfurta soomaaliya iyo Puntland.

Magaalada muhiimadeeda waxaa sii carinaya dadka daga hadii ay noqdaan dad xoogoodo muuqdo magaalada muhiimadeedu way kasii kordhaysaa oo dadka dagaa saamayn bay ku leedahay, hadii ay noqdaan kuwa carabka laalaadsha iyana waa lagu tumanayaa muhiimada magaaladuna wey ka baxaysaa meesha waana  lagala wareegayaa.

Dadka iyo magaalada hadii ay mucaarad noqdaan strategy-ga magaaladu hadii ay kaa hiiliso iyo dadka oo dhabarka kuu jeedaya waa laba hawl oo adag sidii aad uga baxdaana ay adag tahay, ma talan Al-Qaacida waxay galeen buuro waa weyn oo aan gaadiidku gaarayn iyo qarar marka caalamkii waa ku adkaatay inay si dhakhsi leh kaga takhalusaan, C/raxmaan Faroolena Qardho haddii ay mucaaradka u soo raacdo oo ah magaalo kala bar ku taal hadana ah waa meesha gaadiidka, lacagta, iyo sahaydubu ay u marayeen waa wax aad u adag haduusan dhexdooda kala jabin ka adkaantooduna ay fududaan. Si uu uga booda jarkaas wuxuu sameeyey Faroole:- Qardho waxay is fiirsi ka dhaxaysaa Carmo, Carmana Qardho waaka sii muhiimsan tahay oo Garoowe  sida Qardho ay mariin ugu tahay ayey Qardhana Carmo mariin ugu tahay, sidaas awgeed ayuu faroole uga faa’iidaystay oo wuxuu isticmaalay oraahdii ahayd (Cadowkaaga cadowkiisa waa saaxiibka) Carmo iyo Qardho waa isu deegaan marka la eego juquraafi ahaan oo waa tii waligood colaadu ay ka dhaxaysay waxaa la xasuusta dilkii C/rashiid Cali Sharmaarke allaha ha u naxariistee madexweynihii hore ee Soomaaliya (1967-1969) oo ahaa reer Qardhood waxaana dilay sida la sheegay wiil reer Qandalo ahaa ileen markaa Carmo ma aysan jirin.

Wuxuuna soo dhawaystay Faroole Beesha Carmo (Cali Saleebaan) si uu ugu duqeeyo Beesha Qardho (Cismaan Maxamuud), waxaana fursadahaas ka sokow uu Faroole soo dhawaystay mid kamid ah ilmo Faroole oo maamulka awood ku leh waxaana abti u ah Cali Saleebaan halkaana fursad ayaa ka jirta. C/raxmaan Faroole wuxuu wasiir ka dhigay wasiirka ugu muhiimsan marka Puntland la eego Beesha Cali Saleebaan wasiirka maaliyada Faarax Cali Dhalac, tusaale ahaan wasiirkii hore maaliyada Puntland Mr.Gaagaab iyo ku xigeenkiisii Mr.Alxaaji Bakiin labadoodaba waa niman Puntland madax kasoo ahaa weliba meel sare ka gaaray sida Gaagaab oo mar ahaa madaxweyne ku xigeen xaq buu ku leeyahay marka la eegayo nidaamka dowliga, Mr. Bakiin waa qab qablaha kaliya Boosaaso cid eegi kartaana majirto bil welibana mushahar ayuu u xaadiraa isaga iyo ilaaladiisa dadka ayuu dhuunta u galay waxaana ku dhaqaaleeya meesha Ilma Faroole sababto ah waa abti waana xulufo Faroole lana hadli karo, waxaa ka cawday dadka deeganka iyo qabiilo badan. Waxaana lagu amray in aan lala hadli karin halka Gaagaab cagta afka laga galiyey oo loo muujiyey cadaawad maha oo kaliya in laga jiray xuquuqda uu lahaa bal ka fakar sababtu maxay tahay?

Gunaanadkii waxaa fiican in caqliga laga shaqaysiiyo Puntland iyo Soomaaliya intuba waxay u baahan yihiin waa Leader (Maamule) ka dan qanaya dhibaysana dhibta dalka iyo dadkana kana fakara sidii uu u maarayn lahaa baahiyaha dalka ka Jira.

W/ Qoray Axmed Cabdi Gaare. 
Tell:- 0025224166248 
Email [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Culimada Soomaalida Kenya iyo rabshadaha ka socda Islii, Nairobi.

Wixii ka dambeeyay markii gaari dad Shacab ah ay saarnaayeen lagu qarxiyay Kenya ayaa waxaa ka soconaya dalkaas aargoosi ay wadaan dhalinyaro Kenya ah kuwaas oo la soo warinayo inay kufsadeen Ilaa Tobon gabdhood.

Culumaa’udiinka Soomaalida ee Kenya ayaa falkaas cambaareeyay ee lagu dhibaataynayo Soomaalida laguna kufsanayo gabdhahahooda.

Kulan ay yeesheen Culimadan ayaa waxaa ay ugu hadleen labo arin oo kala ah qaraxii gaariga dadka shacabka ay saarnaayeen iyo dhibaatada Soomaalida ay wajahayaan.

Sheekh Abuukar Jimcaale oo kamid ah Culumada kulanka yeeshay ayaa wax kabaxsan diinta Islaamka ku sheegay in la beegsado dad aan wax galabsan oo lagu qarxiyo gaari halka reer Kenya uu dhankooda ku cambaareeyay dhibaataynta dadka Soonaalida ah.

Ugu dambayn Culimadan ayaa waxaa ay dowlada Kenya ka codsadeen inay wax ka qabtaan joojin tacdiyada dadka Soomaalida lagu hayo.