25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Faallo: Haraadigu yuusan kala harin!

Haddii wali Kala guurkii lagu jiro, maadaama aan wali la dhammaystirin dhismihii  dawladnimo, maadaama aan wali la kala guran oo wali goradda la iskula jiro, lase yiri waxaa laga baxay ku meel gaarkii, sida la sheegay, aanse sidaa ahayn, aqriste, bal sii goob qormadii ahayd: “Ku meel gaarkii ma laga baxay?!”.

Haddii uu dhacay kala wareeg, dadka intiisa badanse ku tilmaameen ISBADAL, aniguse aan ku gaabsanayo kala wareeg, maadaama aan la garanayn meeshuu ka yimid, waxa sababay, cidda horseedday ama maalgalisay, maxaa yeelay beeso ayaa lagu kala baxay, cidda uu ka goys haysto ee uu ku daaban yahay, ayaan qoray qormadii ahayd: “Maxaa dhacay?!”.

Hadda waxaa loo madlan yahay dhismaha Golaha Wasiirrada, oo laga sugayo inuu soo magacaabo Mudane Shirdoon, oo dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh u xushay inuu xilkaa qabto, marka laga soo tago soo dhawaynta dhiirran iyo midda dhabbacanba, waxaa mudane Shirdoon hortaal hawl aan yarayn, oo ay ugu horreyso dhismaha Golihiisa Wasiirrada, waana mid aan wax uga dhihi doono  qormada dhexdeeda.

Bartamihii bishii afraad ee sannadkan ayaan qoray qorma cinwaankeedu ahaa: “Foolal cusub iyo Faro Caddaana!” oo aan ku qoray dhawr qodob oo muhim u ah maamul walba oo ka dhismaya Soomaaliya, Gobol, Degmo iyo Tuulaba. Qormadaa waxaa wehlisay heesta: “Waa inaan dib loo arag” ee ay ku xareediyaan Kooxda Qaylodhaan erayadii Bashir M. Hersi.

Maanta oo wajigii hore ee qodabbadii qormadaa iyo heestuba hirgaleen, ayaan doonayaa in aan mar kale ku soo laabto isla mawduucii, si aan u sii xoojiyo qodobbadaas, loona dhammaystiro hannaanka geeddi socodka billowday, ilaa laga guranayo mirihii oo dhan, maadaama aan is leeyahay in maanta ay tahay maalintii la hirgalin lahaa qodob iyo qoraal, hawraar iyo hadal midkood ku jira, ee aan hoosaasin iyo haasawe midna loo hamuun qabin.

Haddii madaxda dawladda u sarraysaa aysan ku sheegganayn:

  • Inay ka qaybqaateen dagaal sokeeye.
  • Inay ka qaybqaateen dagaal diimeed.
  • Inay lunsadeen hanti qaran.
  • Inay qabyaaladiistayaal yihiin.
  • Inay yihiin qabqablayaal. 

Aqriste, xasuuso qodobbadan horaan u qoraye, waxaanna ku sii dari lahaa qodobbadan:

  • in haraadigu uusan kala harin, waxaan uga jeedaa, maadaama madaxdii hore uusan qofna dib uga soo laaban, waa inaan xil loo magacaabin masuul walba oo xil hore uga soo qabtay dawladihii burburka, gaar ahaan Golaha Wasiirrada inaan lagu soo darin Wasiirradii dawladihii hore dalka u soo maray, marka laga reebo dawladdii Maxamed Siyaad Barre, isna waa inuusan ku eedaysnayn xasuuq, barakicin  iyo muqus.
  • In mudanihii Wasiir noqda uusan Baarlamaanka xubin ka sii ahaan, oo mid ku ekaado Xildibaannimo ama Wasiirnimo, sidaa waxaan u leeyahay inaysan dhicin inuu laba Mushaar qaato [Laba canlayn] illeen beesaba looma hayee. Taa sokow, inuusan laba awood oo is dhexgalaysa isla hayn, dabcan, dunida waa ka jirtaa, oo wax diidaya ma lahan, balse, dani anaga nooguma jirto, illeen mudane isagu isu codaynayaa, is dacweyn maayee!
  • In qofkii xil sare qabanaya, uusan mushaar iyo biil lahayn, ee ku shaqaynayo iskaa wax u qabso iyo mutadawacnimo ama Folontari, Mushaar iyo biil midna aan la siin, dabcan waa in muddo loo qabtaa middan.

Qodobkan bal aan daliil u doonee, Allaha u naxariistee, Abwaan C/qaadir XersiYamyam” baa shirkii Addis Ababa ka dhacay sanaddii 1993-dii ku maansooday sidan:

Waagii mudnaantiyo

Wasiir magac ku faanaa

Baabuur madaw iyo

Muraayadaha xiran jiray

Meelaha nacfiganale

Loo kala hor mari jiray

Maareeyana la noqon jiray

Gudbe maalmahoodii! 

Waxa timid marxalad adag

Oo maamul sare iyo

Ninka madax u ciilqaba

Masuuliyadu qaadiyo

Kow dhaar la mariyaa

Tahay miiskii soo gado

Musuqana dil baa tahay

Mushaar ma lihid shaqaduna

Maqrib iyo ilaa subax

Ilaa qaranka maydkaa

Lagu hubiyo meel wacan

Halkaaseey maraysaa.

Haddii aan mushaar la’aan la joogi karin waa in la cayimaa mushaarka qofkii xil sare qabanaya, maxaa yeelay xaddidka lacagaha soo gala madaxdan waxay xakamayn kartaa isdaba marin iyo musuqmaaq inuu dhaco, kaba si muhimsane, waxaa lagula xisaabtami karaa dakhliga soo gala, oo laguna qaadi karaa xisaabi xil ma leh.

