Beckham oo bisha soo aadan ka tegaaya kooxdiisa LA Galaxy.

Kabtankii hore ee xulka England David Beckham ayaa ka tegi doona kooxda ka dhisan Mareynkanka ee LA Galaxy ka dib Finalka MLS Cup laakiin wuxuu ka dhawaajiyey inuu sii wadan doono xirfadiisa ciyaareed.

37 jirkaan ayaa yiri: “Waxaan LA Galaxy usoo ciyaaray waqti ii gaar ah, si kastaba, waxaan doonayaa inaan khibrad usoo yeesho hal horyaal oo kale ka hor inta aanan soo afjarin xirfadeyda kubada cagta.

“Ma u arko tani inay tahay dhamaadka xiriirkii aan la lahaa Horyaalka (MLS) iyadoo uu dareenkeygu yahay inaan ka mid noqdo mustaqbalka milkiilayaasha maamula.”

Wararka xanta ah ayaa waayadaan dhow sheegayey in Beckham uu kusii jeedo horyaalka dalka Australia ee loo yaqaan A-League.

Ciyaaryahankii hore Manchester United iyo Real Madrid ayaa ciyaari doona kulankiisa kama dambeysta ah 1da December Finalka koobka MLS Cup, oo ay kooxdiisa LA Galaxy gurigeeda Depot Center kula ciyaari doonto Houston Dynamo.

Beckham ayaa 115 kulan u saftay xulkiisa England, wuxuuna lix horyaal la qaaday Manchester United intii uu ciyaarayey Premier League-ga halka uu Real guulo kula gaaray Spain.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.