Liverpool iyo Arsenal oo isku heysta weeraryahan Eder.

Liverpool iyo Arsenal ayaa isku heysta weeraryahanka reer Portuguese Eder, kaasoo wacdaro ka dhigaaya kooxdiisa Sporting Clube de Braga, sida uu qoray wargeyska fanatix.

24 jirkaan, ayaa lix gool dhaliyey todobo kulan oo uu kooxdiisa Braga u ciyaaray Primeira Liga, waxaana dhowaan loogu yeeray xulkiisa Portuguese.

Eder ayaa hada xulkiisa u saftay afar kulan, wuxuuna dhamaantood kusoo galay si bedel ah, shaqadiisa ku wanaagsan goolka hortiisa ayaana laga yaabaa inuu ku noqdo hugaamiyaha mustaqbalka Portugal.

Taas ayaana keentay inay Liverpool xidigaan u dirto wakiilada soo indha-indheeya.

Luis Suarez ayaa ahaa weeraryahanka keliya oo ay Reds xilli ciyaareedkaan goolasha uga tashato. Waxayna Eder u arkaan mid wax ka bedeli kara baahidooda weerarka maadaama uu yahay nin joog dheer misna xawaare badan.

Dhanka kale, Arsenal oo dooneysa inay iska dirto weeraryahanka fadhiidka noqday Marouane Chamakh ayna lasoo saxiixato weeraryahan kale ayaa soo dhaqaajin karta Eder xagaaga.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.