  • In la kala qaado xilka Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho, micnaha in laba qof loo kala magacaabo, maadaama ay xallin karto gunuunac hoose oo iman kara ama jiraba.
  • In mudane Tarzan uu ku ekaado Xildhibaannimadiisa, maadaama laga codsaday inuu labada jago mid ku koobnaado, gaar ahaan loo qabtay in bil gudeheed uu ku hor yimaado Baarlamaanka si loo dhaarsho, uuna u wareejiyo xilka uu hayo ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisha.
  • In la baddalo Maareeyaha Dekadda Muqdisho iyo Maraayaha Garoonka Aadan Cadde, maxaa yeelay xilalkan marka laga soo tago inay xasaasi yihiin, waa ilaha ugu muhimsan ee dawladda dhaqaale ka soo galo, sidaa awgeed, waa in loo xulaa rag hufan oo aan ka soo qaybqaadan maamulladii hore ee musuqu daashaday.
  • In xilalka laga qaado dhammaad saraakiisha ugu sarraysa ee ciidaanka iyo nabad sugidda, marka laga reeno Gen. Dhaga badan, Abbaaduuliyaha Ciidan Qaabka Qaranka, oo aan la’aantiis guushaan la gaareen.
  • In la baddalo Guddoomiyaha Maxkamadda sare, dabcan ma sharcibaa mise ma ma ahan? Waa arrin kale, ujeedku waa inaysan kala harin hoggaankii hore, ee nala haray halkanna na soo gaarsiiyey.

Ugu dambayn, isu gaynta qodobbadab yaa isugu soo aruuraya cinwaanka qormada, ee ah: “Haraadigu yuusan kala harin” maadaama ay sii xaqiijinayso in aan la kala reebin kuwii musuqa iyo murrugmaarugta ku mashaqeeyey dalkan iyo dadkan.

Halka “Foolal cusub iyo Faro Caddaana” furfurkeedu yahay sidan: foolalka cusubi waxay daaqadda ka saarayeen kuwii sanadaha silica siyaasadda hoggaanka u hayey, faro caddiduna, waxay meesha ka bixiyeen dhamman xaaraan ku naaxyada, iyo xinjirro daadiyayaasha!

Qormada waxaan ku soo afmeerayaa heestii: “Waa inaan dib loo arag” ee ay ku xareediyaan Kooxda Qaylodhaan, erayadii Bashir M. Hersi, iyadoo qoraal, maqal iyo muuqaal ah, si aad u daawto heesta oo muuqaal ah liilkan hoose sii raac:

heesta oo qoraal ahna waa tan:

“Waa inaan dib loo arag”

 

Qabqablihii dagaalkiyo

Dirirtiyo shaqaaqada

Shacabkeena dilayee

Darxumada na haysiyo

Dulligana nasoo baday

 

Waa inaan dib loo arag

Noogu dara Dastuurkoo

Dadweynoow inaga jira.

 

Dadka kuwii qalaayee

Ka been sheegay diintee

Damiir laawayaashiyo

Dadqalkiyo Dhurwaagii

Ina dagay markii hore

 

Waa inaan dib loo arag

Noogu dara Dastuurkoo

Dadweynoow inaga jira.

 

Xaaraan mid daaqoo

Dan yarta iyo Agoonta

Ku dibbiray xaqoodii

Deeqdooda leexsada

Ganacsiga danleeyda

 

Waa inaan dib loo arag

Noogu dara Dastuurkoo

Dadweynoow inaga jira.

 

Doorkii horreetiyo

Kuwa Dowladihii hore

Dalka maamulkiisa

Darajiyo xil soo maray

Ee dumiyey daaraha

 

Waa inaan dib loo arag

Noogu dara Dastuurkoo

Dadweynoow inaga jira.

 

Xil ninkii u duubane

Dibitaatinimo raba

Iyo duqa magaalada

Doonayaa jagadoow

Duunyo kuuma haynee

 

Deeq inuusan naga rabin

Noogu dara Dastuurkoo

Dadweynoow ogsoonoow.

Dhammaad.

W/Q: Bashir M. Hersi

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, wax shaqo ahna kuma lahan tan Caasimada Online.

Dalxa oo Ku Canaantay Nabad Sugida Siidaynta Wariye gacanta ugu jira.

Taliska hay’ada Nabad Sugida Dowlada Soomaaliya ayaa maalinta afaraad waxaa gacanta ugu jira Wariye ka howgalo mid kamid ah idaacadaha Muqdisho.

Wariye Qadar Maxamuud Xareed ayaa waxaa xeray Ciidanka Nabad Sugida Mana cada sababata ay u xireen.

Habeenkii Afaraad ayay ku beegnayd xalay markii Wariyaha uu ku baryay Xabsiga hay’ada Nabad Sugida waxaana arintaan aad u cambaareeyay bahda saxaafada Muqdisho.

Maxamad Cumar Dalxa oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa ku canaantay Hay’ada Nabad Sugida inay keenaan sababaha ay ku haystaan Wariyaha.

Ehelkiisa ayaa sidoo kale cambaareeyay waxaana ay sheegeen in Nabadsugida si xun ay ula dhaqmeen iyaga.

Wariyahan ayaa waxaa uu ka howgalaa idaacada Goobjoog oo ah mid kamid ah Idaacadaha ku yaala Magaalada Muqdisho.

Dhageyso Khudbadihii ay maanta saddexda mas’uul ee ugu sareysa dalka ka hor jeediyeen Baarlamanka.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay kullan ay isugu yimaadeen xubnaha Baarlamanka Somalia, oo codka kalsoonida lagu siiyay ra’iisul wasaare Saacid. Waxaa halkaasi ka hadlay madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha Baarlamanka. Haddaba waxaan idin soo gudbineynaa hadalladii ay madaxda qaranka halkaasi ka jeediyeen.

Khudbadda Madaxweynaha.

Khudbadda Guddoomiyaha Baarlamanka

Khudbadda Ra’iisul Wasaaraha.

Wada hadal sir ah oo Nairobi uga socda Ethiopia iyo Ururka…..!

Waxaa magaaladda Nairobi ka socda wadahadalo sir ah oo u dhaxeeyo ururka ONLF iyo Dowlada Itoobiya,

Waxaa wadahadalkan ka qaybgalaya madax sare oo wasaarada Arimaha dibadda ee Itoobiya ka socata iyo Wafdi 7 xubnood ah oo ururka ONLF ka socda oo uu hogaaminayo cabdiraxmaan Maadeey, oo ah xoghayaha arimaha Dibadda ee ONLF.

