KASHIFAAD: Yaa Banneeyay Boobka Bacadlihii Xamar Weyne? + Video

By Asad Cabdullahi Mataan

Waxaa toddobaadyadaan la hadal hayay qorshe uu wado maamulka gobolka Banaadir oo dib loogu howlgalinayo bacadlihii hore ee degmada Xamarweyne, magaalada Muqdisho. Dhanka kalena waxaa jira cabashooyin sii badanaya oo ka soo yeeraya ganacsatadii hore ee suuqaasi oo maamulka gobolka Banaadir ku eedeeyay wax isdabamarin.

Waxay ganacsatadu ku doodayaan in uu dhulkaas oo horay ay u sharciyaysay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, uu haatan guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Nuur ( Tarsan) uu isku dayayo inuu dad kale dib ugu sharciyeeyo suuqaasi isagoo qolkiiba ka qaadanaya lacag qaddarkeedu yahay 2000 (laba kun) oo Doollar.

Haddaba markii aan arrinkaasi baaritaan ku sameynay ayaan ogaanay in ay wax ka jiraan eedeymaha ay ganacsatadu soo jeediyeen.

Suuqii bacadlaha ee degmada Xamarweyne oo ka mid ahaa suuqyada ugu caansan uguna waaweyn Afrikada Bari ayaa wuxuu gubtay bishii Disembar ee sanadkii 1983dii, halkaasna waxaa ku basbeelay hanti aad u fara badan, waxaana ku xoola-beelay kummaan ganacsato Soomaaliyeed ah.

Dadaal dheer ka dib, waxaa suurogashay in bacadlahaas dib loo dhiso xilligii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ayadoona mashruucaas ay wadajir u hirgaliyeen, dowladda hoose ee gobolka Banaadir iyo shirkaddii Caymiska Qaranka. Dhismaha bacadlaha cusub oo saddex dabaq ah wuxuu ka koobanyahay in kabadan 1000 dukaan, kuwaasoo xilligii dowladdii dhexe dib loogu qaybiyay, looguna sharciyeeyay ganacsatadii ku hanti beeshay musiibadii gubasho ee suuqii bacadlaha Xamarweyne.

Waxaa inoo suuragashay inaan la xiriirno waxna ka weydiino arrinkaan Dr Cabdi Axmed Siyaad oo muddo toban sano ka badan ahaa Garyaqaankii dowladda hose, isagoo muddo dheerna ahaa la taliyaha xagga sharciga ee duqa magaalada Muqdisho. Dr Siyaad, wuxuu sidoo kale bare ka ahaa kulliyaddii qaynuunka ee Jaamacaddii Soomaaliya, waaxdeeda qaynuunka madaniga ah. Mar aan wax ka weydiinnay waxa uu ka ogyahay murankan ku saabsan suuqa bacadlaha, ayuu garyaqaanku noo xaqiijiyay in suuqaas ay horay u sharciyaysay dolwaddii dhexe, loona qaybiyay ganacsatadii hore, ayadoo waliba ganacsade waliba lambarka dukaankiisa uu ku helay baqtiyaanasiib meel fagaare ah lagu qabtay.

War uu faafiyay telefashinka HCTV kuna saabsanaa shir jaraa’id oo ay magaalada Muqdisho ku qabteen ganacsatadii hore ee suuqa bacadlaha degmada Xamarweyne taariikhdu markey aheyd 27kii Julaay 2012, ayaa Ganacsatadu waxay ka codsadeen mas’uuliyiinta sarsare ee dowladda in ay wax ka qabtaan eedeymo ay u jeediyeen maamulka gobolka Banaadir taasoo ku aaddan in shaqsiyaad gaar ah maamulku uu siiyay dhismayaashii suuqaasi. Waxay ganacsatadu halkaas ku soo bandhigeen dokumentiyo kala duwan oo ay sheegeen in ay ka haystaan dowladdii dhexe ee burburtay 91kii iyo dowladihii ka dambeeyayba.

Guddoomiyihii hore ee ganacsatada suuqa bacadlaha ee degmada xamarweyne, xilligii dowladdii dhexe, ayaa kaga digay shaqsiyaadka doonaya in ay degaan suuqaasi, waxana uu ku eedeeyay guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Nuur Tarsan inuu si sharci darro ah ku qaybinayo dhulkaas, isagoo sheegay in Tarsan yiri bacadlaha arjiyo ha loo qorto 2000 (laba kun) oo doollarna ha la ii keeno.

Guddoomiyihii hore ganacsatada oo ay wajigiisa caro xooggani ka muuqato ayaa ka hadlay wixii ay kala kulmeen guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Nuur (Tarsan) markii ay cabasho arrinkaas ku saabsan ula tageen. Waxaana hadalladii guddoomiyihii hore ee ganacsatada ka mid ahaa:

” .. Waayahee dadkii hantidoodu ku gubatay 28 sano ka hor, intaasna soo taagnaay oo dowlad kasta u dacwoonaayay, oo xitaa dowladdii adiga kaa horreysay xafiiskaan aad joogto, xafiiskaan naftiisa looga soo ogolaaday oon waxba la siinnin oo sidii u taagan, xafiiskaan aad fadhiso naftiisana looga ogolaaday in ay qaybsadaan maxaad ka leedahay? maba idin qaabilaayow yiri”.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee ganacsatadii suuqa bacadlaha ee degmada Xamarweyne ayaa isna ka hadlay wajigabaxii ay kala kulmeen maamulka gobolka Banaadir, kadib markii ay isku dayeen in kulamo la yeeshaan mas’ uuliyiintaasi, isagoo sidoo kalena madaxda sarsare ee dowladda ugu baaqay in dhamaanba ganacsatadii suuqaasi xaqoodii dib loogu soo celiyo. Waxaana hadalladii guddoomiye ku xigeenka ka mid ahaa :