Ilaa iyo hada warar badan lagama hayo arimaha laisla gaaray, balse waxaa jira in sideedii bilood ee la soo dhaafay ay jireen isu soo dhowaansho muuqda oo ku saabsan in uu heshiis rasmi ah dhexmaro itoobiya iyo ONLF.

Waxaana howshani dhexdhexaadinaya dowladda kenya mas’uuliyiin ka tirsan.

Kulankan waxaa ka horreeyey labo kulan oo hore oo Nairobi iyo London lagu qabtay.

Sida lagu wado hadii uu wadahadalkan horay u socdo, waxa ugu horeeya ee laisla meel dhigi doona waa xabad joojin rasmi ah, maadamaada dagaalka ONLF iyo Itoobiya u dhaxeeya uu weli socdo.

Ka dibna waxaa la guda geli doonaa dhamaystirka qodobada lagu wada heshiinyo oo dabcan ay ka mid noqonayaan, awooda iyo maamulka gobolka Soomaalida.

Madaxweyne Xasan oo 2 Dowladood oo Yurub ah u kaashanaya joojinta maamul u sameynta Kismaayo.

Arinta Kismaayo ayaa ah mid qasan weli oo aan xal dhameys tiran loo helin, iyadoo dowlada cusubna ay sheegtay in loo sameyn doono maamul rayid ah, hadalkaasna ay ka caroodeen dad badan iyagoo ku tilmaamay in maamul loo sameeyo Kismaayo Beledweynane la dhaho maamulka idinka soo sameysta in ay tahay arin aan dhex dhexaad ahayn.

Dowladaha France iyo Ingriiska ayaa gar wadeen ka ahaa in maamul loo sameeyo Kismaayo kaasoo lagu magcaabo Azaaniya, ama Jubbaland, balse qorshahooda ayaa ahaa in maamulka la magacaabo ka hor intaysan Soomaaliya yeelan dowlad loo dhan yahay, waxaase taasi daahiyay isqab qasi dhexdooda ah, waxaana dhacday in madaxweynihii la doortay ka hor intii aan maamulkii Kismaayo la magcaabin.

Xog aan helnay ayaa haddaba sheegeysa in madaxweynaha jamhuuriyada Xasan Sheikh uu warqad codsi ah u diray dowladaha Farnce iyo England kuna saabsan in ay joojiyaan maamulka ay doonayaan inay u magacaabaan Kismaayo, ayna sidoo kale taasi ku cadaadiyaan Kenya.

Madaxweynaha ayaa labada dowladood ee reer Yurub u sheegay in Dowladda Somalia lagu ixtiraamo aayo ka talinta dalkeeda, isaga oo intaas ku daray in Dowladdu aysan kasoo hor jeedin maamul halkaas laga dhiso, balse ay dooneyso oo kaliya in ayada kaalin ku lahaato.

Ujedadooda ayaa ahayd inay maaul u sameeyaan Kismaayo ka hor intaan lagu dhawaaqin dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay, balse nasiib daro dowladii ayaa ka soo hormartay maaulkoodii intaan lagu dhawaaqin, taasina waxay keentay in Dowladda Somalia ay arrinta soo fara geliso.

Ilo ku dhow xafiiska madaxweynaha Somalia ayaa inoo sheegay in dowlada England ay sheegtay inay tix gelineyso codsigii madaxweynaha maadaama Soomaaliya ay na mar walba dooneyso wixii Soomaalida dan ah, islamarkaana aysan dowladda Somalia u dhinac mareyn dalka.

Baarlamanka Soomaaliya oo cod aqlibiyad h ku ansixiyay R/W Saacid.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta Cod caqilibadleh waxaa uu ka helay baarlamanka Soomaaliya oo dalbaday in la horkeena Ra’iisul Wasaaraha Sida lagu balansaana maanta ayuuna hortagay.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta hortagay Baarlamanka waxaana Mudanayaasha Baarlamanka ay u muujiyeen in raali ay ka yihiin Ra’iisul Wasaare Saacid.

215 Xildhibaan ayaa ansixiyay Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya iyadoo cadka uu ahaa mid gacan taagasha ah.

Gudoomiyaha Baarlamanka Proff.Jawaari iyo ku xigeenadiisa ayaa goobjoog ka ahaa madasha Baarlamanka ay ku taageereen Shirdoon.

Madaxwaynaha dalka Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa Sidoo kale ayaa ka qaybgalay Shirkan kaas oo goordhow soo dhamaaday.

Website Cusub oo ka duwan kuwii hore oo Hawada soo galay.

Dhamaan waxaa lagu wargelinayaa bulshada Somaliyeed in hawada uu kusoo biiray Website afka Soomaaliga iyo afka English-ka wax ku qora si deg deg ahna usoo gudbinaya dhacdooyinka Soomaaliya iyo Caalamkaba.

Webkaan oo la magac baxay www.somaliawitness.com ayaa waxa uu yahay mid ay akhristayaashiisu ka heli doonaan warbixino u badan dhacdooyinka markaasi taagan, arimaha layaabka, diinta, dhaqanka iyo waxyaabaha dahsoon oo bulshada usoo bandhigi doono.

Waxaa ka howlgalaya Webka www.somaliawitness.com saxafiyiin ku taqasusay qorista wararka iyo warbixinada waxaana ay mar waliba soo bandhigeysaa warar hufan oo xaqiiq ah.

“XOG”: Baarlamanka Somalia mise Baarlamanka Ingiriiska?

Bismillaah, Dalka Masar ayaa sanadkan dooraashadii ka dhacday waxaa loo diiday in uu ka qeyb qaato mid kamid ahaa musharaxiinti ugu cadcadeed doorashada, sababta lagu fogeeyana waxey aheyd in HOOYADII oo geeriyootay ey horay u heysatay sharciga daganaanshada mareykanka, sidaa darteed ayaana loogu diiday in uu wadanka xil sare ka qabto.

Dalkeena Soomaaliya waxaa ka jirto xaalad ka duwan midaa aan kor kusoo xusnay, qofka doonayo in uu xil qabto wuxuu ku faanaa in uu heesto jinsiyad wadan kale, toban eray marki uu ku hadlo sagaal kamida waa af qalaad, ingiriis ama talyaani, wuxuu isku dayaa in uu muujiyo in uu ku hadlo luqad caalami ah, waxaana aamin sanahay in uusan khalad ku laheyn asagu, balse khaladka ey leedahay cidi ku qadarisa.

Marki aan eegno heykalka golaha shacabka Soomaaliyeed uu ku dhisanyahay waa heykal baqdin galinaya mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, inta badan xilibaanada cusub waxey horay ugu dhaarteen dalal kale in ey si daacad ah ugu adeegayaan, waxey saxiixeen warqado badan si ey u qaataan jinsiyado wadaman ajaanib ah, maantane waxey ku dhaarteen in ey u adeegayaan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo cabsi badan la qabo ayaa hadane la’ismoogeysiiyay oo danaha umada laga hormariyay, sidaas ayeyna ku noqdeen hey’ada ugu sareysa dowlada.

Doorashooyinkii madaxtinimada dalka waxey abuurtay shakiyo badan oo ku wajahan baarlamaanka, waa kee shidaalka ey ku dhaqaaqaan, yaa farta ugu fiiqay go’aanka ey isla wada qaateen, sidaas oo ey tahay hadane dadka oo idil waxey u oomanaayeen dowladnimo oo waa lasoo dhaweeyay go’aanadi ey gaareen.

Balse warki hore war soo dhaaf, xilibaandu kuma hadlaan afka Soomaaliga, mana fahmaan, gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamad Cusmaan Jawaari ayaa kulankii ugu dambeeyay ka sheegay in ey xilibaanada codsadeen in xeer hoosaadka baarlamaanka loogu tarjumo luqadaha carabiga iyo ingiriiska, dalabka qeybtiisa hore waa mid dastuuri ah, mana khaldana, waayoo luqada carabiga iyo tan Soomaaliga waa luqadaha rasmiga ah ee dalka sida ku cad dastuurka, balse waxaa fajiciso noqotay in xilibaan Soomaaliyeed uu yiraahdo afka Soomaaligaa ma fahmo ee English wax la’iigu sheego, taana waxey kor u qaaday baqdinti laga qabay gabi ahaanba golaha shacabka.

Soomaaliya waxaa si rasmi ah hogaanka ugu haya laba jinsiiladle aanan la hubin jinsiyada uu daacada u yahay, arimahaane waa in shacabku wacyi buuxa ka heestaa, hadii dastuurka Soomaaliya uusan xad u yeelin cida qaban karta hogaanka dalka ugu sareeya, waxaa ka dhalan karto cawaaqib xumo, waayoo lama hubo qofka sodon sano ku noolaa galbeedka waxa qalbigiisa ku jira iyo cida uu daacada u yahay.

Sida ku cad dastuurka Soomaaliya muwaadinka Soomaaliyeed waa loo ogolyahay in uu qaato jinsiyad kale, loomana diidana in uu xil ka qabto dowlada, BALSE waxaa lagama maarmaan ah in loo yeelo xad, sida in sadaxda masuul ee ugu sareysa dalka eysan qabanin cid aanan aheyn Soomaali barax tiran, halka qofka doonayo in uu kamid noqdo golayaasha kale ee dowlada lagu xiro shuruud adag sida in uu si sax ah u yaqaano afka Soomaaliga iyo dhaqanka Soomaalida iyo diinta islaamka, sidaa waxaa looga badbaadi kara in dalkeena laga maamulo meel aanan dareensaneyn.

Wabillaahi towfiiq 
W/Q Axmed Xalaal
[email protected]
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.

Ciidamada Amisom oo laga saarayo Stadio Muqdisho + Sawirro.

Dowlada Soomaaliya ayaa haatan waxaa ay ku howlantahay Sidii garooonka Stadio Muqdisho looga saari lahaa Ciidamada Amisom oo hada ay u tahay Xarun militeri.

Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Sportiga ayaa booqosho ku tagay garoonka waxaana ay damacsanyihiin inay dayactir ku sameeyaan.

Muqdisho waxaa hada ka socda Tartanka heerka koowaad ee dalkeena Soomaaliya waxaana jirta in baahi loo qabo garoomada kubada cagta ay dagan yihiin ciidanka Amisom sida Garoonka Stidio Muqdisho .

Daawo Muuqaalka Garoonka Sidii usu badalay






Man City oo diiradu u saaran tahay Daniele De Rossi iyo Sergio Busquets (Warbixin)

Tababaraha kooxda Manchester City Roberto Mancini ayaa dalabkiisii ugu dambeeyey 30 milyan oo ginni ugu u diri doona bisha Janaayo marka uu suuqu furmo xidiga qadka dhexe ee kooxda AS Rome Daniele De Rossi, sida ay qortay Majalada The Sun.

Macalinka City ayaa mar kale albaabka u garaaci doona Giallorosi, wuxuuna ka doonayaa 29 jirkaan dahabiga ah ee ka ciyaara qadka dhexe.

Laakiin City ayaa ku dhibaatoon doonta helida xidigaan, kaasoo lasoo sheegayo inuu khilaad kala dhexeeyo tababarihiisa Zdenek Zeman.

Dhanka kale Sky Blue ayaa shabaq kale u daad san yahay oo ay dooneyso inay ku hesho 24 jirka qadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona Sergio Busquets, waxayna City dooneysaa inay ka dhigto saxiixooda xiga ee xagaaga, sida uu werinaayo wargeyska Daily Mirror. Mancini ayaa doonaya inuu xidigaan ugu dambeyn kusoo biiriyo Etihad Stadium kasoo muddo dheer lala xiriirinaayey.

Chelsea iyo Manchester United ayaa xiiseynaayey Busquets, laakiin waa laha soo diiday dalabyo ay u direen.

Madaxweyne Xasan iyo R/W SAACID oo gaaray heshiis ka dhan ah qurbo joogta oo ku aadan Dowlada cusub.

Iyadoo goor dhow RW Saacid uu codka kalsoonida ka helay  Baarlamanka Soomaaliya,  ayaa waxa jira warar hoose oo sheegaya in Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaarahaba ay isku afgarteen in Qurba joogta lagu yareeyo xukuumada amaba aan lagu soo darin.