” Horto waxan u haynaa in guddoomiyaha gobolka Banaadir uu yahay madaxdeennii. Ha ahaatee markuu asaga yimid ayaa waxaan sameynay codsi inuu nala kulmo. Arrintaas ayada ah wajigabax ayaan kala soo kulannay. Nin yar oo asaga shaqaalihiisa ka mid ah ayuu nagu soo diray ow yiri nimankaan qaabili maayee xafiiska iiga saara. Horto gurigaan asoo dhisanow guddoomiyaha gobolku yimid, hortiis magaaladaan dadaa ka tagay sey ku timid iyo sey ku soo billaabatayna taariikhdeedii waa la hayaa”.

Dadka arrimahan la socda ayaa filayey mar haddii dalku uu yeeshay dawlad rasmi ah in ay tixgelin doonto sharciyadii dawladdii dhexe ee Soomaaliya, islaamrkaasna tixgelinayo ganacsatadii ay dawladdii dhexe siisay sharciyada dukaamada Suuqa Bacadlaha Xamarweyne..

Laakiin, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa (Oct 9, 2012) shirjaraa’id oo ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in 18-ka October 2012 la qaban doono bakhtiyeenasiib lagu dooranayo nambarada dukaamada Suuqa Bacadlaha Xamarweyne.

Arrintaasi waxay welwel weyn ku abuurtay ganaacsada Soomaaliyeed oo rajaynayey marka dalku yeesho dawlad rasmi ah in cabashayoon-kooda wax laga qaban doono, ay ugu horeyso in dawladdu tixgeliso sharciyadii dawladdii dhexe ay ku bixisay Suuqa Bacadlaha.

Sidoo kale arrintan haddii aan dawladdu wax ka qaban, waxay hordhac u noqon kartaa in la banaystay boobka bacadlaha Xamar weyne, sidaas oo kalena loo bannaysto dhammaan dhismayaashii dawladda, sida, tusaale ahaan in ciddii la doono bakhtiyaansiib lagu siiyo dhismihii Jaamacadda Gahayr iyo Lafoole, guriga madxafka Qaranka, madbacaddii Qaranka iwm.

Gabagabadii, si arrrintaas caddaalad darro aysan ugu dambayn, waxaa la gudboon Dawladda Federaalka Soomaaliya in ay ka hortagto oo joojiso bakhtiyaanasiibka la doonayo in loo dhigo dukaamada Suuqa Bacadlaha Xamarweyne. Isla markaasna arrintan u saarto guddi dhexdhexaad ah, gudddigaas oo dadkii sharciyada hore u haystay Bacadlaha ku wareejiya lamabardoodii sidii ay ugu sharciyaysay dawladdii dhexe.

  •  War cusub: Waxaa shalay Oct 17, 2012 uu afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cusmaan sheegay in dib loo dhigay baqtiyaanasiibka lagu qeybin lahaa qololka suuqa Bacadlaha Xamarweyne ilaa 25-ka Octobar 2012. Afhayeenka ayaa arrintaas asbuuca dib loogudhigay baqsiyaansiibka ay tahay “cillad farsamo”, waxana uu sheegay in 25-ka Oct baqsiyaanasiibka lagu qaban doono Hotel City Plaza ee Muqdisho.

Daawo Video-ga hoose oo ah July 27, 2012 warkii uu TVka Horn ka duubay Ganacsatadii Hore Ee Suuqa Bacadlaha Degmada Xamar. Ganacsatadaas oo  xitaa haysta Nuqulka Wargeyskii XIDDIGTA OKTOBAR oo ay ku qoran yihiin magacdooda iyo lambarada dukaamada ay xilligaas dawladii dhexe bixisay.

LIFAAQ:

July 2010 ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho waxaa loo doortay Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”, asagoo bedeley Eng C/risaaq Maxamed Nuur “Nuune” (oo xilkaas loo doortay Bishii November 2009), waxaana ka sii horeeyey Maxamed Cismaan Cali “Dhagaxtuur” (oo xilkaas la wareegey Nov 2008).

June 2007 ayaa dhismaha Suuqa Bacadlaha Xamar Weyne waxaa lagu wareejiyey Dawladdii Federaalka KMG ahayd. Munaasabadda lagu wareejinayey oo ka dhacday Suuqa Bacadlaha waxaa goob joog ka ahaa Maxamed Cusmaan (Dhagaxtuur) oo xilligaas ahaa guddoomiye ku xigeenka Duqa Magalad Muqdisho ee arrimaha Bulshada. Waxaana halkaasi ka hadlay horjoogihii kooxdii muddada soo haysay bacadlaha, Cusmaan Maxamuud Cawaale (Baynood), waxa uuna sheegay in intii ay hayeen ay kala kulmeen dhibaatooyin, isagoo sheegay in ay Maamulka Gobalka Banaadir ugu wareejiyeen si shuruud la’an ah.

Bacadlaha cusub ayaa la dhisay kaddib markii Suuqii hore ee Bacadlaha Xamarweyne uu gubtay bishii December ee sanadkii 1983. Waxaa markaas Dawladdii dhexe ee Soomaaliya ay sharci dukaamada bacadlaha ku siisay dadkii hantidoodu ku gubatey suuqa.

Waxaana hadda shacabka Soomaaliyeed ka filayaan dawladda rasmiga ah ee Soomaaliya yeelataya 21 sano kaddib in ay u caddaalad fasho ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa diyaarisay SomaliTalk