Labada Masuul ayaa sida lasheegay yareenta wasiirada waxay uga gol leeyihiin in layareeyo is qabqabsiga beelaha Soomaalida dhexdooda ah, iyo in Qurba joogta ay xukuumadihii hore aad ugu badnaayeen sidaa darteedna markaan lo baahanyahay in fursad lasiiyo aqoonya;hanada iyo siyaasiyiinta ku sugnayd gudaha Soomaaliya Xog Ogaalkana u ah xaalada Soomaaliya.

Qurba joogta Soomaaliyed ayaa bilooyinkii ugu danbeeyaybo waxay ahaayeen kuwo si saa’id ah ugu soo qulqulyay Muqdisho, kuwaasoo isugu jira kuwo dalxiis ahaan uyimid wadankooda Hooyo, iyo kuwo leh hami siyaasadeed, qurbo joogta qaar ayaaba mar hore Dib ugu laabtay wadamadii ay markii hore ka’imaadeen kadib markii ay waayeen kamid ahaanshaha baarlamanka Soomaaliyeed.

Xukuumadii Maxamed C/laahi Farmaajo ee uu ugu magac daray {TAYO} ayaa waxay ahayd xukuumad 80% ay wasiiradeeda ka imaadeen qurbaha islamarkaasna waxay ahaayeen wasiiro wax qabadkooda ay bulshada Soomaaliyeed ladhaceen oo wixii ay qabteen 6-da bilood la ogaa.

Hadaba shacabka Soomaaliyeed ayaa hada kawar sugaya sida uu RW Cabdi Faarax Shirdoon usoo xusho wasiirada cusub ee kamid noqon doona Xukuumadiisa, waxaana lafilayaa ineey ahaadaan kuwo kooban oo ay bulshada Soomaaliyed ku qancaan iyo Baarlamankaba.

Wafdi ka Socda IGAD oo lagu wado in maanta ay gaaraan Kismaayo.

Wafdi ka socda Urur Gobaleedka IGAD ayaa lagu wadaa in maanta ay gaaraan magaalada Kismaayo,waxaana ay noqon doontaa markii ugu horaysay ee wafdi ka socda Ururkaas uu gaaro Kismaayo Tan iyo Markii ay Dowlada la wareegtay.

Amaanka Magaalada Kismaayo ayaa maanta aad loo adkeeyay waxaana Ciidamada huwanta ay xaafadaha  magaalada ay ka dhex sugayaan Amaamnka.

Socdaalka Wafdiga Urur goboleedka IGAD ka socda ayaa waxaa ay tahay sidii ay  u indha indhayn lahaayeen Xaalada Nolaleed ee shacabka kismaayo iyo Waliba Sida Amaanka uu yahay.

Sidoo kale warar ayaa sheegaya inay Wafdiga ay ku jiraan gudi farsamo oo laga soo dhex xulay beelaha Jubooyinka iyo Gedo kuwaa qaban qaabinaya Shirwayne lagu soo dooranayo Maamul goboleed .

Todobaadkan gudahiisa ayaa lagu wadaa in Madax kale ay tagaan Kismaayo waxaana dayactir ku soconayaa garoonka diyaradaha Kismaayo oo ay ka soo dagayaan madaxdaas.

Odayaashii soo xulay Baarlamanka oo mudo toban maalmood loo qabtay inay Muqdisho ugu baxaan.

Mudo Tobon Maalmood ayaa loo qabtay in Odayaasha dhaqanka ee soo xulay Baarlamanka Soomaaliya kadib markii Madaxda dowlada ay u hanjabeen.

Odayaasha dhaqanka ayaa ku andoocanaya in Mudo Tobon maalmood ay Muqdisho ugu baxaan hadii kale ay dhibaato la kulmi doonaan.

Waxa la ogsoonaa in Odayaasha dhaqanka laga soo waday gobolada dalka Soomaaliya si ay u dhisaan Baarlaman taya leh markii intaas oo dhan ay qabteen ayaa waxaa hada ku socda hanjabaad.

Suldaan Caydaruus Faarax oo kamid ah Odayashii wax ka soo dhisay Baarlamanka ayaa sheegay in  Madax ka tirsan Xukuumadii hore ay kui amreen in Toban maalmood ay Muqdisho ugu baxaan.

Waxaa uu sheegay in loo keenay warqada digniin ah Isagoo dhanka kale Tilmaamay in loo diiday in Madaxwaynaha ay la kulmaan.

Daawo Video: Qaabka ay u dhaceyso Maxkamad la saarayo Somali dilay wiil ay xaaskiisa dhashay, New York.

Magaalada Buffalo ee gobolka New York ee dalka Mareykanka, waxaa ka socota maxkmad la saarayo nin Soomaali ah oo ku eedeysan inuu dilay wiil uu adeer u ahaa oo ay xaaskiisa dhashay.

Cali Maxamed Maxamuud, ayaa loo heystaa inuu mindiyeeyay illaa ay nafta ka dhacdo Cabdi Fatax Maxamuud, 17-kii April ee sanadkan.
Cali ayaa waxa bani aadannimada ka baxsan kula kacay 10 jirkaasi oo uu adeerka u ahaa, sida uu dacwad ooge Thomas Finnerty ka hor aqriyay Maxkamadda.

“Afka ayuu iskaalsho inta uga buuxiyay, kadibna sharooto ku qabtay, waxaana uu gacmaha kaga xiray fiilo koronto, isaga oo markaa kadibna 70 goor alwaax ku garaacay, ka hor inta uusan mindi gelin uu aasan nafta ka qaadin” ayuu yiri dacwad ooge Finnerty.

Waxaa sidoo kale maxkamadda soo istaagtay oo ka hadashay hooyada dhashay allaha u naxariistee Cabdi Fatax oo lagu magacaabo Shukri Bile, oo markii falka uu dhacayay shaqo ku maqneyd, wiilkeedana ku aamintay seygeedii.

Halkan ka daawo Video-ga Maxkamadeyna dhacdadan xanuunka badan. Waa laba Video, midka koowaad waa dacwad oogaha, kan labaadna waa qareenka difaaceysa Cali.

Video 1

Video 2

KASHIFAAD: Yaa Banneeyay Boobka Bacadlihii Xamar Weyne? + Video

Waxaa toddobaadyadaan la hadal hayay qorshe uu wado maamulka gobolka Banaadir oo dib loogu howlgalinayo bacadlihii hore ee degmada Xamarweyne, magaalada Muqdisho. Dhanka kalena waxaa jira cabashooyin sii badanaya oo ka soo yeeraya ganacsatadii hore ee suuqaasi oo maamulka gobolka Banaadir ku eedeeyay wax isdabamarin.

Waxay ganacsatadu ku doodayaan in uu dhulkaas oo horay ay u sharciyaysay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, uu haatan guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Nuur ( Tarsan) uu isku dayayo inuu dad kale dib ugu sharciyeeyo suuqaasi isagoo qolkiiba ka qaadanaya lacag qaddarkeedu yahay 2000 (laba kun) oo Doollar.

Haddaba markii aan arrinkaasi baaritaan ku sameynay ayaan ogaanay in ay wax ka jiraan eedeymaha ay ganacsatadu soo jeediyeen.

Suuqii bacadlaha ee degmada Xamarweyne oo ka mid ahaa suuqyada ugu caansan uguna waaweyn Afrikada Bari ayaa wuxuu gubtay bishii Disembar ee sanadkii 1983dii, halkaasna waxaa ku basbeelay hanti aad u fara badan, waxaana ku xoola-beelay kummaan ganacsato Soomaaliyeed ah.

Dadaal dheer ka dib, waxaa suurogashay in bacadlahaas dib loo dhiso xilligii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ayadoona mashruucaas ay wadajir u hirgaliyeen, dowladda hoose ee gobolka Banaadir iyo shirkaddii Caymiska Qaranka. Dhismaha bacadlaha cusub oo saddex dabaq ah wuxuu ka koobanyahay in kabadan 1000 dukaan, kuwaasoo xilligii dowladdii dhexe dib loogu qaybiyay, looguna sharciyeeyay ganacsatadii ku hanti beeshay musiibadii gubasho ee suuqii bacadlaha Xamarweyne.

Waxaa inoo suuragashay inaan la xiriirno waxna ka weydiino arrinkaan Dr Cabdi Axmed Siyaad oo muddo toban sano ka badan ahaa Garyaqaankii dowladda hose, isagoo muddo dheerna ahaa la taliyaha xagga sharciga ee duqa magaalada Muqdisho. Dr Siyaad, wuxuu sidoo kale bare ka ahaa kulliyaddii qaynuunka ee Jaamacaddii Soomaaliya, waaxdeeda qaynuunka madaniga ah. Mar aan wax ka weydiinnay waxa uu ka ogyahay murankan ku saabsan suuqa bacadlaha, ayuu garyaqaanku noo xaqiijiyay in suuqaas ay horay u sharciyaysay dolwaddii dhexe, loona qaybiyay ganacsatadii hore, ayadoo waliba ganacsade waliba lambarka dukaankiisa uu ku helay baqtiyaanasiib meel fagaare ah lagu qabtay.

War uu faafiyay telefashinka HCTV kuna saabsanaa shir jaraa’id oo ay magaalada Muqdisho ku qabteen ganacsatadii hore ee suuqa bacadlaha degmada Xamarweyne taariikhdu markey aheyd 27kii Julaay 2012, ayaa Ganacsatadu waxay ka codsadeen mas’uuliyiinta sarsare ee dowladda in ay wax ka qabtaan eedeymo ay u jeediyeen maamulka gobolka Banaadir taasoo ku aaddan in shaqsiyaad gaar ah maamulku uu siiyay dhismayaashii suuqaasi. Waxay ganacsatadu halkaas ku soo bandhigeen dokumentiyo kala duwan oo ay sheegeen in ay ka haystaan dowladdii dhexe ee burburtay 91kii iyo dowladihii ka dambeeyayba.

Guddoomiyihii hore ee ganacsatada suuqa bacadlaha ee degmada xamarweyne, xilligii dowladdii dhexe, ayaa kaga digay shaqsiyaadka doonaya in ay degaan suuqaasi, waxana uu ku eedeeyay guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Nuur Tarsan inuu si sharci darro ah ku qaybinayo dhulkaas, isagoo sheegay in Tarsan yiri bacadlaha arjiyo ha loo qorto 2000 (laba kun) oo doollarna ha la ii keeno.

Guddoomiyihii hore ganacsatada oo ay wajigiisa caro xooggani ka muuqato ayaa ka hadlay wixii ay kala kulmeen guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Nuur (Tarsan) markii ay cabasho arrinkaas ku saabsan ula tageen. Waxaana hadalladii guddoomiyihii hore ee ganacsatada ka mid ahaa:

” .. Waayahee dadkii hantidoodu ku gubatay 28 sano ka hor, intaasna soo taagnaay oo dowlad kasta u dacwoonaayay, oo xitaa dowladdii adiga kaa horreysay xafiiskaan aad joogto, xafiiskaan naftiisa looga soo ogolaaday oon waxba la siinnin oo sidii u taagan, xafiiskaan aad fadhiso naftiisana looga ogolaaday in ay qaybsadaan maxaad ka leedahay? maba idin qaabilaayow yiri”.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee ganacsatadii suuqa bacadlaha ee degmada Xamarweyne ayaa isna ka hadlay wajigabaxii ay kala kulmeen maamulka gobolka Banaadir, kadib markii ay isku dayeen in kulamo la yeeshaan mas’ uuliyiintaasi, isagoo sidoo kalena madaxda sarsare ee dowladda ugu baaqay in dhamaanba ganacsatadii suuqaasi xaqoodii dib loogu soo celiyo. Waxaana hadalladii guddoomiye ku xigeenka ka mid ahaa :

” Horto waxan u haynaa in guddoomiyaha gobolka Banaadir uu yahay madaxdeennii. Ha ahaatee markuu asaga yimid ayaa waxaan sameynay codsi inuu nala kulmo. Arrintaas ayada ah wajigabax ayaan kala soo kulannay. Nin yar oo asaga shaqaalihiisa ka mid ah ayuu nagu soo diray ow yiri nimankaan qaabili maayee xafiiska iiga saara. Horto gurigaan asoo dhisanow guddoomiyaha gobolku yimid, hortiis magaaladaan dadaa ka tagay sey ku timid iyo sey ku soo billaabatayna taariikhdeedii waa la hayaa”.

Dadka arrimahan la socda ayaa filayey mar haddii dalku uu yeeshay dawlad rasmi ah in ay tixgelin doonto sharciyadii dawladdii dhexe ee Soomaaliya, islaamrkaasna tixgelinayo ganacsatadii ay dawladdii dhexe siisay sharciyada dukaamada Suuqa Bacadlaha Xamarweyne..

Laakiin, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa (Oct 9, 2012) shirjaraa’id oo ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in 18-ka October 2012 la qaban doono bakhtiyeenasiib lagu dooranayo nambarada dukaamada Suuqa Bacadlaha Xamarweyne.

Arrintaasi waxay welwel weyn ku abuurtay ganaacsada Soomaaliyeed oo rajaynayey marka dalku yeesho dawlad rasmi ah in cabashayoon-kooda wax laga qaban doono, ay ugu horeyso in dawladdu tixgeliso sharciyadii dawladdii dhexe ay ku bixisay Suuqa Bacadlaha.

Sidoo kale arrintan haddii aan dawladdu wax ka qaban, waxay hordhac u noqon kartaa in la banaystay boobka bacadlaha Xamar weyne, sidaas oo kalena loo bannaysto dhammaan dhismayaashii dawladda, sida, tusaale ahaan in ciddii la doono bakhtiyaansiib lagu siiyo dhismihii Jaamacadda Gahayr iyo Lafoole, guriga madxafka Qaranka, madbacaddii Qaranka iwm.

Gabagabadii, si arrrintaas caddaalad darro aysan ugu dambayn, waxaa la gudboon Dawladda Federaalka Soomaaliya in ay ka hortagto oo joojiso bakhtiyaanasiibka la doonayo in loo dhigo dukaamada Suuqa Bacadlaha Xamarweyne. Isla markaasna arrintan u saarto guddi dhexdhexaad ah, gudddigaas oo dadkii sharciyada hore u haystay Bacadlaha ku wareejiya lamabardoodii sidii ay ugu sharciyaysay dawladdii dhexe.

  •  War cusub: Waxaa shalay Oct 17, 2012 uu afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cusmaan sheegay in dib loo dhigay baqtiyaanasiibka lagu qeybin lahaa qololka suuqa Bacadlaha Xamarweyne ilaa 25-ka Octobar 2012. Afhayeenka ayaa arrintaas asbuuca dib loogudhigay baqsiyaansiibka ay tahay “cillad farsamo”, waxana uu sheegay in 25-ka Oct baqsiyaanasiibka lagu qaban doono Hotel City Plaza ee Muqdisho.

Daawo Video-ga hoose oo ah July 27, 2012 warkii uu TVka Horn ka duubay Ganacsatadii Hore Ee Suuqa Bacadlaha Degmada Xamar. Ganacsatadaas oo  xitaa haysta Nuqulka Wargeyskii XIDDIGTA OKTOBAR oo ay ku qoran yihiin magacdooda iyo lambarada dukaamada ay xilligaas dawladii dhexe bixisay.

LIFAAQ:

July 2010 ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho waxaa loo doortay Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”, asagoo bedeley Eng C/risaaq Maxamed Nuur “Nuune” (oo xilkaas loo doortay Bishii November 2009), waxaana ka sii horeeyey Maxamed Cismaan Cali “Dhagaxtuur” (oo xilkaas la wareegey Nov 2008).

June 2007 ayaa dhismaha Suuqa Bacadlaha Xamar Weyne waxaa lagu wareejiyey Dawladdii Federaalka KMG ahayd. Munaasabadda lagu wareejinayey oo ka dhacday Suuqa Bacadlaha waxaa goob joog ka ahaa Maxamed Cusmaan (Dhagaxtuur) oo xilligaas ahaa guddoomiye ku xigeenka Duqa Magalad Muqdisho ee arrimaha Bulshada. Waxaana halkaasi ka hadlay horjoogihii kooxdii muddada soo haysay bacadlaha, Cusmaan Maxamuud Cawaale (Baynood), waxa uuna sheegay in intii ay hayeen ay kala kulmeen dhibaatooyin, isagoo sheegay in ay Maamulka Gobalka Banaadir ugu wareejiyeen si shuruud la’an ah.

Bacadlaha cusub ayaa la dhisay kaddib markii Suuqii hore ee Bacadlaha Xamarweyne uu gubtay bishii December ee sanadkii 1983. Waxaa markaas Dawladdii dhexe ee Soomaaliya ay sharci dukaamada bacadlaha ku siisay dadkii hantidoodu ku gubatey suuqa.

Waxaana hadda shacabka Soomaaliyeed ka filayaan dawladda rasmiga ah ee Soomaaliya yeelataya 21 sano kaddib in ay u caddaalad fasho ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa diyaarisay SomaliTalk

Saacid oo baarlamanka hor tagaya maanta iyo wareer dhinaca sharciga ah oo taagan. (Warbixin)

Wixii la sugaba, Waxaa maanta is arki doona ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia loo magacaabay Cabdi Faraax Shirdoon “Saacid” iyo baarlamanka Somalia, halkaasi oo la filayo inuu sharci ka noqdo, ama isaga soo noqdo.

Laba maalmood ka hor ayay ahayd markii guddoomiyaha baarlamanka uu ka codsaday ra’iisul wasaaraha inuu 48 saacadood gudahood ku hor yimaado baarlamanka, waxaana ay u muuqataa in Mr. Saacid uu arrintaas aqbalay.

Sida ay wararka nagu soo gaareen, ra’iisul wasaare Saacid ayaa maanta loo qaadi doonaa codka Kalsoonida, kadib marka uu jeediyo khudbad uu kaga hadlayo waxqabadkiisa.

Habeenadii ugu dambeeyay ayaa waxaa kulamo ku saabsan Ansixinta Ra’iisul wasaaraha ay ka socdeen Villa Somalia, kuwaasoo intooda badan ay yeelanayeen Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia.

Ilo wareedyo hoose ayaa sheegay in Xildhibaanada ay codka Kalsoonida ah siin doonaan Ra’iisul wasaaraha, iyagoo sheegay in xildhibaanada laga dhaadhiciyay inay codka kalsoonida ah ku ansixiyaan.

Hase yeeshee waxaa weli ay su’aalo ka taagan yihiin qaabka ansixinta xukuumadda, iyadoo dastuurka dalka uusan kala caddeyneyn in mar qura la wada ansixiyo ra’iisul wasaaraha iyo golihiisa wasiirada iyo in isaga marka hore la ansixiyo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa wada dadaal uu ku doonayo in marka hore la ansixiyo Ra’iisul wasaaraha si isla markaas loo dhaariyo uuna u soo dhiso dowlad.

“Talaabadan lagu ansixinayo Ra’iisul wasaaraha waa mid sax ah, waayo ra’iisul wasaare aan la dhaarin ma filayo inuu soo dhisi karo xukuumad, marka taas ayaa keenaysa in marka hore ra’iisul wasaaraha la ansixiyo” ayay mudanayaal dhorw ah sheegeen.

Warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya in Wasiirada lasoo magacaabayo ay qaar ka mid ah hadaba diyaarsan yihiin, kuwaasoo la sheegay inay u badan yihiin dadkii aan ka bixin dalka mudadii 20-sano ahayd ee uu burburku jiray.

AC Milan oo dooneysa inay lasoo wareegto xidiga Manchester United Luis Nani.

AC Milan ayaa dalab u diri doonta xidiga garabka uga ciyaara kooxda Manchester United Luís Carlos Almeida da Cunha [Nani], sida ay tebinayaan wargeysyada kasoo baxa gudaha dalka Talyaaniga.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee dalka Portugal ayaa sano iyo bar ka harsan tahay qandaraaskiisa United, waxana gabi ahaan burburay wadahadalo la doonayey in qandaraaska loogu kordhiyo.

Xidiga ayaana dhibaato kale ka abuuray kooxda markii uu garoonka tababarka ku feeray da’yarka dalka Talyaaniga Davide Petrucci, taasoo loo arkaayey wado beneysi ah inuu doonayo inuu ka tago Red Devils.

Nani ayaa ciyaaray kulankii guul darro 3-2 ah ay kooxdiisa kasoo gaartay Tottenham dhamaadkii bishii September laakiin waxaa laga saaray kooxdii la ciyaartay CFR Cluj iyo Newcastle United.

La Gazzetta dello Sport ayaa tebinaaya in Milan ay la xiriirtay wakiilka Nani Jorge Mendes iyagoo kala hadlaaya macquul ahaanshiyaha ay xidigaan kusoo qaadan karaan inta lagu guda jiro xagaaga.

Daawo Video: Xaflad aroos ah oo isu beddeshay goob dhimasho.

Xaflad aroos ah ayaa waxaa ka dhex dhacday dhimasho, gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka. Arrintan ayaa dhacday kadib markii meel hotel ah lagu qabtay laba xaflad oo meher ah, halkaasina uu ka dhashay buuq iyo is qab qabsi, ka dhex dhacay labada qoys ee arooska.

Mid ka mid ah dadkii arrintaasi ku lug lahaa ayaa mar qura looga dhagay wadnaha, oo markii dadka sugayay ammanka ay u qaadeen banaanka, si isbital loola cararo uu halkaasi ku geeruyooday.

Halkan ka daawo dhacdadan uu duubay wiil 15 jir ah oo isna u dabaal dagayay dhalashadiisa.

Fabregas: Hadii aysan Barca ahaateen waxaan xirfadeyda ciyaareed ku afjari lahaa Arsenal.

Cesc Fabregas ayaa sheegay inuu mustaqbalkiisa ku dhameysan lahaa kooxda Arsenal, hadii aysan Barcelona soo dalban laheyn.

Kabtnakii hore ee Arsenal ayaa ka tegay London wuxuuna ku laabtay kooxda ka dhisan Gobolkiisa ka dib markii uu xagaagii lasoo dhaafay kula biiray aduun lacageed dhan 35 milyan oo ginni.

Laakiin Fabregas ayaa muujiyey jaceylka uu u hayo kooxdiisii hore isagoo sheegay inuusan kaga biireen koox kale.

“Mar walba waxaan ku riyoon jiray anigoo u ciyaaraya Barca, laakiin murugo kuma aana qabin inaan la joogay Arsenal,” ayuu Cesc u sheegau saxaafada.

“Waxaan ku noolaa halkii aan doonayey, waa magaalada ugu qurxoon caalamka, waxaan la joogay koox cajiib ah oo heysata macalin wanaagsan iyo taageerayaal daacad ah.

“Xaaladu ma aysan aheyn noolow ama dhimo markii aan ka tegaayey Arsenal. Hadii aysan Barcelona isoo dalban laheyn waxaan inta ka dhiman xirfadeyda ciyaareed kusoo afmeeri lahaa Arsenal. Taas ayaa hubaal ah.”

Alejandro Sabella oo amaanay Messi ‘Wey ku adag tahay inuu si xun u ciyaaro’

Tababaraha xulka Argentina Alejandro Sabella ayaan qarsan farxada uu ku qabo bandhiga fiican ee xidiga kooxda Barcelona Lionel Messi, kaasoo furtay akoonkiisa gool dhalinta xulka.
Isagoo la hadlaayey saxaafada ayuu sharaxay 57 jirkaani sida uu Messi qeyb kaga yahay guulaha La Albiceleste.

“Wey ku adag tahay inuu si xun u ciyaaro. Hada wuxuu u ciyaaraa si aad u wanaagsan, intaas ka sokoow, wuxuu dhaliyaa goolal badan,” ayuu u sheegau saxaafada Koonfur America.

“Marka aad heysato ciyaaryahan leh tayada Messi oo kale waa muhim inuu xasilanaado, xasilooni iyo deganaan. Waa Group adag.”